Home Blog Page 95

Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo Ansixiyay heshiisyo lala galay dowladdo..

0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, kaas oo uu guddoominayay Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre. Kulanka waxaa lagu ansixiyay shan qodob oo muhiim u ah horumarka dalka:

1. Heshiis Is-afgarad oo dhexmaray Soomaaliya iyo Rwanda, kuna saabsan iskaashi guud.

2. Hindise Sharciyeedka Reebidda Naafeynta Xubinta Taranka Dhedigga, si loo ilaaliyo xuquuqda haweenka loogana hortago tacaddiyada.

3. Istiraatiijiyadda Qaran ee Haweenka, Nabadda iyo Amniga, si loo xoojiyo ka qeybgalka haweenka ee nabadeynta iyo horumarka.

4. Axdiga Ururka Caalamiga ah ee Dayax-gacmeedyada Guur-guura, si Soomaaliya uga faa’iideysato adeegyada cilmibaarista hawada sare.

5. Istiraatiijiyadda Qaranka ee Dekedaha, oo lagula jaanqaadayo kobaca dhaqaale ee dalka.

Sidoo kale, kulanka waxaa lagu soo bandhigay warbixinno la xiriira amniga, arrimaha abaaraha, iyo gurmadka degdegga ah ee socda. Guddoomiyaha SoDMA, Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa sheegay in 4.4 milyan oo qof u baahan yihiin gargaar, halkaasna Ra’iisul Wasaaruhu faray in si degdeg ah loo caawiyo dadka ay abaartu saameysay.

Xildhibaan Fowsi Warsame oo si KMG ah ugu biiray Baarlamaanka Norway.

0

Xildhibaan Fowsi Warsame, oo ka mid ah dhallinyarada Soomaaliyeed ee ku nool dalka Norway, ayaa si ku-meel-gaar ah uga mid noqday xubnaha Baarlamaanka Norway.

Xildhibaanka ayaa ka qeybgalay doorasho dhacday bishii Sebtembar ee la soo dhaafay, balse ma helin codad ku filan oo u suurageliya in uu noqdo xildhibaan buuxa. Si kastaba, waxaa la siiyay xil ku-meel-gaar ah oo uu hayn doono muddo kooban, iyadoo la rajeynayo in bilaha soo socda uu u gudbo xubinnimo buuxda.

Baarlamaanka Norway waxa uu ka kooban yahay 169 xubnood, waxaana muddooyinkii u dambeeyay ka mid noqday saddex Soomaali ah: Maryan Xuseen, Haashim Barre, iyo Xildhibaan Fowsi Warsame.

Wasiirka Batroolka XFS oo ka warbixiyay Natiijada Shidaal Qodista Soomaaliya.

0

Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daahir Shire, ayaa sheegay in saddexda bilood ee ugu horreeya sanadka 2026 lagu dhawaaqi doono natiijada sahanka shidaal qodista ee ka socda Soomaaliya.

Isagoo ka hadlayay barnaamijka kulanka toddobaadka ee Warbaahinta Qaranka, ayuu Wasiirku sheegay in sahankii ugu dambeeyay uu marayo gebogebo, gaar ahaan baaris lagu sameeyay xeebaha Soomaaliya oo lagu tuhunsan yahay in ay kheyraad dabiici ah ku jiraan.

Sidoo kale, Wasiirka ayaa caddeeyay in ay si dhow ula socdaan baaritaanno sharci darro ah oo lagu sameeyo macdanta, taas oo ka dhacda qeybo ka mid ah gobollada Waqooyi Galbeed, Waqooyi Bari iyo Sanaag. Wuxuu tilmaamay in cid kasta oo Soomaali ah oo danaynaysa macdan qodis ay xaq u leedahay in ay dowladda la socodsiiso, lana taageero.

Ugu dambeyn, Wasiirka Batroolka ayaa xusay in ay ku kalsoon yihiin in Soomaaliya ay ka jiraan fursado shidaal, ayna natiijada rasmiga ah ku dhawaaqi doonaan horaanta 2026.

Madaxweynaha JFS oo hambalyo u diray garsoore Cumar Cartan guushii abaalmarinta CAF awgeed.

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan bahda ciyaaraha, ugu hambalyeeyay guusha taariikhiga ah ee uu gaaray Garsooraha heerka caalami ee Soomaaliyeed, Mudane Cumar Cabdulqaadir Cartan, oo ku guuleystay abaalmarinta Garsooraha Sanadka ee Afrika 2025, taas oo uu siiyay Xiriirka Kubadda Cagta Afrika (CAF).

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in guushan ay astaan u tahay kartida, hal-adeygga iyo xirfadda sare ee ay leeyihiin dhallinyarada Soomaaliyeed, isagoo xusay in Garsoore Cumar uu si sharaf leh ugu matalay magaca ummadda Soomaaliyeed fagaarayaasha caalamka.

“Garsoore Cumar Cartan wuxuu astaan u yahay dadaalka iyo xirfadda dhallinyaradeenna. Wuxuu sare u qaaday magaca Soomaaliya, wuxuuna guul taariikhi ah kasoo hooyay masraxa ciyaaraha caalamka,” ayuu yiri Madaxweynaha.

Wasiirka Warfaafinta oo Guddoomiyaha Aqalka Sare Gufdoonsiiyay haddiyad ka timid Madxafka Nabadda Carta.

0

Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, kaas oo guddoonsiiyay haddiyad gaar ah oo uga timid Guddiga Dhismaha iyo Qalabeynta Madxafka Nabadda Gobolka ee Carta.

Wasiir Daa’uud Aweys ayaa sidoo kale Guddoomiyaha la wadaagay warbixin ku saabsan munaasabadda lagu daahfuray 25-guuradii ka soo wareegtay Shirweynihii Nabadda Soomaalida ee Carta, iyo marxaladihii uu soo maray Madxafka Nabadda.

Dhankiisa, Guddoomiye Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa uga mahadceliyay haddiyadda, isagoo si gaar ah u bogaadiyay walaalaha Jabuuti doorkooda muhiimka ah ee ay ku leeyihiin dhismaha Madxafka Taariikhiga ah ee Carta, kaas oo xusuus qaran u ah shacabka Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo dalka dib ugu soo laabtay.

0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa dalka dib ugu soo laabtay, waxaana Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Magaaladda Muqdisho kusoo dhoweeyay Guddoomiye Kuxigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow iyo xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo maanta dalka dib ugu soo laabtay ayaa magaaladda Kampala ee caasimadda dalka Uganda uga soo qeyb galay shirka guddoomiyaasha baarlamaanada Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika, waxaana inta shirkaasi uu socday Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka dalka loo doortay shir guddoonka guddoomiyaasha baarlamaanada Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika ee sanadka 2025-2026.

Sidoo kale Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo safar kusoo maray dalka Kenya ayaa Magaaladda Nairobi ee caasimadda dalkaasi kulan mira dhal ah kula qaatay dhigiisa dalkaasi Mudane Moses Wetang’ula oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada wadan gaar ahaan wada shaqeynta baarlamaanada labada dal, dhisida guddiga saaxiibtinimada baarlamaanada Soomaaliya iyo Kenya iyo sidoo kale qibrad isdhaafsiga Xildhibaanada labada baarlamaan.

CXD oo howlgal ka fuliyay Buula Madiina oo hoostagta degmada Afgooye ee gobolka Sh.hoose.

0

Ciidamada Gaarka ah ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXD) ayaa xalay fuliyay howlgal qorsheysan oo ka dhacay deegaanka Buula Madiina ee hoostagta degmada Afgooye, gobolka Shabeellaha Hoose, halkaas oo ay ku dileen saddex ka tirsan maleeshiyaadka Khawaarijta Al-Shabaab.

Intii uu howlgalka socday, ciidamadu waxay guul ka gaareen badbaadinta 30 qof, oo ay ku jiraan labo dumar ah, kuwaas oo Khawaarijtu afduub ahaan u haysteen.

Sidoo kale, waxaa la burburiyay xabsi iyo maxkamad beenaad oo argagixisadu halkaas ka dhistay, kuna dhibaateyn jirtay shacabka deegaanka.

Howlgalkan ayaa qayb ka ah dadaallada joogtada ah ee CXD ay ku wadaan ciribtirka Khawaarijta, si loo xaqiijiyo amni, xasilooni, iyo badbaado shacabka Soomaaliyeed.

Eighth CIIE sees 80% more African exhibitors from a year ago.

The 8th China International Import Expo (CIIE) marks the first session of the event since China expanded its zero-tariff policy to 53 African countries it has diplomatic ties with. China encouraged these countries to make full use of the policy, which grants zero tariffs on 100 percent of taxable items. As a result, the number of participating African enterprises this year has surged by 80 percent from a year ago.

“We are joining this event for the first time this year,” said Xiehe from Senegal, an employee of SONACOS, a local company specializing in the trade of peanut and peanut oil. “We hope to use this major platform to promote our products. Fortunately, by the second day of the expo, many clients had already visited our booth and expressed interest in cooperation,” he/she said.

When asked why they chose to come to the CIIE, many African exhibitors gave the same answer: China offers a vast market and abundant opportunities.

For a honey company from Zambia, the CIIE has opened doors to remarkable growth  its exports have risen from less than one tonne in 2018 to an annual average of about 20 tons. A Shanghai-based importer that once purchased just one or two containers of coffee beans from Ethiopia each year now brings in over 100 containers annually. A pineapple producer from Benin gained wide attention at the 6th CIIE, signing multiple cooperation agreements with Chinese enterprises, which not only secured stable orders but also encouraged Chinese companies to invest in Benin, set up factories and share advanced planting techniques and management expertise.

“At the CIIE, just a few conversations can lead to major business deals,” said James Kimonyo, Rwanda’s ambassador to China. “Through China-Africa trade exchanges, Chinese consumers are discovering new and unique products from Africa, while African countries are gaining new momentum for development — improving the livelihoods and incomes of local people in tangible ways.”

According to China’s General Administration of Customs, China has remained Africa’s largest trading partner for 16 years. Starting December, 2024, China granted zero-tariff treatment for 100 percent of tariff lines to the least developed countries that have diplomatic relations with China, including 33 African countries, becoming the first major developing country and major economy in the world to implement such a policy. This initiative now has been expanded to benefit 53 African countries.

Golaha Aqalka Sare oo Ansixiyay Guddiga Xuquuqul Insaanka Qaranka.

0

Mudanayaasha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah u ansixiyay xubnaha Guddiga Xuquuqul Insaanka Qaranka, kadib cod gacan-taag ah oo ay u qaadeen.

28 Senator ayaa oggolaaday, hal Senatorna wuu ka aamusay, mana jirin cid diiday, taasoo muujisay kalsoonida ballaaran ee goluhu u hayo xubnaha guddiga.

Xubnaha guddiga ayaa isla kulankaas lagu dhaariyay, iyagoo si rasmi ah u guda geli doona waajibaadkooda, kuwaas oo ay ugu weyn yihiin ilaalinta, horumarinta, iyo u doodidda xuquuqda aadanaha ee dalka.

Guddigani waxa uu door muhiim ah ka ciyaari doonaa la socodka tacaddiyada, kor u qaadidda wacyiga xuquuqda muwaadiniinta, iyo dhiirrigelinta cadaaladda bulsho.

Ansixinta guddigan ayaa qeyb ka ah dadaallada dowladdu ugu jirto dhisidda hay’adaha dimoqraadiyadda iyo ilaalinta xuquuqda aasaasiga ah ee muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo Muqdisho ka furay Shirka Garsoorayaasha Soomaaliyeed.

0

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka, Garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed, ayaa saaka magaalada Muqdisho ka daahfuray Shirka Madasha Garsoorayaasha Soomaaliyeed, kaas oo socon doona muddo laba cisho ah.

Shirkan, oo saddexdii biloodba mar la qabto, waxaa diiradda lagu saarayaa baahiyaha garsoorayaasha, caqabadaha heysta, iyo horumarka laga gaaray arrimaha mudnaanta u leh bahda garsoorka.

Waxaa shirka ka qeybgalaya Guddoomiyeyaasha Maxkamadaha Gobollada iyo Rafcaanka, Garsoorka dowlad-goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, iyo garsoorayaal ka kala socda heerarka kala duwan ee dalka.