Golaha Wasiirrada oo isbaddel ku sameeyey hoggaanka ciidanka Qalabka sida iyo Maamulka G. Banaadir

Date:

Muqdisho, Apriil 6.2017——Kulan aan caadi aheyn oo ay isugu yimaadeen Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ee uu shir guddoominayay Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Mudane Xasan Cali Kheyre ayay ku ansixiyeen isbadal lagu sameeyey hogaanada Talisyada Ciidamada Xooga, Boliiska, Asluubta, Nabadsugida, iyo maamulka gobolka Banaadir.

Ugu horeyn kulanka Golaha Wasiirada ayaa warbixin looga dhegeystay wasiirka amniga gudaha Mudane Maxamed Abuukar Islow Ducaale oo ka warbixiyay xaaladda amniga, isaga oo golaha u soo bandhigay qorsheyaal lagu sugayo amniga.

Sidoo kale, kulanka ayaa warbixin looga dhegeystay Ra’iisal Wasaare kuxigeenka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed oo madax u ahaa guddiga xil wareejinta Wasaaraddaha, waxaana uu xusay in inta badan Wasaaraddaha ay si habsami leh ugu kala wareejiyeen, isaga oo u mahadceliyay Wasiiradii hore oo si quman u wareejiyay xilalka Wasaaraddaha.

Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Kheyre oo golaha u soo bandhigay magacaabista Taliyeyaal cusub oo ciidanka Qalabka sida ay yeeshaan, waxaana dood iyo falan qeyn dheer kadib cod buuxda ku ansixiyeen Golaha Wasiiradu xubnahan hoos ku xusan.

1. Taliyaha Ciidanka Xoogga Jan. Maxamed Axmed Jimcaale Cirfiid
2. Taliyaha Hay’adda Nabadsugida C/llaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe
3. Taliyaha Ciidanka Boliiska Cabdixakiin Daahir Saciid (Saacid)
4. Taliyaha ciidanka Asluubta Jan. Xuseen Xasan Cismaan

Sidoo kale, Golaha Wasiirada ayaa ka dooday isbadal lagu sameeyo hogaanka maamulka gobolka Banaadir, dood dheer kadib waxa ay u codeeyeen in guddoomiyaha gobolka Baanaadir ahna duqa Muqdisho loo magacaabo Thaabit Cabdi Maxamed.

Ansixinta kadib, ayaa waxaa shirka golaha Wasiirada ku soo biiray madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo), isaga oo uga mahadceliyay isbdalada iyo dardargelinta howlaha Qaranka ee ay wadaan golaha Xukuumada.

Madaxweynaha ayaa xusay inuu kalsooni buuxda u hayo xubnahan la magacaabay ee hogaanka talisyada ciidanka, waxa uuna tilmaamay in wadanku wajahayo dagaal ka dhan ah kooxaha nabadiidka ah ee Al shabaab, Musuq maasuqa iyo Abaaraha.

“Dalku waxa uu ku jiraa xaalad dagaal, waxaana dooneynaa in hadda kadib, kooxaha nabadiidka aanaan sugin inta ay shacabka Qarxinayaan oo ay dhibaateynayaan, waxaan rabnaa inaan anagu weerarno, goobaha ay joogaana ka sifeyno” ayuu yiri Madaxweynaha oo ka hadlayay kulanka golaha, waxa uuna shacabka ka codsaday inay garabsiiyaan ciidamada Qaranka.

—-DHAMMAAD—-

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Maxkamadda Ciidamada qalabka sida oo xukun toogasho ah ku fulisay dhagarqayaal Khawaarij ah

Maxkamadda Darajada 1-aad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa saaka...

Tababar ku saabsan qaab-dhismeedka Sanduuqa Cimilada Cagaaran oo Muqdisho lagu qabtay

Tababar ku saabsan Qaab-dhismeedka Sanduuqa Cimilada Cagaaran (Green Climate...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyeeyey geerida Dr Cumar Aaden Cadde

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Wasiirka Warfaafinta oo booqday Xarunta Dhexe ee Machadka Warbaahinta Al-Jazeera

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya...