Askar kamid noqoneysa Kumaandooska dalka oo tababar loo soo xirey

Date:

Wasiirka Gaashaandhiga dowladda Soomaaliya mudane Cabdi Rashid C/laahi Maxamed ayaa maanta tababar u soo xiray cutubyo ka tirsan Kumaandoos ciidanka xooga dalka oo lagu tababarey xero ciidan oo ay maamulaan dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta oo ku taala magaalada Muqdisho.

Munaasabada tababarka loogu soo xireyay ayaa mas’uuliyiintii ka qeybgashay waxaa kamid ahaa wasiirka warfaafinta iyo hanuuninta daweynaha ee xukuumadda Soomaaliya mudane C/raxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yariisow) iyo mas’uuliyiin kale.
Ciidamada Kumaandooska ee tababarka loo soo xirayay ayaa munaasbada kusoo bandhigay dhoolo tusyo cajiib ah ay la dhaceen mas’uuliyiinta kala duwan ee halkaasi ku sugneed, waxayna ciidamada muujiyeen awooda ay leeyihiin.

Qaar kamid ah ciidamadii tababarka loo soo xiray oo kaalmaha hore ka galay tababarka ayaa la guddoonsiiyay abaal marino, waxaana ciidankan ay ahaayeen kuwa u badan dhalinyaro aan qaarkood laheyn wax balwad ah muuqaal ahaana jirkoodu uu dhisnaa.

Wasiirka Gaashaandhiga Xukuumada Soomaaliya Cabdi rashid C/laahi Maxamed oo munaasabada ka hadlkay ayaa uga mahad celiyay dowlada Imaaraatka Carabta tababarka ay siiyeen ciidankan katirsan Kumanadooska Soomaaliya.

Waxaa uu sheegay Wasiirku in ay ciidankan yihiin kuwa u diyaarsan in dalka ka xoreeyaan cadowga , waxa uuna ku booriyay ciidankan cusub in ay noqdaan wadaniyiin u istaaga difaaca dalkooda ,diintooda iyo dadkooda.

Dalka Isutagga Imaaraadka Carabta ayaa waxaa ay dowladda Soomaaliya ka gacan siiyaan dib u dhiska ciidanka qalabka sida ee Soomaaliya, ayagoo sidoo kale dalka ka fuliya mashaariic horumarineed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS oo Salaadda Jimcaha kula oogay boqolaal shacab ah Masjidka Abuu Hureyra ee Suuqa Bakaaraha.

Muqdisho, Jannaayo 09, 2026; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo baxday.

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad u jeediyay...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo khadka taleefoonka kula hadlay dhiggiisa Singapore. 

Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga...

18 Khawaarij ah oo lagu dilay howlgal qorshaysan oo laga fuliyay Saakow.

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya saaxiibada caalamka, gaar...