Home Blog Page 996

Tababar Kusaabsan Ka hortagga Socdaalada Sharcidarada Ah Oo Muqdisho Ka Furmay

Tababar ku saabsan ka hortagga socdaalada sharcidarada ah ayaa maanta uga furmay qaar ka tirsan Saraakiisha Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda iyo Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed.

Tababarkaan oo kor loogu qaadaayo xirfadda Saraakiisha HSJ iyo Boliiska oo socon doono muddo shan maalin ah ayaa waxaa bixinaya macalimiin Turkey.

Ugu dambeyn Tababarka ayaa waxaa si wadajir ah u furay Taliyaha Akadeemiyadda Boliiska Soomaaliya General Cabdirashiid Aadan Cilm, Ku xigeenka Agaasimaha Guud ee HSJ Mudane Xasan Cabdulqaadir Maxamed iyo la-taliyaha amniga iyo arrimaha gudaha ee safaarada turkiga Col. Ahmet Altan.

Guddiga Diyaarinta Sharciga Doorashooyinka Oo La kulmay Xildhibaanno & Odayaasha Waqooyi

0

Guddiga KMG ah ee diyaarinta sharciga Doorashooyinka Qaranka ee Golaha Shacabka ayaa kulan xarrunta Villa Hargeysa kula qaatay Xildhibaanadda iyo Odayaasha Dhaqanka ee kasoo jeedo Gobolladda Waqooyi ee Soomaaliya.

Ujeedka kulanka uu guddiga la yeeshay xildhibaanadda iyo Odayaasha dhaqanka ee kasoo jeedo goboladda Waqooyi ee Soomaaliya ayaa ahaa sidii ay aragtidooda ku aadan sharciga doorashooyinka Qaranka ay ugu soo bandhigi lahaayeen guddiga.

Xildhibaanadda iyo Odayaasha Dhaqanka ee kasoo jeedo Gobollada Waqooyi ayaa guddiga KMG ah ee soo diyaarinta sharciga doorashooyinka Qaranka ee Golaha Shacabka usoo bandhigay tallooyinkooda iyo aragtidooda ku aadan Sharciga Doorashooyinka Qaranka.

“Marka hore waxa aan idinkaga mahadcelinaynaa sida aad inaga ogolaateen in aan kulankaan wada yeelanno, marka xigto waxaan idiin kaga mahadnaqaynaa sida aad guddiga aad ugu soo bandhigteen tallooyinkiina iyo aragtiyadiina wanaagsan ee la xariiro sharciga doorashooyinka qaranka”waxaa sidaasi yiri guddooomiyaha Guddiga KMG ah ee diyaarinta sharciga doorashooyinka Qaranka ee Golaha Shacabka Xildhibaan C/laahi Abuukar Xaaji (Eng.Carab).

Tan iyo markii la magacaabay guddigaan waxa uu waday kulamo uu la yeelanaayo qaybaha kala duwan ee bulshada si ay ula wadaagaan aragtiyadooda la xariira sharciga dooorashooyinka Qaranka.

   

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya oo la kulmay Duqa Muqdisho

0

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay in xarunta Wasaaradda maaliyadda uu maanta kula kulmay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed Filish iyo ku-xigeenkiisa arrimaha Maaliyadda Ibraahim Dheere.

Wasiirka ayaa sheegay in ay arrimaha ay ka wada hadleen ugu muhiimsan tahay dar dargelinta howlaha lagu kobcinayo dakhliga dalka iyo sare u qaadista kaabayaasha dhaqaalahaee gobolka Banaadir.

“Arimaha ugu muhiimsan ee aan ka wada hadlay waxaa ka mid ahaa wada shaqeynta iyo dar-dar gilinta howlaha lagu kobcinayo Dakhliga Dalka,” ayuu yiri Wasiir Beyle.

Sidoo kale, Wasiirka Maaliyadda Xukuumadad Soomaaliya ayaa sheegay in dhammaantood ay ka go’an tahay in si wadajir ah ugu wada shaqeeyaan horumarka dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Wafdiga guddoomiyaha baarlamaanka Jabuuti oo gaaray Magaalada Baydhabo.

Wafdi uu hogaaminayo Guddoomiyaha golaha shacabka Jamhuuriyadda Soomaaliya oo uu qayb ka yahay guddoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti ayaa gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Wafdiga waxaa garoonka diyaaradaha magaalada Baydhabo ku soo dhaweeyay masuuliyiinta sare ee dowlad goboleedka Koofur-galbeed iyadoo loo galbiyay dhanka madaxtooyada magaalada Baydhabo waxaa halkaas uu uga qayb galayaa wafdigani xafladda furitaanka Kalfadhiga 5aad ee golaha wakiilada Koofur-galbeed oo lagu wado inuu furo madaxweynaha maamulkaasi.

Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka Jabuuti Mudane Maxamed Cali Xumad iyo wafdiga uu hugaaminayo ayaa saaka ka soo dagay garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho oo si weyn loogu soo dhaweeyay ka hor inta uusan u sii gudbin magaalada Baydhabo.

Guddoomiyaha baarlamaanka Jabuuti Maxamed Cali Xumad oo soo garay magaalada Muqdisho

0

Guddoomiyaha golaha Shacabka  Soomaaliya ayaa ku soo dhaweyay magaalada Muqdisho  dhiggiisa Jabuuti waxaana magaalada Baydhabo ay kaga qayb galayaan si wadajir ah  shirka baarlamaanka maamulka Koonfur galbeed oo maantay ka furmaya halkaasi.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti Maxamed Cali Xumad iyo wafdiga uu hoggaaminayo ayaa goor dhow soo gaaray magaalada Muqdisho, iyadoo kaddib u sii gudbi doona magaalada Baydhabo.

Booqashada Wafdiga uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti ayaa qaadan doonta dhowr maalmood, isagoo ka qayb geli doona Kalfadhiyada Baarlamaanada Federaalka Soomaaliya iyo kan Koofur Galbeed oo todobaadkan furmaya,Guddoomiye Mursal ayaa waxaa safarkiisa Baydhabo ku wehliya Xildhibaanno ka tirsan labada gole ee Baarlamaanka Federaalka iyo Wasiiro.

Ammaanka magaalada Baydhabo ayaa si aad ah loo adkeeyay, iyadoo shalay magaaladaas uu gaaray wafdi uu hoggaaminayay Madaxwaynaha Maamulka Koofur Galbeed C/casiis Lafta Gareen oo maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa Muqdisho.

 

Wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya oo soo saartay Qorshaha iyo Habraaca Doorashada Jubbaland

0

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo bandhigtay qorshaha soo xulista xubnaha Baarlamaanka 2-aad iyo doorashada madaxweynaha maamul  gobolkeedka Jubbaland  ee 2019,ka, ka dib markii ay qaadacday Wasaaradda arrimaha gudah,natiijada doorashooyinkii kasoo baxday Jubbaland oo baal marsaneyda hannaankii iyo habraacii doorashooyiinka dastuurka u  qeexayeyo.

 

Shirka Guddiga Fullinta Hay’adda Qaxootiga Adduunka Ee QM Oo Maanta Ka Furmaya Dalka Switzerland

0

Shirka 70-aad ee hay’adda qaxootiga adduunka ayaa maanta ka furmaya magaalada Geneva ee dalka Switzerland waxaana ka qeybgalaya wafuud heer caalami ah.

Shirka ayaa sanadkaan waxaa diirada lagu saaraya arrimaha qaxootiga iyo dhibaatooyinka heysta dadka soo barakacay sidii xal loogu heli lahaa iyo sidoo kale loo abuuro nolol cusub oo badasha mida ay hatan ku sugan yihin.

Soomaaliya ayaa waxaa shirka ku matalaya wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka arrimaha gudaha Federaalka iyo dib u heshiisiinta Xukuumada Federaalka Soomaaliya mudane Cabdi Maxamed Sabriye waxaana la filayaa in madashaasi ay qudbad ka jeediyaan wafdiga ka socda Soomaaliya taaso ay kaga war bixiinayaan xal ka gaarida xaalada barakacyaasha.

Hay’adda qaxootiga adduunka ayaa sheegtay in dhibaatooyin xoog leh ay soo  wajahayaan dadka qaxootiga ah ayna u sii dheertahay mustaqbal la’aan heysata jiilalka ku  dhex barbaaray  qaxootiga iyo sidoo kale Cafimaad daro.

Wasiirkii Amniga Jubbaland Cabdirashiid Janan oo maanta Maxkamad la horgeeyay

Eedaysane Cabdirashiid Xasan Cabdi-Nuur (Janan ) oo ahaa wasiirkii amniga Jubbaland iyo Buulle Aadan Maxamed oo ahaa taliyihii Ciidamo ka howl geli jiray  dagmooyinka Doolow iyo Balad-Xaawo oo loo wada haysto taciyaddo ka dhacay Gobalka Gedo ayaa maanta la hor geeyay Maxkamadda Gobalka Banaadir.

Cabdirashiid Xasan CabdiNuur(Cabdirashiid-Janan) ayaa Bishii hore ciidanka Booliska Soomaaliyeed soo qabteen isaga oo socdaal ku marayay magaalada Muqdisho kuna sii jeeday dalka Itoobiya.

Ciidamada Booliiska dalka ayaa sheegay in eedaha loo haysto Wasiirkii Amniga Jubbaland soo dhameystirayso Waaxda dambi barista Booliiska ee C.I.D-da.

Booliska sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad oo fashiliyay Miino miino lagu aasay Shabellada hoose.

Booliska sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad ayaa fashiliyay Miino nooca Dhulka lagu aaso oo la dhigay inta u dhaxaysa Siinka Dheer iyo Ceelasha Biyaha iyadoo kooxda argagixisada ah ee Al-shabaab ay doonayeen in qaraxaas ay ku dhibaateeyaan dadka isticmaala wadadaas.

Dadka degaanka ayaa ciidanka ku soo wargaliyay in argagixisada ay wadada dhinaceeda ku aaseen qaraxa isla markaa ciidanka oo si dhaqso ah uga jawaabay fariintaa ay shacabka ka heleen ayaa ku baxay goobta waxaana halkaa ay ka soo saareen qaraxa oo ay markii dambe qarxiyeen markii ay dadka ka fogeeyeen goobta.

 

1

Booliis Soomaaliyeed oo tababar la dagaallanka argagixisada ah uga socdo Turkiga.

Tababar ku saabsan la dagaallanka Argagixisada.ayaa magaalada Izmir ee dalka Turkiga uga socda ciidamo ka tirsan Booliiska Soomaaliyeed.

Tababarkaan ayaa isugu jira burburinta iyo ka hortagga miinooyinka dhulka lagu aaso, baarista goobaha dambiyada ka dhacaan iyo howlgalada gaarka ah.

Ciidamadaan ayaa la sheegay in muddo bilo ah uu tababarka u socday, waxaana ay isugu jiraan qaybo kala duwan oo marba tababaro gaar ah lagu siinayo goobaha buuralayda magaalada Izmir.

Dowladda Turkiga ayaa muddooyinkii u dambeeyay si wayn uga qeyb qaadanaysay tababarka Ciidamada qalabka sida, waxaana ay boqolaal askari ay ku soo tababartay dalkeeda, kuwaasoo isugu jira Ciidamo Boolis iyo kuwo ka tirsan xoogga dalka.