Maamulka Hobyo oo soo furtay doon afduub loo heystay

Date:

Guddoomiyaha degmada Hobyo, Cabdullaah Axmed Cali, oo la hadlay Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA, ayaa sheegay in iyagoo kaashanaya guurtida deegaanka ay soo furteen doon ganacsi oo ay xeebaha Galmudug ku heysteen kooxaha burcad badeedda Soomaalida.

Guddoomiyaha ayaa SONNA u sheegay in iyadoo la adeegsanayo awood ciidan la soo badbaadiyay labo kamid ah shaqaalaha doonta Al Kowsar oo dhalashadoodu tahay Indian iyo doontii afuubka loo heystay.

“Ciidamo si gaar ah u tababaran oo kaashanay odayaasha deegaanka ayaa soo furtay doon u rarneyd ganacsato Soomaaliyeed iyo laba kamid ah shaqaalihii la socday doontaasi oo dhawaan laga soo afduubtay xeebaha u dhexeeya Soomaaliya iyo Yeman, hadda shaqaalahaasi wey caafimaad qabaan doontiina gacanteena ayay ku jirtaa” ayuu yiri Mudane Cabdullaahi Axmed Cali.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in ciidamada Ammaanka ay hadda hu howlan yihiin sidii u soo badbaadin lahaayeen sideed kamid ah shaqaalihii la socday doonta, kuwaas oo burcadbadeeddu hore uga dajiyeen doonta isla markaana lagu hayo dhulka xeebta ah deegaanada Galmudug.

Ugu dambeyntii maamulka degmada Hobyo waxa ay sheegeen in aan la aqbali karin in falal burcad badeednimo la xiriira laga abaabulo deegaankooda, isagoo ugu baaqay burcadbadeedda in ay xorriyaddooda u soo celiyaan muwaadiniinta Hindida ah ee ay afduubka ku heystaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

WAFDI UU HOGGAAMINAYO GUDDOOMIYAHA HAY’ADDA SODMA OO GAARAY MAGAALADA BELEDWEYNE

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin...

MUDANAYAASHA GOLAHA SHACABKA OO KA DOODAY HINDISE SHARCIYEEDKA ISKAASHIGA GARSOORKA CAALAMIGA AH

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo kulan la Yeeshay Wakiilka Cusub ee Hay’adda WHO ee Soomaaliya

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah...

HOGGAAMIYAHA KOONFUR GALBEED OO AQALKA MADAXTOOYADA KU QAABILAY ODEYAASHA DHAQANKA KOONFUR GALBEED SOOMAALIYA.

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...