Daawo Sawirro” Shirka maanta furmay iyo Arimaha looga hadlay

Date:

Shirkan ayaa waxaa arimaha ugu muhiimsan waxaa kamid ah Xoojinta  xiriirka wada shaqeyneed ee dowladda federaalka iyo Maamul Goboleedyada, xasilinta amniga dalka iyo shir dhawaan la filayo in uu ka dhaco dalka Ingiriiska oo looga hadalayo horumarinta iyo taageeridda Soomaaliya, kaas oo ay dowladda Soomaaliya doonayso in ay la tagto qorshe mid ah isla markaana loo dhan yahay.

Madaxwaynaha jamhuuriyadda federaalka, mudane Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo ayaa furitaanka shirkan ka sheegay in waxa ugu weyn ee lagaga wada hadlayo ay tahay sugidda amniga qaranka, wuxuu madaxwayne Farmaajo cadeeyay muhiimadda ay leedahay in Soomaaliya ay yeelato hagista hawlaha ammaanka dalka.

Madaxwaynaha oo ka hadlayay qorshaha shirka London ayaa tilmaamay in dowladda dhexe iyo Maamulada xubnaha ka ah ay la tagayaan shirkaas wax ay ku midaysan yihiin, caalamkana ay tusayaan sida dadka Soomaaliyeed isugu duubanyihiin.

Shirka waxaa goob joog ka ahaa guddoomiyaha golaha shacabka, guddoomiyaha aqalka sare, Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ,waxaana lagu wadaa in maalinta barri ah la soo gabagabeey.

Dhanka kale, madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya mudane Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa maanta waraaqaha aqoonsiga danjirenimo ka gudoomay danjiraha cusub ee dowladda China u soo magacowday Soomaaliya.

Madaxweynaha oo xafiiskiisa ku qaabiley safiirka cusub ee China QIN JIAN ayaa kala hadlay xoojinta xiriirka labada dhinac iyadoo madaxweynuhu warbixin ka sii yaya xaaladda dalka uu marayo.

Dowlada China, oo kamid ah dalalka dhaqaalahooda uu aadka u xoogan yahay ayaa kamid ah dowladaha gacanta siiya Soomaaliya.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...