Madaxweyne Farmaajo oo furay shir u dhexeeya dowlada dhexe iyo maamul goboleedyada

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed Farmaajo ayaa furey shir u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo Maamul Goboleedyada qeybta ka ah dowladda Federaalka.

Shirka waxaa goob joog ka ah Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre, waxaana inta uu socda looga hadli doonaa sidii loo xoojin lahaa xiriirka wada shaqeyneed ee u dhexe dowladda Federaalka iyo Maamul goboleedyada, xoojinta amniga.

Sidoo kale waxyaabaha kulanka looga hadlayo waxaa ka mid ah shir dhawaan la filayo in uu ka dhaco dalka Ingiriiska, kaasi oo ay dowladda qorsheyneyso inay la tegto ajende mid ah oo ka turjumaya xaaladda dalka.

shirka ayaa la filayaa marka uu dhamaado in laga soo saaro warmurtiyeed qeexaya waxyaabihii looga hadlay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya oo Beijing kaga qaybgashay shir looga hadlaya diyaar-garowga iyo ka-hortagga masiibooyinka

Magaalada Beijing ee dalka Shiinaha waxaa maanta ka furmay...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qayb galay dabaal-daga 1-da Luuliya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka...

Muqdisho oo si weyn looga xusayo 1-da Luuliyo

Magaalada Muqdisho waxaa ka socota munaasabad weyn oo loogu...