Ciidamadda Xoogga oo Maleeshiyaadka Al-shabaab ka saaray Degaanno ka tiran Jubada Hoose

Date:

Kadib howlgal qorsheeysan oo ay ciidamadda kumaandooska xds danab kasameeyeen degaano katirsan gobolka jubada hoose ayay kasaareen maleeshiyaadka argagixisada al-shabaab kuwaasi oo dhibaato xoogan ku hayay shacabka ku dhaqan degaanadaasi.
Howlgalka oo ay ku fulinayeen ururka 5-aad guutada 16-aad kumaandooska xoogga dalka danab ayay kula wareegeen tuulooyinka Janaay cabdale, Helishiid, Mayoonde, Garas –cebe iyo kuwalo oo dhamaantood hoosyimaado magaalada kismaayo ee xarunta gobolka jubada hoose.
Taliyaha ururka 5-aad guutada 16-aad kumaandooska xds danab Gaashaanle Xasan Aadan Ciraaqe oo Idaacadda Ciidamadda Qalabka Sida lahadlay ayaa sheegay in maleeshiyaadka argagixisada al-shabaab ay isaga carareen degaanada howlgalka ay ku gaareen iyo degaano kale oo haatan ay kusii socdaan.
Taliyaha ayaa xusay inay kordhiyeen howgalada qorsheeysan ee ay ku bartilmaamedsanayaan horjoogayaasha iyo maleeshiyaadka argagixisada kuwaasi oo ay doonayaan inay guud ahaan degaanada jubooyinka kasaaraan.
G/le Ciraaqi ayaa ugu dambeeyntilmaamay in haatan tuulooyinka ay gaareen ay kawadaan howlo ay ku caawinayaan shacabka kudhaqan kuwaa oo dhibaatooyin ay ku hayeen argagixisada al-shabaab.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Dab ka kacay buurta Daalo ee gobolka Sanaag

Dab xooggan ayaa ka kacay Buurta Daalo ee gobolka...

Hawlgal ka dhacay Jubada hoose oo lagu dilay maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka Kumaandoosta Danab ee CXDS iyo Darawiishta Jubaland oo...

Wasiirka hawlaha guud oo la kulmay wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda ee Netherlands

Wasiirka Wasaaradda hawlaha guud, dib-u-dhiska, iyo guriyeynta ee Jamhuuriyadda...

Maareeyaha NIRA oo ka qeyb galay Meertada 7-aad ee Madasha Horumarinta Aqoonsiga Dhijitaalka ah

Maareeyaha Guud ee Hay’adda NIRA, Mudane Cabdiweli Cali Cabdulle...