Madaxweyne Farmaajo oo xafiiskiisa ku qaabilay R/wasaare ku xigeenka Turkiga

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay R/wasaare ku xigeenka Wadanka Turkiga oo maanta soo gaaray magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya.

Mudane Maxamed C/laahi “Farmaajo” Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya iyo Mudane Veysi Keynak R/wasaaraha Wadanka Turkiga ayaa waxay ka wada hadleen xiriirka u dhaxeeya labada dal ee Turkiga iyo Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa R/wasaaraha Turkiga uga mahadceliyay Booqashada uu maanta ku yimid Magaalada Muqdisho, iyo taageerada Ballaaran ee dowladda Turkiga ay siiso Soomaaliya.

Veysi Keynak ayaa sidoo kale maanta Xafiisyadooda wuxuu kula kulmay R/wasaaraha Dalka Mudane Xasan Cali Khayre iyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha shacabka oo la magacaabay

Guddoomiyaha Kmg ah ahna Guddoomiye kuxigeenka koowaad ee Golaha...

Hoggaamiyaha K/Galbeed oo xafiiskiisa ku qaabilay saraakiil uu hoggaaminayo Taliyaha CXD

Hogaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo magacaabay Afhayeenka Wasaaradda

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa Laba-Xiddigle...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo gaaray magaalada Laascaanood

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS Mudane Xamsa Cabdi Barre iyo...