Qoysas ku nool tuulooyin ka tirsan Jowhar oo ka cabanaya dhibaatooyinka Al-Shabaab

Date:

Qaar ka mid ah qoysas ku nool tuulooyin hoostaga degmada Jowhar ee xarunta Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa ka cabanaya dhibaatooyin ay ku hayaan haraadiga Al-Shabaab, kuwaasi oo dalbaday in laga dulqaado argagixisada Al-Shabaab.

Qaar ka mid ah qoysaskan oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa codsaday in maamulka Gobolka uu gacan ka geysto sidii looga dulqaadi laaha dhibaatada ay u geysanayaan Al-Shabaab, maadaama ay ka qaataan lacago baad ah.

Sidoo kale Al-shabaab ayaa qaar ka mid ah waddooyinka gala tuulooyinka ay ku dhuumaaleysanayaan ku aasay waxyaabaha qarxa.

Dhagarqabayaasha Al-Shabaab ayaa dadka ku nool tuulooyinka ku cabsi gelinaya in haddii ay ka baxaan tuulooyinka ay gacanta ku hayaan ay la kulmi doonaan dhibaatooyin.

Dhawaan ayay ahayd markii ay dabqabadsiiyeen Tuulo lagu magacaabao Gaal-leef oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka arrimaha dibadda oo qaabilay Danjiraha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Jabuuti

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda...

Wasaaradda arimaha dibadda JFS oo digniin ka soo saartay warar been abuur ah

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka...

Wasiirka Maaliyadda oo kulan la qaatay wafdi ka socda Qaramada Midoobay

Wasiirka Maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Biixi Iimaan...