Deeqdan oo ka kooban raashinka nuucyadiisa kala duwa iyo dhar oo ay iska soo uruuriyeen ardayda macalimiinta iyo maamulka Dugsiga Benaadir Zone ayaa waxaa ka faa;โiideystay in ka badan boqol qoys oo ka soo barakacay deegaanno hoostaga Gobolka Baay, kuwaasi oo daadsanaa inta u dhexeyso Afgooye iyo Muqdisho.
Axmednuur Dhaaleey oo ah Guddoomiye ku-xigeenka Muโsasada Benaadir Zone ayaa sheegay in kaalmadan ay tahay mid ay iska soo dhex aruuriyeen ardayda iyo maamulka, ayna u adkeysan waayeen dhibta iyo diifta ka muuqata qoysaskan.
โDeeqdan aad u jeedaan waa kaalmo ay iska soo uruuriyeen ardayda, macaliminta iyo Maamulka Muโasasada Banaadir Zone, kaddib marki ay soo sameeyeen qiimeyn ku aadan u kuurugelidda xaaladaha Nololeed ee heysato qoysaska ka soo barakacay gobollada dalkaโ ayuu yiri Axmednuur Dhaaleey.
Qaar ka mid ah dadkii ka faa;iideysta deeqdan oo u mahadceliyay intii soo gaarsiiyay ayaa sheegay inay ka soo barakaceen baadiyaha magaalooyinka Baydhabo iyo Buur Hakaba oo ka wada tirsan gobolka Baay.
Ustaad Cabdalla oo ka mid ah macalimiinta Dugsiga Benaadir Zone ayaa sheegay in kaamamka ay ku noolyihiin qoysaska barakacayaasha ay ka hirgelin doonaan xarumo waxbarasho oo lacag laโaan ah, maadaama aysan awoodin inay soo aadaan xarumaha waxbarasho ee sida gaarka ah loo leeyahay.
Talaabadan ay sameeyeen ardayda, macalimiinta iyo maamulka Benaadir Zone ayaa ah mid ku dayasho mudan, kadib markii ay u dulqadan waayeen dhibaatada heysata qoysaska ay abaartu saameysay eek u soo baracakay duleedyada Muqdisho.
