Ra’isul Wasaare Ku xigeenka Dalka oo sheegay in ay diyaarinayaan Shuruuc qeexeysa sida kheyraadka Dalka Loo Wadaagi lahaa

Date:

Ra’isul Wasaare Ku xigeenka Xukuumada Cusub ee Soomaaliya ayaa Shaaciyey in ay muhiim tahay in la diyaariyo Shuruuc qexeyso sida ugu haboon ee Kheyraadka Dalka looga wada faa’ideysan Karo.

Mudane Mahdi  Maxamed Guuleed Khadar ayaa sheegay in ay dejinayaan qorsho kala Xadeeyo Dowlad Goboleedyada Iyo Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya asaga oo sheegay in cid walbo Xaq ay leedahay uu noqon doono Mid cad oo aan mugdi ku jirin.

“Madaam uu dalka uu qaatay  Federaal waxaa qasab ah in la dejiyo Shuruuc qeexeysa sida loo qeybsan lahaa Kheyraadka waana muhiim in lakala ogaado maxay Dowlad goboleedyada Xaq uleeyihiin Maxayse Dowladda Dhaxe Xaq u leedahay” waxa ay ka mid ahayd hadalada Mudane Mahdi  Maxamed Guuleed Khadar.

Ra’isul wasaare Ku xigeenka ayaa sheegay in xukuumadda Cusub ay xoog saari doonto sida ay u dajin lahayd shuruucdii kala xadeyn lahayd dowlad Goboleedyada iyo Dowladda Dhaxe asaga oo xusay in ay la kaashan doonaan khuburo calaami ah , ayagoo tusaalo ka dhigan doono dowladaha horay u qaatay Nidaamkan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaargarowga saamaynta El-nino

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...