Taliyaha cusub ee ciidanka Asluubta oo maanta xilka la wareegay+Sawirro

Date:

Munaasabad lagu qabtay Xabsiga dhexe ee Xamar ayuu maanta xilka kula wareegay Taliyaha cusub ee Ciidanka Asluubta Somaaliyeed S/Gaaz Xuseen Xasan Cismaan,  isagoo xilka kala wareegay Taliyihii hore S/Guud Bashiir Maxamed Jaamaca waxaana Xafladda xilwareejinta goobjoog ka ahaa R/Wasaare ku xigeenka Dowladda Federalka ah, Xeer ilaaliyaha guud ee qaranka, Wasiirka Caddaaladda, xildhibaanno ka tirsan Baaralamanka Federaalka ah iyo saraakiil ka tirsan Ciidanka Asluubta.

Taliyihii hore Ciidanka Asluubta S/Guud Bashiir Maxamed Jaamac ayaa sheegay in muddadii uu xilka hayay uu ku guuleystay arrimo ay ka mid yihiin dib u dhiska Xabsiga dhexe, kor u qaadista xuquuqda maxaabiista isagoo ka codsaday saraakiisha iyo ciidanka Asluubta in ay la shaqeeyaan Taliyaha cusub.

S/Gaaz Xuseen Xasan Cismaan Taliyaha cusub ee Ciidanka Asluubta ayaa ballan qaaday inuu dhameystiri diino mashaariicda lagu horumanayo Ciidanka Asluubta ee uu soo bilaabay Taliyihii hore.

Wasiirka Caddaaladda Dowladda Federaalka ah Abuukaate Xasan Xuseen Xaaji oo ka xadlay xafladda xilwareejinta ayaa xusay in Wasaaradda iyo xukuumaddaba ay xoogga saari doonaan dhismaha maxkamadda dastuuriga iyo golaha adeegga Garsoorka oo labaduma laf dhabar u ah hay’adaha garsoorka dalka.

R/Wasarae ku xigeenka Xukuumada Federaalka ah Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Qadar) ayaa kula dardaarmay Taliyaha cusub inuu xoogga saaro horumarinta Ciidanka Asluubta.

Xafladda xil wareejinta ah kaddib ayaa Taliyaha Ciidanka Asluubta Somaaliyeed iyo mas’uuliyiintii kale ee la socotay waxa ay kormeer ku smaeeyeen qeybo ka mid ah xabsiga dhexe ee Xamar si ay ugu kuurgalaan xaaladda xabsiga iyo Maxaabiista.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya oo isu diyaarineysa ka qaybgalka ciyaaraha jaamacadda Carabta

Wasiirka Wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha XFS, mudane Maxamed Cabduqaadir...

Duqa muqdisho oo la kulmay safiirka Suudaan ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Dr....

Wasaaradda Warfaafinta iyo Jaamacadda Muqdisho oo kala saxiixday Heshiis Is-afgarad oo ku saabsan Horumarinta Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska

Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...

Taliyaha Boliiska oo Muqdisho ka daahfuray Mashruuca Nabadda iyo u Hiilinta Haweenka

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi...