Taliyaha Ciidanka Asluubta oo kormeeray Qeybaha Xabsiga Dhexe uu ka kooban yahay

Date:

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Sarreeye Gaas Xuseen Xasan Cismaan ayaa maanta kormeeray Xabsiga Dhexe ee Xamar iyo Warshadda Farsamada Maxaabiista ee Xabsiga.

Taliyaha oo ay wehliyeen Taliye ku xiggeenka Labaad ee Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Cilmi Waasuge Colow iyo Saraakiil ka tirsan Ciidanka Asluubta ayaa soo indha-indheeyey sida Warshadda Farsamada Tababarka Maxaabiista ee Xabsiga dhexe ee Xamar ay u shaqeyso, isagoo Taliyaha boggaadiyey Maxaabiista Warshadaasi ka shaqeysa, kulana dardaarmay in ay ka faa’iideystaan Fursadda qaaliga ah ee ay heystaan, sidoo kalana Gen Xuseen ayaa tagay Warshada Bulukeetiga soo saarta  ee Xabsiga dhexe ee Xamar, xilligaasi oo Warshadda Shaqaalaheeda oo Maxaabiis ah ay ku hoolanaayeen soo saarka Bulukeeti Taliska laga soo dalbaday.

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Sarreeye Gaas Xuseen Xasan Cismaan, ayaa sidoo kale qeybaha Xabsiga dhexe uu ka kooban yahay soo maray, waxaana uu u sheegay Taliska Xabsiga dhexe in la dar dar galiyo Shaqada socota,oo halkii ay mareysay laga jaan qaado  islamarkaana uu yimid isla xisaabtan dhab ah, dib u dhac yarna aan la oggolaan doonin.

—DHAMMAAD—

Xafiiska Warbaahinta ee

Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed

Email:- Asluubta.media@gmail.com

Muqdisho-Soomaaliya

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Xaquuqul Insaanka Qaranka oo war ka soo saaray dhacdo ka dhacday Jubbada Hoose

Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Soomaaliyeed (GMXIQ) ayaa...

Wasaaradda Shaqada fariin u dirtay shaqaale waynaha Soomaaliyeed

War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha...

Liiska xubnaha ku guuleystay Golaha Wakiilada K/Galbeed oo la shaaciyay

Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka iyo Xuduudaha Soomaaliya ayaa...

Wasiirka Warfaafinta oo kulan miro dhal ah la qaatay Danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...