Taliyaha cusub ee ciidanka Asluubta oo maanta xilka la wareegay+Sawirro

Date:

Munaasabad lagu qabtay Xabsiga dhexe ee Xamar ayuu maanta xilka kula wareegay Taliyaha cusub ee Ciidanka Asluubta Somaaliyeed S/Gaaz Xuseen Xasan Cismaan,  isagoo xilka kala wareegay Taliyihii hore S/Guud Bashiir Maxamed Jaamaca waxaana Xafladda xilwareejinta goobjoog ka ahaa R/Wasaare ku xigeenka Dowladda Federalka ah, Xeer ilaaliyaha guud ee qaranka, Wasiirka Caddaaladda, xildhibaanno ka tirsan Baaralamanka Federaalka ah iyo saraakiil ka tirsan Ciidanka Asluubta.

Taliyihii hore Ciidanka Asluubta S/Guud Bashiir Maxamed Jaamac ayaa sheegay in muddadii uu xilka hayay uu ku guuleystay arrimo ay ka mid yihiin dib u dhiska Xabsiga dhexe, kor u qaadista xuquuqda maxaabiista isagoo ka codsaday saraakiisha iyo ciidanka Asluubta in ay la shaqeeyaan Taliyaha cusub.

S/Gaaz Xuseen Xasan Cismaan Taliyaha cusub ee Ciidanka Asluubta ayaa ballan qaaday inuu dhameystiri diino mashaariicda lagu horumanayo Ciidanka Asluubta ee uu soo bilaabay Taliyihii hore.

Wasiirka Caddaaladda Dowladda Federaalka ah Abuukaate Xasan Xuseen Xaaji oo ka xadlay xafladda xilwareejinta ayaa xusay in Wasaaradda iyo xukuumaddaba ay xoogga saari doonaan dhismaha maxkamadda dastuuriga iyo golaha adeegga Garsoorka oo labaduma laf dhabar u ah hay’adaha garsoorka dalka.

R/Wasarae ku xigeenka Xukuumada Federaalka ah Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Qadar) ayaa kula dardaarmay Taliyaha cusub inuu xoogga saaro horumarinta Ciidanka Asluubta.

Xafladda xil wareejinta ah kaddib ayaa Taliyaha Ciidanka Asluubta Somaaliyeed iyo mas’uuliyiintii kale ee la socotay waxa ay kormeer ku smaeeyeen qeybo ka mid ah xabsiga dhexe ee Xamar si ay ugu kuurgalaan xaaladda xabsiga iyo Maxaabiista.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasaaradda Tamarta oo qabatay Shirweynaha Ansixinta Qaranka ee Mashruuca Amniga Biyaha

Sanduuqa Qaranka ee Maalgelinta Cimilada (National Climate Fund –...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Magaalada Seoul kula Kulmay Dhiggiisa Dalka Masar

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee...

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo ka Qayb galay Furitaanka Shirka Wasiirrada Kuuriya iyo Afrika ee magaaladda Seoul

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee...

Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha JFS oo kulan la qaatay Wasiirka Dhalinyarada iyo Isboortiga

Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee...