Ra’isul Wasaare Ku xigeenka Dalka oo sheegay in ay diyaarinayaan Shuruuc qeexeysa sida kheyraadka Dalka Loo Wadaagi lahaa.

Date:

Ra’isul Wasaare Ku xigeenka Xukuumada Cusub ee Soomaaliya ayaa Shaaciyey in ay muhiim tahay in la diyaariyo Shuruuc qexeyso sida ugu haboon ee Kheyraadka Dalka looga wada faa’ideysan Karo.

Mudane Mahdi  Maxamed Guuleed Khadar ayaa sheegay in ay dejinayaan qorsho kala Xadeeyo Dowlad Goboleedyada Iyo Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya asaga oo sheegay in cid walbo Xaq ay leedahay uu noqon doono Mid cad oo aan mugdi ku jirin.

“Madaam uu dalka uu qaatay  Federaal waxaa qasab ah in la dejiyo Shuruuc qeexeysa sida loo qeybsan lahaa Kheyraadka waana muhiim in lakala ogaado maxay Dowlad goboleedyada Xaq uleeyihiin Maxayse Dowladda Dhaxe Xaq u leedahay” waxa ay ka mid ahayd hadalada Mudane Mahdi  Maxamed Guuleed Khadar.

Ra’isul wasaare Ku xigeenka ayaa sheegay in xukuumadda Cusub ay xoog saari doonto sida ay u dajin lahayd shuruucdii kala xadeyn lahayd dowlad Goboleedyada iyo Dowladda Dhaxe asaga oo xusay in ay la kaashan doonaan khuburo calaami ah , ayagoo tusaalo ka dhigan doono dowladaha horay u qaatay Nidaamkan

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Dowladda Soomaaliya oo cambaareysay socdaalka wasiirka arrimaha dibadda Isreal ee Hargeysa

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda...

Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho

Waxaa maanta magaalada Muqdisho soo gaaray wafdi ballaaran oo...

Ciidanka Xoogga dalka oo howlgal ka dhacay Gedo ku dilay dhagarqabayaal

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa fuliyay howlgal si heer...

Madaxwaynaha Qaranka oo guddoomiyey shirka golaha wasiirada oo arrimo muhiim ah looga hadlay

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay...