Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalka Suudaan oo kaalmo dhaqaale u soo diray Guddiga Qaran ee abaaraha

Date:

Munaasabadan oo lagu gudbinayay lacagu ay aruuriyeen Guddiga Abaaraha ee Sudaan isla markaana loo gudbinayay Guddiga Heerka Qaranka ee abaaraha Soomaaliya ayaa waxaa ka soo Qaybgalay Jaaliyadda, Ganacsato, Aqoonyahanno, Salaadiin, iyo Madax ka socotay Safaaradda Soomaaliya ee dalka Sudaan.

Guddoomiyaha Guddiga Abaaraha ee Sudaan Dr Cabdi Fataax Maxamed Barqadle oo ka hadlay munaasabada ayaa sheegay inay soo aruuriyeen lacag gaareysa $ 20,700 isla markaane ay u direen guddiga heerka Qaran ee abaraha Soomaaliya gaar ahaan Sheekh Nuur Baaruud โ€œGurxanโ€

Dhanka kale Waxaa Munaasabadda hadlay Guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Sudaan Cabdi Wali Xasan Xuseen iyo Suldaan Kamaal oo Ka mid ah Guddiga Abaaraha ee Sudaan waxeyn dhamaantood u mahad celiyeen Guddigii isku xilsaaray inay soo Aruuriyaan Lacagahaasi.

Sido kale waxaa munaasabada ka hadlay danjiraha Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Suudaan Danjire Maxamed Cabdullaahi Ogaas oo mahadcelin balaaran u jeediyay cid walba oo ka qayb gaadatay samata bixinta Walaalahood.

Gabagabadii munaasabadda waxaa shahaado Sharaf la guddoonsiyay Guddigii ka koobnaa 15 xubnood ee habeen iyo maalin u tagnaa inay soo aruuriyaan lacagahaasi si loo badbaadiyo dadka abaartu saameysay.

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya oo ka qayb gashay Shirweynaha 2-aad Hoggaamiyeyaasha Garsoorka Afrika

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Baashe...

Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo war kasoo saartay colaada Degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS)...

Hoggaamiyaha DG Koonfur Galbeed oo la kulmay Guddoomiyaha Hayโ€™adda SODMA

Hoggaamiyaha Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed...