Hay’addaha Dib-U-Eegista Dastuurka Iyo Beesha Caalamka Oo Ka Shiray Arrimaha Dastuurka+sawirro

Date:

Hay’adaha u xilsaaran dib-ueegista dastuurka oo kala ah Wasaarada Arrimaha Dastuurka, Guddiga Baarlamaanka ee la-socodka Dib-u-eegista iyo hirgelinta Dastuurka iyo Gudigga Madaxbanaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka ayaa shir ku qabsoomay aalladda la iska arko ee Internet-ka la yeeshay qaar ka mid ah Danjirayaasha dalalka iyo hay’adaha caalamiga u fadhiya Soomaaliya oo kala ah UN, Norway, Sweden, Denmark, UK, Switzerland, EU, Germany, Italy, iyo US.

Shirka intii uu socday ayaa lagu gorfeeyay caqabadaha soo food-saray iyo horumarka laga gaaray howlaha dib-u-eegista dastuurka iyo sii wadidda hayaanka loogu jiro dhameeystirka dastuurka.

Ugu horeeyn, kulanka waxaa warbixin ka jeediyay Wasiirka Ariimaha Dastuurka Mudane Saalax Axmed Jaamac oo ka hadlay howlaha qabsoomay mudooyinkii dambe isagoona yiri.

“Waxaa noo suurtagashay in aanu qabanno howlo muhiim ah oo ina horyaallay kuwaasi oo masiiri ah qaar kalena inoo harsanyihiin, inaga oo og muhiimadda uu leeyahay dib-u-eegista dastuurka” Wasiir Saalax ayaa sidaasi sheegay.

“Waxaa kulamo-shaqo oo wadaxaajood ah la yeelanay Wasaaradaha DFS iyo qaar ka mid ah Dowlad Gobolleedyada inagoo kala arinsanay daadajinta awoodaha, xal-ka-gaarista arrimaha u baahan wadaxaajood-siyaasadeed iyo dar-dargelinta arrimaha wacyigelinta dadweynaha iyo uruurinta ra’yiga shacabka Soomaaliyeed ee ku saabsan qodobada dastuurka ee dib-u-eegista lagu sameeyay”.

Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Danjire James Swan iyo danjirayaashii kale ee shirka ka qeybgalay ayaa bogaadiyay howlaha u qabsoomay iyo wadashaqeeynta ka dhaxeeysa hay’adaha u idman dib-u-eegista dastuurka xiligan adag ee khatarta Caabuqa COVID19 uu jiro, sidoo kale waxa ay soo dhaweeyeen guulaha laga gaaray arrimaha farsamada ee dastuurka iyo arrimaha xalka siyaasadeed u baahan oo wax laga qabtay howlaha ka dhimanna ay qorsheysanyihiin in muddo dhow la soo dhameystiro.

Dhanka kale, waxa ay beesha caalamka ku boorriyeen DFS iyo D/Goboleedyada inay kawada hadlaan arrimaha siyaasadeed ee heshiiska u baahan si loo dhameeystiro dastuurka muddo xileedkan hada lagu jiro.

Gebogabadii, Wasiir Saalax Jaamac ayaa uga mahadceliyay Beesha Caalamka garab istaaga ay had iyo jeer u muujiyaan Wasaaradda iyo labada Guddi, sidoo kalena waxay Beesha Caalamka markale xaqiijiyeen joogteynta taageeradooda ay siiyaan hay’adaha u xilsaaran dib-u-eegista Dastuurka si looga dhabeeyo rabitaanka shacabka ee ah dhammeystirka dastuurka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo kulan la yeeshay madaxda Hay’adda SoDMA

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta...

Bixinta Kaararka Doorashada Golaha Deegaanka oo Ka Bilaabatay Muqdisho

Soomaaliya ayaa qaaday tallaabo muhiim ah oo ku wajahan...

Ciidanka Xoogga oo howlgallo ka dhan ah khawaarijta ka wada gobolka jubbada Hoose

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee Qeybta 43-aad iyo Kumaandooska...

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee BFS oo booqasho ku tagay Xarunta Cilmibaarista iyo Daraasaadka Maqaasid

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka...