Ciidamada amniga oo howlgallo amni xaqiijin ah ka wada magaalada Jowhar

Date:

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa ka hortagay weerar arbushaad ah oo xalay maleeshiyaadka ka tirsan  Al-Shabaab ay ka sameeyeen xaafad ka ka mid ah degmada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha dhexe, iyadoo aysan jirin cid ay waxyeelo ka soo gaartay weerarka.

Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa isku dayay in xaafadda Hanti wadaag oo ka tirsan degmada Jowhar ay ka geystaan weeraro gaadmo ah, waxaana arrintaasi ka hortagay ciidamada amniga, kuwaasi oo kala ceyriyay kooxihii weerarka soo qaaday.

Howlgallo ammaanka la xariira ayay ciidamada ka wadaan xaafadaha kala duwan ee magaalada Jowhar, kuwaasi oo lagu baadi goobayo dad lala xiriirinayo inay ku lug lahaayeen isku day weerar oo xalay ka dhacay xaafad ka mid ah degmada Jowhar

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

2026 World Internet Conference Wuzhen Summit to Focus on AI Openness and Global Cooperation

The World Internet Conference International Organization held a press...

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...