Home Blog Page 940

Shirka Wadatashiga Wasaaradaha Warfaafinta DFS & Dowlad-Goboleedyada oo Warmurtiyeed laga soo saaray

0

Wasiirka Wasaarada Warfaafinta dhaqanka iyo Dalxiiska Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye), Wasiirada Dawlad Goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Gobolka Banadir oo muddo 4 maalmood ah kulan uga socday magaalada Muqdisho, ayaa soo saaray warmurtiyeed  ka kooban 11 qodob .

Shirka wada tashiga waxaa mudadii uu socday ka qeyb galay Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Daxiiska Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye), Wasiirka Warfaafinta, Isgaarsiinta, Hidaha iyo Dhaqanka Puntland Mudane Cali Xasan Axmed, Wasiirka Warfaafinta iyo Wacyi-galinta Koofur-Galbeed Mudane Ugaas Xasan Cabdi Maxamed, Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka, hanuunta iyo Dalxiiska Galmudug Mudane Maxamuud Aadan Cusmaan (Masagawa), Wasiirka Warfaafinta, hindaha, dhaqanka iyo Dalxiiska Hirshabelle Mudane Cabdiwali Maxamed Cabdi, Masuuliyiin ka socota Dowlad Goboleedka Jubaland, Agaasimeyaasha guud iyo Agaasimayaasha Warbaahinta ee Wasaaradaha Warfaafinta, xeel-dheerayaal Warbaahineed  iyo xubno ka socday Bulshada rayidka ah.

Mudadii shirku u socday Wasiiraddu waxay shir doceedyo (side meeting) gaar ah la yeesheen:-

  1. 19 August 2019 waxay Hotel Jazeera kula shireen madaxda ururadda iyo Agaasimayaasha Warbaahinta gaarka loo leeyahay, iyo madaxda ururada bulshada Rayidka ah sida Culimada, Salaadiinta dhaqanka, ururada dhalinyarada, Haweenka iyo qaar ka mid madaxda Jaamacadaha.

 

  1. 20 August 2019 waxay hoolka shirarka ee AMISOM VIP kula kulmeen Dawladaha, ururada Caalamiga ah ee taageera Warbaahinta Soomaaliya iyo qaar ka mid ah hay’adaha iyo shirkadaha daneeyaya ama ka qaybqaata wacyigelinta bulshada Soomaaliyeed.

Qodobada Agendaha u ahaa kulanka Wasiiradda ee shirka looga dooday, waxaa ka mid ahaa:

  1. Xoojinta xiriirka wada-shaqeynta ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Dowladda Federalka iyo Wasaaradaha Warfaafinta ee dowlad-goboleedyada.
  2. Hirgelinta Istaraatiijiyada Wacyigelinta Qaranka oo hore ay isula sameeyeen dhamaan Wasaaradaha Warfaafinta ee labada heer ee Dawladda lagana ansixiyey Golaha Wasiiradda ee DFS.
  3. Dhiirigelinta iyo horumarinta weriyaha iyo Warbaahinta gaarka loo leeyahay, iyo ku wacyigelinta masuuliyadaha ka saaran difaacidda danaha qaranka, midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed. iyo
  4. Ugu dambeyn, sidii loo hagaajin lahaa xidhiidhka iyo wadashaqeynta Wasaaradaha iyo Taageerayaasha caalamiga ah ee Warbaahinta iyo wacyigelinta bulshada, looguna jeexi lahaa dariiq iyo nidaam wadashaqeyneed oo laysku ogyahay.

Wadatashi dheer oo saddex maalmood qaatay kadib, ka soo qaybgalayashu waxay isku raacen;

  1. Wasiiradu waxay ku heshiiyeen in la xoojiyo isku xidhnaanta Wasaaradaha Warfaafinta, dhaqanka iyo Dalxiiska ee labada heer ee Dawladda oo loo sameeyo nidaam iyo qaab-dhismeed ay si joogto ah ugu kulmaan uguna kala warqaataan Wasiiradda, Agaasimayaasha, Agaasimayaasha Tiifiiyada, Agaasimayaasha Raadyayaasha, kuwa maamulka iyo wixii la mid ah si loo xoojiyo iska warqabka iyo qibrad wadaagga.

 

  1. In lagu dhiirigeliyo Madaxda sare ee Qaranka (heer Federal iyo Dawlad Goboleed) muhiimadda wacyigelinta bulshada iyo in ay taageeraan baahinta iyo hirgelinta Istiraatiijiyadda Wacyigelinta Qaranka oo ay ku dhan yihiin dhamaan qaybaha iyo meelaha bulshada Soomaaliyeed uga baahan yihiin wacyigelin.

 

  1. In la magacaabo guddi farsamo oo isku dhaf ah oo daraasad ku soo sameeya tirada iyo tayada Warbaahinta Dawladda ee labada heer, si loo ogaado awoodda Wasaaradaha Warfaafinta ee dhinacyada qalabka, shaqaalaha, barnaamijyada wacyigelinta ee ay sameeyaan iyo inta ay boqolkiiba gaarsiiyaan dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

 

  1. In la sameeyo Xarun iyo Gole Wacyigelineed oo ay ku mideysan yihiin Wasaaradaha Warfaafinta ee labada heer ee Dawladda oo soosaara barnaamijyo iyo farriimo qiimo u leh bulshada Soomaaliyeed oo si siman looga siidaayo Warbaahinta Dawladda ee heer Federaal iyo Maamul Goboleed, kana shaqeeya sidii Wasaaradaha Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiisku isu-dhaafsan lahaayeen khibradaha, agabka, tababarrada ay is dheer yihiin.

 

  1. Wasiiradu waxay fareen Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha in ay si degdeg ah u dhisaan una hawlgeliyaan Xarunta wacyigelinta Qaranka, lana bilaabo soo saarista iyo gudbinta fariimo iyo barnaamijyo Wacyigelineed oo Bulshada dalka oo dhan loogu tilmaamayo muhiimada midnimada iyo wadajirka, muhiimada nabada iyo xasiloonida, la dagaalanka amni xumada iyo Argagixisada, Musuqmaasuqa, barashada Dastuurka, nidaamka Federaalka iyo nidaamka Doorashooyinka kala duwan ee dalka, Dib-uheshiinta, is taakuleynta iyo Dowlad-wanaaga.

 

  1. In lagu dhiirigeliyo Dawladaha, Hay’adaha iyo ururrada taageera warbaahinta Soomaaliya in ay kordhiyaan taageeradooda isla markaana waafajiyaan mashaariicda ay maalgalinayaan Istiraatiijiyadda Wacyigelinta Qaranka. Sidoo kalena fuliyeyaasha/qandaraas qaatayaasha ka shaqeeya arrimaha Warbaahinta iyo wacyigelinta Buslahada Soomaaliyeed ku dhaqmaan Public Awareness guiding policy and principles-kii Wasiiraddu la wadeegaan shirkii 20 August 2019 ee lagu qabtay qolka shirarka ee AMISOM VIP.

 

  1. In la sameeyo Siyaasad ama Xeer hoosaad saldhig u noqda wada-shaqeynta Wasaaradaha Warfaafinta ee labada heer ee dowladda Soomaaliya oo ay ku cad yihiin arrimaha laga wada-shaqeynayo, waajibaadka dhinac kastaa leeyahay iyo joogteynta is-dhaafsiga wararka, Barnaamiyada, kulamada, tababarada iyo in aanay wax lug ah ku yeelan wacyigelinta Bulshada ee ay wadaan hawlwadeenada Wasaaradaha Warfaafinta duufaanada siyaasadeed ee marar qaar imaan kara.

 

  1. Wasiiradu waxay ammaaneen doorka Warbaahinta gaarka loo leeyahay, culimada, salaadiinta iyo ururadda bulshada rayidka ahi kaga jiraan ama ku leeyihiin hawlaha Wacigelinta Bulshada, waxayna ka codsadeen in ay xoojiyaan dedaalkooda xiligan ummadda Soomaaliyeed ka gudbayso amni xumada, la noolaanshaha argagixisada iyo kala qaybsanaanta soo dilootay ummadda Soomaaliyeed, kana dheeraadaan wax kasta oo dib inoo celin kara.

 

  1. Wasiiraddu waxay isku raaceen in shirka soo scoda ee Wasiiradda Warfaafinta ee DFS iyo Maamul Goboleedyada lagu qabto Magaaladda Baydhabo ee Xarunta KMG ah ee Dawlad Goboleedka K/Galbeed 18 November 2019.
  2. Wasiiradu waxay u mahadceliyeen Wasiirka iyo Wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo Dalxiiska DFS sida wanaagsan ee ay u soo qorsheeyeen una soo abaabuleen shirkan ay ku kulmeen Madaxda Wasaaradaha Warfaafinta ee labada heer ee Dowladda.
  3. Sidoo kale Wasiiraddu waxay u mahadceliyeen Dawladaha, ururada iyo hey’adaha caalamiga ah ee saaxiibada la ah Soomaaliya ee taageera Warbaahinta, wacyigelinta bulshada iyo horumarinta iyo bedqabka weriyaha

MAHADSANIDIIN

 

Wasiirka-War-Murtiyeed

Shirka horumarinta Tamarta oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradad Tamarta &Khayraadka Biyaha XFS oo Baydhabo ka socda

Waxaa si rasmi ah magaalada baydhabo uga furmay shirkii looga arinsanayey arrimaha Tamarta iyo korantada dalka,kaasi oo ay soo qaban qaabisay wasiirka Tamarta iyo Khayraadka Biyaha Xukuumadda Federalka Soomaaliya Marwo Fowsiyo Maxamed Sheekh.

Madaxweynaha DGKS C/casiis Xasan Max’ed (laftagareen)ayaana shirkaasi si rasmi ah u dahfuray,waxaana ka qeybgalay guddoomiyaha Baarlamanka Koonfur Galbeed xubno k atirsan golayaasha kaladuwan ee dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedka Koonfur Galbeed iyo qeybaha bulshada.

Wasiirka Tamarta iyo Khayraadka Biyaha Xukuumadda Federalka Soomaaliya Marwo Fowsiyo Maxamed Sheekh oo wasaaradeedu ay hormuudka ka tahay barnaamijkan ayaa faah faahisay ahmiyada laga leeyahay shirka,iyadoo muujisay sida ay uga go’antahay wasaaradeeda sidii loo horumarin lahaa ka faa’ideysiga Tamarka iyo Khayraadka Biyaha guud ahaan dalka,taasii oo baahi weyn ay u qabaan bulshada Soomaaliyeed.

Wasiirada Tamarata dowlada goboleedyada oo shirkaasi qeyb ka ah ayaa soo dhaweyeey dadaalka logu jiro horumarinta ka faa’ideysiga Khayraadka Tamarta ee dalka,waxaana ay sheegeen in ay rajo ka qabana in natiijo wanaagsan ay ka soo bixi doonto.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed C/qaadir Shariif Shiikhuna  Maye oo ka hadlay furitaankii shirka ayaa bogaadiyey shirka iyo wax yaabaha looga hadlayo

Madaxweynaha  mudane C/casiis Xasan Max’ed (laftagareen) oo isagu daah furey shirka ayaa kula dardaarmey mas’uuliyiinta ka soo qeyb gashey inay in looga fadhiyo natiijo wanaagsan oo wax Ku ool u ah dhamaan bulshada Soomaaliyeed.

Shirkaan looga hadlayo arrimaha Tamarta iyo koromtada dalka ayaa soo qaban qaabiyey mas’uuliyiinta sare ee wasaarada tamarta iyo qeyraadka biyaha xukuumada soomaaliya.

Xukuumadda oo Ciidamada loo tababarayo Galmudug Ku Boorrisay In cadawga ay ku qabtaan gacan bir ah

0

Wasiirka Amniga gudaha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Maxamed Abuukar Islaaw Ducaale oo  socdaal ku tegay magaalada Guriceel ayaa booqday xerada Har-qaboobe ee tababarku uga socdo ciidamada xoogga dalka ee loo diyaarinayo xoreynta deegaannada Galmudug ee argagaxisadu ay shacabka ku dhibaateyso.

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo saraakiisha ciidanka ka xog wareystay xaaladda ciidanka tababarka ku jira iyo sida ay u socdaan howlaha ciidamada loogu diyaarinayo baacsida cadawga ummadda iyo soo celinta sharafta Soomaaliyeed, ayaa ciidanka kula dardaarmay in ay gacan bir ah ku qabtaan cawaga ummadda Soomaaliyeed.

Taliyaha Guutada 15-aad ee qaybta 21-aad oo wasiirka Amniga gudaha uga warbixiyay sida uu u socdo tababarka, ayaa sheegay in ay ciidanku u diyaarsanyihiin gudashada waajibaadka ka saaran Galmudug iyo guud ahaan ilaalinta qarannimadda.

Mudane Maxamed Abuukar oo saraakiisha ciimadama tababareysa u mahadceliyay, ayaa ciidanka u rajeeyay in ay ku guuleystaan ilaalinta nafta iyo maalka ummadda Soomaaliyeed.

Ciidanka lagu tababarayo xerada Har-qaboobe ayaa qayb ka ah ciidamada taliska qaybta 21-aad ee loo diyaarinayo xoreynta guud ahaan deegaannada dowlad gobaleedka Galmudug si loo hubiyo fulinta mashaariicda horumarineed loona gaarsiiyo adeegyada bulsho ee xaqa ay u leeyihiin shacabka Soomaaliyeed.

Wasiirka Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa XFS oo shir guddoomiyey shir lagu ansixinayey siyaasadda qaran ee dhuxusha Soomaaliya+Sawirroa

0

Wasiirka Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa Soomaaliya mudane Xuseen Maxamuud Sheekh Xuseen,ayaa guddoomiyay shir u jeedkiisu ahaa ansixinta Siyaasada  dhuxusha soomaaliya oo ay soo qaban qaabisay Wasaarada Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa Soomaaliya oo kaashaneysa hey’adda UNEP.

Kulankaan oo diirada lagu Saaray sidii la isaga kaashan lahaa joojinta  jaridda iyo dhoofinta dhuxusha oo laga dhaxlo nabaadguur sababa abaaro iyo musiibooyin dabiici ah,waxaa kaloo ka qeybgalay Wasiirada Bii’ada ee  Maamul Goboleedyada, Xubno ka socday xafiiska Ra’iisul Wasaaraha  oo uu ka mid ahaa Agaasimaha Bii’ada ee Xafiiska Raii’sul Wasaaraha  , Aqoonyahano , Iskaashatooyinka dhuxusha, , Haweenka ka ganacsada Dhuxusha iyo marti sharaf kale.

Wasiirka Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa Soomaaliya mudane Xuseen Maxamuud Sheekh Xuseen  oo Shirka furay Ayaa sharaxay u jeedada laga leeyahay ansixinta siyaasadda dhuxusha Qaranka soomaaliya oo laga shaqeenayey muddo halsano ah, wuxuuna tilmaamay in sharcigan uu horseedi doono yareynta dhibaatada deegaaneed ee ka dhalata jaridda dhirta sida Xaalufinta ,Nabaad guurka isbadalka cimiladda iyo daadadka.

Qaar ka mid ah Aqoonyahanada iyo Qubarada shirka ka qeybgalay ayaa soo bandhigay xogo iyo tusaalooyin ku saabsan dhibaatada nabaad guurka, iyadoo dhinaca kale Wasiirada Maamul Goboleedyada iyo Agaasimaha Bii’ada ee Xafiiska Raii’sul Wasaaraha ay ku dheeraadeen ka hadalka cawaaqib xumada ka dhalan karta hadaan laga hortagin xaalufinta dhirta.

Dhinace kale Wasiirka Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa Soomaaliya  ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay ku dadaashay sidii looga hortagi lahaa xaalufinta dhirta oo uu sheegay in ay dhibaatooyin badan xambaarsantahay.

Siyaasada dhuxusha Qaranka Soomaaliya ayaa loo gudbin doonaa golaha Wasiiradda Soomaaliya, Iyadoo ay xusid mudantahay in Hey’adda Qaramada Midoobay ay  horey usoo saartay Qaraar ay ku mamnuucday ka ganacsiga iyo dhoofinta Dhuxusha Soomaaliya.

Siyaasadda Dhuxusha

  • Waxa ay dalka ka anfacaysaa in la joojiyo dhuxusha laga dhoofiyo Dalka
  • Waxa kale oo ay ka caawinaysaa dalka in la nidaamiyo soo saaridda, safrinta gudaha iyo isticmaalka dhuxusha
  • Waxa kale oo ay ka caawinaysaa in la helo ilo kale oo tamareed oo yareeya soo saaridda dhuxusha.
  • Siyaasadda dhuxushu waxa kale oo ay dalka ka caawinaysaa in dadka ku hawlan soo saaridda iyo ka ganacsiga dhuxusha loo helo ilo kale oo nololeed.
  • Siyaasaddan waxa kale oo ay keenaysaa in la yareeyo dhibaatooyinka degaaneed ee ka dhasha jarista dhirta ,sida xaalufka dhirta, nabaadguurka iyo daadadka.
  • Siyaasaddan waxa kale oo ay qeyb ka qaadanaysaa yareynta saasmeynta isbeddelka cimilada, helitaanka calafka xoolaha ,quruxda dhulka iyo ilaalinta jiritaanka Noolaha kala duwan.

Dowladda Oo Horumarin Ku Sameysay Adeegyada Caafimaad Ee Cisbitaalka Banaadir

0

6 Bilood ka dib markii ay dowladda Soomaaliya la soo wareegtay isbitaalka Banaadir ayaa waxaa sii kordhay tirada bukaanka adeega u soo doonta isbitaalka, waxaana is bedelay bilicda isbitaalka iyo guud ahaan nidaamka maamulka isbitaalka.

Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada oo u xilsaaran in bulshada soomaaliyeed ay u helaan adeeg caafimaad oo tayo sare leh, ayaa la soo wareegtay isbitaalka Banaadir Febraayo 2019 si bulshada soomaaliyeed u helaan daryeel caafimaad oo lacag la’aan ah oo tayo leh.

La soo wareegitaanka Dowladda Soomaaliya ay la soo wareegtay Isbitaalka Banaadir ayaa qeyb ka ah himilooyinka wasaaradda caafimaadka iyo daryeelka Bulsshada oo xaqiijineysa daadijinka adeega bulshada ee aas aasiga ah.

Dowladda Soomaaliya ayaa wada dadaal lagu kordhinayo adeegyada caafimaad ee isbitaalka Banaadir, waxaa dhawaan la furayaa xaruunta sifeynta kiliyaha oo qeyb ka noqon doonta adeegyada lacag la’aanta ah ee uu isbitaalku siiyo bulshada soomaaliyeed, sida ay xaqiijiyeen howl wadeennada tubta horumarinta arrimaha bulshada.

Dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale meel fiican marinaysa dhismaha Bankiga dhiigga qaranka oo dhawaan la dhisi doono si loo kordhiyo loona tayeeyo adeegyada caafimaad ee dowladdu siiso bulshada Soomaaliyeed.

Dowladda waxa ay Shacabka soomaaliyeed ka codsanaysa in ay gacan ka geystaan sidii loo soo celin lahaa xaruumaha adeegyadii bulshada ee aas aasiga ah si bulshadu hesho adeegyo tayo leh oo lacag la’aan ah.

Wasiirada Warfaafinta Heer Fedaraal Iyo kuwa Dowlad Goboleedyda oo Kullan la Yeeshay Hay’adaha Daneeya Warbaahinta.

0

Iyadoo Maalinkii sedaxaad Magaalada Muqdisho ka socodo Shirka wadatashiga wasiirada Warfaafinta Heer Fedaral iyo Heer Dowlad Goboleed aya Maanta Waxa ay Kullan La yeesheen Hay’adaha Daneeya Warbaahinta iyo Wacyigelinta Bulshada , Waxana Goob -Joog ahaa Kullanka Wasiirada Warfaafinta Dowlad Goboleedyada Dalka ,Jubbaland ,Koonfur Galbeed ,Hiirshabeele ,Puntland ,Galmudug, iyo Wasiirka warfaafinta DFS, oo ay waheliyaan Agaasimiyaasha Guud Iyo Kuwa Warbaahinta Dowladda Heer Fedaral iyo Heer Dowlad Goboleed, iyo Mas’uliin kala Duwan oo Ka socdey Hay’adaha Daneeya Horumarinta warbaahinta Soomaaliya.

Waxana Shirka Inta Badan Looga Hadley Wacyigelinta Bulshada In si wadajir ah looga qeyb qaato Waxana Hay’adaha Kala Duwan Ee Daneeneya warbaahinta ay Sheegey In doorkooda ay ka qaadan Doonnaan Horumaka warbaahinta Soomaaliya ,Iyo Wacyigelinta Bulshada.

Wasiirka wasaradda Warfaafinta Wacyigelinyta Bulshada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Ugaas Xasan Abdi Maxamed Ayaa ka warbixiyay waxyaabaha ay kala Hadleen Hay’adaha Daneeya Horumaraka warbahinta Dalka ,iyagoona Ballan qaadey in ay kaalin weyn ka qaadan Doonan Horumarinta Warbaahinta Dowlada Kuwa Gaar Iyo Wacyigelinta Dadweynaha.

Maxamed Abdi Xayir Maareye Wasiirka Wasaradda Warfaafinta Dhaqanka Iyo Dalxiiska Xukuumadda Soomaaliya ayaa waxa uu sheegey in Maanta la isku Afgartey In Hay’ad waliba Oo Wacyigelin ka sameyneysa Soomaaliya ,ay Iska soo diiwan Geliso,Wasaradaha Warfaafinta Heer Fedaral Iyo Kuwa Dowlad Goboleedyada Dalka kajira.

Shirkan Ayaa La Fileya In Maalinta Baritaha laga soo saaro War-murtiyeed La Xiriira Waxyaabihii la isku Afgartey Mudadii Shirka uu socodey.

Guddiga KMG ah ee Diyaarinta Sharciga Doorashooyinka Qaranka ee BJFS oo kulan la qaatay Masuuliyiin ka socday Machadka Heritage

0

Guddiga KMG ah ee soo diyaarinta Sharciga Doorashooyinka Qaranka ee Golaha Shacabka ayaa Maanta Kulan la yeeshay Masuuliyiin ka socday Machadka Heritage ee Daraasaadka Siyaasadda.

Kulanka oo ka dhacay Xarunta Guddoonka iyo Guddiyadda Golaha Shacabka Ee Villa Hargeysa ayaa Waxaa Guddoominayay Guddoomiyaha Guddiga Xildhibaan Cabdulaahi Abukar Xaaji iyadoo ay goobjoog ahaayeen Xubnaha Guddiga.

Kulankaan ayaa daba-socday kulamo Maalmahaan uu Guddiga la yeelanayay qeybaha Bulshada iyo Hay’addaha daneeya Arrimaha Doorashooyinka.

Agaasimaha hay’adda Heritage C/rashiid Khaliif Xaashi oo kulanka ka hadlay ayaa guddiga kaga mahadceliyay Dadaalka ay wadaan iyo Sida ay uga go’antahay ka mira-dhalinta Dadaalkooda.

Ugu Danbeyntii Guddoomiyaha Guddiga Xildhibaan Cabdulaahi Abukar Xaaji ayaa uga mahadceliyay Masuuliyiintii ka socday Machadka Heritage ee Daraasaadka Siyaasadda la kulankooda Guddiga.

Maxkamadda sare ee ciidamada qalabka sida oo Xukun dil ah ku riday Shaqsiyaad dilal ka geystay Baydhabo.

0

Yaasiin Maxamed Aadan oo ka tirsanaa Boliiska Konfur galbeed oo racfaan ka qaatay xukun Maxkamadda darajada 1aad ku riday ayay maxkamada sare Dil ku xukuntay saaka Magaaladda Baydhabo.

Yaasiin waxaa loo haystaa inuu dil bareera u gaystay marxuum Aadan Isaaq Ibraahim.

Sidoo kale Maxkamadda ayaa xukun Dil ah ku riday racfaanle Xuseen Maxamed Cabdinuur oo ka tirsanaa Daraawiishta Konfur Galbeed oo isagane loo haysto Dilka Maxamed Guuloow Aadan oo ahaa sarkaal ka tirsanaa ciidanka Boliiska.

Wasiirka Amniga XFS oo Bogaadiyay howlgalada Argagixisada looga sifeynayo degaanada Gal-mudug.

0

Wasiirka Amniga xukuumadda federaalka Soomaaliya Xildhibaan Mamxamed Abuukar Islaaw oo shalay soo gaaray magaalada Dhuusamareeb ayaa xalay waxa uu kulan la qaatay saraakiisha laamaha amniga ee ku howlan adkeynta amniga caasimadda.

Kulanka ayaa looga hadlay laba jibbaaridda dalaallada lagu adkeynayo amniga guud,  gaar ahaan inta uu socdo shirka dib-u-heshiisiinta ee dhawaan furmaya,  looguna diyaar garoobayo dhismaha Galmudug loo dhanyahay.

Saraakiisha ayaa wasiirka uga war bixiyay sida ay u wadaan amni sugidda caasimadda iyo howl-gallo kale oo ay ka sameeyeen deegaanno kale oo ka tirsan Galmudug.

Wasiirka amniga gudaha ayaa ciidanka ku ammaanay shaqada adag ee ay hayaan waxa uuna ku boorriyay in ay sii wadaan si loogu guuleyso dhismaha hay’adaha dowladeed ee Galmudug, dhammaan reer Galmudug ayuuna ugu baaqay in ay ka faa’iideystaan shirka dib-u-heshiisiinta ayna dhistaas maamul ay u dhanyihiin oo danahooda ka shaqeeya.

Ciidanka xoogga dalka oo 20-ka tirsan argagixisada ku dilay duleedka Bariire.

0

Ciidanka Xoogga dalka ayaa in ka badan 20-ka tirsan argagixisada Al-Shabaab ku dilay duleedka deegaanka Bariire ee Gobolka Shabeellaha markii maleeshiyada ay isku dayeen iney weeraraan saldhig Ciidanku ku leeyihiin deegaankaasi.

Taliyaha Ciidamada Lugta Generaal Odawaa Yuusuf Raage ayaa warbaahinta Qaranka u sheegay in jab xooggan la gaarsiiyay maleeshiyada Al-Shabaab markii ay isku dayeen xalay iney weerar ku soo qaadaan saldhig ciidanka Xoogga dalka ku leeyihiin duleedka deegaanka Bariire,halkaasina looga dilay 20-ka tirsan maleeshiyadooda halka tiro intaasi ka badana looga dhaawacay.

Generaal Odawaa Yuusuf Raage ayaa sheegay in Ciidanka Xoogga dalka ay ka feejignaayeen dhagarta cadowga ummadda Soomaaliya,islamarkaana weerarkaasi ay ku halaagsameen,ciidanka qalabka sidana ay guulo ka gaareen.

Ciidamada Qalabka sida ayaa maalmihii ugu dambeeyay ka waday gobolka Shabeellaha hoose howlgallo lagu baacsanayo argagaxisada, iyadoo maleeshiyada Al-shabaab ay soo wajahday cabsi xooggan oo uga imaaneysa Ciidamada geesiyaasha Qaranka Soomaaliyeed.