Ra’iisal Wasaare Kheyre oo ka tacsiyadeeyey Geeridii Wasiir Nuur Faarax oo xalay ku geeriyooday Muqdisho

Date:

Innaa Lillaahi wa innaa illeyhi raajicuun

Muqdisho, Apriil 2.2017——-Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre oo ku hadlaya magaciisa iyo magaca Golaha Xukuumada ayaa ka tacsiyadeeyey geerida Nuur Faarax Xersi oo ahaa Wasiirkii Dekedaha iyo Gadiidka Badda ee xukuumadii hore.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa tacsi u diray qoyska, qaraabada iyo ummada Soomaaliyeed, ee uu ka baxay, isaga oo xalay ku geeriyooday isbitaal ku yaala Muqdisho oo uu labadii todobaad ee ugu dambeysay ku xanuunsayay.

“Aadbaan uga naxay geerida Nuur Faarax Xirsi, waxaana alle uga baryayaa inuu naxariistiisa janno siiyo, Samir iyo iimaana ka siiyo qoyskii uu ka baxay” ayuu yiri Ra’iisal Wasaaraha.

Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa ku tilmaamay inuu ahaa Nuur Faarax shaqsi howlkar ah oo daacad ah, isla markaana qeyb weyn ka qaatay sidii dalka horumar loo gaarsiin lahaa.

—-DHAMMAAD—-

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Tamarta XFS iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa lahusoo dhaweeyay Dhuusamareeb. 

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha...

Wasiir-ku-xigeenka Warfaafinta oo gaaray magaalada London.

Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Al-Cadaala, ayaa...

Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Dekadaha XFS oo Golaha Wasiirrada uga mahadceliyey ansixinta Xeer-nidaamiyaha Diiwaangelinta Gaadiidka Badda.

Muqdisho, Jannaayo 29, 2026; Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka...