Howlgalka Ciidammada NISA ee Degmada Wadajir (Sawirro)

Date:

Ciidammada  Nabad Sugida ee dowladda Soomaaliya ayaa maanta toogasho ku dilay labo nin oo madaafiic ka riday degmada Wadajir, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha ammaanka.

Labada Nin ee la toogtay ayaa la sheegay in mid ka mid ah uu isku dayay inuu ciidanka iska caabiyo ka dibna uu galay Guri ku yaala degmadaasi Wadajir, iyadoo markii danbe ay toogteen Askartu.

Saraakiisha Ammaanka ayaa sidoo kale SONNA u sheegay Gaari ay wateen Ragaan oo ay ku xirnaayeen walxaha Qarxa in Ciidamadu ay qabteen hayeeshee markii Danbe uu Qarxay Gaarigaas.

Wasiirka Amniga Gudaha Maxamed Abuukar Islow (Ducaale) ayaa sheegay in shacabka ay la shaqeeyeen ciidanka ammaanka taas oo suurta gal ka dhigtay in laga hortago maleeshiyadaan caadaysatay inay shacabka Soomaaliyeed ay dhibaato u gaystaan.

Xalay ayay ahayd markii ciidammada ammaanka ay degmada Xamar Jajab ku qabteen labo nin oo qaf shacab ah ku dilay degmadaas, waxaana muuqatada Ciidammada ammaanka inay haatan xil wayn iska saareen sugidda ammaanka Caasimadda.

    

  

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Agaasimaha Laanta Afrika ee Xarunta Boqor Salmaan oo booqday Xarunta Daryeelka Agoonta ee Ummu Badr

Masuuliyiin ka mid ah Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka...

Soomaaliya oo daneyneysa kordhinta qoondada Xujeyda Xajka 𝟭𝟰𝟰𝟴𝗛/𝟮𝟬𝟮6

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha islaamka mudane...

Madaxweynaha JFS oo qaabilay Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa...

Muqdisho mar dambe ma mudna sumcad dilka dambe (WARBIXIN)

Wargeyska caanka ah ee The Economist ee ka soo...