Taliyaha Booliska oo kormeeray Xarunta Oto-oto

Date:

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sareeye guuto Bashiir Cabdi Maxamed Ameeriko ayaa maanta kormeeray Xaruntii isgaarsiinta Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee la oron jiray OTO OTO oo astaan ay u tahay (888), halkaasi oo dib u dayactir lagu sameeyey.

Taliyaha ayaa mid mid u kormeeray qeybaha ay ka kooban tahay Xaruntaan waxaana warbixin buuxda dayactirka lagu sameeyey xarunta 888 ka siiyey maamulka xaruntaasi.

Sarreeye guuto Bashiir Cabdi Maxamed Ameeriko Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa sheegay in Taliska uu diyaariyey qorsheyaal dib loogu dayactirayo Xarumihii Ciidanka Booliska uu lahaa ee ku burburay dagaaladii kala duwanaa ee dalka ka dhacay.

Gen Bashiir ayaa xusay in dayactirka kadib dhowaan dib loo furi doono Xaruntii isgaarsiinta Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee OTO OTO, waxaana uu xusay in la diyaariyey dhammaan qalabkii kala duwanaa ee xaruntaan ay ku shaqeyn laheyd.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan looga hadlaayay ka jawaabidda Saamaynta Roobabka oo lagu qabtay Muqadisho.

Gudoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacyaasha Qaranka Marwo Safiya Xasan...

Wasiirka Cusub ee wasaaradda Arimaha Gudaha oo kormeer shaqo ku tahay Xarunta NIRA.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Md. Cali Yuusuf Cali...

Taageerada Beesha Caalamka ay u heyso Soomaaliya oo sii kordhaya (WARBIXIN)

-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxa ay soo dhowaynaysaa war murtiyeedka...