Maamulka Gobolka Bakool oo deeq gaarsiiyay qoysas barakacayaal ah

Date:

Maamulka Gobolka Bakool ayaa maanta deeq raashiin gargaar ah oo ka timid Jaaliyadda Soomaaliyeed oo ku dhaqan dalka Switzerland gaar ahaan Magaalada Zurich gaarsiiyey degaanka Tuboy oo ka tirsan Gobolka Bakool.

Deeqdaan oo ka kooban Bariis iyo Saliid  ayay Jaaliyaddu u soo wakiishteen in deeqdaan lagaarsiiyo Gobolka Bakool Cashar Xasan Cumar iyo Maxamed Abshir Kaahiye , waxaana ka faa’ideystay 70 qoys oo degan tuulada Tuboy oo noloshoodu aad u liidatay.

Gguddoomiye kuxigeenka Gobolka Bakool Cabdullaahi Maxamed Nuur  oo deeqdaan la socday ayaa u mahadceliyay Jaaliyadda Soomaaliyeed oo deeqdaan walaalahooda u soo dhiibay, wuxuna sheegay in cidii ku haboonayd ay gaarsiiyeen.

Guddoomiye ku-xigeenka Gobolka ayaa Jaaliyadda Soomaaliyeed ka codsaday in gurmad kooda ay sii laba laabaan maadaama Gu’ga uusan weli ka di’in degaanada Gobolka Bakool.

Degaankaan waxa magaalada Xuddur u jiraa 8km dadka ku nool waa muruqmaalato waxaana noloshooda saamaysay  abaarta,  mana haystaan Ceelal ay biyo ka cabaan waxay dhabarkooda u soo biyo dhaansi tagaan magaalada Xuddur ee xaruunta Gobolka Bakool.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Taliska Ciidanka Booliiska oo askarta hubeysan ka mamnuucay Mootada Fekonta

Taliska Ciidanka Booliiska Gobolka Banaadir ayaa mamnuucay in askari...

Guddoomiye Abshirow oo ka qeyb galay kulan aqoon-isweydaarsi ah

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka...

Bannaabax lagu diidan yahay xadgudubka Israa’iil oo ka socda Muqdisho

Bannaabax looga soo horjeedo xadgudubka maamulka Israa’iil uu ku...

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo kulan la qaatay odayaasha dhaqanka ee ku sugan Laascaanood

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulan miro-dhal ah...