QM oo sheegtay inay Soomaaliya kusoo celisay Qaxootigii ugu badnaa

Date:

Nairobi-(SONNA)-War qoraal ah oo kasoo baxay Xafiiska hay’adda xaqootiga adduunka ee UNHCR ay ku leedahay Magaalada Nairobi ayaa lagu sheegay inay Dalka Soomaaliya dib ugu celisay Dad ku dhow Lix Kun oo Qof oo ka tirsanaa Qaxootiga Dhadhaab.

Dadkan ay hay’addu sheegtay iney kusoo celisay Soomaaliya ayaa u badan Carruur, Haween iyo Waayeel, waxanay intaa ku dartay UNHCR iney weli socdaan howlaha daad gureynta Qaxootiga Soomaaliyeed ee ku nool Dalka Kenya.

UNHCR ayaa intaa ku dartay inay tan iyo Bishii December 2014-kii Soomaaliya dib ugu soo celisay 59,829 oo Qaxooti ah, kuwaasoo iyaga go’aansaday iney si madax bannaan ugu laabtaan Dalkooda Hooyo.

25-kii March ee Sanadkan ayay ahayd markii ay madaxda IGAD isugu yimmaaddeen Magaalada Nairobi shir looga hadlayay xaaladda Gobolka iyo Qaxootiga Soomaaliyeed ee ku nool Dalka Kenya.

Tallaabadan ay QM laanteeda Qaxootiga qaadday ayaa waxay qayb ka tahay heshiis Saddex geesood ahaa oo ay horay u wada gaareen Dowladda Federaalka Soomaaliya, Kenya iyo UNHCR.

Isha/ Today

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Taliyaha Boliiska oo xariga ka jaray Dhismaha Dugsiga Qur’aanka Kariimka ee Gabdhaha Agoonta Boliiska

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi...

Qaar ka mid ah Golaha Wasiirrada oo kormeer ku tagay goobaha laga qaadanayo kaarka codbixinta

Qaar ka mid ah Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...

Wasiirka Amniga Gudaha oo Hey’adda UNDP kala wareegay gaadiid loogu talagalay hay’adaha amniga

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo shacabka Caasimadda ugu baaqay inay qaataan kaarka codbixinta

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane Xasan...