Home Blog Page 940

Wasiir Beyle oo Jabuuti kula kulmay Safiirka Ruushka ee Soomaaliya+Sawirro

0

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa magaalada Jabuuti kula kulmay Safiirka Dowladda Ruushka u qaabilsan Soomaaliya H.E. Mikhail Golovanov oo ay ka wada hadleen arrimaha deyn cafinta Soomaaliya.

“Waxaa maanta la kulmay Safiirka Dowladda Ruushka ee Soomaaliya H.E. Mikhail Golovanov oo aan ka wada hadalnay arrimaha deyn cafinta Soomaaliya,” ayuu yiri Wasiir Beyle.

Qorshaha deyn cafinta Soomaaliya ayaa hadda meel wanaagsan mareysa,waxayna Xukuumadda martay wado kasta oo sahli karta cafinta deymaha lagu leeyahay Soomaaliya.

“Ruushka waa dalka 2-aad ee deyn cafinta ugu badan nagu leh, wada hadalkeenu wuxuu ku saleysnaa sidii ay deymahaas nooga cafin lahaayeen,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr. Beyle.

Ardayda Afrika ee jooga Shinaha oo sheegay in ay heystaan dayac iyo kaalmo la’aan

0

Ardayda Afrikaanka ee ku xayirmay cudurka Coronavirus ee ka dillaacay Magalada Wuhan,ee dalka Shiinaha ayaa dalbaday in loo fidiyo codsi caawimaad oo dib logu celinaayo dalalka Afrika ee ay ka soo jeedaam.

Thomas  Kanzira oo ah 25-sano jir ka soo jeeda dalka Yugaadha,isla markaana ka mid ah kumanaan arday ee wax ku barta ama ku nool Magaalada Wuhan,ayaa codsaday in dowladaha Afrika ay halkasi ka qataan muwaadiniinta ka jooga magaaladaasi.

Qaar ka mid ah ardaydaasi ayaa dalbaday in loo soo diro diyaarado,si ay uga badbaadaan cudurka Coronavirus ee u sii fidaya sida xowliga ah.

Maaalada Wuhan oo dhacda bartamaha dalka Shiinaha waxaa ku nool illaa 11-milyan oo qof,waxaana hadda tirada u dhimatay cudurka Coronavirus lagu waramay in ay gaareyso illaa shan boqol oo ruux

Wasaaradda Caafimaada Soomaaliya oo maamulka Isbitaalka Yardimeli ka dalbatay in ay la yimaaddaan sharciga ay ku shaqeeyaan

0

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya , Fowsiya Abiikar Nuur ayaa sheegtay in ay mar kale ay warqad u direen madaxda Isbitalka Yardimeli ee Magaalada Muqdisho, ayna ka dalbadeen inay soo caddeeyaan lana yimaaddaan sharciga u oggolaanaya inay ka shaqeeyaan Dalka Soomaaliya balse aysan kasoo jawaabin.

“Wasaaradda Caafimaadku waxay u xil saaran tahay ilaalinta arrimaha caafimaadka Dalka ,shaqada naloo igmaday ayaan gudanaynaa, balse maaha inaan daba gal ku hayno shaqo aanaan lahayn, hay’ad kasta oo ka shaqaysa arrimaha caafimaadka haddii aysan haysan ruqsad ay kaga shaqayso Dalka waxaa waajib nagu ah inaan shaqada ka joojino, balse ciddii haysato ruqsad shaqo oo sharci ah kuna saabsan arrimaha caafimaadka,  nidaamka Dowladnimo ayaa u oggol inay shaqeyaan” ayay tiri Wasiirada Caafimaadka Soomaaliya.

Wasiir Foziya ayaa intaa ku dartay in gudashada shaqadooda aysan cid kale marti uga ahaan doonin, Wasaaradduna ay markasta si dhow u ilaaliso shaqada loo igmaday ee ku saabsan arrimaha caafimaadka Dalka.

Ciidanka Danab oo howlgal ku dilay horjooge ka tirsanaa Al-Shabaab

0

Ciidanka kumaandooska XDS ee Danab ayaa dilay horjooge Maxamed Xuseen “Abuu Muxsin” oo ka tirsanaa Al-Shabaab, kadib howlgal qorsheysan oo ay ka fuliyeen degaanno katirsan Gobolka Jubbada hoose.

Horjooge Abuu Muxsin oo Al-Shabaab u qaabbilsanaa diyaarinta qaraxyada ay kooxdu ka fuliso Gobolka Jubbada hoose ayaa lagu dilay howl-gallo ka dhacay degaannada Beerxaani, Jannaay Cabdalla ,Kuuba Kibir iyo Birta dheer ee duleedka Kismaayo sida uu warbaahinta Qaranka u sheegay Taliyaha Guutada 16-aad ee Ciidanka Danab G/lle; Ismaaciil Cabdimaalik Maalin.

Taliye Ismaaciil C/maalik Maalik, ayaa sidoo kale sheegay in la qabtay horjooge kale oo Al-Shabaab u qaabbilsanaa dhinaca maaliyadda oo lagu Magacaabo, Cabdi dheere, qasaarana uu kasoo gaaray duqeymo lala beegsaday goobo ay ku sugnaayeen horjoogayaal ka tirsan Al-Shabaab.

Golaha Wasiirada Suudaan oo Shir Degdeg ah Ka Yeeshay Kulankii Dhex Maray Cabdifataax Al Burhaan iyo Nitanyaahu.

0

Golaha Wasiirada dalka Suudaan ayaa kulan deg deg ah ku yeeshay magaalada Khartuum ee caasimadda dalka Suudaan waxayna ka wada hadleen kulankii kediska ahaa dalka Uganda ku dhex maray Madaxa golaha milateriga Suudan Gen Cabdifataax Al-Burhaan iyo ra’iisal wasaaraha Israa’iil Binyamiin Netanyahu, waxaana kulankan degdega ah hogaaminaya Ra’iisal Wasaaraha dalka Suudaan Cabdalla Xamduuk.

Wasiirka warfaafinta dhaqanka iyo wacyigelinta Suudaan Muhammad Saalax Feysal ayaa sheegay in kulankaasi uu ahaa mid aah lagala tashan golaha wasiirada Suudaan balse ay si kedis ah u arkeen shirka oo dhacay taasoo ku noqotay arrin layaab ah dawladda Suudaan iyo shacabkeeda.

Wasiirka ayaa intaa ku daray in aysan ilaa hadda hayn macluumaaq faah-faahsan oo dheeraad ah oo ku saabsan waxyaalihii kulanka looga wada hadlay balse ay sugayaan soo laabashada  waxaanan sugi doonnaa caddeynno ka dib soo laabashada Gen Cabdifataax Al-Burhaan si ay uga waraystaan kulankaasi iyo sababta kallifi karta.

Golaha Wasiirada Suudaan ayaa laga yaabaa inay fuliyaan go’aan ka dhan ah Cabdilfataax Al-Burhaan maadaama kulankaasi uu noqday mid aan laga wada tashan, shacabka Suudaana dhankooda ay walaac ka muujiyeen.

Dowladda Sucuudiga oo jaaliyadda Soomaaliyeed ka cafisay lacagihii horay loogu lahaa

0

Jaaliyadaha shan dal  ayaa dalka Sucuudiga  waxaa uu ka cafiyay lacagtii  looga qaadi jiray daganashah dalka Sucuudiga   kadib markii ay bixiin waayen  iyadoo loo qabtay  muddo 90 cisho ah in ay uga baxaan dalka oo ka bilaabanaysa bisha February.

Shanta dowladdood ee jaaliyadoodan laga cafiyay daymaha ayaa waxaa ka mid ah Somaaliya,Itoobiya, Ereteriya ,Naajeeriya iyo Jaad iyadoo qunsuliyadaha guud ee wadamadaasi u fadhiyay magaalada jiddah ay si wada jir ah ay kulan ulaa qaateen  madaxa xarunta shimees ee maamulka ajaanibka usaama abu milxa iyo madaxa.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka sacuudiga u qaabilsan xarunata shimess al sayid khaliil bin axmed iyo masuuliyiin  kale oo ka tirsan xaruntaasi ayaa islaa  gorfeeyeen intii uu socday

Sida loogu baahan yahay in looga faa’iideysto cafiska lacagaha  ee ay ku yaboohaday dowladda Sucuudiga

Masuuliyiinta maamulka xarunta shimees ayaa sheegay in ay ahmiyada balaaran ugu jirto dhamaan jaaliyadaha dalalka laga cafiyay lacagta loona baahan yahay in loo fududeyo safarka dadka dib ugu labanaya  dalalkooda.

Dibad-bax lagu taageerayo Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka Galmudug oo ka dhacay Magaalada Guriceel.

0

Dibad-bax lagu taageerayo madaxweynaha iyo madaxweyne kuxigeenka Galmudug ayaa lagu qabtay dagmada Guriceel ee gobolka Galgaduud Waxaana ka soo qaygalay qaybaha kala  duwan ee bulshada sida odayaasha haweenka ardayda iyo maamulka degmada Guri-Ceel.

Shacabka oo baahi gaar ah u qabay hanaanka dowliga ayaa si cod dheer ah ku sheegay inay garab tagan yihiin madaxda sare ee Galmudug ayna ku gacan sinayaan la shaqayn dhab ah.

Guddoomiye ku xigeenka 1-aad Bashir Cabdiraxmaan Sheekeeye iyo Guddoomiye ku xigeenka 2-aad Faarax Cabdi Macalin ayaa munaasabada soo gabagabeeyay waxaana ay soo dhaweeyeen Madaxweynaha Cusub Galmudug mudane Axamed Cabdi Kaariye Qor Qor iyo madaxweyne Kuxigeen Galmudug Cali Daahir Ciid oo dhawaan doorashadoodu ka dhacday magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug.

Itoobiya oo fashilisay weerar ay damacsanaayeen Kooxda Al-Shabaab.

0

Isaga oo ka jawaabayay su’aalo ay weydiiyeen Xildhibaanada Barlamaanka ayaa Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed, waxa uu sheegay in ay fashiliyeen Weeraro ay damacsanaayeen Maleeshiyaadka Shabaab in ay ka geystaan gudaha Itoobiya.

“Al Shabaab waxa ay dooneysay in Weeraro la mid ah kuwa Kenya ay ka fuliso Dalka, balse nasiib wanaag, waxaa arrintaasi diiday oo ka hortagay Ciidamada Ammaanka” ayuu yiri.

Ra’iisul Wasaaraha oo arrimaha la weydiiyay ay isugu jireen Siyaasadda, ammaanka, iyo doorashooyinka sanadkaan ayaa tusaale usoo qaatay arrinta Argagaxisada gaar ahaan Shabaab.

Waxa uu sheegay in diyaar garow xooggan iyo howlgallo ay sameeyeen Ciidamada Dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ay suurtagalisay in laga hortago Weeraradaasi.

“Al-shabaab ayaa magac ahaan la sheegay mooyee waxaa jira xoogag badan oo Al-shabaab ka baxsan oo aan aaminsanahay inay doonayaan wiiqidda amniga Itoobiya,” ayuu hadalka ku daray Abiy.

Itoobiya waxaa hadda kusoo wajahan doorashooyin sanadkaan 2020, iyada oo Dowladda ay la tacaaleyso wax ka qabashada ammaanka tan iyo markii uu isbadalka ka dhacay dalkaasi

Dowlada Federaalka Soomaaliya oo dalbatay in loo soo gacan geliyo eedeysane Cabdirashid Xasan Cabdinuur (Janan).

0

Dowlada Federaalka Soomaaliya waxa ay si rasmi ah u dalbatay waaran caalami ah (international warrant) oo loogu soo gacan gelinayo eedaysane Cabdirashid Xasan Cabdinuur (Janan), kaas oo ka baxsaday caddaaladda.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay arrinkaas xiriir kala sameysay Hay’adda Boliiska Caalamiga ah ee INTERPOL, si loogu maxkamadeeyo eedaysanahan lagu soo oogay danbiyo la xiriira tacadiyo ka dhan ah xuquuqul insaanka iyo ku tacaddiga muwaadiniin aan waxba galabsan.

Sidoo kale, Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay dhiggeeda dalka Kenya ka codsatay in sida ugu dhaqsiyaha badan ay u soo qabato, una soo wareejiso eedeeysane Cabdirashid Xasan Cabdinuur (Janan), arrinkaas oo xoojinaya dadaallada heer Gobol ee ilaalinta xuquuqda aadanaha iyo adkeynta xasilloonida.

Nidaamka Cadaaladeed ee dalkeenu waxa uu leeyahay habraacyo munaasib ah oo ku saleysan dhageysiga iyo xaqiijinta dacwadaha, iyadoo la dhowrayo xuquuqda aasaasiga ah ee aadanaha, sidaas darteed ma ahan wax la aqbali karo in eedaysane baxsad ka ah caddaaladda uu gabbaad ka dhigto dal daris ah.