Home Blog Page 98

Daraawiishta Galmudug oo weeraray goob ay ku dhuumaaleysanayeen Khawaatijta

0

Howlgal qorsheysan oo Ciidamada Daraawiishta Galmudug, gaar ahaan ururka Galayr ay caawa ka fuliyeen aagga deegaanka Ceelahelay ee gobolka Galgaduud ayaa lagu weeraray goob ay ku dhuumaaleysanayeen cadowga Khawaarijta ah.

Saraakiisha hoggaamineysa howlgalka ayaa warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed u sheegay in meydadka ugu yaraan toddobo Khawaarij ah ay yaallaan goobtii lagu weeraray cadowga, isla markaana ay weli sii baacsanayaan firxadkooda, iyagoo ka saaray goobihii ay gabaadka ka dhiganayeen.

Xiliga oo habeen ah darteed waxay saraakiishu noo sheegeen in khasaaraha rasmiga ah ee cadowga gaaray aan la ogaa karin, balse ay filayaan in tiro inta goobta dagaalka lagu arkay ka badan ay Khawaarijta dhinasho iyo dhaawac uga noqdeen howlgalka, iyagoo balan qaaday in warbixin rasmi ah ay bulshada lasoo wadaagi doonaan.

Wixii ka soo kordha howlgalkaas la soco.

Wasiirka Kalluumeysiga XFS oo maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Turkiga u fadhiya Muqdisho

0

Wasiirka Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Xassan Aadan, oo maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Turkiga ee Soomaaliya, Mudane Alper Aktaş, ayaa waxaa ay yeesheen kulan miro-dhal ah oo lagu xoojinayay iskaashiga labada dal ee dhinaca kalluumeysiga iyo ilaha dhaqaalaha buluugga ah ee dalka.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray, Xoojinta iskaashiga labada dowladood ee ku saabsan horumarinta kalluumeysiga iyo ilaalinta kheyraadka badda, Dardargelinta iyo fulinta heshiisyada iskaashi ee horey u dhexmaray Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dowladda Turkiga, Kor u qaadidda aqoonta iyo xirfadaha kalluumeysatada Soomaaliyeed, iyadoo Dowladda Turkiga ay ballan-qaadday tababaro heer sare ah oo lagu horumarinayo adeegsiga farsamooyinka casriga ah ee dhinaca Kalluumeysiga, Waxbarasho heer jaamacadeed (Master’s Degree) oo Dowladda Turkiga ay si gaar ah uga taageeri doonto Wasaaradda, si loo helo khubaro Soomaaliyeed oo aqoon durugsan u leh dhaqaalaha buluugga ah iyo maareynta kheyraadka Badda.

Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga ee XFS Mudane Axmed Xasan Aadan ayaa safiirka Dowladda Turkiga ee Soomaaliya uga mahadceliyey sida ay dowlad ahaan diyaar ka ugu yihiin taageerada farsamo iyo garab istaagga joogtada ah ee ay siinayaan dowladda Soomaaliya gaar ahaan dhinaca horumarinta iyo ka faa’iideysiga kheyraadka kalluun ee dalka. Waxa uu intaa ku daray “in kulanku uu ahaa mid guul leh, isla markaana muhiim u ah xoojinta xiriirka labada dal, gaar ahaan dhanka horumarinta kalluumeysiga oo ka mid ah tiirarka muhiimka u ah dhaqaalaha dalka”.

Dhinaciisa, Safiir Alper Aktaş ayaa adkeeyay sida ay Dowladda Turkiga uga go’antahay taageeridda Soomaaliya, gaar ahaan dhanka tababarrada, waxbarashada iyo barnaamijyada kobcinta kheyraadka Badda, isagoo xusay in dowladdiisu diyaar u tahay inay sii ballaariso iskaashiga labada dal.

Shacabka Muqdisho oo soo dhoweeyey qaybinta kaarka codbixinta

0

Shacabka ku dhaqan gobolka Banaadir ayaa si weyn u soo dhoweeyey in ay markii u horaysay helaan kaarkooda codbixinta kaas oo ay ku dooran doonaan metelaadooda Siyaasaddeed oo ay ugu horayso doorashada golaha deegaanka caasimadda.

Warbaahinta qaranka oo tagtay xarumaha shacabku saaka ka qaadanayaan kaarka codbixinta ayaa waydiisay dareenkooda ku saabsan in ay heleen kaarkii ay ku heli lahaayeen xuquuqdooda doorasho.

Ugu horayn Cusmaan Goodax Barre oo aragtidiisa dhiibanayey ayaa yiri “Waxaan ahay muwaadin Soomaaliyeed oo 55 sano jir, saaka waxaan halkan u taaganahy in aan qaato kaarkeyga cod-bixinta si aan codkeyga ugu ciil baxo.”

Muwaadinad Safiya Shire Daahir ayaa iyana tiri “ Si aan codkeyga ugu ciil baxo ayaan kaarkeyga u soo doontay.”

Guddoomiyaha Ururka Naafada Degmada Shibis Saalax Maxamed “Waxaan ku faraxsanahay hadii aan nahay dadka baahiyaha gaarka ah qaba in aan codkeenna ku ciil baxno.”

Maxamuud Xaaji Goobe oo ka mid ah waayeelka saaka qaadanayey kaarka cod bixinta ayaa yiri “Anigoo cimrigaan jiro saaka waxaan u soo baxay inaan qaato kaarkeyga codbixinta.”

Guddoomiyaha Haweenka degmada Shibis Safiya Maxamed Cali ayaa Haweenka ugu baaqday in ay kaarka qaataan sidoo kalena ku ciil baxaan codkooda “Way soo dhamaatay qoondadii Haweenka ee la xaqiri jiray, gabareey codkaaga ku ciil bax.”

Guud ahaan jawiga kaar qaybinta ayaa ah mid ku bilowday jawi degan oo shacabka Soomaaliyeed si weyn uga qayb qaadanayaan muuniyeen na doonista ay u hayaan in ay soo doortaan metelaadooda siyaasaddeed.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo dhagax dhigay dib u dayactirka iyo dhismaha 18 xarumo caafimaad

0

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa maanta ah si rasmi ah u dhagax-dhigay dib-u-dayactirka iyo dhismaha 18 xarumo caafimaad oo casri ah, kuwaas oo lagu qalabeyn doono agab caafimaad oo dhamaystiran, si loo horumariyo adeegyada caafimaadka ee bulshada Muqdisho.

Munaasabadda dhagax-dhigga mashruuca caafimaad ayaa lagu qabtay Xarunta Hooyada iyo Dhallaanka (MCH) ee Waaberi, iyadoo ay goob-joog ahaayeen xubno ka tirsan bahda caafimaadka.

Mashruuca maanta la dhagax-dhigay waxa uu ka kooban yahay 4 isbitaallo waaweyn iyo 14 rugo MCH, kuwaas oo laga dhisayo 11 degmo oo ka tirsan Muqdisho. Ujeeddadiisu waa in la xoojiyo kaabayaasha caafimaadka, gaar ahaan adeegyada hooyada iyo dhallaanka, si loo hubiyo in dhammaan hooyooyinka iyo caruurta ay helaan adeegyo caafimaad oo tayo leh.

Dr. Muungaab ayaa carabka ku adkeeyey in dhammaan xarumaha caafimaad ee la dhisayo ay bixin doonaan adeegyo caafimaad oo lacag la’aan ah, taas oo ka dhigaysa mashruucan mid muhiim u ah bulshada danyarta ah, si looga baaqsado ku-tiirsanaanta adeegyada caafimaad ee gaarka loo leeyahay ee qaaliga ah. Mashruucan ayaa sidoo kale ka tarjumaya ballanqaadka maamulka ee ilaalinta xuquuqda caafimaad ee bulshada iyo hubinta u sinnaanta helitaanka adeegyada caafimaad.

Inta lagu guda jiray munaasabadda dhagax-dhigga mashruuca, Dr. Muungaab ayaa sidoo kale ka hadlay doorashooyinka soo socda, isaga oo ku boorriyey muwaadiniinta in ay tagaan xarumaha laga qaadanayo kaararka codeynta, maadaama qaybinta kaararku si rasmi ah u bilaabatay.

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho ayaa xusuusiyay in ka qaybgalka doorashooyinku yahay waajib muwaadinnimo iyo tallaabo muhiim ah oo dhisaysa dimuqraadiyadda iyo xasilloonida gobolka, taas oo ka tarjumaysa sida maamulka uu u dhiirrigelinayo ka qaybgalka bulshada iyo horumarinta adeegyada bulshada.

Muqdisho oo saaka laga bilaabay qaybinta kaarka codbixiyeyaasha

0

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa saaka magaalada Muqdisho ka bilaabay qaybinta kaarka codbixiyaha muwaadiniinta Soomaaliyeed,guddida ayaa saaka subaxnimadii hore ka daahfuray kaar qaybinta ilaa 7 degmo oo ka tirsan gobolka Banaadir.

Degmooyinka Shibis, Boondheere, Xamar jajab, Shangaani, Waaberi, Xamarweyne iyo degmada Cabdi casiis ee gobolka Banaadir ayaa si toos ah looga bilaabay qaybinta Kaarka cod bixinta.

Qaybinta kaarka codbixiyaha muwaadinka soomaaliyeed ayaa maanta Shacabka uga dhigan waa cusub oo u baryay shacabka Soomaaliyeed taas oo shacabku si toos ah ugu soo dooran doonaan metelaadooda Siyaasaddeed.

Doorashadda golaha deegaanka ayaa noqon doonta doorashada ugu horaysa ee muwaadiniinta Soomaaliyeed ku soo dooran doonaan metelaadooda siyaasaddeed, iyadoo isla Caasimadda muqdisho ugu horayn doonto qabashada doorashada golaha deegaanka.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Madaxtooyadda qaranka ku qaabilay Sheekh Cabdirashiid Sh Cali Suufi

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan is-xogwaraysi iyo wadatashi ah la yeeshay qaariga Soomaaliyeed Sheekh Cabdirishiid Sheekh Cali Suufi oo booqasho sharafeed ku yimi Madaxtooyadda Qaranka.

Madaxweynaha iyo Sheekha ayaa iska xog wareystay xoojinta xaalada guud ee Dalka, kor u qaadidda wacyigelinta bulshada, doorka culimada ee dhismaha nabadda, adkeynta midnimada ummadda iyo ilaalinta qiyamka diinta.

Madaxweynaha ayaa bogaadiyay kaalinta culimada Soomaaliyeed ay ku leeyihiin bulshada, gaar ahaan faafinta aqoonta diinta, la-dagaalanka xagjirnimada iyo xoojinta nabadgelyada.

Dhankiisa, Sheekh Cabdirishiid Cali Suufi ayaa uga mahadceliyay Madaxweynaha qaabilaadda wanaagsan, isagoo ugu duceeyey shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed horumar iyo nabad.

 

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo baxay.

0

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo magaalada Algiers kulan miradhal ah kula yeeshay Madaxweynaha Algeria Cabdulmajiid Tabuun.

2. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeeray xarunta Safaaradda Soomaaliya ee dalka Algeria, waxaana uu warbixin ka dhegeystay diblumaasiyiinta ka howlgala safaaradda.

3. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa booqday masaajidka ugu weyn Africa, Warshadda Daawooyinka dalka Algeria iyo Xarunta Garaadka Macmalka,isagoo warbaxinno ka dhageystay maamulka xarumahaas.

4. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ubax dhigay Taallada Shuhadada dalka Algeria oo lagu xasuusto halyeeyadii u naftooda u huray halgankii xornimada iyo difaaca dalkaas.

5. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa uga mahadceliyey Madaxweynaha iyo shacabka reer Algeria soo dhoweynta diirran iyo walaaltinimada ay muujiyeen, isaga oo xusay kaalinta ay Algeria kaga jirto difaaca danaha Afrika iyo garab istaagga dowladaha saaxiibka ah.

6. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo dhiggiisa Algeria Cabdulmajiid Tabbuun ayaa goobjoog ka ahaa heshiisyo ay kala saxiixdeen labada dal oo isugu jira xiriirka labada dal, Waxbarashadda, Xanaanada Xoolaha iyo Batroolka.

7. Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa qaabilay Danjiraha Jamhuuriyadda Jarmalka u fadhiya Soomaaliya, Sebastian Groth, iyadoo ka wadahadley xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal ee dhinacyada amniga, maalgashiga iyo horumarinta dhaqaalaha.

8. Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa Cabdinaasir Axmed Bashiir u magacaabay Agaasimaha Warfaafinta ahna Afhayeenka xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

9. Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa Marwo Maryan Cali Abuukar u magacaabey xilka Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Qoyska iyo Xuquuqul Insaanka.

10. Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Saalax Axmed Jaamac ayaa khudbad ka jeediyay kulan lagu xusayay 10 sano guurada Heshiiska Paris, oo diiradda lagu saaray la dagaallanka isbeddelka cimilada (NDCs) iyo maalgelinta la xiriirta,oo ka dhacay magaalada Belem ee dalka Brazil.

11. Ra’iisul Wasaare-Ku-Xigeenka Soomaaliya Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi ayaa ka qay- galay munaasabadda saxiixa mashruuca Dardargelinta Horumarka Dhaqaalaha iyo Bulshada ee Soomaaliya, oo u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya, UNDP, iyo qaar ka mid ah shirkadaha ganacsi ee dalka .

12. Golaha Wasiirrada ayaa ansixiyey heshiisyo Is-afgarad ah oo u dhexeeyay Dowladaha Soomaaliya iyo Boqortooyada Sacuudi Carabiya, oo ku saabsan iskaashiga Warbaahinta iyo Dhaqanka iyo Dalxiiska ee labada dal.

13. Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Daa’uud Aweys Jaamac ayaa magaalada Riyadh ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya kaga qeyb galay shir ay isugu yimaaddeen Wasiirrada Dalxiiska ee Waddamada Afrika, iyadoo halkaas uu ka socday shirweynihii 26-aad ee Qaramada Midoobay ee Arrimaha Dalxiiska (UN Tourism General Assembly).

14. Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Cabdisalaan Cabi Cali ayaa qaabilay Wakiilka Hay’adda Qaramada Midoobay ee Barnaamijka Cunnada Adduunka (WFP) Soomaaliya, Mudane Elkhidir Daloum.

15. Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Maxamed Faarax Nuux ayaa Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya Mudane Wang Yu, iyadoo looga hadlay dhinacyada gaadiidka iyo duulista hawada.

16. Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa kulamo gaar ah la qaatay dhaqanka iyo siyaasiyiinta beelaha dhawaan ku dagaallamay degmada Wanlaweyn ee Shabeellaha Hoose.

17. Wasiirka Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guryeynta Cilmi Maxamuud Nuur ayaa si rasmi ah u daah-furay Barnaamijka Dhismaha Guryo Qiimo Jaban, oo loogu talagalay qoysaska Soomaaliyeed ee ku barakacay abaaraha, daadadka iyo colaadaha.

18. Wasiirka Maaliyadda Biixi Imaan Cige ayaa magaalada Beirut ee dalka Lebanon uga qeybgaley Madasha Dhaqaalaha iyo Horumarinta Qoondada Arrimaha Bulshada ee dalalka Carabta.

19. Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta ayaa baaq nabadeed ka soo saartay, dilalka iyo beegsiga ka baxsan Diinta Islaamka iyo dhaqanka Soomaaliyeed ee ka dhacay qeybo ka mid a dalka.

20. Wasiirka Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada Bashiir Maxamed Jaamac, ayaa ka qeybgalay fadhiga heerka sare ee shirweynaha cimilada COP30 ee ka furmay magaalada Belém ee dalka Brazil.

21. Wasiir Ku-xigeenka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala aya qaabilay Xoghayaha Fulinta ee Guddiga Af-Sawaaxiliga ee Urur Gobaleedka Iskaashiga Dhaqaalaha ee Bariga Afrika, Dr. Caroline Asiimwe.

22. Madaxweynaha maamul goballedka Hirshabelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa si rasmi ah u furay Shirka Madasha Arrimaha Bani’aadannimada Soomaaliya, oo looga hadlay xaaladda bani’aadamnimo ee dalka ,abaaraha iyo sidoo loo xoojin lahaa iskaashiga hay’adaha samafalka iyo dowladda.

23. Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa xarunta Dowladda hoose ee Muqdisho ku qaabilay wefdi uu hoggaaminayay Taliyaha Hawlgalka Midowga Yurub ee Soomaaliya Jen. Marco Manzone.

24. Xafiiska Amniga Qaranka ayaa Muqdisho ku qabtay Shirka Isku-duwidda Maareynta Hubka iyo Rasaasta, kaas oo la qabto labo jeer sannadkii,oo diiradda lagu saaray ansixinta Istaraatiijiyadda Qaranka ee Maareynta hubka iyo Rasaasta ee 2025–2030.

Safiirka Soomaaliya ee Tanzania oo kulan la qaatay Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Congo

0

Safiirka Soomaaliya ee Tanzania, Danjire Ilyaas Cali Xasan, ahna Safiir aan degganeyn dalka Congo, ayaa maanta magaalada Kinshasa ee caasimadda dalka Congo kula kulmay Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga ee Congo, Mudane Jacquemain Shabani.

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay xiriirka taariikhiga ah ee ka dhexeeya labada dal, fursadaha iskaashi, doorka bulshada Soomaaliyeed ee ku nool Congo, iyo caqabadaha ay la kulmaan.

Kulanka ayaa lagu heshiiyay in la xoojiyo wada-shaqeynta iyo iskaashiga walaaltinimo ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo (DRC).

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee JFS oo gaaray magaalada gaaray Magaaladda Kampala.

0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa goordhow gaaray Magaaladda Kampala ee caasimadda wadanka Uganda, waxaana halkaasi kusoo dhoweeyay safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u joogta dalkaasi Danjire Fardowsa Maxamed Qanyare iyo Diplomaasiyiinta safaaradda Soomaaliya ee dalkaasi.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa mudada uu halkaasi joogo waxa uu ka qeyb geli doonaa shirka guddoomiyaasha baarlamaanka Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika.

Guddoomiye kuxiyeenka labaad ee Golaha Shacabka oo shir Guddoomiyay Kulanka guddiga joogtada. 

0

Guddoomiye kuxiyeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa shir guddoomiyey kulanka guddiga joogtada ee Golaha Shacabka oo ka dhacay xarunta Guddoonka iyo Guddiyada ee Villa Hargeysa.

Ugu horreyn Xildhihaan Cali Xaaji Daahir oo ah Guddoomiyaha Guddiyada Garsoorka Caddaaladda Awqaafta iyo Arimaha Diiinta ee Golaha Shacabka ayaa kulanka guddiga joogtada ku dhaariyey wasiir kuxigeenka cusub ee wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka Maryan Cali Abuukar oo dhowaan xilkaasi loo magacaabay.

Intaasi ka dib xubnaha guddiga joogtada ayaa ka dooday Ajendayaasha kulamada guud ee golaha shacabka todobaadka soo socda iyo guud ahaan shuruucda golaha horutebinta u leh kalfadhiga todobaad, waxaana xubnaha guddiga hab gacantaag ah ku ansixiyeen Ajendayaasha gole weynaha looga doodi doono todobaadka soo socda.

Ugu dambeyn Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow oo kulanka soo xiray ayaa xubnaha guddiga kula dardaarmay dardargelinta howlaha horyaala golaha kalfadhiga todobaad.