Home Blog Page 96

Golaha Aqalka Sare oo Ansixiyay Guddiga Xuquuqul Insaanka Qaranka.

0

Mudanayaasha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah u ansixiyay xubnaha Guddiga Xuquuqul Insaanka Qaranka, kadib cod gacan-taag ah oo ay u qaadeen.

28 Senator ayaa oggolaaday, hal Senatorna wuu ka aamusay, mana jirin cid diiday, taasoo muujisay kalsoonida ballaaran ee goluhu u hayo xubnaha guddiga.

Xubnaha guddiga ayaa isla kulankaas lagu dhaariyay, iyagoo si rasmi ah u guda geli doona waajibaadkooda, kuwaas oo ay ugu weyn yihiin ilaalinta, horumarinta, iyo u doodidda xuquuqda aadanaha ee dalka.

Guddigani waxa uu door muhiim ah ka ciyaari doonaa la socodka tacaddiyada, kor u qaadidda wacyiga xuquuqda muwaadiniinta, iyo dhiirrigelinta cadaaladda bulsho.

Ansixinta guddigan ayaa qeyb ka ah dadaallada dowladdu ugu jirto dhisidda hay’adaha dimoqraadiyadda iyo ilaalinta xuquuqda aasaasiga ah ee muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo Muqdisho ka furay Shirka Garsoorayaasha Soomaaliyeed.

0

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka, Garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed, ayaa saaka magaalada Muqdisho ka daahfuray Shirka Madasha Garsoorayaasha Soomaaliyeed, kaas oo socon doona muddo laba cisho ah.

Shirkan, oo saddexdii biloodba mar la qabto, waxaa diiradda lagu saarayaa baahiyaha garsoorayaasha, caqabadaha heysta, iyo horumarka laga gaaray arrimaha mudnaanta u leh bahda garsoorka.

Waxaa shirka ka qeybgalaya Guddoomiyeyaasha Maxkamadaha Gobollada iyo Rafcaanka, Garsoorka dowlad-goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, iyo garsoorayaal ka kala socda heerarka kala duwan ee dalka.

Wasiirka Hawlaha Guud ee DFS oo Nairobi kula kulmay dhiggiisa Kenya. 

0

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-Dhiska iyo Guriyeynta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr. Cilmi Maxamuud Nuur, oo safar shaqo ku jooga magaalada Nairobi ee dalka Kenya, ayaa kulan soo dhaweyn heer sare ah la yeeshay Wasiiradda Hawlaha Guud, Dhulka iyo Qorsheynta Magaalooyinka Kenya, Marwo Hon. Alice Wahome (EGH).

Kulanka waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa Safiirka Soomaaliya ee Kenya, Danjire Jibriil Ibraahim Cabdulle, iyadoo wada-hadallada lagu lafaguray qodobbada muhiimka ah ee hoos ku xusan:

– Xoojinta iskaashiga dhanka tababarrada iyo is-dhaafsiga khibradda ee la xiriira magaaleynta, guriyeynta, iyo maamulka dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha.

– Dardargelinta mashaariicda horumarineed ee labada dal, gaar ahaan kuwa la xiriira marinnada isku xira Soomaaliya iyo Kenya.

– Hirgelinta barnaamijyada guryaha jaban, la awoodi karo, oo adkaysi leh, kuwaas oo muhiim u ah horumarinta magaalooyinka.

Kulanka ayaa kusoo dhammaaday jawi is-afgarad leh, iyadoo labada dhinac ay isla qaateen in la ballaariyo xiriirka iskaashi ee dhanka horumarinta iyo dhismaha, taasoo ka tarjumaysa dadaallada joogtada ah ee lagu xoojinayo heshiisyada labada Wasaaradood ee Soomaaliya iyo Kenya.

Wasiirka Haweenka oo Golaha Aqalka Sare ka hor jeedisay muhiimadda Guddiga Xuquuqul Insaanka.

0

Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Khadiijo Maxamed Al-Makhzoumi, ayaa hortimid mudanayaasha Golaha Aqalka Sare, iyadoo faahfaahin ka siisay ahmiyadda iyo doorka muhiimka ah ee Guddiga Xuquuqul Insaanka Qaranka uu u leeyahay bulshada Soomaaliyeed.

Wasiir Khadiijo ayaa tilmaantay in guddigani uu saldhig u yahay ilaalinta xuquuqda aadanaha, la dagaalanka tacaddiyada, iyo xaqiijinta sinnaanta iyo caddaaladda bulshada. Waxay xustay in dhismaha guddigan uu ka tarjumayo horumar ballaaran oo laga sameeyay hirgelinta mabda’a dimoqraadiyadda iyo dowladnimada ku dhisan sharci iyo ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta.

Sidoo kale, Wasiir Khadiijo waxay bogaadisay doorka Aqalka Sare ee ansixinta xubnaha guddigan, taasoo muujinaysa garab istaagga hay’adaha dowladda ee ku shaqada leh ilaalinta xuquuqda aadanaha.

Khudbadda Wasiir Khadiijo ayaa timid xilli xubnaha Guddiga Xuquuqul Insaanka la horgeeyay Golaha Aqalka Sare, kuwaasoo si rasmi ah cod aqlabiyad leh loogu meel mariyay, lana dhaariyay si ay u gutaan waajibaadkooda qaran.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo furay Shirweynaha Labaad ee Qiimeynta iyo Kormeerka Qaran

0

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa furay Shirweynaha Labaad ee Qiimeynta iyo Kormeerka Qaran, oo looga hadlayay sidii loo xoojin lahaa nidaamka qorsheynta, si loo dardargeliyo hannaanka howl-fulinta iyo horumarinta hey’adaha dowliga ah, loona helo nidaam qorsheyn iyo kormeer mideysan.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka, ayaa sheegay in ujeeddada shirka ay tahay adkeynta awoodda hey’adaha dowladda, dhisidda nidaamyo shaqo oo xooggan, iyo kor u qaadista siyaasadaha horumarinta qaranka. Wuxuu xusay in iyada oo la soo gabagabeeyey Qorshaha Isbeddelka Qaranka, ay haddana lama huraan tahay in la hirgeliyo kormeer qaran oo hufan, si loo hubiyo natiijooyin muuqda oo la taaban karo.

Shirka oo ay soo qaban-qaabisay Wasaaradda Qorshaynta, Maalgashiga iyo horumarinta Dhaqaalaha, ayaa waxaa ka qeyb galay masuuliyiin ka socday hey’adaha dowladda iyo wakiillo ka socday Beesha Caalamka, kuwaas oo bogaadiyey guulaha siyaasadeed iyo horumarineed ee ay dowladda Soomaaliya gaartay, iyaga oo muujiyay sida ay uga go’an tahay taageerada iyo garab istaagga hey’adaha dawliga ah.

Soomaaliya oo soo dhawaysay heshiiska Congo DRC iyo jabhadda M23

0

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay soo dhaweyneysaa saxiixa heshiiska Doha Peace Framework ee u dhexeeya Dowladda Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Kongo iyo Isbahaysiga Webiga Kongo “23 Maarso Movement”, iyadoo tallaabadan u tixgelineysa horumar dhisme iyo hiigsi leh dadaallada ballaaran ee lagu gaarayo xasillooni waarta.

Soomaaliya waxay bogaadisay dadaalka hagar la’aanta ah ee Dowladda Qatar ee fududeynta jidkan, maadaama diblomaasiyadeed ee joogtada ah ay ka qayb qaadanayso samaynta cimilo wax-qabad leh oo wax-dhis ah, bixinta baaxadda leh ee mabaadi’da ay dejisay Baaqa Doha.

Waxay sidoo kale ku amaanan tahay kaalintii qiimaha iyo hagar la’aanta ahayd ee ay ka ciyaareen Maraykanka, Jamhuuriyadda Togo iyo Guddiga Midowga Afrika, taageeradooda iyo wada shaqayntoodu waxay dib u soo celiyeen waqtigii loo baahnaa in la isugu keeno aragtida dhinacyada.

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay sidoo kale muujinaysaa mahadnaq mas’uuliyadda leh iyo aragtida mustaqbalka ee labada dhinac ay bixiyeen guud ahaan geedi socodka, iyadoo ku adkaynaysa sida ay uga go’an tahay wax ka qabashada khilaafka iyada oo loo marayo wadahadal abaabulan, tallaabooyin kalsooni dhis ah iyo dariiq wajahsan oo mudnaan siinaya dhimista badbaadinta, ilaalinta shacabka, Fududeynta helitaanka gargaarka bani’aadamnimo iyo diyaarinta xaaladaha nabadgalyada iyo soo noqoshada barakacayaasha.

Soomaaliya waxay rajaynaysaa in hab-maamuusyada farsamada iyo farsamaqda mustaqbalka ay ku lug yeeshaan isku tashi horumarkan iyo dhigista waddo joogteyn ah la gaari karo oo loo jihaysto nabad waarta.

Hay’adda SoDMA oo daahfurtay geedi-socodka Ka-hortagga Masiibooyinka. 

0

Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo u maraysa Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Soomaaliya (SoDMA), ayaa si rasmi ah u daahfurtay Geedi-socodka habka kasii ka feejignaanta musiibooyinka (Anticipatory Action Roadmap), kaddib kulan saddex maalmood socday oo lagu ansixinayey geedi-socodkan, kaasoo ka dhacay Hotel Peace ee magaalada Muqdisho.

Daahfurkani wuxuu calaamad u yahay tallaabo ballaaran oo lagu xoojinayo awoodda Soomaaliya ee saadaalinta iyo ka-hortagga dhibaatooyinka la xiriira isbeddelka cimilada.

Labadii maalmood ee hore ee kulanka, ka-qaybgalayaashu waxay si wadajir ah uga shaqeeyeen hagaajinta, dhammaystirka, iyo ansixinta lixda tiir ee saldhigga u ah geedi-socodka ka-hortagga. Si loo hubiyo xaaladda khatarta ee Soomaaliya, nidaamyada qaranka, iyo dadaalladii hore ee ficilka ka-hortagga, waxaa kulanka ka qayb qaatay wakiillo ka socday dowladda, hay’adaha Qaramada Midoobay, ururrada aan dowliga ahayn (NGOs), iyo bah-wadaagta farsamada.

Maalinta ugu dambeysa ee kulanka ayaa ahayd munaasabadda daahfurka rasmiga ah ee Geedi-socodka loo marayo ka-hortagga masiibooyinka dalka.

Agaasimaha Guud ee SoDMA, Khadar, ayaa muujiyey mahadnaq ballaaran oo ku aaddan ka-qaybgalka baaxadda leh iyo tayada wax-ku-oolka ah ee farsamada lagu bixiyey intii uu socday kulanka, isaga oo xusay in geedi-socodkan uu yahay natiijada wadatashi ballaaran iyo ansixin wadajir ah.

“Maanta waa maalin aan muddo sugaynay. Geedi-socodkaan wuxuu ka tarjumayaa sannado shaqo adag, wadatashi ballaaran, iyo dib-u-eegis farsamo oo qoto dheer. Dowladda waxay si dhow ula socotay geeddi-socodka, balse waa idinka bah-wadaagta guushan ay idinka timid,” ayuu yiri.

Wakiillo ka socday DRC, FAO, WFP, iyo IGAD ayaa jeediyey hadallo hambalyo ah, iyagoo muujiyey ruuxa iskaashi iyo ballanqaadkooda sii socda ee ku aaddan xoojinta ficilka ka-hortagga masiibooyinka ee Soomaaliya.

Guddoomiyaha SoDMA, Mudane Mahamud Moallim Abdule, ayaa si rasmi ah u soo xiray kulanka, isagoo u mahadceliyey dhammaan bah-wadaagta, khibradooda, iyo hoggaamintooda. Wuxuu sidoo kale u mahadceliyey shirkadda Galayr Consultancy taageeradooda farsamo ee diyaarinta khariidadda.

Daahfurkan ayaa Soomaaliya u horseedaya tallaabo muhiim ah oo lagu dhisayo nidaam rasmi ah oo ficil hore ah, loogana shaqeynayo mustaqbal adkaysi leh oo ay bulshooyinka Soomaaliyeed si wanaagsan uga badbaadaan masiibooyinka.

11 khawaarij ah oo lagu dilay howlgal ka dhacay nawaaxiga Xarardheere

0

Ciidamada Macaawisleyda ee ka howlgala degmada Xarardheere ayaa xalay fuliyay howlgal si gaar ah loo qorsheeyay, kaasi oo si toos ah loogu beegsaday malleeshiyaad Khawaarijta ka tirsan oo ku dhuumaaleysanayay tuulada Dumaaye ee gobolka Mudug.

Howlgalka ayaa lagu dilay 6 malleeshiyaad ah, waxaana gacanta lagu soo dhigay hub iyo saanad ay argagixisadu ku dhibaateyn jireen dadka shacabka ah. Hubka laga soo furtay cadawga, waxaa ka mid ahaa afar qori oo nooca AK-47 ah iyo agab ciidan oo kale, sida lagu sheegay war saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Difaaca ee Soomaaliya.

Dhanka kale, Ciidanka Xoogga Dalka ayaa fashiliyey weerar naf-la-caari ah oo ay maleeshiyaadka Khawaarijta kusoo qaadeen deegaanka Dabagalo, oo qiyaastii 35 KM dhanka Waqooyi-Galbeed ka xiga Xarardheere. Ciidanku waxay ka hortageen qorshaha cadowgu soo maleegay ee lagu doonayay in lagu carqaladeeyo nabadgelyada deegaanka.

Dhanka kale, howlgal kale oo ka dhacay wadad isku xirta Garasweyne iyo Moragabey oo 37 km dhanka galbeed uga beegan degmada Xudur ee gobolka Bakool ayaa lagu beegsaday koox kale oo Khawaarij ah.

Howlgalkaas waxaa lagu dilay 5 dhagar-qabe oo tirsanaa malleeshiyaadka Khawaarijta, kuwaas oo ay ku jireen horjoogayaal muhiim ah, waxayna ciidamada ay gacanta ku dhigeen 2 qori AK-47 ah iyo saanad ciidan oo kale.

Magacyada horjoogayaasha la dilay waxaa ka mid ah:

Ibraahim Caliyow Maxamed Macalin

Aadan Maxamed Same

Cabdullaahi Aadan Dheere

Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed waxay bogaadinayaan dadaallada joogtada ah ee CXD iyo ciidamada Macaawisleyda ee lagu ciribtirayo haraadiga kooxaha argagixisada, waxayna mar kale caddeynayaan inay sii socon doonaan howlgallada lagula dagaallamayo Khawaarijta illaa CXD ay xaqiijiyaan in shacabka Soomaaliyeed ay ku noolaadaan ammaan buuxa iyo xasillooni waarta.

Shirweynaha 2-aad ee Kormeerka iyo Qiimeynta Qaranka oo ka furmay Muqdisho

0

Waxaa maanta si rasmi ah uga furmay magaalada Muqdisho Shirweynaha 2-aad ee Kormeerka iyo Qiimeynta Qaranka, oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha.

Shirkan oo ay ka qaybgaleen mas’uuliyiinta dowladda, khubaro caalami ah iyo la-taliyeyaal ku takhasusay kormeerka iyo qiimeynta ayaa waxa uu sanadkan halkudhiggiisu yahay “Xoojinta Nidaamka Qiimeynta Qaranka si loo dardargeliyo Qorshaha Isbeddelka Qaranka 2025–2029.”

Kulanka ayaa diiradda lagu saarayaa horumarinta nidaamyada kormeerka iyo qiimeynta Qaranka iyo sidii xogta iyo natiijooyinka la isku halayn karo loogu beddeli lahaa go’aanada iyo siyaasadaha taageera hirgelinta Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP 2025–2029).

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorsheynta, Mudane Maxamed Shire, ayaa sheegay in shirka looga hadli doono xoojinta iskuxirka xogta kormeerka iyo go’aan qaadashada si loo horumariyo waxqabadka hay’adaha.

Shirweynaha ayaa sidoo kale looga hadlay horumarinta nidaamka qiimeynta Qaranka, hagaajinta la socodka barnaamijyada dowladda iyo soo saarista talooyin wax ku ool ah oo dardargelinaya hirgelinta qorshaha isbeddelka Qaranka sannadaha soo socda.

Soomaaliya oo ku baaqday in tallaabo degdeg ah loo qaado joojinta gaajada la xiriirta colaadaha

0

Danjiraha Soomaaliya ee Qaramada Midoobay, Mudane, Abuukar Daahir Cismaan (Abuukar Baalle) ayaa ka hadlay muhiimadda ay leedahay xiriirka ka dhexeeya dagaalka iyo gaajada.

Danjire, Abuukar Baalle oo ka hadlayay shalay 17-kii November shir furan oo Golaha Ammaanka uu ka yeeshay cunno-yarida la xiriirta colaadaha ayaa intaa ku daray in colaaduhu ay gaajo ka dhaliyaan dalal badan, halka gaajaduna ay sidoo kale dalalka ka dhigto kuwo jilicsan oo u nugul fowdada.

Mudane, Abuukar Baalle ayaa xusay Qaraarka 2417 ee QM uu ka digayo in gaajada loo adeegsado hub ahaan, taas oo khatar ku ah nabadda.

Wuxuu tilmaamay in warbixinta caalamiga ah ee 2025 oo ku saabsan dhibaatooyinka cunnada ay muujisay in dadka la ildaran gaajada ba’an ay sii kordhayaan, arrintaasina ay u baahan tahay iskaashi caalami ah oo ballaaran.

Wuxuu iftiimiyay dadaallada iyo horumarka ka socda Afrika, wuxuuna tusaale u soo qaatay Bayaankii Kampala ee Midowga Afrika, kaas oo diiradda saarayay dhisidda nidaamka beeraha iyo xasillooni dhaqaale.

Danjiraha Soomaaliya ee Qaramada Midoobay, Mudane, Abuukar Daahir ayaa sheegay in dadaalladan ay ku saleysan yihiin mudnaanta Afrika, taas oo ay ujeeddadoodu tahay in bulshada la taageero, dhaqaalaha maxalliga ah la xoojiyo, lana hubiyo in dalalka ay awood ugu yeeshaan in ay ka hortagaan musiibooyinka mustaqbalka.

Wuxuu sheegay in bulshooyinka ay horumar sameeyaan marka ay awood u yeeshaan in ay maamulaan khayraadkooda, wuxuuna intaas ku daray in haweenku door dhexe ku leeyihiin wax soo-saarka cuntada iyo daryeelka qoyska, ayna tahay in codkooda lagu hago siyaasadaha.

Danjire Baalle ayaa yiri ,”Waa in Golaha Ammaanku xoojiyo nidaamyada digniinta hore ee Qaraarka 2417, lana xisaabtamo kuwa gaajada u adeegsada hub ahaan”.

Mudane Abuukar Baalle ayaa ku baaqay iskaashi adag oo isku daraya gargaarka bani’aadannimo, horumarinta iyo dhisidda nabadda.

Wuxuu dalalka caalamka ku boorriyay in ay bixiyaan maalgelin joogto ah oo wax-ku-ool ah, si loo fuliyo qorshayaasha qaran ee sugnaanta cuntada, isagoo sheegay in maalgelinta wax-soosaarka maxalliga ah, suuqyada cadaaladda ku dhisan iyo kaabayaasha miyiga ay keeni doonaan faa’iido waarta.

Danjiruhu wuxuu sheegay in aan waligood cuntada loo adeegsan karin sidii dhaawac loogu geysan lahaa dadka ama loogu kala fogeyn lahaa bulshooyinka, wuxuuna xusay in la dagaallanka gaajada ay tahay furaha nabadda iyo xasilloonida.

Ugu dambayn, wuxuu sheegay in Soomaaliya ay sii wadi doonto in ay la shaqeyso saaxiibbadeeda caalamka si loo dhiso nidaamyo siiya dadka cunto, fursad iyo rajo.