Home Blog Page 996

Wasiir Bayle” Waxaan ku guuleysanay inaan ka soo baxno dhamaan shuruudihii nalaga rabay ee Deyn-cafinta Soomaaliya”

0

Washington (SNTV)- Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Bayle oo kamid ah Wafdiga Ra’iisul wasaaraha XFS ee magaalada Washington ku sugan ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku guuleysatay inay ka soo baxdo dhamaan shuruudihii laga rabay ee Deyn-cafinta Soomaaliya.

“Waxaan ku guuleysanay inaan ka soo baxno dhamaan shuruudihii nalaga rabay ee Deyn-cafinta Soomaaliya, kaliya waxa aan sugeynaa jawaabta ay ka bixiyaan deeq bixiyayaasha caalmka oo ku qancay habka aan wax u maamulnay, iyo hufnaanta Maaliyadda Dalka”ayuu yiri Wasiir Bayle

Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa sheegay inay Dowladda Soomaaliya gaartay heerkii ugu sareeyay ee Kalsoonida Beesha Caalamka.

Dhanka kale Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa shirarkii malmahan ka socday magaalada Washington ka sheegay in isbedelo la taaban karo laga gaaray dhinacyada horumarinta maamulka iyo maaliyadda,amniga iyo arrimo badan oo horumarinta dhaqaalaha dalka ku saabsan.

Taliyaha Booliska Soomaaliyeed” Askarigii dhib u gesyta qof shacab ah maheli doono gabaad”

0

Muqdisho (SNTV) Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye Gaas Bashiir Cabdi Maxamed Ameeriko oo ka hadlay Dhacdooyinkii Shalay ka dhacay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in lagu raad-joogo askarigii ka dambeeyey falkii shalay, kaasi oo sida uu sheegay ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

“Ciidanka Booliska Soomaaliyeed waxey ku raad-joogaan Askarigii falkaasi wuxuushnimada ah gesytay, waxaana hadda xiran taliyihii Aagaasi qaabilsanaa, Waxaan shacabka Soomaaliyeed ogeysiineynaa in Booliska ay kusoo wargeliyaan qofka dilkaan ku eedeysan oo baxsad ah”ayuu yiri Taliyaha Booliska Soomaaliyeed.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye Gaas Bashiir Cabdi Maxamed Ameeriko ayaa sidoo kale sheegay in Askarigii dhibaato u geysta qof shacab ah uusan heli doonin gabaad, islamarkaana sharciga lala tiigsan doono.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa dhinaca kale sheegay in gacanta ay ku hayaan dad sida uu sheegay qas-wadayaal ah oo ku dhex gambanayey dadkii ka carooday falkii shalay, kuwaasi oo uu sheegay iney u adeegayeen cadowga oo ay boob u gesyteen goobo ganacsi.

Shir looga hadlayo arrimaha gar gaarka deg dega ah oo ka socda Muqdisho.

Muqdisho (SNTV) Shirkan wadatashiga ah ee ku aadan ka jawaabista gargaarka deg dega ah una dhexeeya madaxda wasaaradaha gargaarka heer Federaal iyo heer dowlada goboleed ayaa maanta ka furmay Muqdisho,kaasi oo socon doona mudo labo casho ah.

Shirkan inta uu socdo waxaa diiradda lagu saaraya arrimo laxiriira fulinta mashaariic laxiriirka ka jawaabista gargaarka deg dega ah,iyo maareynta musiibooyinka.

Cabdinasir Cabdi Caruush oo ah wasiirka Gargaarka Koonfur Galbeed oo ku hadlay magaca mamaul goboleedyada ayaa soo dhaweyey qabsoomida shirkan,wuxuuna xusay in ay kala shaqeyn doonaan wasaaradda Gargaarka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya sidii looga jawaabi lahaa baahiyaha bani’aadanimo ee kajira dalka iyo ka hortagga abaaraha laga cabsi qabo.

Wasiir kuxigeenka gargaarka XFS ayaa C/rashiid Maxamuud Xasan ayaa si guud u faah faahiya ajandaha shirkan,Wasiir kuxigeenku wuxuu intaasi ku daray in mashruucan uu yahay mid horey heshiiskiisu ay u gashey wasaaradda gargaarka Soomaaliya,haatana loo baahanyahay oo kaliyah in la fuliyo.

Ugu dambeyntii Mudane Xamsa siciid xamsa wasiirka gargaarka dowladda Soomaaliya ayaa bogaadiyay miro dhalka shirkan inta uu socdo,isagoo ku tilmaamay mashruucan mid ah miyad gaar ah u leh guud ahaan dalka,uuna sahlaya in laga jawaabo baahiyaha bani’aadanimo ee dalka iyadoo la kaashanaya hay’adaha caalamiga ah ee dhinaca gar gaarka.

Madaxweyne Farmaajo “Ma ogolaanayno in wiilal iyo gabdho Soomaaliyeed lagu ciyaaro nolashooda iyo mustaqbalkooda”

0

Muqdisho (SNTV):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo boqollaal dadweynaha kula hadlay Xarunta Degmada Warta Nabadda ayaa sheegay in wax laga xumaado uu yahay falkii foosha xumaa ee askari ka tirsan laamaha ammaanku uu ku dilay labo muwaadin oo aan waxba galabsan.

Madaxweynaha ayaa faray Hoggaanka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed in ay si adag uga hortagaan falalkan arxan darrada ah ee lagu wiiqayo magaca iyo maamuuska laamaha ammaanka, loogana gol leeyahay in hoos loogu dhigo kalsoonida iyo wada shaqeynta kala dhaxaysa shacabka Soomaaliyeed.

“Ma ogolaanayno in wiilal iyo gabdho Soomaaliyeed lagu ciyaaro nolashooda iyo mustaqbalkooda, waqti inta uu naga lumi karo waa naga lumay. Waxaan ballan qaadaynaa in aan ka shaqeyno sida uu dalkeennu ula tartami lahaa caalamka, taasina waxa ay ku suurta galaysaa inshaa Allah taageeradiinna.”

Sidoo kale, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxa uu si adag u dhaliilay rabshadaha iyo dibad-baxyada colaadeysan ee ay sameeyeen qaar ka mid ah dadkii isu soo baxay, kaddib falkii arxan darrada ahaa ee dhacay, isagoona sheegay in shacabka ay ka digtoonaadaan kuwa fowdada abuuraya ee burburinaya hantida dadweynaha.

Madaxweynaha oo adkeeyey dadaalka ay Dowladdu ku bixinayso ilaalinta hantida, nafta iyo sharafta dadka Soomaaliyeed ayaa kula dardaarmay dhammaan Muwaadiniinta in ay ilaashadaan miro dhalka Dowladnimo, kuna waano qaataan dhibkii iyo rafaadkii aynu soo marnay.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa tacsi u diray qoyskii iyo qaraabadii ay ka baxeen labadii Marxuum ee kala ahaa Maxamed Deeq Cabdulqaadir Cabdullaahi iyo Maxamed Sheekh Cali, waxa uuna ballan qaaday in askarigii dilkaas gaystay uusan heli doonin gabbaad, caddaaladda la horkeeni doono.

Ra’iisul Wasaare Khayre Oo La Kulmay Ku-xigeenka Xog-hayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka

0

Washington (SNTV):– Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS) mudane Xasan Cali Khayre, ayaa magaalada Washington kula kulmay ku-xigeenka Xog-hayaha arrimaha dibadda Mareykanka ee dhanka Siyaasadda, David Hale.

Kulanka ay wada qaateen Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre iyo ku-xigeenka Xog-hayaha Siyaasadda Mareykanka ayaa looga hadlay dadaallada dib-u-habaynta hay’adda dawladda Soomaaliya iyo sida ay Mareykanka uga qeyb qaadan karaan dib-u-dhiska Soomaaliya.

Labada Mas’uul ayaa sidoo kale kulankooda waxa ay iskula soo hadal qaadeen kaalinta Mareynkanka uu ka gaysanayo dadaallada dib-u-kabashada qaranka Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Khayre oo Kulan La Qaatay Wasiirka Horumarinta Norway

0

Washington (SNTV):– Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS) mudane Xasan Cali Khayre iyo wasiirka horumarinta dalka Norway Dag-Inge Ulstein, ayaa kulan gaar ah ku qaatay magaalada Washington ee dalka Mareykanka.

Kulanka dhex maray Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre iyo wasiirka horumarinta Nowray ayaa looga hadlay isbedellada hay’adaha dolwladda Soomaaliya iyo dib-u-habeynta ballaaran ee ay waddo dawladda Soomaaliya si dalku u gaaro dib-u-kabasho dhamays-tiran.

Ra’iisul Wasaaraha iyo Wasiir Dag-Inge Ulstein ayaa isla soo qaaday baahida loo qabo in Soomaaliya lagu taageero qorshayaasha ay degsatay ee ku saleysan baahiyaheeda si loo hir-geliyo dhammaan qorshayaasha dawladda ay ka leedahay dhaqan-gelinta iyo ka mira dhalinta himilooyinka ummadda Soomaaliyeed.

Norway ayaa qayb ka ah wadamada Soomaaliya ka taageera nabadayta, xasiloonida iyo barnaamijyada horumarinta.

Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha Oo Guddoomiyay Shirka Tubta Horumarinta Arrimaha Bulshada

0

Muqdisho (SNTV):- Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare ku-xigeen Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), ayaa maanta guddoomiyay shirka tubta arrimaha bulshada.

Kulanka Tubta Horumarinta Arrimaha Bulshada ayaa looga hadlay dib-u-eegista xogta shaqaalaha dawladda iyo soo ban-dhigidda wax-qabadka tubta sedaxdii bilood ee ugu horreeyay sannadka 2019.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka ahna ku-simaha Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, ayaa faray dhammaan wasaaradaha iyo hay’adaha halbeegyada ku leh tubta in ay dardar-geliyaan fulinta qorshayashaa hor-yaalla ee hor-tebinta leh.

Ra’iisul Wasaare Khayre Oo La Kulmay Xog-hayaha Joogtada Ah Ee Waaxda Horumarinta Caalamiga Ah Ee Ingiriiska

0

Washington (SNTV):- Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS) mudane Xasan Cali Khayre, ayaa magaalada Washington kula kulmay xog-hayaha Joogtada ah ee waaxda horumarinta caalamiga ah ee Ingiriiska (DFID), Matthew Rycroft.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray dardar-gelinta hir-gelinta qorshayaasha hor-tebinta leh ee qaranka Soomaaliyeed iyada oo loo marayo Tubaha Qaranka ee lagu jaan-gooyay wax-qabadka dawladda.

Kulanka ay wada qaateen Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre iyo xog-hayaha Joogtada ah ee waaxda Horumarinta Caalamiga ah ee Ingiriiska ayaa qayb ka ah shirar uu Ra’iisul wasaaruhu Washington kula yeelanayay mas’uuliyiin ka socdo dawlado iyo hay’ado caalami ah.

Ra’iisul Wasaare Khayre Oo La Kulmay Ku-xigeenka Xog-hayaha Difaaca Mareykanka

0

Washington (SNTV):- Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre, ayaa magaalada Washington kula kulmay ku-xigeenka Xog-hayaha Difaaca Maraykanka, David L. Norquist.

Kulanka ayaa looga hadlay qorshaha ay dawladda Soomaaliya ugu diyaar garoobayso la wareegidda amniga dalka iyo kaalinta dawladda Mareykanku ka qaadanayso dhismaha hay’adaha amniga Qaranka.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa dawladda Mayreykanka uga mahad celiyay taageerada ballaaran ee ay dawladda Soomaaliya ka siiso la dagaallanka argagaxisada.

Kulankan ayaa qeyb ka ah kulamada uu Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdigiisa kula qaadanayo mas’uuliyiinta dalka Mareykanka oo uu booqasho ku joogo.

Duqa Muqdisho oo sheegay in lala Xisaabtamayo Askarta Dilalka u geysta Darawalada Bajaajta

0

Abriil 13, 2019—Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) oo ka tacsiyeeyey labo muwaadin oo Ciidanka Booliska ay ku dileen Muqdisho ayaa sheegay in gaadiidka dadweynaha ee ka shaqeeya magaalada uu laf-dhabar u yahay nolosha bulshada Caasimadda, gaar ahaan dhalinyarada iyo dadka dan’yarta ah ee ka soo saarta nolol maalmeedkooda, sidaas daraadeedna aan loo qiil dayeyn wax walba oo dhibaataynaya, waxuna dhinacooda ka codsaday in la ilaaliyo shuruucda, lalana shaqeeyaa ciidamadda amniga.

Guddoomiyaha oo uu weheliyo Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya S/G Bashiir Cabdi Maxamed ayaa kula hadlayay Isgoyska Bakaaraha dhalinyaro bannaanbaxayay, ayaa sheegay in ay jawaab deg-deg ah ka sugayan Taliska Booliska, loogana baahan yahay in gacan adag ay ku qabtaan cid kasta oo muwaadiniinta dhibaateynaysa.

Duqa Muqdisho ayaa ugu baaqay banaanbaxayaasha in xaaladda ay dajiyaan, isla markaana Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed uu qaaday tallaabo looga jawaabayo falkaas, iyadoo xabsiga la dhigay taliyihii xukumayay Ciidanka dilka geystay.

“Waxaan idinka rabnaa in aad la shaqeysaan ciidamada amniga, haddaan amni la helin Bajaaj ma socon karto, ka maamul ahaana waxaa diyaar u nahay cid walba oo dhibaato idiin geysata inaan la xisaabtano oo ilaalino xuquuqdiina.”

Sidoo kale, Duqa Muqdisho iyo Taliyaha Ciidanka Booliska ayaa booqday qoysaska ay ka baxeen labada Marxuum ee dilka loo geystay, waxayna balanqaadeen in askarigii dilka ka danbeeyey caddaaladda la horgeyn doono.