Munaasabad lagu abaalmariyey Ciyaartoy iyo haldoorka Soomaalida ayaa lagu qabtay Minnesota

Date:

Munaasabad si heer sare loo soo agaasimay oo loogu magac daray habeenkii horimarinta dhalinyarada iyo haldoorka Soomaalida Minnesota ayaa lagu qabtay magaalada Minneapolis ee dalka Maraykanka.

Munaasabadani oo la qabto sanadkiiba mar ayaa lagu taageeraa dhalinyarada Soomaalida oo da’dooda ay ka yar tahay 16 Sanno, Waxaana Munaasabadani soo buux dhaafiyey shacab taageersan waxqabadka Tababare Aadan Ugaas, Waxaana sidoo kale munaasabadani inta ay socotay lagu bixiyey abaalmarino la siiyey dadka wax ku soo kordhiyey bulshada Soomaalida.

Hadaba Aadan Ugaas oo barnaamijkani soo agaasimay, ayaa ka hadlay muhiimada ay leedahay in la taageero oo la garab istaago dhalinyarada Soomaalida si loo dhiso mustaqbalkooda.

Dhanka kale waxaa abaalmarino la siiyey dadka wax ku soo kordhiyey bulshada Soomaalida waxaana ka mid ahaa Maxamed Xasan Qolof oo ahaa garsoorayashii sida aadka ah loogu aamini jiray ciyaaraha cul culus isla markaana qaatay darajada baajka ee FIFA.

Intaasi ka dib Garsoore Maxamed Xasan Qolof ayaa isagane Abaalmarin Olombikada ah gudoonsiiyey Tababare Aadan Ugaas oo 10-kii sanno ee la soo dhaafay tababar siinayey caruur soomaaliyeed ee dagan gobolka Minnesota.

Dhanka kale dadkii abaalmarinta la siiyey ayaa waxaa ka mid ahaa Cabdala Bashiir oo ka mid ahaa ardaydii uu macalinka u ahaa Tababare Aadan Ugaas hadana ka soo baxay Jaamac. Si kastaba ha ahaatee jaaliyada Soomaalida ee Gobolka Minnesota ayaa fahamsan muhiimada ay leedahay in la hormariyo caruurta Soomaaliyeed ay ula jaanqaadaan jiilka jinkooda ah isla markaana mahadiyey barnaamijka uu wado Tababare Aadan Ugaas.

 

Liban Hussein

Warbaahinta Qaranka

Minneapolis

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee KGS oo ka qeyb-galay dhaarinta Wasiirka Amniga Gudaha KGS

Baydhabo, Abriil 9, 2026: Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee Dowladda...

Markabkii Shidaalka qodayay oo soo gaaray Muqdisho

Waxaa saaka xeebta magaalada Muqdisho soo gaaray markabka qodista...

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Switzerland u qaabilsan Soomaaliya

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi...

Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Dibadda oo kulan la yeeshay UNTMIS si loo dardargeliyo geeddi-socodka kala-guurka

Muqdisho, 8 Abriil 2026 Mudane Cali Maxamed Cumar, Wasiiru-Dowlaha...