Guddoomiyaha Gobolka Shabeelaha Hoose oo Wanla weyn kula kulmay odoyaal iyo saraakiil ciidan

Date:

Guddoomiyaha Gobolka Shabeelaha Hoose Ibraahim Aadan Cali Najax iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray degmada Wanla weyn ee gobolka, halkaasi oo uu kulamo kula qaatay odoyaasha dhaqanka iyo qeybaha bulshada kale ee halkaasi ku nool.

Kulanka waxaa goob joog ka ahaa Guddoomiye ku-xigenka Gobolka, Guddoomiyaha Ururka Haweenka ee gobolka kan maamulka degmada iyo qaar ka mid ah saraakiisha amniga, waxaana kulanka looga hadlay sidii bulshada degmada ay uga qeyb qaadan lahaayeen xoojinta amniga iyo xalinta iska hor imaad dhexmaray ciidanka dowladda ee ku sugan Degmada.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeelaha Hoose Ibraahim Aadan Cali Najax oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa tilmaamay inay ku guuleysteen xalinta ciidamadii dhawaan iska hor imaadka ku dhexmaray degmada, waxaana uu intaa ku daray in qeybihii kulanka ka qeyb galay ay isku afgarteen in markale aysan soo laaban falalka nuucaani oo kale ah.

Guddoomiyaha Gobolka ayaa xusay in sidoo kale ay xaliyeen cabashooyin ay qabeen qaar ka mid ah wadayaasha gaadiidka xamuulka qaada oo uu sheegay in xilliyada Roobka ay la kulmaan caqabado badan.

Maxamed Cali Cumar Jubba

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA TACSIYEEYAY GEERIDA MARXUUM MAXAMED FAARAX JIIS

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Ciidanka Xoogga oo howlgal qorsheysan ka fuliyay gobolka Shabeellaha Dhex

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Kumaandooska Gorgor, ayaa...

In ka badan 1,100 qoys ayaa ka faa’iideystay deeq raashin ah oo la gaàrsiiyay

In ka badan 1,100 qoys ayaa ka faa’iideystay deeq...

Xilheynta xilalka heer gobolka iyo degmo ee maamulka K/Galbeed

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Dowladda Soomaaliya ayaa...