Taariikh nololeedkii Abwaan Maxamuud Cabdullaahi Ciise (Singub)

Date:

Abwaan Maxamuud Cabdullaahi Ciise (Singub) waa Abwaan Soomaaliyeed waxa uu ku dhashay Baadiyaha magaalada Dhagax-buur ee dhulka Ismaamulka Soomaalida Itoobiya sannadka marka uu ahaa 1944-tii.

Waxa uu ku soo barbaaray isla magaaladaas, hankiisa dhinaca Fanka waxa uu soo bilowday isaga oo shan Jir ah, waxa uu dhallinyaranimadiisii ku soo caan baxay ciyaaraha Dhaqanka gaar ahaan Ciyaarta Dhaantada oo aynan cidina uga daba hadji jirin.

Ka sukoow Fanka waxa uu ahaa nin Gabyaa ah,  oo ka Hidda qaba Qoys wada Gabyaa, Aabihii Abtigii  iyo walaalihii badankood caan bey ku ahaayeen Gabayada.

Singub waxa uu ahaa nin aad u bartay Qur’aanka, waayihiisii barbaarinimo isagoo ku jira ayuu tagay magaalada Hargeysa ee dhulka loo yaqaan Somaliland sannadkii 1961-dii, Imtixaankii ugu horreeyey ee Dhinaca Hal abuurnimada Fanka waxaa looga qaaday Raadiyow Hargeysa.

Isla sannadkii 1961-kii waxa uu soo wareegay magaalada Muqdisho oo mar kale Imtixaan looga qaaday, sidaas ayuuna uga shaqo billaabay Raadiyow Muqdisho, raggii Imtixaanka qaadayey waxaa ka mid ahaa Fuqi Buraale, Cismaan kaahin iyo Cali Afyare.

Gabaygii ugu hooreeyey ee uu Imtixaanka ku galo waxa uu kaga hadlay sida uu u kala duwan yahay dhaqanka magaalada iyo midka Miyiga, gaar ahaan dumarka oo dhabanaheyn ku noqotay markii uu maalmo joogay Muqdisho.

Abwaanka waxa uu noqday nin culus oo ku dheereeya sameynta Riwaayadaha, qaar badan oo Riwaayadihii uu sameeyeyna waxa ay doodo badan ku dhex abuuri jireen Bulshada, taasina waa sameyntii ay laahaayeen.

Riwaayaddiisii ugu horreysay ee uu sameeyey waxaa la oran jiray “Naga guur” oo uu ugu talogalay gumeystihii Ingariiska, sannadkii 1966-kii waxa uu sameeyey Riwaayaddii caan baxday  “Yaxaas Dhega-duub”.

“ninkii ugu dhiirogaliyey sameynta Riwaayadaha waxaa la oran jiray Cismaan Aadan (Cismaan Askari) “ ayuu yiri Abwaan Maxamuud Cabdullaahi Ciise (Singub).

Naaneysta Singub waxa ay ugu baxday carruurnimadiisii ayuu ku dhacay Dab kana gubtay Sinta.

Abwaan Maxamuud Cabdullaahi Ciise (Singub) mudadii burburkii kaddib waxa uu u wareegay Dalka Mareykanka laakiin dib ayuu uga soo laabtay, waxa uu yimid Muqdisho, kama daalin mu Alifnimadiisii fannneed.

Waxa uu sameeyey Heeso iyo Riwaayado badan oo waddani ah, Riwaayadihii ugu dambeeyey ee uu sameeyey waxaa ku jirtay Riwaayaddii la magac baxday “Ummad wada Siyaasi ah”, heeso waddani  iyo dal dhisid ah ayuu u sameeyey Kooxaha Deegaan Jabuuti iyo deegaan Muqdisho.

Hadalladii dardaarankiisa ku jiray waxaa uu xoogga ku saari jiray in dhallinyarada ay maskaxddooda Giijiyaan oo ay hal abuur Soomaalinimo cambaarsan la yimaadaan.

Waxa uu oran jiray Fanka malahan Qabiil, Nacayb, dal dummin, kala qoqob iyo wixii la hal maala.

Mar sii horreysay  magaalada Muqdisho ayuu ku xanuunsaday abwaanka, waxa uu u baxay bishii Ramadaan Cumrada, magaalada Jig-jiga ayuu ku laabtay 17-kii Juun ee sannadkaan EEBE ayaana oofsaday Allaha u naxariistee Abwaan Maxamuud Cabdullaahi Ciise (Singub isla 18-ka Juun.

 

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan looga hadlaayay ka jawaabidda Saamaynta Roobabka oo lagu qabtay Muqadisho.

Gudoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacyaasha Qaranka Marwo Safiya Xasan...

Wasiirka Cusub ee wasaaradda Arimaha Gudaha oo kormeer shaqo ku tahay Xarunta NIRA.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Md. Cali Yuusuf Cali...

Taageerada Beesha Caalamka ay u heyso Soomaaliya oo sii kordhaya (WARBIXIN)

-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxa ay soo dhowaynaysaa war murtiyeedka...