Taliyaha cusub ee NISA oo xilka la wareegay

Date:

Munaasabadaan uu xilka kula wareegayey Taliyaha Cusub ee Ha’yadda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed C/llaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe ayaa waxaa ka qeyb galey Ra’isul wasaare ku xigeenka Xukuumadda Soomaalia avv Mahdi Maxamed Guuleed, Wasiirka Amniga Mudane Maxamed Abuukar Islow (Ducaale)  iyo ku Xigeenkiisa, Taliyayaasha Hogaanadda Ha’yadda iyo Saraakiil Ciidan

Taliyihi Hore ee Ha’adda Sirdoonka Soomaalia General Cabdullahi Gaafow Maxamuud ayaa ugu horeyn taliyaha cusub ku wareejiyey Documentiyo muujinaya xogaha iyo warbixino la xiriira shaqada hay’adda NISA, isagoo sheegay in xiligan ciidanka nabad sugiddu ay hayaan howl adag oo ahmiyad gaar ah u leh bulshada Soomaaliyeed.

Taliyaha Cusub ee Ha’yadda Nabadsugida iyo sirdoonka soomaalia C/llaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe ayaa mahad celin kadib waxa uu balan qaaday in kor u qaadis iyo horumarin uu ku sameyn doono sahqada qaranku uu u wakiishay.

wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaalia Mudane Maxamed Abuukar Islow (Ducaale) oo isna munaasabada xil wareejinta ah hadal kooban ka jeediyey ayaa taliyaha cusub ee  Sirdoonka Soomaalia u sheegey iney hortaalo shaqo culus loogana fadhiyo inuu kabaha la ilado Kooxda Ugus ee qaraxyadda dhiiga shacabka ku baneystay.

Ra’isul wasaare ku xigeenka Xukuumadda Soomaalia Mahdi Maxamed Guuleed ayaa ka sheekeeyey ahmiyadda Sirdoonku u leeyihiin Nabad galyadda Dal walba, dar daaran gaar ah ayuuna siiyey taliyaha Cusub iyo ciidamadda hay’adda NISA .

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee KGS oo ka qeyb-galay dhaarinta Wasiirka Amniga Gudaha KGS

Baydhabo, Abriil 9, 2026: Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee Dowladda...

Markabkii Shidaalka qodayay oo soo gaaray Muqdisho

Waxaa saaka xeebta magaalada Muqdisho soo gaaray markabka qodista...

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Switzerland u qaabilsan Soomaaliya

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi...

Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Dibadda oo kulan la yeeshay UNTMIS si loo dardargeliyo geeddi-socodka kala-guurka

Muqdisho, 8 Abriil 2026 Mudane Cali Maxamed Cumar, Wasiiru-Dowlaha...