Lataliyaha amniga Qaranka madaxweynaha oo fasiray hadalkii uu ku iclaamiyey xaalad dagaal

Date:

Lataliyaha  Amniga Qaranka madaxweynaha Soomaaliya, ayaa fasiraad ka bixiyey Iclaamintii madaxweynuhu ku sheegay in dalka uu ku jiro xaalad dagaal.

Xuseen Macallin oo ah taliyaha amniga Qaranka madaxweyne Farmaajo, ayaa ku micneeyey hadalkii madaxweynaha in aysan aheyn xaalad deg deg ah  ee micnuhu uu noqonayo diyaar-garow dagaal ka dhan ah kooxaha nabad-diidka.

Xuseen ayaa sheegay in tallaabadan ay ku timid kaddib markii madaxweynaha uu ballan-qaaday in uu mudnaan gaar ah siinayo amniga iyo la dagaallanka argagixisada, taas ayaana u suurogalisay in isbaddel uu ku sameeyo taliyeyaasha ciidammada dalka.

Lataliyaha , ayaa sheegay in xaalad dagaal micnaheedu uu noqon karo diyaar garoon dhanka ciidammada ah,  si loo qaado howlgallo ballaaran oo dalka looga sifeynayo kooxaha nabad-diidka.

Xaalad deg deg ah waa marka dalku ay soo wajahdo khadar u baahan in ay ka wada tashadaan hey’adaha dowliga ah ee uu ugu horreeyo Barlamaanka Federaalka, waxaa lagama maarmaan ah in ciidammada Qaranka ay helaan taageerada shacabka, si ay uga guuleystaan cadowga dalka iyo dadka, ayuu yiri Xuseen Macallin oo arrintaan wax laga weydiiyey

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Safiirka JFS ee dalka Hindiya oo xabsiga ku booqday Muwaadiniin Soomaaliyeed oo muddo ku xiran

Safiirka Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Hindiya ayaa...

Duqa Muqdisho oo kormeer shaqo ku tagay Xarunta Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....

Hodan oo ku soo baxday tartanka Ramadaan iyo jadwalka wareegga Afar dhamaadka oo la sameeyay

Degmada Hodan oo ka tirsan Gobolka Banaadir ayaa u...

Ex-Dable NISA Mukhtaar Shakuur Amiin oo dil toogasho ah lagu xukumay

Dable NISA Mukhtaar Shakuur Amiin, ayaa lagu edeeyay dilka...