Home Blog Page 97

Guddoomiyaha SoDMA oo shir heer Qaran ah kusoo xiray Muqdisho

0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa magaalada Muqdisho kusoo xiray shir heer Qaran ah oo looga tashanayay dhismaha Istaraatijiyadda Qaranka ee Anticipatory Action, taas oo hagaysa diyaar-garowga iyo jawaab celinta masiibooyinka dalka.

Shirka oo socday muddo saddex maalin ah ayaa laga soo saaray qodobo wax-ku-ool ah oo kor u qaadaya awoodda dalka ee maareynta masiibooyinka.

Daahfurka Istaraatijiyaddan Qaranka ayaa loo arkaa tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo awoodda Soomaaliya ee saadaalinta aafooyinka iyo qaadashada tallaabooyin degdeg ah oo badbaadin kara nolosha iyo hantida bulshada.

Mas’uuliyiin sare oo ka socday DRC, FAO, WFP, iyo IGAD ayaa jeediyay hadallo hambalyo ah, iyagoo bogaadiyay ruuxa iskaashiga ah isla markaana xaqiijiyay taageeradooda sii socota ee lagu xoojinayo hawlgelinta hore ee Soomaaliya.

Ugu dambeyn, Guddoomiyaha SoDMA ayaa si rasmi ah usoo xiray shirka, isaga oo sheegay in khariiddadan ay tahay natiijada shaqo farsamo oo qoto dheer, wadatashi Qaran iyo iskaashi xooggan oo dhexmaray Hay’adaha dowladda, IGAD, iyo bah-wadaagta. Khariiddada waxaa lagu taageeray mashruuca SCALAA oo ay maalgelisay DG ECHO, waxaana fulinaya WFP, FAO, IFRC, DRC iyo ICPAC.

Geeddi-socodkan wuxuu muujinayaa ballanqaadkeena wadajirka ah ee ku aaddan diyaar-garow la saadaalin karo, la isku waafaqsan yahay, kana fog xasaradaha.

Bilihii lasoo dhaafay, waxaa la qabtay wadatashiyo heer Qaran ah, falanqeyn farsamo, iyo kulamo dib-u-eegis ah oo ay ka qayb galeen Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Soomaaliya (SoDMA), Wasaaradaha kala duwan ee dowladda iyo khubaro ka kala socday hay’adaha bani’aadamnimo iyo kuwa horumarinta. Kulamadan waxay xaqiijiyeen in khariiddadu ku saleysan tahay caddeyn ay la jaanqaadaysay xaaladda dalka, isla markaana ay si buuxda ugu habboon tahay baahiyaha jira.

Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga oo ka qeybgalay shir looga hadlayo arrimaha Barakacayaasha

0

Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka, Mudane Axmed Xuseen Cilmi, ayaa ka qeybgalay Shirka Sannadlaha ah ee looga hadlayo “Ilaalinta iyo Xalka Waara” ee dadka Barakaca uu saameeyey, kaasi oo ka dhacay magaalada Jabuuti ee dalka Jabuuti.

Shirkan waxaa kasoo qeybgalay wakiillo ka socday dalalka ku mideysan Urur Goboleedka IGAD, hay’ado caalami ah iyo diblomaasiyiin ka socday safaaradaha. Waxaa lagu soo bandhigay warbixinno ka dhashay qiimeyn iyo dabagal muddo bilooyin ah socday, kuwaas oo diiradda lagu saarayey guulaha laga gaaray mashaariicda sannadkan soo dhammaanaya ee “Ilaalinta iyo Xalka Waara”, iyo caqabadaha weli ka jira dalalka IGAD.

Guddoomiye Axmed Xuseen Cilmi ayaa khudbaddiisa ku adkeeyey dadaallada ay Dowladda Federaalka Soomaaliya hormuudka ka tahay, gaar ahaan:

Saameynta ka dhalatay hoos u dhaca kaalmada bini’aadannimo.

Dhibaatada sii kordheysa ee isbeddelka cimilada iyo tirada barakacayaasha oo sii badanaysa.

Horumarka muhiimka ah ee laga gaaray meelmarinta Hindise Sharciyeedka Ilaalinta iyo Taakuleynta Barakacayaasha Gudaha.

Wufuudda ka qeyb gashay shirka ayaa si gaar ah u bogaadiyey tallaabooyinka ay qaaday Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyagoo ku amaanay dadaalka joogtada ah ee lagu doonayo in lagu xalliyo caqabadaha haysta barakacayaasha gudaha dalka.

Howlgal lagu dilay xubno katirsan khawaarijta oo ka dhacay Bakool

0

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa xalay fuliyay howlgal qorsheysan oo laga sameeyay na-waaxiga deegaanka Moora-Gaabeey, oo 37 KM u jirta degmada Xuddur ee gobolka Bakool.

Howlgalka oo si xeeladeysan loo abaabulay ayaa waxaa lagu dilay in ka badan saddex dhagarqabe, waxaana lagu dhaawacay in ka badan toban xubnood oo ka tirsan maleeshiyaadka Khawaarijta ah.

Ciidanka Xoogga Dalka, gaar ahaan Guutada 9-aad ee Qeybta 60-aad, ayaa sidoo kale ku soo furtay agab ciidan oo ay ku jirtaan hub iyo saanad ay isticmaalayeen kooxaha nabad-diidka ah.

Taliyaha Qeybta 60-aad ee CXDS, Gaashaanle Sare Maxamed Yariis Aadan, oo la hadlay Warbaahinta Ciidamada, ayaa sheegay in howlgalka uu qeyb ka ahaa dadaallada joogtada ah ee lagu ciribtirayo dhagarta Khawaarijta, ayna Ciidanku ka go’an tahay inay sugaan amniga deegaanka iyo badbaadada shacabka Soomaaliyeed.

Wasaaradda Caddaaladda oo shaacisay xiliga la qabanayo Shirweynaha 1-aad ee Bahda Caddaaladda Soomaaliyeed

0

Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS, Faysal Aadan Xasan, ayaa warbaahinta u xaqiijiyey in la qabanayo Shirweynaha 1-aad ee Bahda Caddaaladda Soomaaliyeed, kaas oo lagu qaban doono magaalada Muqdisho.

Xoghayaha ayaa sheegay in shirkan, oo diiradda lagu saari doono dib-u-habeynta hay’adaha caddaaladda, xoojinta iyo awood-siinta laamaha garsoorka, uu si rasmi ah u furmi doono 22–23 November 2025.

Shirweynahan ayaa noqonaya madal qaran oo sanadle ah, waxaana isugu imaan doona bahda garsoorka iyo caddaaladda dalka, si ay uga wada hadlaan hannaanka dib-u-habeynta iyo horumarinta nidaamka caddaaladda Soomaaliya. Waxaa ka qayb geli doona ergo kala duwan oo ka socda dowladda federaalka, wasaaradaha caddaaladda ee dowlad-goboleedyada, ururada bulshada rayidka, iyo marti sharaf kale.

Guddiga Madaxa Bannaan ee Dastuur BFS oo kulamo ka yeeshay arrimaha Dastuurka dalka

0

Guddiga Madaxa bannaan ee Dastuurka iyo Guddiga Lasocodka Dastuurka ee Baarlamaanka oo maalintii 3aad ku gudajira soo bandhigidda soojeedinta wax-kabeddelka cutubyada 5aad ilaa 9aad ee Dastuurka.

Kulankan ayaa diirradda lagu saaray cutubka lixaad ee dastuurka oo cinwaankiisu yahay Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo cutubka 7aad ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo war muhiim ah soo saaray

0

Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha(GMDQS) isaga oo gudanaya waajibaadkiisa Dastuuriga ah, fulinayana awoodihiisa uu sharcigu tilmaamayo si waafaqsan Qod. 18-aad ee Xeerka Doorashooyinka Qaranka oo ah Cayimidda muddooyinka Doorashooyinka Qaranka.

Guddiga ayaa ku wargeliyay dhammaan daneeyayaasha arrimaha doorashooyinka in guddigu ku talagalkiisu yahay inuu ku dhammeystiro dhammaan heerarka kala duwan ee doorashooyinka muddo xilleedkooda dastuuriga ah ee goleyaasha Qaranka.

Halkaan Hoose ka akhriso waraaxaafadeedka.

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo kulan la yeeshay madaxda Hay’adda SoDMA

0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS, Cali Yuusuf Cali – Xoosh ayaa maanta qaabilay mas’uuliyiinta Hay’adda SoDMA oo uu ugu horeeyo Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle.

Kulankan ayaa looga hadlay heerka xaaladda Banii’aadnimada dalka iyda oo mas’uuliyiinta SoDMA ay soo bandhigeen warbixinno la xiriira dhibaatooyinka ka dhashay roob la’aanta, biyo iyo baad yarida iyo xalalka ugu haboon.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya mudane Cali Xoosh ayaa Bogaadiyey shaqada SoDMA, isaga oo xaqiijiyey sida Wasaaradda iyo dowladdu uga go’antahay garab istaagga dadka nugul iyo sidii xalwaara loogu heli lahaa abaaraha.

Bixinta Kaararka Doorashada Golaha Deegaanka oo Ka Bilaabatay Muqdisho

0

Soomaaliya ayaa qaaday tallaabo muhiim ah oo ku wajahan hirgelinta doorashooyin qof iyo cod ah, iyadoo si rasmi ah looga bilaabay bixinta kaararka codbixinta degmooyin ka tirsan gobolka Banaadir. Tani waxay astaan u tahay bilowga marxalad cusub oo siyaasadeed oo ku dhisan hufnaan, ka-qaybgal bulsho iyo dimuqraadiyad dhab ah.

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka (GMDQ) ayaa shaaciyay in bixinta kaararka codbixinta laga bilaabay toddobo degmo oo ka mid ah caasimadda. Ku dhawaad hal milyan oo qof oo horey isaga diiwaangeliyay magaalada Muqdisho ayaa hadda fursad u helaya inay qaataan kaararkooda si ay u gutaan waajibaadkooda muwaadinimo ee codbixinta.

Golayaasha deegaanka—oo doorashadoodu tahay tiir-dhexaadka nidaamka dowlad-dhiska heer hoose—ayaa mas’uul ka ah adeegyada aas-aasiga ah ee bulshada, qorsheynta horumarinta degmooyinka, ilaalinta nadaafadda, amniga deegaanka iyo daryeelka xuquuqda muwaadiniinta. Doorashada ay shacabka si toos ah ugu codeynayaan mas’uuliyiintooda waxaa loo arkaa tallaabo lagu xoojinayo isla xisaabtanka iyo in maamulka loo soo dhoweeyo bulshada.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, oo booqday xarunta Guddiga Doorashooyinka, ayaa ku nuuxnuuxsaday sida ay xukuumaddu uga go’an tahay hirgelinta doorasho qof iyo cod ah.

Wuxuu yiri:

“Waxaan ku kalsoonahay shacabkeenna oo ay gacantooda ku jirto codbixinta. Qofka rumeysan Allaah kadibna ku kalsoon shacabkiisa, ma aaminsani in meel xun ay dhigayaan.”

Wuxuu intaas ku daray:

“Waxaan shacabka ka codsaneynaa inay fursaddan ka faa’iideystaan oo ay qaataan kaararkooda, si ay doorashadooda u gutaan, maadaama uu dastuurku sidaas farayo.”

Dhankiisa, Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka, Cabdikariin Axmed Xasan, ayaa shacabka gobolka Banaadir ugu baaqay inay si firfircoon uga qaybqaataan geeddi-socodka doorashada, isaga oo adkeeyay muhiimadda ay leedahay qaadashada kaarka codbixinta.

Doorashada golaha deegaanka ee ka socota caasimadda waxaa lagu tilmaamay tallaabo dhabbaha u xaareysa nidaam dowladnimo oo hufan, oo ka bilaabma heer hoose kuna dhisan xasillooni, maamul wanaag iyo horumar waara. Hirgelinta nidaamkan cusub ayaa muujinaysa in Soomaaliya ay u socoto jihada ay bulshadeedu muddo dheer sugaysay—doorasho toos ah oo codka shacabku saldhig u yahay.

Ciidanka Xoogga oo howlgallo ka dhan ah khawaarijta ka wada gobolka jubbada Hoose

0

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee Qeybta 43-aad iyo Kumaandooska Danab ayaa howlgallo qorsheysan ka dhan ah Khawaarijta ka wada deegaanno hoos taga degmada Jamaame ee gobolka Jubbada Hoose, iyadoo halkaas jab culus lagu gaarsiiyay cadowga.

Howlgallada ayaa laga fuliyay deegaannada Muuse Xaaji, Araare, Koban, Bangeeni, Maleyleey, Baladu-raxma iyo Degeyga Maam-bile, kuwaas oo dhammaantood hoos taga degmada Jamaame. Ciidamada ayaa Khawaarijta ka saaray deegaannadii ay ku dhuumaaleysanayeen, iyagoo u geystay khasaare culus.

Howlgalka dhulka ka socday waxaa barbar socday duqeymo ay fuliyeen Ciidamada Qaranka, kuwaas oo lagu burburiyay goobihii ay Khawaarijtu ka samaysteen meelo ay isku qarinin jireen. Saraakiisha Xoogga Dalka ayaa sheegay inay weli sii baacsanayaan firxadkii Khawaarijta, ayna socdaan howlgallada lagu xaqiijinayo amniga aagga degmada Jamaame.

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee BFS oo booqasho ku tagay Xarunta Cilmibaarista iyo Daraasaadka Maqaasid

0

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow, ayaa booqasho ku tagay Xarunta Cilmibaarista iyo Daraasaadka Maqaasid. Waxaa halkaasi ku soo dhoweeyay Guddoomiyaha xarunta, Xildhibaan Maxamed Sheekh Axmed (Maxamed Xaaji), iyo howlwadeenada xarunta.

Intii ay kulanka ku jiraan, Guddoomiye ku-xigeenka iyo maamulka xarunta waxa ay ka wada hadleen xoojinta wada-shaqeynta, doorka cilmi-baaristu ku leedahay dhismaha dowlad-wanaagga, iyo sidii loo horumarin lahaa barnaamijyada aqooneed ee xaruntu bulshada u fuliso.

Ugu dambeyn, Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka ayaa kormeeray qaybaha kala duwan ee xarunta, isagoo bogaadiyey shaqada muuqata ee ay qabtaan. Sidoo kale, waxa uu ka guddoomay madaxda xarunta hadiyado buugaag ah iyo warbixinaha ay soo saareen.