Madaxweyne Farmaajo iyo mas’uuliyiin kale oo salaadda janaasada ku dukaday meydka marxuum Nuur Faarax

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Cabdulaahi “Farmaajo” gudoomiyaha Baarlamanka iyo ms’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda ayaa ka qeybgalay salaadda Janaasada oo lagu tukaday Allaha u naxariistee Wasiirkii hore ee dekedaha,  gaadiidka cirka iyo dhulka marxuum Nuur Faarax oo saakay ku geeriyooday isbitaalka Digfeer ee magaalada Muqdisho.

Madaxda ka qeybgashay tukashada salaadda  janaasada ee marxuum Nuur Faarax waxaa ka mid ahaa  wasiirro iyo wafdigii Turkiga ka socday ee saaka soo gaaray Muqdisho, waxaana salaadda lagula dukaday masjidka madaxtooyada.

Allaha u naxariistee wasiir Nuur Faarax ayaa ahaa wadani dhab ah, ayaa maanta aas qaran loogu sameeyay magaalada Muqdisho.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan ku aadan xoojinta adeegyada gurmadka oo Muqdisho ka dhacay

Guddiga Qaran ee gurmadka ayaa maanta shir ku yeeshay...

Wasiirka amniga oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay

Wasiirka wasaaradda amniga gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane...

Ciidanka Danab oo howlgallo ka fuliyay Shabeellada hoose

Ciidamada Kumaandooska Danab ee CXD ayaa xalay fuliyay hawlgal...

Duqa muqdisho oo la kulmay laamaha ammaanka ee gobolka Banaadir

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada muqdisho mudane Dr....