Home Blog Page 94

Madaxweyne Xasan oo Goob Joog u noqday dhammaadka Sahminta Badda Soomaaliya (WARBIXIN)

0

Shirkaddii Turkida ee baarista 3-D maxay arkeen/sheegeen?

Waxay arkeen dhulka badda ka hooseeya sida u dhisan yahay – jiritaanka anticline, fault traps iyo salt domes, oo hayn kara shidaal. Waxay arkeen jiritaanka shidaal haye (reservoir) iyo shidaal dhale (source rock), sida ay qorayaan Warbaahinta dalka Turkiye.

Ka dib markay baroosees-gareeyeen xogaha saysmikada, waxaa u soo baxday baro nuurayo (bright spots), iyo baro mugdi ah (dim spots), oo tilmaamayo shidaal dareere ah (batrool) iyo mid gaas ah.

Maxay sheegeen dhul-yaqaanada (geologists) shirkadda TPAO? Waxay qiyaaseen shidaalka ku jira 2da xirmo (blocks) oo ay sahmiyeen inuu dhan yahay 20 bilyan barmiil/ama barmiil-u-dhigan oo gaas ah. Ogaada inaan weli ceel la qodin. Waa qiyaas ee ma aha dhab. Dhabta waxaa lagu gaara marka Ceelal la qoday laga helo shidaal, oo la bam-gareeyo oo laga qiyaaso meeshaas Beerta Shidaalka ah ee la helay muggeeda iyo awoodeeda.

Haddaba Warbixin kooban oo laga helay Markabka Sahminta Shidaalka ee Dowladda Walaalaha ah ee Turkiga ayaa si guul ah u soo gabagebeeyey howshiisii Badda Soomaaliya, iyadoo Dowladda Turkiga ayaa tallaabo muhiim ah ka qaaday dhinaca iskaashiga istiraatiijiga ah ee ay la leedahay Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxaana xusid mudan in Markabka sahminta Shidaalka ee Oruç Reis uu si guul leh u dhammeystay howlgal muhiim ah oo uu ka waday biyaha Badda Soomaaliya.

Markabkan casriga ah ayaa shaqadiisa ka bilaabay Xeebaha Soomaaliya 25-kii Oktoobar 2024-kii, wuxuuna muddo 234 maalmood ah, si isdaba joog ah uga shaqeynayay seddex qaybood oo istaraatiiji ah oo Badda Soomaaliya ka mid ah. Intii lagu guda jiray howlgalkaasi, waxaa la ururiyey xog rasmiga ah oo 3D ah (seddex-geesood ah), iyadoo la daboolay dhul badeed baaxaddiisu tahay 4,464 kiiloomitir oo isku wareeg ah.

“Xogtan qiimaha badan ee uu markabku soo ururiyey ayaa noqon doonta mid tiir-dhexaad u ah daraasadaha iyo go’aamada mustaqbalka ee la xiriira qiimeynta khayraadka dabiiciga ah ee ku jira biyaha Soomaaliya, gaar ahaan shidaalka iyo gaaska dabiiciga ah. Tani waxay fure u noqon kartaa xoojinta madax-bannaanida dhaqaale ee Soomaaliya iyo sare u qaadidda awoodda istiraatiijiga ah ee dalka ee Geeska Afrika”, sidaasi waxaa sheegay Khabiir ku takhasusay arrimaha Shidaalka.

Markabka Oruç Reis ayaa la filayaa in uu ka ambabaxo dekedda Muqdisho 15-ka Juun 2025-ka, isaga oo ku soo tagaya dalka Turkiga, si loo farsameeyo una sii qiimeeyo xogtii muhiim ka aheyd ee uu helay.

Howlgalkan sahminta ah waxa uu tusaale cad u yahay xiriirka walaaltinimo, iskaashi iyo taageero toos ah oo u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga, gaar ahaan dhinacyada horumarinta dhaqaalaha, Tamarta, Madaxbannaanida iyo ka faa’iidaysiga kheyraadka dabiiciga ah ee Alle ku maneystay dhulka iyo badda Soomaaliyeed.

“Tani waa guul muhiim ah oo xoojinaysa yoolkeenna ah in Soomaaliya ay si buuxda uga faa’iideysato kheyraadkeeda, una beddesho fursado dhaqaale iyo horumar bulsho. Dowladda iyo shacabka Turkiga mar walba waxa ay hormuud u yihiin tallaabooyinka muujinaya in Soomaaliya la maalgashan karo”, sidaasi waxaa yiri:- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo kormeer ku tegay markabka “Oruc Reis” oo ku howlanaa baarista Shidaalka dalka, kadib markii si rasmi ah loo soo gabagabeeyay sahanka shidaalka xeebaha Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyay howl-wadeenada iyo bahda iskaashiga Turkiga dadaalladooda ku aaddan sahankan istiraatiijiga ah, isagoo muujiyay in natiijada baaristan ay wax weyn ka beddelayso xaaladda Soomaaliya iyo xiriirka iskaashi ee Labada dal, wuxuuna Madaxweynaha Jamhuuriyadda uu tilmaamay dadaalka dowladda ee kobcinta dhaqaalaha dalka, iyada oo loo marayo ka faa’iidaysiga kheyraadka dabiiciga ah ee hodonka ay ku tahay Soomaaliya, kuwaasi oo dabooli kara duruufaha ka jira dalkeenna.

By. C/lahi Ruush

Haya’adda isgaarsiinta Qaranka oo ka qayb gashay shir ku kulmeen dalalka ku midoobay( EAC)

0

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka ayaa ka qeyb gashay Shirweynaha 30-aad ee Ururka Iskaashiga Dhaqaalaha Bulshada Bariga Afrika (EAC). oo lagu qabtay magaalada Jubba ee caasimadda dalka Koonfurta Suudaan.

Shirkan oo socday intii u dhaxeysay 9-13 Juunyo 2025 ayaa waxaa isugu yimid wakiillo ka kala socda shanta qeybood ee xubnaha ka ah EACO, oo ay ka mid yihiin hay’adaha nidaamiya isgaarsiinta, hay’adaha boostada, shirkadaha isgaarsiinta iyo kuwa bixiya adeegyada internet-ka ee Bariga Afrika.

Shirweynaha sanadkan ayaa muhiimad gaar ah u leh Soomaaliya, maadaama ay dhawaan ku biirtay Ururka Iskaashiga Dhaqaalaha Bulshada Bariga Afrika (EAC). Ka qeyb galka HIQ wuxuu muujinayaa sida ay uga go’an tahay la jaanqaadka siyaasadaha, shuruucda, iyo horumarka tiknoolajiyadeed ee isgaarsiinta gobolka.

“Shirarka noocan oo kale ah waxay muhiim u yihiin HIQ, maadaama aan nahay hay’adda ugu da’da yar ee maamusha isgaarsiinta gobolka. Waxaan si buuxda u fahamsannahay in isgaarsiintu aysan xuduud lahayn — iyadoo ay sabab u yihiin arrimo ay ka mid yihiin adeegyadeenna isgaarsiineed oo gaara dalalka deriska ah (roaming), barnaamijyo tiknoolajiyeed oo la wadaago gobolka, iyo khataraha amniga internet-ka oo aan ku ekaan dal keliya,” ayuu yiri Mudane Mustafa Yasin Sheikh, Maareeyaha Guud ee HIQ.

 

 

Ra’iisul wasaare Xamse: ” Xukuummadda Dan-Qaran waxa ay mudnaan gaar ah siineysaa tayeynta waxbarashada dalka”

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa daah-furay imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiyada sare ee dalka, kaas oo sanadkan ay u fariisanayaan in ka badan 39,000, arday oo ku kala sugan gobollada dalka.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa sheegay in Xukuumadda DanQaran ay mudnaan gaar ah siineyso tayeynta waxbarashada dalka, isaga oo xusay in imtixaanka shahaadiga ah uu yahay mid muhiim u ah ardayda Soomaaliyeed iyo horumarka mustaqbalka dalka.

“Marka laga yimaado amniga, dowladdu waxa ay xoogga saartay sidii ay ubadka Soomaaliyeed u heli lahaayeen waxbarasho tayo leh, horumarsan oo la jaan-qaadaysa nidaamyada waxbarasho ee caalamka”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha.

Mudane Xamsa, ayaa tilmaamay in Xukuumaddu ay guulo wax-ku-ool ah ka gaartay dib-u-habeynta iyo horumarinta nidaamka waxbarashada dalka, iyada oo la gaarsiiyey deegaannadii laga sifeeyey Khawaarijta adeegyadii kala duwanaa ee ay waxbarashadu ka mid tahay, si looga hortago amni darrada iyo jahliga.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre , ayaa uga mahadceliyey ciidanka ammaanka kaalinta ay ka qaadanayaan xaqiijinta ammaanka goobaha lagu qaadayo imtixaanka iyo gaarsiinta warqadaha imtixaanka goobaha ka fog caasimadda, iyada oo la adeegsanayo diyaaradaha qummaatiga u kaca ee ciidanku ay leeyahay.

 

Ra”iisulwasaaraha XFS oo si rasmi ah u furay Imtixaanka fasalada 12-aad

0

Raii’sul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa si rasmi ah u daah-furay Imtixaanka Shahaadiga ah, Fasalka 12-aad ee sanad dugsiyeedka 2024/25.

Imtixaanka Fasalka 12-aad ayaa guud ahaan ba ka furmay saaka gobolada iyo degmooyinka dalka kaas oo ka qayb qaadanayaan 39,397 Arday sida ay warbaahinta Qaranka u xaqiijisay Wasiir Dowlaha Wasaaradda Waxbarashadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Ciidanka Booliiska ayaa si weyn u sugaya goobaha imtixaanka qaranka Ra”iisul wasaaraha xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa hambalyo gaar u u diray Ciidanka Booliiska ee sugaya goobaha lagu gelayo Imtixaanka“Waxaan umahadcelinayaa ciidamada sugayo amaanka goobaha lagu qabanayo imtixaanka Qaranka”

 

 

Wasaaradda Warfaafinta XFS oo ka qeyb gashay shirka Dhaqanka EAC 

Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka qeyb gashay shirka guddiga dhaqanka ee Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika (EAC). Shirkan oo diiradda lagu saaray arrimaha waxbarashada, sayniska, iyo iskaashiga dhaqaalaha, ayaa muhiimad gaar ah u leh xoojinta xiriirka dhaqameed iyo horumarinta iskaashiga gobolka.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Mudane Cabdullaahi Xayir Ducaale, oo ka qeyb galay shirka, ayaa faahfaahin ka bixiyey muhiimadda shirkan, isagoo xusay in Soomaaliya ay ka go’an tahay in ay kaalin muuqata ka qaadato horumarinta dhaqanka, waxbarashada, iyo sayniska ee gobolka Bariga Afrika.

Wuxuu sidoo kale tilmaamay in iskaashiga noocan oo kale ah uu fursad u yahay in la xoojiyo xiriirka dalalka xubnaha ka ah EAC, lana horumariyo adeegyada bulshada ee muhiimka u ah kobaca dhaqaalaha iyo horumarka bulshada Soomaaliyeed.

Wasiir Ku-xigeenka Shaqada XFS oo ka digtay ku-shaqeynta carruurta,

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS, Xildhibaan Aamino Xuseen Cali, ayaa ka qeyb gashay xaflad lagu xusayay 12-ka June, oo ah Maalinta Caalamiga ah ee ka-hortagga ku shaqeysiga carruurta. Intii lagu guda jiray munaasabadda, waxay ka warbixisay tacadiyada kala duwan ee carruurta loo geysto iyo baahida loo qabo in xal waara loo helo.

Wasiir ku-xigeenka ayaa sheegtay in dowladda ay ka go’an tahay wax ka qabashada xadgudubyada iyo tacadiyada carruurta gaar ahaan kuwa la shaqaysiiya, iyadoo ugu baaqday bulshada in ay door ka qaataan badbaadinta ubadka oo ah mustaqbalka dalka.

Maalinta 12-ka June, oo ay qabanqaabiso Ururka Shaqaalaha Adduunka (ILO), ayaa sanad walba loogu talagalay in lagu xasuusto dhibaatada carruurta ay kala kulmaan shaqooyinka adag, iyadoo lagu baaqo in la ciribtiro xadgudubyadaas.

Soomaaliya iyo Turkiga oo yeeshay kulan Iskaashiga Amniga ah

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Mudane Xuseen Macalin, ayaa kulan dooceed la yeeshay Wasiir Ku xigeenka Arrimaha Dibadda Dowladda Turkiga, Dr. Burhanettin Duran, intii lagu guda jiray shirka Oslo Forum.

Kulankaan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga istiraatiijiyadeed ee labada dal, gaar ahaan dhanka amniga iyo ganacsiga.

Labada mas’uul ayaa markale xaqiijiyey muhiimadda ay leedahay doorka Turkiga ee dadaallada Soomaaliya ee dhanka nabadda, xasilloonida iyo horumarka.

Faah faahi oo ciwaan u sameey

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo kormeer ku tagay Markabka Shidaalka ee “Oruc Reis”.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer ku tagay Markabka “Oruc Reis” oo ku howlanaa baarista Shidaalka dalkeenna, kadib markii si rasmi ah loo soo gabagabeeyay sahanka Shidaalkaa Xeebaha Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyay howl-wadeenada iyo bahda iskaashiga Turkiga dadaalladooda ku aaddan sahankan istiraatiijiga ah, isagoo muujiyey in natiijada baaristan ay wax weyn ka beddelayso xaaladda Soomaaliya iyo xiriirka iskaashi ee Labada dal.

“Tani waa guul muhiim ah oo xoojinaysa yoolkeenna ah in Soomaaliya ay si buuxda uga faa’iideysato kheyraadkeeda, una beddesho fursado dhaqaale iyo horumar bulsho. Dowladda iyo Shacabka Turkiga mar walba waxa ay hormuud u yihiin tallaabooyinka muujinaya in Soomaaliya la maalgashan karo”.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa tilmaamay dadaalka dowladda ee kobcinta dhaqaalaha dalka, iyada oo loo marayo ka faa’iidaysiga kheyraadka dabiiciga ah ee hodonka ay ku tahay Soomaaliya, kuwaas oo dabooli kara duruufaha ka jira dalkeenna.

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey Xeer-nidaamiyaha Xargaha Isgaarsiinta ee Badda hoos mara

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, ayaa lagu ansixiyey Xeer-nidaamiyaha Xargaha Isgaarsiinta ee Badda hoos mara, si loo illaaliyo badqabka Isgaarsiinta dalka.

Kulanka golaha oo uu guddoominayey ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha, ahna Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Dalka, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa lagu soo bandhigay warbixinno ku saabsan diyaar garowga toddoobaadka xorriyadda iyo Imtixaanka Qaranka ee sanad dugsiyeedka 2025, kaas oo si rasmi ah maalinta Sabtida ah uga bilaabmi doona gobollada dalka.

Kulanka ayaa intii uu socday waxaa lagu dhageeystay Wasaaradaha Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga warbixinno la xiriira amniga, xasillinta iyo dardargelinta howlgallada dalka looga ciribtirayo kooxaha Khawaarijta ah, iyada oo golaha ay bogaadiyeen geesiyaasha Ciidanka Qaranka iyo kuwa deegaanka ee naftooda u huraya difaaca dalka.

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan rasmi ah la yeeshay dhiggiisa Rwanda

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdisalam Cabdi Cali ayaa kulan rasmi ah la yeeshay dhiggiisa Rwanda, Wasiir Olivier Nduhungirehe, intii lagu guda jiray Kulanka Wasiirada ee FOCAC oo ka dhacay Dalka Shiinaha,gaar ahaan Magaalada Changsha ee gobolka Hunan.

Labada wasiir ayaa si qoto dheer uga wada hadlay arrimo muhiim ah ee la xiriira xoojinta xiriirka labada dal, kor u qaadista iskaashiga dhaqaale, horumarinta ganacsiga, iyo adkeynta wada-shaqeynta gobolka iyo guud ahaan qaaradda Afrika.

Kulanka ayaa sidoo kale diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa mashaariicda horumarineed iyo dardargelinta iskaashiga dhinacyada amniga, waxbarashada, iyo kaabayaasha dhaqaalaha.

Wasiirradu waxay qireen in xiriirka Soomaaliya iyo Rwanda uu yahay mid istiraatiiji ah, muhiimna u ah horumarka iyo barwaaqada labada dal,iyagoo isla qaatay in la sii wado wada-shaqeynta mustaqbalka dhow iyo kan fog, si loo gaaro himilooyinka wadajirka ah.

Sidoo kale, waxaa lagu falanqeeyey doorka ay labada dal ka ciyaari karaan arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah, iyada oo la tixgelinayo horumarka iyo fursadaha cusub ee ka jira guud ahaan qaaradda Afrika.

Dhinaca kale,Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Dowladda Federaalka Soomaaliya H.E. Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa, kulan wax ku ool ah la qaatay Ku-simaha Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Suudaan, H.E. Xuseen Al-Xaj.

Kulanka dhinacyadaasi ayaa looga hadlay xasiloonida gobolka, waxaana si gaar ah diiradda loogu saaray xaaladihii ugu dambeeyay ee dhanka siyaasadda iyo amniga ee Suudaan.

Wasiir Cabdisalaan ayaa xaqiijiyay in Soomaaliya ay garab taagan tahay shacabka Suudaan, waxa uuna taageero u muujiyay dadaallada caalamiga ah ee socda ee lagu doonayo in lagu soo afjaro colaadda iyo soo celinta nabadda iyo xasilloonida dalka aan walaalaha nahay.