Ciidanka Xoogga Dalka Oo Qabtay Rag Lagu Tuhmayo Nabad-diidka Al-Shabaab

Date:

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ayaa  howlgallo ballaaran ka sameeyeen deegaanno hoostaga magaalada Marka ee xarunta Gobalka Shabeelaha Hoose.

Howlgallada oo ahaa kuwa qorsheysan ayaa waxaa fuliyey ciidamada Danab iyo kuwa Gorgor oo maalmo ka hor gaaray deegaannada Jilib Marko iyo Gandershe oo ka tirsan Shabeelaha Hoose.

Saraakiisha hogaaminaysay howlgalladaasi ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen tiro dad ah oo u badan dhalinyaro, kuwaas oo lala xiriirinayo kooxda Al-Shabaab.

Gobalka Sh/ Hoose oo  ay weli ku dhuumaaleeysanayaan haraadiga maleeyshiyada Al-Shabaab ayaa waxaa ka socda dhaq dhaqaaqyo milatari oo ciidanka xoogga dalka ay ka wadaan Gobalkaasi.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Kulan la qaatay Wafdi heer sare ah oo ka socday Midowga Yurub.

Muqdisho, Arbaco, 28 Jannaayo 2026: — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda...

Shirka 27-aad ee Wasiirrada Maaliyadda Geeska Afrika oo ka furmay magaalada Muqdisho.

Shirka 27-aad ee Wasiirrada Maaliyadda dalalka Geeska Afrika ayaa...

Wasiirka Dekadaha Soomaaliya oo Xafiiskiisa ku qaabilay wafdi heer sare ah oo ka socday Turkiga.

Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda ee Xukuumadda Federaalka...

Wasiirrada Ganacsiga Soomaaliya oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Qatar.

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane...