Home Blog Page 939

Madaxweyne Farmaajo oo Xafiiskiisa ku qaabbilay Ra’isulwasaare Ku Xigeenkii hore ee Dalka+Sawirro

Madaxweynaha JFS Mudane; Maxamed Cabdullaahi Farmaajo  iyo Marwada Koowaad ; Saynab Cabdi Macallin ayaa Xarunta Madaxtooyada ku qaabbilay Ra’isulwasaare Ku Xigeenkii hore ee Dalka Mudane; Cusmaan Jaamac Cali (Kalluun) iyo Marwadiisa; Laylo Maxamed Cali.

Madaxweyne Farmaajo ayaa Mudane; Cusmaan Kalluun ka dhagaystay talooyin dhaxalgal ah wax ku oolna u ah Qarannimada Soomaaliya.

Sidoo kale Madaxweynaha Dalka ayaa waxa uu Mudane; Kalluun uga  warramay halka uu Dalku marayo iyo tallaabooyinka ay illaa iyo haatan Dowladdu qaadday si loo soo celiyo haybaddii Qarannimo ee Soomaaliya.

Ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barata Dalka Shiinaha oo walaac ka muujiyay Cudurka Coronavirus

0

Waxaa sii kordhaysa halista caabuqa ka dillaacay Dalka Shiinaha ee Coronavirus, kaas oo ka billowday Magaalada Wuhan oo ay ku nool yihiin Dad lagu qiyaasay 11 Milyan oo Qof.

Dadka ku nool Magaaladaas waxaa ka mid ah Arday Soomaali ah oo halkaas wax ka barta, kuwaas oo tiradooda ay gaareyso 50 Qof.

Ardayda waxa ay ku go’doosan yihiin qolalkooda jiifka, waxa ay cuntada kasoo iibsadaan Suuqa Toddobaadkiiba Hal mar.

Ardayda Soomaalida ah oo aan meel ku wada noolayn ayaa ku wada xiriira Qolal ama group Internetka ah, si ay ku kala qaataan macluumaadka iyo xogaha.

Cabdiqaadir Maxamed Cabdi , oo ah Arday Soomaali ah ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay in waxa ugu badan ee ay ka cabsi qabaan ay tahay in uu saameeyo Cudurka haddii aysan helin gurmad deg-deg ah.

Waxa uu ugu baaqay Dowladda Federaalka Soomaaliya in ay ka daad gureyso Shiinaha, iyada oo kaashaneysa Dowladaha saaxiibka la ah.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay si dhow ula socoto xaaladda Soomaalida ku nool Magaalada wuhan ee Dalka Shiinaha.

Hirshabeelle iyo QM oo ka wada hadlay wax ka qabashada barakaca iyo fatahaadaha

Wasiirka arrimaha Gudaha Maamul Goboleedka Hirshabelle, Maxamed Cali Caadle ayaa Magaalada Muqdisho kulan kula yeeshay Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya , James Swan.

Labada mas’uul ayaa kulankooda waxa ay uga hadleen dhismaha Golaha degaannka, isku dubaridka howlaha barakacayaasha, Fatahaadaha iyo qodobo kale.

Ambassador; James Swan, ayaa ballan qaaday in Hirshabelle ay ka taageeri doonaan wax kasta oo horumar ah, ayna ka Gacan siin doonaan sidii wax looga qaban lahaa musiibooyinka dabiiciga ah iyo maamul wanaagga.

Maamulka Hirshabelle ayaa waday Bilihii la soo dhaafay qorshe loogu dhisayo Golayaal degaan qaar ka mid ah Degmooyinka hoos taga maamulkaas.

Saldhigga Booliska Degmada Matabaan oo dib loo dayactirayo+Sawirro

Taliska Booliska Degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan ayaa billaabay howlo is-xilqaan ah oo dayactir iyo dhismo cusub loogu sameynayo Saldhigga Booliiska ee Degmada.

Taliyaha Ciidanka Booliiska Degmada Matabaan, Dhamme; C/fitaax Maxamed Jaamac (Fooneeye), oo hoggaaminayay dib u dhiska Saldhigga ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay in ay ka shaqeynayaan dib usoo celinta doorkii uu Boliisku ku lahaa Bulshada dhexdeeda.

Dhamme; Fooneeye, ayaa sidoo kale shrrgay in ay howl-geliyeen Ciidanka Booliska si loo adkeeyo ammaanka Degmada loona fuliyo adeegyada kala duwan ee ay Shacabku u baahan yihiin.

Taliska Boliiska Degmada Matabaan oo howsha lagu wareejiyay 5-tii Bishan ayaa durba hirgeliyay baro Koontarool oo amniga laga sugo laguna baaro Gaadiidka noocyadiisa kala duwan.

Taliye; C/fitaax Maxamed Jaamac (Fooneeye), ayaa sheegay in howlaha dib u dhiska iyo sugidda nabad gelyaduba ay kaalin mug leh ka qaateen Shacabka reer Matabaan, wuxuuna ugu baaqay in ay dedaalladooda sii Laba laabaan.

Maxamed Deeq

Wasiir Maareeye oo ka hadlay wax-qabadka Dowladda intii ay jirtay

Berri waxa ay ku beegan tahay 8-da February markii la doortay Madaxwenaha Dowladda Federaalka , mudane; Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) oo ay kasoo wareegatay muddo 3 Sano ah.

Haddaba maxaa u qabsoomay hay’adaha Dowladda waxaa ka jawaabay Wasiirka
Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Maxamed Cabdi Cayir Maareeye oo ka
qeybgalay Barnaamijka kulanka Toddobaadka ee Warbaahinta Qaranka.

Wasiirka waxa uu sheegay in Xukuumadda Nabad iyo Nolal  ay horumar
weyn ka sameysay Ammaanka, Dhaqaalaha, Adeegga bulshada iyo Xiriirka
Caalamiga ah, inkastoo uu qiray in aan la gaarin meeshii la rabay
daruufaha jira awgeed iyo burburkii Dalka gaaray.

AMMAANKA

Wasiirka waxa uu sheegay in maanta ay leedahay Soomaaliya Ciidan
diiwaan gashan oo la siiyay tababar iyo mushaar kuwaas oo  awood u leh
la dagaalanka argagixisada iyo xaqiijinta ammaanka, isaga oo aan
meesha ka saarin dhagarta argagixisada oo uu sheegay in aysan laheyn
awood ay kaga hortagaan Ciidanka

DHAQAALAHA

“Waxaan wax ka qabanahay dhaqaalaha, waxaa sanad kasta sare u kaca
dhaqaalaha Dalka taas oo sabab u ah sida aan u ilaalineyno amaanada,
waxaan si joogta ah u bixinay mushaaraadka, waxaa wax lagu faano ah
deyn cafinta oo waqti badan la galiyay haddana mareysa meel wanaagsan”
ayuu yiri Wasiir Maareeye.

ARRIMAHA BULSHADA

Maxamed Cabdi Maareeye oo ka hadlayay waxa laga qabtay arrimaha
bulshada ayaa sheegay in Xukuumadda ay Isxilqaan ku dhistay Xarumaha
danta guud, sida Maktabada Qaranka, Matxafka iyo Tiyaaterka, sidoo
kale waxa uu xusay Dhismaha Waddooyinka iyo ageega Waxbaradhada oo
gaaray gobolada Dalka.

XIRIIRKA CAALAMIGA AH

“Waxaan xoojinay xiriirka Caalamiga ah, waxaan dib usoo ceshanay
kuraastii Soomaaliya ay ku lahayd Ururada Caalamiga ah, maanta waxaa
loo baahan yahay Codka Soomaaliya, waxaan ku guuleysanay in aan soo
deyno Soomaali badan oo ku xirneed Xabsiyada Caalamka”  sidaas waxaa
yiri Wasiir Maareeye

Taliska Booliska Gobolka Mudug oo Bulshada ugu baaqay in ay kala shaqeeyaan nabadda

Taliyaha qeybta Booliiska Fadaraalka Gobalka Mudug,G/sare; Maxamed Nuur Cali Gadaar, ayaa faah-faahin ka bixiyay xaaladda amni iyo halka ay marayaan dedaallo ku aaddan xallinta xiisado colaadeed oo kasoo cusboonaaday Gobolka.

G/sare; Maxamed Nuur Cali oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in ay meel wanaagsan marayaan dedaallo fara badan oo ay ku bixiyeen qaboojinta dagaalladii halkaasi ka dhacay iyo sidii looga kala Dab qaadi lahaa Beelaha ay xurguftu dhex martay.

Taliyaha ayaa Bulshada reer Mudug ugu baaqay in ay Booliska iyo laamaha ammaanka kala shaqeeyaan amniga iyo nabad gelyada Gobolka, isagoo usoo jeediyay in ay joojiyaan waxyaabaha xiisadda kicin kara.

Hadalka kasoo baxay Taliska qeybta Boliiska Gobalka Mudug ayaa imanaya xilli ay Maalmihii u danbeeyay dilal ku saleysan aanooyin Qabiil ka dhacayeen degaanno ka tirsan Gobolka Mudug inkastoo ay jiraan dedaallo lagu xakamaynayo waxyaabaha dhaliya Gacan ka hadalka.

Guddoomiyaha Maxaas oo booqday degaanno dhowaan laga xoreeyay Al-Shabaab

Guddoomiyaha Degmada Maxaas, Cabdi Muumin Xiish iyo Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka ayaa Maanta kormeer dhiirri gelin iyo dar-daaran ah ugu tagay degaanno ay ku sugan yihiin Jabhadda Macawisley oo dhowaan laga xoreeyay Argagixisada Al-Shabaab.

Jabhadda degaanka ee Macawisleyda oo kaashanaya Ciidanka xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa kooxda Argagixisada ka saaray Tuulooyin ay ka mi dyihiin Waab weyn, Cali ganeey , Afar irdood, Miir caddeiyo Dhul daaqsimeed fara badan.

Cabdi Muumin, Guddoomiyaha Maxaas oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in Dadka ku dhaqan degaannada ay booqdeen ay si weyn ugu riyaaqeen booqashadooda diyaarna ay u yihiin in ay ka qeyb qaataan dagaalka ka dhanka ah kooxda nabad-diidka ah.

Dadka degaanka oo Hubkooda qaatay ee la baxay Macawisley ayaa Laba jibbaaray howl-galladooda ka dhanka ah Al-Shabaab, markii ay Kooxda nabad-diidku kordhiyeen dhibaatada ay ku hayaan Shacabka Soomaaliyeed.

Xoola dhaqatada Soomaaliyeed iyo Dadka deggen Tuulooyinka ay xoogga ku maamulayeen Al-Shabaab ayaa go’aansaday in ay ka gadoodaan dhaca joogtada ah ee ay ku hayaan maalkooda iyo xoolahooda intuba.

Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya, Oo Maanta Furtay Shir Caalamiga Ah

0

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Xukumadda Soomaaliya Marwo Fowziyo Abiikar Nuur ayaa furtay shirka maalinta Caalamiga ah ee ka hortagga FGM-ka.

Wasiirka Wasaaradda Caafilaadka Soomaaliya Fowsiya Abiikar Nuur waxaa ay sheegtay In lagama maarmaan ay tahay in la xoojiyo ka hortagga gudniinka Fircooniga ah, kaasi oo dhibaato ku yeeshay gabdhaha Soomaaliyeed

Sidoo kale Wasiir Fowsiya waxaa ay tilmaamtay in kaliya looga baahneen dumarka in ay ka shaqeeyaan ka hortagga gudniinka balse ay ku dhiirigelineyso dhalinyarda ay ka qeyb qaataan joojinta gudninka.

Waxaana dhammaan Bulshada Soomaaliyeed kula dardaarantay in loo wada istaago gudninka dhibka ku haya Bulshada sida ay sheegtay.

Wasaaradda Waxbarashada & Maamul Gobolleedyada Oo Heshiis Gaaray

0

Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Wasaaraddaha dowlad Gobaleedyada iyo Gobalka Banaadir ayaa magaalada Muqdisho ku soo gaba gabeeyay shir ku saabsan imtixaanka Qaranka ee sanada 2019/2020, waxana ka soo qeyb-galay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Feysal Cumar Guuleed Wasiiradda Wasaaradaha Waxbarashada Maamul Gobaleedyada qeybta ka ah dowladda Federaalka.

Sidoo kale waxaa shirka Goob joog ka ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Agaasimayaasha Wasaaraddaha Waxbarashada Maamul Gobaleedyada iyo Gobalka Banaadir.

Shirka ayaa Qodabada laga soo saaray waxaa ka mid ahaa.

1-Qorshaha imtixaanka Qaranka Fasalka 8-aad iyo Fasalka12-aad si looga baaraandago qorshayaasha xiga ee soo aadan iyo Ansixinta Qorshaha imtixaanka Fasalka 12-aad oo ah waajibaad Qaran oo dhawaan la galayo.

2-In la dhowro mas’uuliyadda dastuuriga ah ee ku saabsan hubinta helitaanka adeegyo Waxbarasho oo tayo leh oo ay helaan ardayda Soomaaliyeed.

3- Sidoo kale waxaa la isla gartay xaqiiqada ku qotanta in la hirgeliyo iyo in la xaqiijiyo hab mideysan oo ardayda loo siinayo shahaadada dugsiga sare iyo in la qaado imtixaanka shahaadiga ah oo mideysan dalka oo dhan.

4-Waxaa la isku raacay in la qaado imtixaan shahaadiga ah ee sanad dugsiyeedka 2019/2020 inta u dhaxeysa 15 ilaa iyo 29 Abriil, waxana la isla gartay in arday kasta oo aan galin imtixaanka shahaadiga ah ee mideysan uusan xaq u yeelaneyn in uu helo shahaadada ay bixiso Wasaaradda waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

5-Sidookale waxaa la isla gartay in ardaydii ku dhacday imtixaankii laga soo gudbay ay ka qeyb galaan imtixaanka islamarkaan ay hadda xaq u leeyihiin in ay ka qeyb galaan imtixaan sanad dugsiyeedka 2019/2020-ka si waafaqsan sharuudaha iyo hab raacyada kale ee u dagsan imtixaanka Qaranka.

Waxaa la isku raacay in dowlaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya, ay dajiyaan islamarkaan ay qaadaan imtixaanka fasalka 8 –aad ee dugsiyada Hoose iyo dhexe si loo hubiyo sugnaanta iyo tayada waxbarashada ardaga u soo gudbaya heerka fasalka 1-aad ee dugsiga Sare.

Sidoo kale shirku waxa uu ku booriyay Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, in ay xaqiijiso hirgalinta iyo badqabka shahaadada Qaranka oo sumcad balaaran ku leh caalamka intiisa kale .

Ugu danbeeyntii xubnaha shirka ka qeyb galay waxa ay ugu baaqeen Wasaaradda Waxbarashada Maamulka Puntland in ay ku soo biiraan hannaanka Waxbarashada dalka, isla markaana ay doorkooda ka qaataan mideynta iyo tayada waxbarashada ee uu dalku leeyahay si loo badbaadiyo mustaqbalka ardayda Soomaaliyeed.

Trump Oo Ka Badbaaday In Xil-Ka Laga Qaado

0

Madaxweynaha Mareykanka ee Donald  ayaa si dirqi ah uga badbaaday xil ka qaadis ay damac-sanayaayeen inay ku sameeyaan Xisbiga Dimoqraadiga, kaddib markii mooshin ay ka keeneen.

Donald Trump ayaa lagu waayay wax dambi ah, iyadoo 52 cod ay u codeeyeen in aanu wax dambi ah gelin, halka 48 cod ay u codeeyeen inuu dambi galay, taasoo ka dhigan inuu afar cod kaliya ku badbaaday.

Arrintan ayaa soo afjareysa inuu ka degay Madaxweyne Trump culeyskii saarnaa bilihii la soo dhaafay, waxaana mooshinka laga keenay uu ahaa mid aad u saameeyay xafiiskiisa iyo shacabka Mareykanka oo ku kala qeybsamay.

Aqalka Senate-ka oo ay ku badan yihiin Xisbiga Madaxweyne Trump ee Jamhuuriga waxay u codeeyeen in Madaxweynuhu aanu wax dambi ah  gelin, iyagoo difaacay.

Xisbiga Dimoqraadiga ayaa si weyn u waday ololaha ka dhanka ahaa Madaxweyne Donald Trump, inkastoo ay ku guuldareysteen qorshahooda xil ka qaadista Trump.

Haddii Madaxweyne Trump xilka laga qaadi lahaa waxaa dhici laheyd in Madaxweyne kuxigeenka Mike Pence uu sii hoggaamiyo talada Mareykanka, inta laga soo dooranayo Madaxweyne.

Trump ayaa mar kale doonaya inuu ku guuleysto doorashada soo socota ee dhamaadka sanadkan dhici doona, waxaana culeyska ka degay ay u sahli doontaa inuu ololihiisa doorashada sii wado.