Home Blog Page 96

Wasiirka arrimaha dibadda oo Shiinaha kula kulmay dhigiisa Kenya

0

Wasiirka arrimaha Dibadda Soomaaliya mudane Cabdisalam Cabdi Cali (Dhaay), ayaa kulan miro-dhal ah la yeeshay dhiggiisa Kenya mudane Musalia Mudavadi, intii uu socday Shirka FOCAC ee lagu qabtay Shiinaha.

Kulanka waxaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka labada dal, iyadoo Wasiir Dhaay uu adkeeyay muhiimadda hay’adaha dastuuriga ah iyo ilaalinta madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.

Kenya waxay mar kale caddeysay taageerada ay u hayso midnimada Soomaaliya, iyadoo labada dhinac ay isku raaceen in la dedejiyo shirarka Guddiga Iskaashiga Wadajirka ah (JCC) si loo horumariyo iskaashiga dhinacyada ganacsiga, waxbarashada, amniga iyo kaabeyaasha dhaqaalaha.

Wasiir Dhaay ayaa uga mahadceliyay Kenya kaalinta ay ku leedahay nabad ilaalinta Soomaaliya, gaar ahaan doorka ay ku leedahay howlgalka ATMIS.

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS oo beenisay warar been abuur ah oo lagu faafiyay baraha bulshada

0

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay si cad u beeninaysaa wararka been abuurka ah ee maalmihii u dambeeyay lagu faafinayay baraha bulshada, kuwaas oo la xiriira safarka wafdiga rasmiga ah ee ka qeybgalay Shirweynaha Shaqaalaha Caalamiga ah (ILO) ee ka dhacay magaalada Geneva ee dalka Switzerland.

Guddoomiyaha G/Banaadir oo deeq daawooyin ah ku wareejiyay Ciidamada Difaaca Deegaanka

0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa deeq daawooyin ah ku wareejiyay Ciidamada Difaaca Deegaanka ee ka bar-bar dagaalama Ciidamada Xooga dalka kuwooda ku sugan Gobolka Hiiraan.

Duqa Muqdisho ayaa, sheegay in ay ka go’an tahay taageerida iyo garab istaaga Ciidamada Qaranka iyo kuwa difaaca Deegaanada ee dagaalka kula jira kooxaha khawaarijta, waxa uuna xusay in uu gacan ka geysan doonno taageeri weliba oo ay u baahan yihiin.

Munaasabadda uu Duqa Muqdisho ku wareejinaayay Deeqdaan waxaa goobjoog ka ahaa Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Xoghayaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir iyo Ururka Haweenka Gobolka Banaadir.

Taliyaha Guutada 10-aad oo Dhiirrigelin u Sameeyay Ciidamada Baladxaawo

0

Taliyaha Guutada 10-aad ee Qaybta 43-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Col. Cismaan Sheikh Cabdi Qorax, ayaa booqday Taliska Ururka 27-aad ee ku sugan degmada Baladxaawo, halkaas oo uu uga jeediyay khudbad dhiirrigelin iyo amaro ku saabsan ilaalinta shacabka iyo la dagaalanka argagixisada.

Taliyaha ayaa ciidamada ku bogaadiyay heeganka iyo geesinimada ay muujiyeen, isagoo xusay in waajib qaran uu ka saaran yahay difaaca shacabka Baladxaawo. Wuxuu sheegay in laga doonayo in ay u diyaar garoobaan howlgallo qorsheysan oo lagu ciribtirayo haraadiga argagixisada.

Col. Qorax wuxuu carabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in amniga deegaanka si buuxda loo sugo, isagoo ballan qaaday in hoggaanku garab taagan yahay ciidamada, kana shaqeyn doonaan dhanka hormarinta si howlgalladu u guuleystaan.

SoDMA oo ka qeyb-gashay shirweynaha arrimaha yareynta khataraha musiibooyinka

0

Kalfadhigii 8-aad ee shirweynaha afartii sanaba mar la qabto ee looga arrinsado arrimaha yareynta khataraha musiibooyinka, ee maalmahan ka socday magaalada Geneva ee dalka Switzerland. Ajandayaasha madasha waxaa qayb muhiim ah ka ahaa dood-cilmiyeedyo ay si firfircoon uga qayb galeen Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA, Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, iyo wafdi uu hoggaaminayey.

Doodahaasi waxay isugu jireen mowduucyo muhiim ah oo hoosta ka xariiqaya muhiimadda adkaynta awoodda bulshada ee ka hortagga iyo ka soo kabashada musiibooyinka.

1. Dood Cilmiyeedka Koowaad waxuu ku saabsanaa, Sida ugu fudud ee dowladuhu u dhisi karaan nidaam dhaxal-gal ah oo bulshada ka dhigi kara mid u adkaysan kara aafooyinka, isla markaana si degdeg ah uga soo kaban kara waxyeellada ay keento musiibadu, waxaana Madasha kasoo jeediyay, Agaasiimaha waaxda Maareeynta Khataraha Musiibooyinka ee hay’adda SoDMA Khadar Sheikh Maxamed Nur.

Waxaa sidoo kale madasha laga jeediyey doodo kale oo muhiim ah oo ay ka mid ahaayeen:

Sida ugu habboon ee digniinaha halista ah loo gaarsiin karo bulshada, waxaana soo jeedinteeda kaqeyb qaadatay Marwo Faadumo Cabdi Cali oo ah lataliye sare oo hay’adda SoDMA kala Talisa dhinacyada maareeynta musiibooyinka.

Kaalinta haweenka ee la xiriirta ka-qaybgalka dadaallada lagu yareynayo khataraha musiibooyinka, si loo xaqiijiyo in cid walba ka qayb qaadato wax ka qabashada khatartaasi, intii ay dooddaani socotay waxaa kaqeyb Gashay madaxa qeybta Genderka Xaliimo Yuusuf Xassan.

Dooddii ugu kululayd ee madasha intii ay socotay waxa ka wada qayb galay Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA, Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, iyo Cabdixakiin Yuusuf Ceynte, oo ah Lataliyaha Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee arrimaha sugnaanta cuntada iyo isbeddelka cimilada, isla markaana ah lataliyaha Guddoomiyaha SoDMA ee nidaamka digniinaha musiibooyinka.

Dooddaani waxay ku saabsaneed : Sida istiraatiijiyadda caalamiga ah ee Sendai looga hirgelin karo waddamada soo koraya ee ay ka jiraan xasarado dagaal iyo isku dhacyo sababa amni-darro iyo nuglaansho bulsho.

Guddoomiyaha hay’adda SoDMA oo Geneva kula kulmay madaxda hay’ado caalami ah

0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka (SoDMA), Maxamuud Macallin Cabdulle oo ay qeyb ka ahaayeen madaxda Soomaaliya ku matalaysay shirweynaha heerka caalami ah ee yareynta khataraha musiibooyinka, kal-fadhigiisii siddeedaad ee waddamada Carabta ayaa ka qeybgalay falanqeyn lagu lafa-gurayay arrimaha yareynta khataraha musiibooyinka, shirkan oo maalmahan ka socday magaalada Geneva ee dalka Switzerland.

Guddoomiyuhu waxa uu halkaas kulan doceedyo la qaatay wufuud kala duwan oo ka socday hay’adaha hoos ku xusan:

1. Ku xigeenka madaxa Bangiga Adduunka, ahna madaxa xafiiska bangiga u qaabilsan dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha

2. Madaxa Sanduuqa Magdhawga Khasaaraha ay Musiibooyinku Geystaan (FRLD).

3. Madaxa Xarunta Caalamiga ah ee Ka Hortagga Musiibooyinka (Anticipation Hub).

4. Madaxa CADRI, iyo sidoo kale madax ka tirsan UNDP, IOM, FAO, iyo mas’uuliyiin kale oo heer caalami ah.

Masuuliyiinta hay’adahaas iyo wafdiga Soomaaliya waxay kulamadooda gaar-gaar ah diiradda ku saareen sidii loo horumarin lahaa xiriirkooda iskaashi iyo wax wada qabsi, iyo sidoo kale sidii Soomaaliya gacan uga geysan lahayd dadaallada heer caalami ee lagu yareynayo khataraha musiibooyinka.

Mas’uuliyiintaasi waxay si weyn u amaaneen doorka firfircoon ee ay Xukuumadda Soomaaliya – gaar ahaan hay’adda SoDMA – ka qaadatay dadaallada caalamiga ah ee lagu horumarinayo awoodaha dowliga ah ee lagula tacaalayo khataraha musiibooyinka soo noqnoqda.

Guddoomiyaha hay’adda SoDMA ayaa carrabka ku adkeeyay sida ay lagama-maarmaan u tahay in Xukuumadda Federaalka Soomaaliya dardar-geliso fulinta Istraatiijiyaddeeda Qaran ee Yareynta Khataraha Musiibooyinka. Mas’uuliyiinta caalamiga ah ayaa dhankooda ballanqaaday inay SoDMA ka gacan siin doonaan hirgelinta qorshahaas.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Daah-furay Imtixaanka Shahaadiga ee Dugsiyada Dhexe

0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa maanta si rasmi ah u daah-furay Imtixaanka Shahaadiga ee Dugsiyada Dhexe, kaas oo ay sanadkan u fadhiisteen 41,639 arday. Tani waxay tahay sanadkii 6-aad oo uu Maamulka Gobolka Banaadir si madaxbannaan u qaadayo imtixaanka.

Mudane Muungaab ayaa sheegay in Maamulka Gobolka uu ka go’an yahay kor u qaadista tayada iyo tirada waxbarashada si ardayda Gobolka Banaadir ay u helaan waxbarasho tayo leh. Waxa uu sidoo kale ballan qaaday in la kordhin doono helitaanka waxbarasho lacag la’aan ah, isaga oo guul iyo rajo wanaagsan u rajeeyay ardayda maanta u fadhiisatay imtixaanka.

Guddoomiyaha ayaa hambalyo u diray waalidiinta soo dadaalay si caruurtoodu ay heerkaan u gaaraan, wuxuuna ammaan u jeediyay hay’adaha amniga ee sugaya amniga goobaha imtixaanaadka.

Munaasabadda furitaanka imtixaanka waxaa sidoo kale ka qeyb galay Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda ee Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh), Taliyaha Qeybta Guud ee Booliska G/Banaadir, saraakiil ka tirsan qeybaha imtixaanaadka, iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan maamulka Gobolka Banaadir.

 

Soomaaliya oo Kaalinta Afaraad ka Gashay Dowladaha Sida Wanaagsan ugu Adeegay Xujeyda

0

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha islaamka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Mukhtaar Roobow Cali, ayaa ku dhawaaqay in Soomaaliya ay kaalinta afaraad ka gashay dowladaha sida wanaagsan ugu adeegay xujeyda sannadkan. Wasiirka ayaa sheegay in guushan ay ka dhalatay dadaal xooggan oo ay bixiyeen Wasaaradda Awqaafta iyo Madaxda sare ee dalka.

“Dowladaha ugu wanaagsan ee Xujeyda daryeela ayaan ka mid noqonay, abaalmarin ayaa nala siiyay,” ayuu yiri Wasiir Roobow, isagoo xusay in tani ay muujinayso horumarka iyo isbeddelka ka socda adeegyada loo fidiyo xujeyda Soomaaliyeed.

Wasiir Mukhtaar Roobow waxa uu intaasi ku daray in abaalmarintan ay tahay mid shacabka Soomaaliyeed oo dhan farxad u leh, maadaama Soomaaliya lagu abaalmariyay kaalinteeda muhiimka ah ee daryeelka Xujeyda Soomaaliyeed.

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha islaamka oo magaaalada Makka kula kulmey Madaxa Arrimaha Diinta dalka Turkiga

0

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha islaamka Xukuumada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Mukhtaar Roobow Cali ayaa magaaalada Makka kula kulmey Madaxa Arrimaha Diinta (DIYANET) ee Dalka aan walaalaha nahay ee Turkiga Prof. Dr. Ali Erbash.

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka Sheekh Mukhtaar Roobow ayaa ugu horreyn ugu mahad celiyey mas’uuliyiinta Turkiga taageerada shuruud la’aanta ee dhinacyada Dhaqaalaha, Waxbarashada, Milliteriga iyo Difaaca ay u fidiyeen Shacabka Soomaaliyeed iyo Dowladooda tan iyo sanadkii 2011, xilligaasoo ay Soomaaliya ka jirtey abaar ba’an oo saameysey dadka iyo duunyada.

Kulankan oo ka dhacay Xafiiska Arrimaha Xajka Turkiga ee magaalada Makka ayaa sidoo kale lagu soo qaaday xoojinta xiriirka iyo wada shaqeynta ka dhaxeysa Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Hay’adda DIYANET- ka ee Dalka Turkiga iyo sidii looga taageeri lahaa Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka dhisidda Hay’adda Awqaafta, Sanduuqa Diiwaanka Zakada iyo tababarada khubarada iyo shaqaalaha Wasaaradda ee ka qeyb qaaadanaya aasaaska iyo dhisidda hayadaha Awqaafta iyo sanduuqa Zakada Soomaaliya, kuwaas oo qeyb ka ah qorshaha Qaran ee Xukuumada Federaraalka Soomaaliya ay hiigsanayso shanta sano ee soo socota.

Kulankan waxaa qeyb ka ahaa Safiirka Turkiga u fadhiya magaalada Riyaad ee boqortooyada Sacuudiga.

Safiirka Soomaaliya ee Shiinaha oo kulan dhiirrigelin iyo is-xogwareysi ah la qaatay 20-Diblumaasiyiin da’yar Soomaaliyeed

0

Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Shiinaha waxay si sharaf leh u martigelisay 20 diblumaasi oo da’yar ah oo dhameystay barnaamij tababar iyo booqasho waxbarasho ah oo ay ku tageen magaalooyin kala duwan oo dalka Shiinaha ah, kuwaas oo ujeedkoodu ahaa kor u qaadidda fahamka ku aaddan istaraatiijiyadaha horumarineed ee Shiinaha iyo xoojinta xirfadooda diblumaasiyadeed.

Intii uu safarkoodu socday, waxay fursad u heleen in ay si toos ah u arkaan wax ka mid ah hal-abuurka horumarka Shiinaha: laga bilaabo kaabeyaasha dhaqaalaha ee casriga ah, illaa nidaamyada casriga ah ee adeegyada bulshada iyo siyaasadaha lagu horumariyay wax-soosaarka iyo maareynta kheyraadka. Waxay sidoo kale la kulmeen mas’uuliyiin, booqdeen xarumo cilmi-baaris iyo teknoolojiyadeed, iyaga oo helay faham qoto dheer oo ku saabsan sida qorshe iyo isku-duubni loo beddelo yool horumarineed oo dhab ah.

Intii ay joogeen magaalada Beijing, diblumaasiyiintan ayaa kulan dhiirrigelin leh la yeeshay Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Shiinaha, Dr. Hodan Osman. Kulankaas ayaa noqday fursad ay dhalinyaradu ku wadaagaan waayo-aragnimadooda, halka safiirkuna ay ku boorrisay in aqoonta iyo aragtiyaha ay kasbadeen ay dib ugu celiyaan dalkooda hooyo si ay door muuqda uga qaataan horumarka Soomaaliya.

Safiirku waxay carrabka ku adkeysay muhiimadda ay leedahay in jiilka cusub ee diblumaasiyiinta Soomaaliyeed ay noqdaan codka isbeddelka, una adeegaan dalkooda iyagoo ka duulaya aragti iyo waayo-aragnimo caalami ah. Waxay sidoo kale bogaadisay doorka ay dowladda Shiinaha ka ciyaareyso dhisidda is-dhaafsiga bulshada iyo xoojinta awoodda dhallinyarada Soomaaliyeed.

Barnaamijkani waxa uu astaan u yahay iskaashi miro-dhal ah oo u dhaxeeya Soomaaliya iyo Shiinaha, isaga oo adkaynaya xiriirka laba geesoodka ah iyo ka go’naanta labada dal ee ku wajahan horumarinta mustaqbalka ay wadaagaan.