Mareykanka oo bamki ugu cuslaa xalay ku riday mintidiinta ka dagaallanta Afqaanistaan

Date:

Ciidamada Mareykanka ayaa la sheegay in ay xalay adeegsadeen mid ka mid ah Bambooyinka ugu waaweeyn ee Mareykanku heysto kaasoo aan Nukliyeer aheyn, waxeyna ku rideen godad ay kooxaha mintidiinta ah ku leeyihiin dalka Afqaanistaan.

Bamka oo lagu magacdarayo “hooyada bambooyinka” ayaa qaraxiisu waxa uu la eg yahay midka ay sameeyaan 11 tan oo ah maadada TNT, waxaana Maraykanku uu ku riday godad ay adeegsadaan mintidiinta gobolka Nangarhar.

Gudoomiyaha degmada Achin ee gobolkaasi, Ismaaciil Shinwari, ayaa sheegay in ay meel fog ka arkeen dhimbilo dab ah iyo qiiq ka kacay deegaanka uu bamka ku dhacay.

Taliyaha ciidanka Maraykanka ee ku sugan Afghanistan, Jen. John Nicholson, ayaa sheegay in bamkaasi uu yahay hubka ugu habboon ee lagu waabin karo kooxaha mintidiinta ah.

Afhayeen u hadlay madaxtooyada Afghanistan ayaa isna sheegay in bamkaasi uu khasaare lixaad leh u geystay mintidiinta.

Dhanka kale madaxweynihii hore ee Afghanistan, Xamiid Karzai, ayaa cambaareeyay adeegsiga bamkaasi, waxaana uu Maraykanka ku dhaliilay in uu dalkiisa ku tijaabinayo hub cusub.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda oo qaabilay Wefdi ka socday UNTMIS

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah JFS...

Wasiirka Arrimaha Dibadda JFS oo kulan sagootin ah la yeeshay Safiirka Dowladda Türkiye

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga JFS, Mudane...

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka cusub ee Jabuuti u fadhiya Soomaaliya

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Hay’adda Boqor Salmaan oo deeq waxbarasho gaarsiisay carruur agoon ah oo ku nool Baydhabo

Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay, Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya,...