Qarax sababay dhaawac afar qof oo ka dhacay Muqdisho

Date:

Afar qof ayaa ku dhaawacantayย kadib qarax qabsaday mid ka mid ah gaadiidka ay adeegsadaan Ilaalada UN-ka, kaasi oo ku qarxay goob baabuurta lagu xareeyo.

Talihaha qeybta guud ee booliska Gobolka Banaadir Gaashaanle Sare Bishaar Abshir Geeddi oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in qaraxa ay ku dhaawacmeen afar qof oo ka mid ah ilaalada gaarka ah ee Qaramada Midoobay, kuwaasi oo saarnaa gaari nuuca Hilux loo yaqaan.

Ciidamada ayaa iminka ku guda jira baaritaan lagu sameynayo gaariga qarxay, in qaraxa uu ahaa mid lagu soo xiray iyo in kale. isla markaaana ay goor dhaw Warbaahinta u soo gudbin doonaan xogta rasmi ah ee qaraxa sababay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Xafiiska Raโ€™iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Dekadaha XFS oo Golaha Wasiirrada uga mahadceliyey ansixinta Xeer-nidaamiyaha Diiwaangelinta Gaadiidka Badda.

Muqdisho, Jannaayo 29, 2026; Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Muqdisho ka furay shirka wadatashiga Qaran ee abaaraha.

Guddoomiyaha Hayโ€™adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...