Home Blog Page 95

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan rasmi ah la yeeshay dhiggiisa Rwanda

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdisalam Cabdi Cali ayaa kulan rasmi ah la yeeshay dhiggiisa Rwanda, Wasiir Olivier Nduhungirehe, intii lagu guda jiray Kulanka Wasiirada ee FOCAC oo ka dhacay Dalka Shiinaha,gaar ahaan Magaalada Changsha ee gobolka Hunan.

Labada wasiir ayaa si qoto dheer uga wada hadlay arrimo muhiim ah ee la xiriira xoojinta xiriirka labada dal, kor u qaadista iskaashiga dhaqaale, horumarinta ganacsiga, iyo adkeynta wada-shaqeynta gobolka iyo guud ahaan qaaradda Afrika.

Kulanka ayaa sidoo kale diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa mashaariicda horumarineed iyo dardargelinta iskaashiga dhinacyada amniga, waxbarashada, iyo kaabayaasha dhaqaalaha.

Wasiirradu waxay qireen in xiriirka Soomaaliya iyo Rwanda uu yahay mid istiraatiiji ah, muhiimna u ah horumarka iyo barwaaqada labada dal,iyagoo isla qaatay in la sii wado wada-shaqeynta mustaqbalka dhow iyo kan fog, si loo gaaro himilooyinka wadajirka ah.

Sidoo kale, waxaa lagu falanqeeyey doorka ay labada dal ka ciyaari karaan arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah, iyada oo la tixgelinayo horumarka iyo fursadaha cusub ee ka jira guud ahaan qaaradda Afrika.

Dhinaca kale,Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Dowladda Federaalka Soomaaliya H.E. Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa, kulan wax ku ool ah la qaatay Ku-simaha Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Suudaan, H.E. Xuseen Al-Xaj.

Kulanka dhinacyadaasi ayaa looga hadlay xasiloonida gobolka, waxaana si gaar ah diiradda loogu saaray xaaladihii ugu dambeeyay ee dhanka siyaasadda iyo amniga ee Suudaan.

Wasiir Cabdisalaan ayaa xaqiijiyay in Soomaaliya ay garab taagan tahay shacabka Suudaan, waxa uuna taageero u muujiyay dadaallada caalamiga ah ee socda ee lagu doonayo in lagu soo afjaro colaadda iyo soo celinta nabadda iyo xasilloonida dalka aan walaalaha nahay.

Wasaaradda Warfaafinta XFS oo tababar u furtay suxufiyiinta ka howlgala Warbaahinta

Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaaka Soomaaliya oo magaalada Muqdisho ka furtay aqoon isweydaarsi ku saabsan la qabsiga isbeddelka iyo casriyaynta warbaahinta. Tababarka waxaa ka qeyb galaya ku dhowaad 30 suxufi oo ka kala socda warbaahinta dowladda iyo tan gaarka loo leeyahay.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Cabdullaahi Xayir Ducaalle, ayaa sheegay in tababarkani uu qeyb ka yahay dadaallada lagu horumarinayo xirfadda suxufiyiinta si ay ula jaanqaadaan horumarka warbaahinta caalamka. Wuxuu ku dhiirrigeliyay wariyeyaasha in ay door muuqda ka qaataan isbeddelka warbaahinta gudaha.

Agaasime ku xigeenka istiraatiijiyadda warbaahinta, Cabdishakuur Cali Axmed, ayaa faahfaahin ka bixiyay muhiimadda casriyeynta warbaahinta iyo doorka ay ku leedahay bulshada dhexdeeda, isagoo xusay in la ilaaliyo masuuliyadda saaran saxaafadda.

Soomaaliya oo marti galinaysa Shirka Madasha Iskaashiga Dalalka Geeska Afrika

Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige oo ah guddoomiyaha Madasha Iskaashida Dalalka Geeska Afrika ayaa maanta Magaalada Muqdisho ku daah-furay kulan laba Cisho ah oo diiradda lagu saarayo horumarinta Dhaqaalaha iyo is dhexgalka ganacsiga dalalka geeska, kulankaas oo ay ka soo qeyb galeen xubnaha madasha, sida Djibouti, Kenya, S. Sudan oo Muqdisho ay soo gaareen Agaasime yaashooda Wasaaradaha Gacansiga halka Dowladaha Ethiopia, Eritrea iyo Sudaan ay aaladda fogaan aragga uga soo qeyb galeen shirka.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda XFS oo uu wehlinayo Wasiirka Ganacsiga XFS Mudane Maxamuud Adan Geesood iyo labada Agaasime guud ee labada Wasaaradood ayaa furitaankii kulanka waxa ay hadalo guubaabo iyo mahadcelin ah u jeediyeen xubnaha matalayay dalalka geeska Afrika ee Muqdisho soo gaaray iyo kuwa habka fogaan aragga ah uga soo qeyb galay shirka.

Mudane Biixi Imaan Cige Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda XFS ayaa xusay kulankaan oo ah mid farsamo in uu laf-dhabar u yahay sare uqaadidda is dhexgalka dhaqaalaha wadamada geeska Afrika sidoo kale Wasiirku waxa uu carabka ku adkeeyay doorka muhiimka ah ee Hindisaha Geeska Afrika uu ku leeyahay kor u qaadidda ganacsiga iyo isku-xirka dhaqaale ee gobolka, isagoo xusay in Geeska Afrika uu weli yahay mid ka mid ah gobollada ugu hooseeya ee isku-xirka ganacsi, oo qiyaastii 6% keliya uu yahay ganacsiga dhex mara dalalka xubnaha ah Barnaamijka Geeska Afrika ( Horn of Africa Initiative).

“Xilligan ay jiraan caqabado dhaqaale oo baahsan oo caalami ah, ganacsiga iyo maalgelintu waa tiirarka ay ku tiirsan tahay kororka dhaqaalaha qaran iyo midka goboleed, iyadoo sidoo kale la abuuri karo fursado shaqo iyo horumarineed oo dhab ah oo shacabka anfaca,” ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya, Biixi Imaan Cige oo hadal ka jeediyay furitaanka Madashaan.

Kulankani oo noqonaya kii 1-aad ee ay yeeshaan madasha Geeska tan iyo markii Dowladda Soomaaliya ay guddoonka noqotay ayaa waxa uu muujinayaa sida ay Dowladda Soomaaliya uga go’an tahay la falgalka hey’adaha caalamiga ah iyada oo la doonayo in la horumariyo dhaqaalaha Soomaaliya si looga maarmo ku tiirsanaanta taageerada caalamiga ah.

Wasiir Xoosh oo kulan la yeeshay Ergayga Gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS, Xildhibaan Cali Yuusuf Cali (Xoosh), ayaa maanta xarunta Wasaaradda ku qaabilay Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya, Danjire James Swan. Kulanka waxaa goobjoog ka ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Mudane Caydaruus Xasan.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga iyo ka wada shaqeynta howlaha hortabinta u leh dowlad-dhiska Soomaaliya. Arrimaha laga hadlay waxaa ka mid ahaa dardargelinta dadaallada wadajirka ah ee xasilinta, dib-u-heshiisiinta, doorashooyinka, iyo baahinta adeegyada dowliga ah.

Wasiir Xoosh ayaa muujiyay sida ay muhiim u tahay in la xoojiyo wadashaqeynta dhexmarta Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay, si loo gaaro horumar waara oo ku saleysan nabad, xasillooni, iyo dowladnimo. Danjire James Swan ayaa dhankiisa ballanqaaday in Qaramada Midoobay ay sii wadi doonto taageerada ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada amniga, horumarinta, iyo dib-u-heshiisiinta.

Soomaaliya oo ka qayb gashay Shirka FOCAC oo lagu qabtay Magaalada Changsha

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa hoggaaminayey wafdi heer sare ah oo ka qaybgalay Shirka heer Wasiir ee Isku-duwayaasha Hirgelinta Go’aannada FOCAC, oo lagu qabtay magaalada Changsha, gobolka Hunan ee Shiinaha.

Wasiir Cabdisalaam ayaa si diirran u soo dhoweeyey ballanqaadyada cusub ee Madaxweynaha Shiinaha, Mudane Xi Jinping, iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda, Mudane Wang Yi, kuwaas oo xoojinaya iskaashiga Afrika iyo Shiinaha ee dhinacyada horumarka, ganacsiga, tiknoolajiyadda, iyo sugnaanta cuntada. Wuxuu si gaar ah u bogaadiyay doorka hoggaamineed ee Shiinaha ka qaadanayo horumarinta Qaaradda Afrika, isagoo sheegay in ballanqaadyadaasi ay waafaqsanyihiin himillooyinka qaranka Soomaaliyeed ee ku saleysan xasillooni, koboc, iyo dib-u-dhis.

Wasiirku wuxuu xusay in 25-kii sano ee la soo dhaafay tan iyo markii la aas’aasay Madasha FOCAC, ay Afrika ku tallaabsatay horumar la taaban karo, laga bilaabo kaabeyaasha dhaqaalaha ilaa fursadaha ganacsi iyo maalgashi oo sii ballaaranaya. Wuxuu ku tilmaamay FOCAC inuu yahay tusaale guuleystay oo ka tarjumaya saaxiibtinimo dhab ah oo horseeday natiijooyin muuqda.

Soomaaliya, ayuu sheegay Wasiirku, waxay si buuxda u garab-taagantahay dhismaha bulsho leh mustaqbal wadaag ah oo ay hoggaan u tahay wada-shaqeyn ku saleysan ixtiraam iyo daahfurnaan. Wuxuu si cad u muujiyay mudnaanta ay Soomaaliya siineyso horumarinta awoodda aadanaha, dhismaha dowladnimada dhijitaalka ah (e-governance), horumarinta wax-soo-saarka gudaha, iyo sare u qaadista ganacsiga la dhoofiyo, iyadoo fursad u aragta iskaashiga Shiinaha mid wax ka tari kara yoolalkaas.

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda oo dardaaran u dirtay kormeerayaasha Imtixaanka Qaranka

Wasiiru dowlaha Wasaaradda Waxbarashada Xukuumaadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Nuura Mustaf Mukhtaar,ayaa si gaar ah ugu boorrisay Saraakiisha iyo Kormeerayaasha Imtixaanka Qaranka inay qaataan masuuliyad buuxda oo daacadnimo iyo hufnaan ku dhisan marka ay fuliyaan shaqadooda. Waxay tilmaantay in imtixaanku yahay tallaabo muhiim ah oo lagu cabbiro heerka aqoonta ardayda iyo tayada waxbarashada guud ahaan dalka, sidaas darteedna aysan jirin meel loo oggol yahay musuqmaasuq, eex, ama wax isdabamarin ah oo ka dhex dhaca nidaamka imtixaanka.

Marwo Nuura ayaa ku adkaysay in la ilaaliyo shuruucda iyo xeerarka imtixaanka, iyadoo ku boorrisay in kormeerayaasha ay si dhow uga shaqeeyaan sidii loo xaqiijin lahaa cadaalad iyo sinaan dhammaan ardayda imtixaanka galaysa. Waxay sidoo kale xustay muhiimadda ay leedahay in la iska kaashado hay’adaha dowladda, waalidiinta, macallimiinta iyo bulshada guud ahaan si loo helo jawi wanaagsan oo waxbarasho.

Intaa waxaa dheer, Wasiiru dowlaha ayaa ku baaqday in la kordhiyo wacyigelinta ku saabsan muhiimadda imtixaanka, laguna dhiirrigeliyo ardayda inay dadaal dheeraad ah muujiyaan, isla markaana la xoojiyo hababka la dagaalanka khiyaanada iyo wax isdaba marinada imtixaanka. Ugu dambeyn, waxay ku boorrisay saraakiisha inay noqdaan tusaale wanaagsan oo muujinaya xilkasnimo iyo hufnaan, si loo dhiso kalsoonida shacabka ee nidaamka waxbarashada iyo imtixaanka qaranka.

Ciidanka Xaq-u-dirirka Hiiraan oo Wacad ku maray Ciribtirka Khawaarijta

Ciidamada deegaanka ee gobolka Hiiraan, oo garab ka helaya kuwa Xoogga Dalka Soomaaliyeed, ayaa wacad ku maray inay si buuxda uga xoreyn doonaan Khawaarijta deegaannada gobolka. Howlgallo ballaaran ayaa ka socda koonfurta gobolka, gaar ahaan agagaarka deegaanka Booco, oo qiyaastii 50km u jira magaalada Beledweyne.

Ciidamada ayaa horey ugu guuleystay howlgallo ay ku dileen tiro badan oo ka tirsan Khawaarijta, waxaana sidoo kale la burburiyay xarumo ay kooxdaasi ku lahaayeen gobolka. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday wajiga labaad ee howlgalka ka dhanka ah Khawaarijta, iyadoo ciidamada dowladda, kuwa deegaanka, iyo saaxiibada caalamiga ah ay si wadajir ah uga shaqeynayaan ciribtirka kooxdaasi.

Madaxa Xafiiska Adeegga Xajka oo ka warbixiyey adeegyada sanadkaan ee Xujeyda loo qabtay

Madaxa Xafiiska Adeegga Xajka ee Soomaaliya, Dr. Khadar Xaaji Daahir, ayaa faahfaahin ka bixiyay xaaladda Xujeyda Soomaaliyeed ee sanadkan. Waxaa la sheegay in lix Xaaji oo Soomaali ah saddex rag ah iyo saddex dumar ah ay ku geeriyoodeen gudashada waajibaadka Xajka, iyadoo sababaha ugu waaweyn ay yihiin kuleylka daran ee ka jiray Makka iyo Madiina, halkaas oo heerkulku gaaray 51.8°C.

Si loo horumariyo adeegyada Xujeyda, dowladda Soomaaliya ayaa sanadkan hirgelisay qorsheyaal cusub, oo ay ka mid yihiin:

Gaadiid isku xiran (Rad Waaxid): Xujeyda waxaa hal mar laga qaadaa Maka, loona gudbiyaa Mina, kadibna Carafo, iyadoo la adeegsanayo in ka badan 230 bas.

Hoy u dhow Xaramka: Xujeyda ayaa la dejiyay meel u jirta 1.5 ilaa 3 km Xaramka, si ay si fudud ugu gudan karaan acmaashooda.

Diyaarinta adeegyada hore: Shaqada Xajka ayaa la bilaabay bishii Oktoobar ee sanadkii hore, si looga fogaado dhibaatooyinkii hore.

Dowladda ayaa sidoo kale ku boorrisay shirkadaha diyaaradaha in ay si degdeg ah oo nidaamsan u daabulaan Xujeyda, iyadoo laga digay in boosaska Xujeyda la beddelo, taas oo keeni karta caqabado iyo cabashooyin.

Wafdi ka socda Soomaaliya oo Faransiiska uga qaybgalaya shirka 3-aad ee Qaramada Midoobay ee Badaha

0

Wafdi ka socda Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluuga ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, oo ay ka mid yihiin Agaasimaha Waaxda Deegaanka Badd iyo Ilaalinta, Mudane Keenadid Mumin Ali, iyo Xirriiriyaha Mashruuca Badmaal, Abdullahi Addow, ayaa ka qeybgalaya Shirweynaha Saddexaad ee Qaramada Midoobay ee Badaha (UNOC 3), kaas oo si habsami leh uga socda magaalada Nice, ee dalka Faransiiska. Shirkaan waxaa si wadajir ah u qabanaya dowladaha Faransiiska iyo Costa Rica, wuxuuna soconayaa inta u dhaxaysa Juun 9–13, 2025.

Mawduuca shirka sanadkan ayaa ah dardar gelinta tallaabooyinka lagu horumarinayo badaha iyo sidii xal waxtar leh looga heli lahaa arrimaha la xiriira badaha adduunka, taas oo qayb ka ah yoolka Horumarka Waara ee 14aad (SDG 14), oo loogu talagalay “Nolosha Badda Hoosteeda.”

Soomaaliya ayaa sanadkan xoogga saareysa sidii loo xoojin lahaa iskaashiga caalamiga ah ee ilaalinta badda iyo soo bandhigista xalal waxtar leh ee ka faa’iideysiga kheyraadka badda. Wafdigu sidoo kale waxa ay u ololeynayaan ilaalinta deegaanka badeed iyo noolaha ku nool badaha, si looga hortago mushkiladaha la xiriira isbeddelka cimilada iyo saamaynta uu yeelan karo.

Shirkan UNOC 3 wuxuu yahay fursad muhiim ah oo lagu mideynayo dadaallada caalamiga ah ee badbaadinta badda iyo kheyraadkeeda. Ka qaybgalka Soomaaliya wuxuu muujinayaa sida ay uga go’an tahay ilaalinta deegaanka badeed iyo ka faa’iidaysiga kheyraadka badda si waafaqsan himilooyinka caalamiga ah ee ku aaddan badbaadinta iyo hormarinta badda.

Wasiirka arrimaha dibadda oo kulmay arayda Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Changsha ee Shiinaha

0

Wasiirka arrimaha dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Danjire Abdisalam Abdi Ali (Dhaay), ayaa kulan dhiirrigelin ah la yeeshay ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barata magaalada Changsha ee gobolka Hunan.

Kulankan ayaa ahaa mid diirran oo ardaydu fursad u heleen inay Wasiirka la wadaagaan waayo-aragnimadooda, caqabadaha ay la kulmaan, iyo rajadooda mustaqbalka. Wasiirka ayaa uga mahadceliyey dadaalkooda, isagoo xusay in ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barata dibadda ay yihiin safiiro matala mustaqbalka dalka, isla markaana ay door muhiim ah ka ciyaari doonaan horumarka Soomaaliya.

Wasiirka ayaa sidoo kale booqday Akadeemiyadda Yuelu oo ah goob taariikhi ah oo in ka badan kun sano wax laga baranyey. Intii uu ku sugnaa Jaamacadda Hunan, Wasiirku wuxuu booqday Machadka Daraasaadka Afrika (Institute of African Studies), halkaas oo uu ku ammaanay dadaallada lagu xoojinayo iskaashiga cilmiyeed iyo dhaqameed ee u dhexeeya Afrika iyo Shiinaha.

Booqashadan ayaa ah mid muujinaysa muhiimadda ay Dowladda Federaalka Soomaaliya siineyso taageeridda ardayda Soomaaliyeed ee qurbaha iyo xoojinta xiriirka saaxiibtinimo ee Soomaaliya iyo Shiinaha.