20 Qof Oo Haween u Badan Oo Ku Geeriyooday Qarax Miino Shabeellaha Hoose

Date:

Muqdisho,(SONNA):-inta la xaqiijiyay 20 Qof oo Haween u badan ayaa ku geeriyootay Qarax Miino oo lala eegtay Gaari PL ah oo Marayay Deegaanka Golweyn ee Duleedka Magaalada Marko Ee Xarunta Gobalka Shabeellaha Hoose.

3 Qof oo dhaawac daran ah ayaa ka soo hartay rakaabkii la socday gaarigaasi, kuwaa oo ku wajahnaa Magaalada Marka.

Guddoomiyaha Gobalka Shabeellaha Hoose Ibraahim Aadan Najax ayaa Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed Ee SONNA u sheegay in Dadka Saarnaa Gaarigaasi la qarxiyay ay ahaayeen Haween ku guda jiray Howlo Ganacsi ah, isagoo ku tilmaamay musiibo qaran.

“Musiibo weyn ayaa maanta ka dhacday gobalka, 23 qof oo haween u badan oo la socday gaari Caasi ah ayaa miino kula kacday deegaanka Golweyn, magaalada Marko ayay ku sii socdeen, 3 qof oo dhaawacyo culus qaba ayaa ka badbaaday musiibadaasi, 20 qofna weyn dhinteen” ayuu yiri Mudane Najax.

Maleeshiyaadka Al-shabaab ayaa miinadaasi ku aasay wadada, iyadoo dhibaato xoog leh u geystay muwaadiniin Soomaaliyeed oo aan waxba galabsan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaargarowga saamaynta El-nino

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...