Kulan dhaqaale loogu aruurinayay dadka abaartu saameysay oo lagu qabtay Finland

Date:

Kulankaan oo ahaa mid dhaqaale loogu u ruurinayay abaarha ka jira Soomaaliya,  waxaa soo qaban qaabiyay  dhaqaatiirta Soomaaliyeed ee ku nool dalka Finland,  waxaana ka soo qeybgalay qaar ka mid ah Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaasi, Ururro iyo dadkale oo samafalayaal  reer Finland.

Goobta kulanka taakuleynta abaaraha ay ka socotay waxaa lagu soo bandhigay  iibinta cuntooyin fudfudud,   Buugaag,  dharka Habluhu xirtaan, cilaan saar  iyo alaabo kale, waxaana dhammaan xeelahadaan cusub ee dhaqaalo u ruurinta daqligii ka soo baxa uu qeyb ka noqonayaa barnaamijka gargaarka abaraha Soomaaliya.

Qaar ka mid ah dhaqaatiirta iyo dadkii kale ee isku howlay inay dhaqaale u aruuriyaan abaarta ka jirta Soomaaliya oo la hadlay Telefishinka Qaranka ayaa sheegay in cuntooyinka iyo waxyaabaha kale ay yihiin kuwa loogu talagalay in lacagta ka soo xarooto loogu deeqo dadka ay abaartu ku heyso Soomaaliya, iyagoo Jaaliyadda Soomaaliyeed ka codsaday inay xoojiyaan dadaallada ay ugu gurmanayaan Walaalood ku dhibaateysan gudaha dalka.

Waa markii ugu horeysay oo kulan nuucaan oo kala ah ay isugu yimaadaan  dhaqaatiirta Soomaaliyeed ee dalka Finland ka howlgala iyo arday barata cilmiga caafimaadka, waxayna tusaale wanaagsan u noqonayaan Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee ku nool dalka dibadiisa.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

WARGELIN: DIIWAAN-GELINTA XOG-DHOWRAYAASHA IYO XOG-ADEEGSADAYAASHA

WARGELIN: DIIWAAN-GELINTA XOG-DHOWRAYAASHA IYO XOG-ADEEGSADAYAASHA Iyadoo la tixraacayo Qodobka 32-aad...

Jadwalka imtixaanka fasalka 8aad ee sanad dugsiyeedka 2025/2026 oo la shaaciyay

Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir ayaa si rasmi ah u...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo la kulmay Saraakiisha Ciidamada Xooga Dalka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed...

Taliska CXD oo war-saxaafadeed ka soo saaray weerarkii saakay ee magaalada Baydhabo

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS) waxa uu bulshada...