Home Blog Page 939

Madaxweyne Farmaajo oo u magacaabay Cumar Filish Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Duqa Muqdisho

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Duqa Muqdisho u magacaabay Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Filish).

Madaxweynaha ayaa faray Guddoomiyaha Cusub ee Gobolka in uu sii dhammeystiro qorshayaashii horumarineed iyo waxqabadkii muuqday ee Guddoomiyihii hore, Alle ha u naxariistee, Shahiid Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng.Yarisow).

“Anigoo xeerinaya baahida loo qabo in guddoomiye uu yeesho Maamulka Gobolka Banaadir, si loo sii amba qaado qorsheyaashii horumarineed ee socday, sidoo kalena tixgelinaya soo jeedinta kala duwan iyo waayo-aragnimada uu Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) uu u leeyahay gudashada waajibadka xilkan ayaan ugu magacaabay.”

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa u rajeeyay Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho in uu Eebe u fududeeyo masuuliyadda culus ee loo igmaday, isagoona kula dardaarmay in uu si hufan oo daacadnimo iyo wadaniyad leh ugu adeego bulshadeenna.

Xeerkan Madaxweyne ee lagu magacaabay Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho ayaa ku dhaqan galay saxiixa Madaxweynaha ee maanta oo ay taariikhduna ku beegan tahay Khamiis, 22-ka Ogoosto, 2019.

Agaasimaha cusub ee Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka XFS oo maanta xilka la wareegay

0

Kulan  uu xilka kula wareegayay Agaasimaha Guud  ee Wasaaradda Beeraha iyo waraabka XFS, ayaa waxaa kasoo qeyb-galay masuuliyiin ka kala socatay qaar ka mid ah Wasaaraddaha XFS  Xildhibaano ka tirsan Golaha shacabka iyo madax tirsan wasaaradda beeraha ee Dawladda Soomaaliya.

Agaasimahii hore wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Pro: Maxamuud Maxamed Maxamuud ayaa tilmaamay inuu la shaqeyn doono Agaasimaha Cusub ee wasaaradda ,waxaana uu alle uga baryay inuu u fududeeyo Xilka culus ee loo dhiibay.

W”aan soo dhawweynayaa in aan xilka ku wareejiyo walaalkeey aniga waxaan wasaarada ka shaqo bilaabay 82-dii welina waxaan diyaar u ahay in aan la sii shaqeeyo” ayuu yiri Pro: Maxamuud Maxamed Maxamuud

Agaasimaha Cusub ee Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Dowladda Fedaraalka Soomaaliya Pro: Nuur Yuusuf Nuur ayaa sheegay inuu ka shaqeyn doono Horumarinta Arrimaha Beeraha.

“Waxaan rabaa in ka codsado agaasimaheenii hore koleey Mas’uuliyada waad igu wareejisay ee maadaama aadan waayo aragnimadaada igu wareeji karin Cilmigaaga ha igala dheeraan”Ayuu yiri Pro: Nuur Yuusuf Nuur

Xildhibaan Sakariye xaaji Cabdi oo ah Gudoomiyaha Guddiga Beeraha ee golaha shacabka ayaa ugu baaqay masuuliyiinta wasaaradda in laga faa’iideysto khibradda uu leeyahay Agaasimaha xilka wareejiyay, dardaaranna u jeediyey maamulka cusub.

Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka  Soomaaliya Xildhibaan Saciid Xuseen Ciid ayaa ugu hambalyeey Agaasimaha Guud Cusub ee Wasaaraddaasi xilka loo magcaabay waxaana uu urajeyay inuu kasoo bixi doono Howsha Culus ee loo dhiibay, sidoo kalena waxaa uu uga mahadceliyay shaqadii wanaagsaneed ee uu soo qabtay Agaasimahii Hore ee Wasaaraddaasi.

“Agaasimihii hore sida uu hada xilka u wareejiyay ayaa calaamad u ah qibradiisa waana ka sii faa’iideysan doonaa waayo aragnimadiisa, agaasimaha cusub waxa aan u rajeynayaa in uu ka soo dhalaali doono shaqadiisa” ayuu yiri Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Dowladda Soomaaliya Xildhibaan Saciid Xuseen Ciid.

Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka ee Dowladda Soomaaliya ayaa looga fadhiyaa sara u qaadista wax soo saarka Beeraha dalka ,si looga kaaftoomo cunooyinka Dalka dibaddiisa ka yimaada,oo aan mararka qaar gaarsiisneyn heerkii loogu talagalay, dhinaca tayada.

Madaxweyne Farmaajo oo u hambalyeeyay Golaha Sare iyo Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Suudaan

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu hambalyeeyay Golaha Hoggaanka Ciidamada Qalabka Sida ee dalka aan walaalaha nahay ee Suudaan, Axsaabta Siyaasadda, Ururrada Bulshada Rayidka ah iyo shacabweynaha dalkaas heshiiska taariikhiga ah ee ay ka gaareen dhisidda Dowladda Kumeelgaarka ah iyo hannaanka xukun ee dalkooda.

Madaxweynaha ayaa bogaadiyey masuuliyad wadareedka sare ee ay muujiyeen dhammaan dhinacyada Suudaan muddadii ay socdeen wadahadallada lagu samata-bixinayey dalkaas aan walaalaha nahay, isagoo tilmaamay in arrinkani uu dhiirrigelin u yahay xal u helista khilaafyada noocan oo kale ah ee ka jira Qaaradda Afrika.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa si gaar ah ugu hambalyeeyay Madaxweynaha Golaha Sare ee Kumeelgaarka ah Sarreeye Guud Cabdifataax Cabdiraxmaan Alburhaan iyo dhammaan 10-ka xubnood ee Golaha Sare ee dalkaas.

Sidoo kale, Madaxweynaha oo u hambalyeeyay Ra’iisul Wasaaraha cusub ee dalka Suudaan Dr. Cabdalla Xamduuk ayaa uga mahadceliyey doorkii uu ku lahaa kobcinta dhaqaalaha dalkeenna, maadaama uu xubin muhiim ah ka ahaa Guddiga Dhaqalahaa Qaranka ee Soomaaliya.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa u rajeeyey shacabka iyo hoggaanka dalka Suudaan xasillooni siyaasadeed, horumar iyo in ay midnimo kaga gudbaan dhammaan caqabadaha ku xeeran. Sidoo kale waxa uu ku bogaadiyey Midowga Afrika iyo Dowladda Itoobiya dadaalka iyo doorka muhiimka ah ee ay ka qaateen dhexdhexaadinta dhinacyada dalkaas.

Golaha Wasiirrada Oo Magacaabay Taliyaasha Difaaca, Nabad Sugidda, Booliiska Iyo Asluubta

0

Shirka golaha wasiirrada oo uu guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa lagu magacaabay taliyaasha ciidamada Difaaca, Nabad-sugidda, Booliiska Iyo Asluubta.

Golaha wasiirrada oo ka jawaabaya soo jeedinta wasaaradaha difaaca, amniga gudaha iyo cadaallada ayaa cod aqlabiyad leh ku meel mariyay magagaabista taliyayaasha ciidanka.

Taliyaha ciidanka xoogga dalka ayaa loo magacaabay Sarreeye Guuto Odawaa Yuusuf Raage, taliyaha Nabad Sugidda iyo sirdoonka qaranka ayaa loo magacabay Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, Taliyaha Booliiska ayaa loo magacaabay Sarreeye Gaas Cabdi Xasan Maxamed (Xajaar) iyada oo taliyada ciidanka Asluubta loo magacaaby Gen. Mahad Cabdiraxmaan Aadan

 

Taliyaha ciidanka Xoogga Dalka oo Bariire kula kulmay saraakiisha hoggaaminaysay qabsashada deegaankaas

Taliyaha ciidanka xoogga dalka S/gaas Daahir Aadan Cilmi Indhaqarshe ayaa kormeer dhiiragalin ah ku tagay fariisimaha ciidamada xoogga dalka ay ku leeyihiin degaanka Barriire ee gobolka Shabellada Hoose oo dhawaan dhawaan laga saaray7 argagixisada ALshababa,islamarkaana khasaare xooggan loogu geystay.

Wuxuu warbixino ka dhageystay saraakiisha ciidamada ku sugan furumaha dagaalka ee Bariire,kuwaasi oo taliyaha uga xog waramay guulihii ugu dambeyeey ee laga gaaray dagaalka maleeshiyaadka Alshababa,isagoo uxsay in weli ay ku raad joogaan dhameystirka haraadiga argagixisada Alshabaab.

S/gaas Daahir Aadan Cilmi Indhaqarshe Taliyaha ciidanka xoogga Dalka ayaa ciidmada ku amaanay howgalda ey dalka ugu xoreynayaan Al-shabab oo mudooyinkii ugu dambeeyay laxoojiyay,waxaana uu Taliyuhu darajada gaashanle u xiray Cabdi Aadan oo ah taliyaha ururka 143 aad ee Xoogga Dalka oo si hagar la’an ah uga soo baxay wajibadka kasaran difaaca shacabka.

Degmaad Awdheegle iyo deegaanka Bariire oo ah dhamaan goobo straajiiyiad ah ayaa dhawana laga faramaroojiyay gacanka cadowga,waxaana halkaasi lagu gaarsiiyay jab xooggan oo isugu jira khasaare naf iyo burbur wixii ay haysteen.

Mudooyinki ugu dambeeyay ayaa ciidamda xoogga dalka guulo waaweyn waxay kasoo hooyeen dib u xoreynta deegaano badan oo laga saaray gacanta cadowga Umada Soomaaliyeed ee Al-lshabab.

Xoghayaha Joogtada Wasaaradda Arrimaha Dibadda XFS oo qaabilay ergey ka socda Midowga Afrika

0

Xoghayaha Joogtada Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Saciid Xaaji Maxamuud Dheere, ayaa maanta qaabilay Agaasimaha Xafiiska Guddoomiyaha Midowga Afrika, Danjire Abdoulaye Diop, oo ah ergey ka socda Guddoomiyaha Midowga Afrika, Mudane Moussa Faki Mahamat.

Danjire Abdoulaye Diop, oo yimid Muqdisho shalay oo Arbaco ahayd isagoo sida farriin uu guddoonsiinayo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed ”Farmaajo” ayaa ka mahadceliyay soo dhoweynta loogu sameeyay Gegidda caalamiga ee diyaaradaha ee Aadan Cabdulle .

Kulanka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Agaasimaha Guud ee habmaamuuska Qaranka, Avv. Xirsi Xaaji Culusow iyo saraakiil AMISOM ka tirsan.

Safaaradda Soomaaliya ee Yugandha oo tartan kubadda cagta ah u qabatay dhalinyaro Soomaaliyeed oo kunool halkaasi

0

Qunsulka guud ee safaaradda Soomaaliya dalka Uganda, mudane Jibriil Afyare ayaa maanta xarrunta safaaradda ee magaalada Kampala waxa uu kullan kula yeeshay kooxda kubadda cagta ee CROWN FC.

Kullanka oo uu ka soo qeybgalay Agaasimaha guud ee shirkadda duulimaadka CROWN BUSINESS SOLUTIONS LTD , ahna milkiilaha kooxda CROWN FC, mudane Maxamed Barre Maxamuud ayaa ujeedkiisa ahaa dhiirri gellin iyo casuumaad uu qunsulka u sameenayay kooxdan.

Koxda CROWN FC ayaa ku guuleysatay tartan kubadda cagta ah oo loo qabtay 12-koox oo ka dhisan dalka Uganda, iyadoo tartanka lagu maamuusayay xuska 59-guurada ka soo wareegtay 1-da LUULYO oo ah markii dalkeenna Soomaaliya uu xornimada ka qaatay gumaystihii Talyaaniga iyo israacii gobollada Waqooyi iyo Koonfur, waxaana tartaankaas soo agaasimay jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Uganda.

Qunsulka guud ee safaaradda Soomaaliya ee dalka Uganda, mudane Jibril Afyare ayaa maamulka, ciyaartooyda iyo macallimiinta kooxda CROWN FC uga mahadceliyay guusha ay tartankaas ka gaareen, isagoo u sheegay in ka safaarad ahaan ay aad u soo dhawenayaan guusha ay kooxdan gaartay, ayna garab taagan yihiin mar walba.

Qunsul Jibril Afyare ayaa xusay in ka safaarad ahaan ay diyaar u yihiin dhiirri gellinta guud ahaan jaaliyadda iyo bulshada Soomaaliyeed ee dalka Uganda, gaar ahaan dhallinyarada.

Dhankooda maamulka, macallimiinta iyo ciyaartooyda kooxda CROWN FC ayaa aad u soo dhaweeyay kullanka casuumadda iyo dhiirri gellinta ee uu u fidiyay qunsulka safaaradda, mudane Jabril Afyare, iyagoo ammaanay waxqabadka hagar la’aanta ah ee had iyo habeen uu qunsulka u fidiyo qeybaha kala duwan ee Soomaalida ku nool dalka Uganda.

Ciyaaraha kubadda cagta ayaa kamid ah astaamaha wanaagsan ee is dhex galka bulshada.

Madaxweynaha K/Galbeed oo kulan la qaatay Wasiiru-Dowlaha Ingiriiska ee qaabilsan Arrimaha Afrika

0

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaliya Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta gareen Ayaa daahfurey Xarun loogu talagalay Tababarka ciidanka xooga dalka oo ay maalgalinteeda ka qeybqaateeb dowladda dalka Ingiriiska

Kulankii daahfurka xaruntaasi waxaa  siddoo kale ka qeybqalay xubno ka socday dowlad goboleedka K/Galbeed.,saraakiil,Wasiiru Dowlaha Wasaarada Arimaha Dibada dowlada Boqortooyada Ingiriiska u qaabilsan Arimaha Afrika, Safiirka Dowlada Ingriiska u fadhiya Somaliya iyo Sarakiil Kala Duwan.

Madaxweynaha K/Galbeed iyo madaxdii  kale ee ka socotay dalka Ingiriiska,waxa ay Soo Dhoweyn ka dib kormeeren qeybaha ay ka koobantahay Xaruntan sida xafiisyada.qolalka jiifka  iyo goobo lagu Barto Sida Wax loo liisho

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Lafta gareen ayaa ka mahad-celiyay sida  sarakiisha dowlada UK ay Mar waliba u garab tagan yiihin dhismaha ciidan Tayeysan oo la wareega amniga guud deegaanadda Koonfur Galbeed,wuxuuna ka dalbaday in ay ka qeybqaataan xoreynta deegaanada maamulkaasi iyo sidii wax looga qaban lahaa Xaaladaha Bini- aadanimo ee ka jira Koonfur Galbeed Somaliya.

Madaxda ka socotay Dowlada Ingiriiska ayaa dhankooda waxa ay sheegen inay wadaan sidii ay u soo saari lahayeen macalimiin Somali ah oo tababarta ciidanka waxaana ay carabka ku adkeeyen in UK ahaan ay kaalin weyn ka geysan doonan xoreynta Koonfur Galbeed Soomaaliya iyagoona xusay in mar waliba muhiimada kowaad ay siinayaan arrimaha bini-aadanimada.

 

Ra’iisul Wasaare Khayre oo xafiiskiisa ku qaabilay Wasiiru Dowlaha Ingiriiska ee Arrimaha Afrika

0

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wasiiru dowlaha arrimaha dowladda Ingiriiska u qaabishan arrimaha Afrika, Andrew Stephenson.

Ra’iisul wasaare Khayre iyo Andrew Stephenson ayaa ka wada hadlay adkeynta xariirka labada dawladood, horumarrada laga gaaray siyaasadda iyo dhaqaalaha iyo taageerada dawladda Ingiriiska ee Soomaaliya, dib-u-heshiisiinta.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa dawladda Ingiriiska uga mahad celiyay taageerada iyo is-garab istaagga dadka iyo dawladda Soomaaliyeed.

Andrew Stephenson ayaa dawladda ku ammaantay guulaha ay ka gaartay dib-u-qaabaynta maaliyadda iyo siyaassada, waxa uuna ku celiyay in dawladda ingiriiska ay ka go’antahay taageerada dadaallada dib-u-habaynta, hagaaajinta amniga iyo horumarka

Dowladda Ingiriiska oo ka mid ah deeg bixiyaasha qaybta wayn ka qaata taageerada dadaaladda dib-u-kabashada salalka dunida,waxa ay xiriir qoto dheer  la leeyihiin  dowladda federaalka Soomaaliya.

Wasiirka Maaliyadda oo sheegay in ay soo gabagabeeyeen Tirakoobka hantida Qaranka

0

Shirkaan Jaraa’id uu Muqdisho ugu qabtay warbaahinta Wasiirka Maaliyadda Xukuumada Federaalka Soomaaliya Dr Cabdiraxmaan Ducaale Beyle waxaa uu ugu horeyn kaga hadlay geedi socodka wadahadalka deyn cafinta oo maraya wajigiisa afaraad waxaana uu ka muujiyay raja wanaagsan.

“July Aakhirkeedii imtixaan baa nalaga qaaday, bisha soo socota September mid kalaa nagala qaadaya, December midkale ilaa Bisha May, laakiin waxaa ugu muhiimsan laba imtixaan ee september iyo December oo hadii aan labadaa ka gudubno deyn cafiskii waa naga dhamaaday”.

Wasiir Beyle shirkiisa jaraad kaga dhawaaqay in wasaaradu soo gabagabeeysay tirakoob ay ku sameysay hantida ma guurtada ah iyo guurtada ee qaranku leeyahay.

Wasiirka ayaa ku daray in dhawaan Wasaaradda Maaliyada ay tira koobka ay sameysay ay ku wareejin doonto Guddigga qaran ee soo celinta Hantida qaranka uu dhawaan sameeyay Ra’isalwasaaraha Soomaaliya si dib loogu soo celiyo inta ka maqan gacanta dowladda.

“Wax alle wixii dalku lahaa waan soo tirakoobnay (Hanti Guurto iyo Maguurto) waxaan dhawaan u gudbin doonaa guddiga Qaran ee ra’isuwasaaruhu sameeyay ee soo celinta Hantida Qaranka”.

Wasiirka Maaliyadda ayaa soo hadal qaaday qorshaha soo daabicida lacagta shilin Soomaaliga cusub waxaana uu sheegay in dowladu ku howlan tahay dardar galinta soo daabicideeda dhaqaalaha ku baxay oo ay dowladu bixinaysa ay hayaan kala barkood.

Tirakoobka ay wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya ku sameysay hantida Qaranka ayaa ah talaabo loo qaaday ilaalinta hantida qaranka inta gacanta ay ku hayso dowladda iyo soo celinta hantida ka maqan waxaana dhawaan lagu wada in tirakoobkani ay wasaaradda ku soo bandhigto Muqdisho