Taliyaha cusub ee NISA oo xilka la wareegay

Date:

Munaasabadaan uu xilka kula wareegayey Taliyaha Cusub ee Haโ€™yadda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed C/llaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe ayaa waxaa ka qeyb galey Raโ€™isul wasaare ku xigeenka Xukuumadda Soomaalia avv Mahdi Maxamed Guuleed, Wasiirka Amniga Mudane Maxamed Abuukar Islow (Ducaale)ย  iyo ku Xigeenkiisa, Taliyayaasha Hogaanadda Haโ€™yadda iyo Saraakiil Ciidan

Taliyihi Hore ee Haโ€™adda Sirdoonka Soomaalia General Cabdullahi Gaafow Maxamuud ayaa ugu horeyn taliyaha cusub ku wareejiyey Documentiyo muujinaya xogaha iyo warbixino la xiriira shaqada hayโ€™adda NISA, isagoo sheegay in xiligan ciidanka nabad sugiddu ay hayaan howl adag oo ahmiyad gaar ah u leh bulshada Soomaaliyeed.

Taliyaha Cusub ee Haโ€™yadda Nabadsugida iyo sirdoonka soomaalia C/llaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe ayaa mahad celin kadib waxa uu balan qaaday in kor u qaadis iyo horumarin uu ku sameyn doono sahqada qaranku uu u wakiishay.

wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaalia Mudane Maxamed Abuukar Islow (Ducaale) oo isna munaasabada xil wareejinta ah hadal kooban ka jeediyey ayaa taliyaha cusub eeย  Sirdoonka Soomaalia u sheegey iney hortaalo shaqo culus loogana fadhiyo inuu kabaha la ilado Kooxda Ugus ee qaraxyadda dhiiga shacabka ku baneystay.

Raโ€™isul wasaare ku xigeenka Xukuumadda Soomaalia Mahdi Maxamed Guuleed ayaa ka sheekeeyey ahmiyadda Sirdoonku u leeyihiin Nabad galyadda Dal walba, dar daaran gaar ah ayuuna siiyey taliyaha Cusub iyo ciidamadda hayโ€™adda NISA .

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale