Ardayda Soomaaliyeed ee Koonfur Afrika oo doortay Gudoomiye Cusub

Date:

Doorashada Gudoomiyaha Ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barta dalka koonfur Africa sanadkiina la qabto halmar ayaa ka dhacday magaalada Johannesburg gaar ahaan xaafada Soomaalida dagan tahay ee mayfair waxaana kasoo qeybgalay qeybaha ardayda soomaalida oo ka kala yimid gobolada dalka Koofur Africa.

Gudoomiye ku xigeenka Ururka ardayda Axmed Yuusuf Cadnaan oo furitaanka ka hadlay ayaa ka sheekeeyay waxqabadka Ururka sanadkii 2016-ka ee xilka ay soo hayeen,waxaa uu xusay in howlo badan ay u qabsoomeen kana qeyb qaateen barnaamijyo badan oo wacyi galin ah kuwaa oo loo sameeynayay bulshada Soomaaliyeed.

Xoghayaha Ururka Cabdirisaaq Killas ayaa asna goobta ka hadlay waxaa sheegay in mudadii ay xilka hayeen ay la kulmeen hay’ado badan oo deeq bixiyaal ah, isla markaana ay kala hadleen sidii loo caawin lahaa dhalinyarada dooneysa in ay wax barato,waxaa uu xusay in ay jiraan dhibaatooyin ay ardayda kala kulmaan in deeqaha loogu talagalay ardayda masaakiinta ah iyo kuwa agoomaha ah laga leexsado dad kale oo baahidaas aan qabina ay isticmaalaan taana loo baahan yahay in bulshada meel ay uga soo wada jeesato.

Sheikh Axmed Cabdi ka mid ah madaxda Hey’ada Culimada Al bayaan ee dalka Koofur Africa ayaa asna goobta ka hadlay waxaana ay sheegeen in ay la shaqeyn doonaan ururka ardayda .

Intaasi kadib waxaa la guda galay cod bixinta cidda noqoneysa gudoomiyaha ururka ardayda Soomaalida ee dalkaan Koofur Africa waxaana xilkaasi u taagnaa laba musharax oo kala ahaa Maxamuud Cabdirisaaq iyo Saciid waxaana ay ardayda hortooda ka jeediyeen waxa ay qabanayaan hadii codadkooda ay helaan.
Maxamuud Cabdi risaaq ayaa ku guuleystay doorashada markii uu helay codad gaaraya 34 halka musharaxa la tartamayayna uu helay 16 waxaaana sanaddka 2017-ka ardayda soomaalida ee wax ka barata dalka Koonfur Afrika hogaamin doona Maxamuud Cabdirisaaq sida ay ku dhawaaqeen guddiga doorashada.

Intaasi kadib waxaa ardayda ka kala timid gobolada dalka qado sharaf u sameeyay ururka dhalinyarada ka hortaga qabyaalada Caydaruus ismaaciil oo ah agaasimaha ururkaan qeybtiisa South Africa ayaana soo agaasimay waxaana goob joog ahaa gudoomiyaha jaaliyadda wuxuuna ardayda ugu baaqay in ay tusaale u noqdaan caruurta halkaan ku dhalata ee Soomaalida ah ayaga oo ka caawinaya in ay helaan arday ay raaci karaan dhanka waxbarashada iyo isku xirka ,waxaana uu sheegay in uu aad u garabtagan yahay ardayda.

Caamir Sheikh Gudoomiyaha Jaaliyada ayaa dhankiisa goobta ka hadlay waxaa uu sheegay in aqoonta ay tahay sida iftiinka, qofka aqoonta lehna looga baahan yahay maskax wanaagsan oo wax lagu hogaamin karo waxaa uu ka codsaday in bulshada Soomaalida aysan ka dhexbixin oo ay wacyi galinta u sameeyaan dhalinyarada.

Waa doorashadii saddaxaad oo ururka ardayda Soomaaliyeed Yeesho waxaa markii ugu horeysay lagu qabtay magaalada Cape Town ayada oo labadii xilli ee ugu dambeysay lagu qabtay magaalada Johannesburg.arday2arday3arday4arday5arday6

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulamo la qaatay hoggaamiyeyaasha Liibiya iyo Malaysiya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, oo...

Wasiirka Qoyska XFS oo kulan la qaadatay deeq bixiyayaasha Caalamka 

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka Xukuumaadda Federaalka...

Duqa Caasimadda oo xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Boqortooyada Sacuudi  

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo kormeer ku tagay Xarunta Guddiga Doorashooyinka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...