Madaxwaynaha Soomaaliya oo la kumay Dhaxalsugaha Abu-Dhabi

Date:

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa kula kulmay magaalada Abu Dhabi Caasimadda dalka Imaaraadka Carabta ee Midoobay, Dhaxalsugaha Abu Dhabi ahna Abaanduulaha ciidamada qalabka sida ee dalkaasi Sheikh Mohammed bin Zayed Al Nahyan.

Kulanka oo ka dhacay qasriga badda, ayaa looga wada hadlay xiriirka walaalnimo ee labada dal , qaabkii lagu xoojin lahaa, loona horumarin lahaa danaha labada dal.

Intii kulanka uu socday ayaa lagu soo bandhigay iskaashiga ย labada dal ee dhinacyada kala duwan sida mashaariic horumarineed oo Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta ay fulineyso oo u dan ah shacabka Soomaaliyeed, si dib loogu dhiso heyโ€™adaha qaran ee Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa soo bandhigay dadaalka dowladdiisa ay ugu jirto la dagaallanka argagaxisada iyo si loo sugo amniga iyo deganaanshaha Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa muujiyay in Soomaalida ay uga mahadcelinayaan Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta taageeradeeda joogtada waxuuna tilmaamay in shacabka Soomaaliyeed ay mudnaan iyo tixgelin siinayaan aragtida wanaagsan ee Dowladda Isutagga Imaaraat-ka Carabta.

Madaxwayne Farmaajo wuxuu carabka ku adkeeyayย  tixgelinta uu u hayo Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta iyo hoggaankeeda taageerada xiriirka ah ee ay u fidiyeen shacabka Soomaaliyeed xilligii adkaa , isaga qiray kaalinta wax ku oolka ah iyo midda sokeeyenimo ee Sheikh Mohammed bin Zayed Al Nahyan uu u haayo dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Dhankiisa, Sheikh Mohammed bin Zayed Al Nahyan waxa uu sheegay in Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta ee uu hogaamiyo Madaxweyne Sheikh Khalifa bin Zayed Al Nahyan ay sii wadi doonto taageeridda walaalaha Soomaaliya, ayna ka caawin doonto dib u dhiska heyโ€™adaha qaran si loo taageero amniga , deganaanshaha iyo horumarka, isaga oo u rajeeyay shacabka Soomaaliyeed barwaaqo, horumar iyo inuu ku guulaysto hiigsiga iyo yididiilada ay doonayaan inay gaaraan

Sheikh Mohammed bin Zayed Al Nahyan waxa uu tilmaamay in Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta ay ballan-qaadeyso sii socoshada xiriirka taariikhiga ah ee kala dhexeeya shacabka Soomaaliyeed, waxa kale oo yiri โ€œDowladda Isutagga Imaaraadka Carabta waxa ay is garabtaagi doontaa, taageeri doontaa dadaalka Madaxweyne Farmaajo ee hiigsanaya amniga, deganaanshaha iyo horumarka

Waxaa dhanka Dowladda Federaalka Soomaaliya uga qeybgalay kulankaasi Wasiirka Arrimaha Dibadda Amb. Yuusuf Garaad Cumar Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Cabdulqaadir Macallin Nuur, Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada, Xuseen Sheekh Cali Lataliyaha amniga qaranka ee Madaxweynaha iyo tiro kale oo masโ€™uuliyiin ah.

Dhanka Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta waxaa ka qayb galay Dr. Anwar bin Mohammed Gargash Wasiiru dowlaha arrimaha dibadda, Ali bin Hammad Al Shamsi kuxigeenka Xoghayaha guud ee Golaha sare ee amniga qaranka iyo Mohammed Mubarakย  Al Mazrouei Agaasimaha diiwaanka Dhaxalsugaha Abu Dhabi.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kursiga lambarkiisu ahaa GSH 248 oo la buuxiyay

Dhuusamareeb, Maxamed Cabdi Xasan (Afweyne) ayaa loo doortay xildhibaan...

SoDMA oo gargaar gaarsiisay deegaanno ka tirsan Shabeellada dhexe

Hayโ€™adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA) ayaa gargaar baniโ€™aadannimo oo...

Soomaaliya iyo Masar oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dowladood

๐–๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ฎ ๐ƒ๐จ๐ฐ๐ฅ๐š๐ก๐š ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐š๐๐๐š ๐‚๐š๐๐š๐š๐ฅ๐š๐๐๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐€๐ซ๐ซ๐ข๐ฆ๐š๐ก๐š ๐ƒ๐š๐ฌ๐ญ๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ค๐š ๐—๐…๐’, ๐ƒ๐š๐ง๐ฃ๐ข๐ซ๐ž...