Madaxweynaha J. Soomaaliya oo qaabilay Taliyaha Ciidammada Milatariga Uganda

Date:

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta xarunta madaxtooyada Villa Soomaaliya ku qaabilay wefdi ballaaran oo uu hoggaaminayey taliyaha ciidammada Melatariga dalka Ugdan oo Muqdisho yimid.

Madaxweynaha waxaa ku wehliyey kulanka oo ku qaabilay taliyaha ciidammada Melatariga dalka Ugadha, taliyaha ciidanka Xoogga, Abaalduulaha iyo taliyaha cidammada madaxtooyada Soomaaliya.

Maj Gen Katumba Wamala, waxaa la socdey saraakiil cidammada Uganda ka tirsan, madaxweynaha Soomaaliya waxa uu soo gaarsiiyey farriin uu iga siday madaxweynaha dalka Uganda Yoweri Museveni, madaxwyenaha, ayaa guddoomay.

warbixin ku aaddan howlaha ciidammada Ugdanda ee ka tirsan AMISOM ayuu warbixin ka siiyey madaxweynaha iyo sida dowladda dalkaasi Uganda uga go’antahay in ay sii waddo taageerada dhanka ciidammada.

madaxweynaha ayaa u uga mahadceliyey booqashada uu Soomaaliya ku yimid iyo sida ciidammadooda ay uga howl-galaan Soomaaliya iyagoo garab siinaya walaalahooda Soomaaliyeed.

Madaxweynaha J. Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa si kooban u sharraxaya waxyaabaha kulanka diiradda ku saareen iyo guulaha laga gaaray amniga doorashooyinka gabo-gabada ku dhow.

Ciidammada dalka Ugdan iyagoo ka tirsan howlgalka AMISOM, ayeey Soomaaliya yimaadeen  muddo ku dhow 10, sanno, waxaana ay ka qeyb-qaataan howlgallada nabadda iyo kuwa la dagaallanka Al-Shabaab, waana ciidanka ugu badan ee howlgalka AMISOM ka tirsan.

kow

ugandha3

ugandha1

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ciidanka Xoogga Dalka oo howlgal ku xoreeyay deegaanka Xawaadley ee Shabeellaha Dhexe

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal guuleystay ku xoreeyay...

Ciidamada Qaranka oo gudaha u galay deegaanka Xawaadley ee Shabeellaha Dhexe

Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed oo howlgallo ka dhan ah Khawaarijta...

Wasiirka Qoyska XFS oo khudbad ka jeedisay Shirka Haweenka Adduunka ee New York

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka Soomaaliya ayaa...

Guddoomiyaha SoDMA oo sheegay in Soomaaliya u socoto dhanka nidaamyo xooggan oo ka jawaaba masiibooyinka

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka, Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle,...