Home Blog Page 932

Howlgallo ay ciidamada amniga sameeyeen seddexdii billood ee lasoo dhaafay oo guuleystay

0

Hey’adaha Amniga dowladda Soomaaliya ayaa seddexdii bilood ee la soo dhaafay waxaa si isdabajoog ah gacantooda u soo galayey saraakiil sare oo ka tirsanaa Al-shabaab.

Hey’aha ammaanka oo xuuraan badan ka heleyey hey’adda sirdoon ee NISA kaa hortagay qaraxyo, isla markaana howlgallo kala duwan ku soo qabtay horjoogeyaal ku dhuumaaleysanayey Muqdisho iyo qaar ka mid ah degmooyinka gobollada, waxaa jiray kuwa iyaga isku soo dhiibay hey’adaha ammaanka.

Warbixinta ayaa daaha ka rogeysa xilliyada la fuliyey howlgalladaas guuleystay ee ka dhanka ahaa Al-shabaab.

Aug 29 NISA ayaa Deg. Howlwadaag ee magaalada Mugdisho kasoo qabatay xubin sare oo kamid ah Warbaahinta Al shabaab, una qaabilsanaa baahinta ficilladooda gurracan

Aug 27 NISA, ayaa howlgal qorshaysan kaga soo qabatay Deg. Yaaqshiid dhagarqabe ka qayb qaatay qaraxii lagu dilay Agaasime Mohamed Amiin. AUN. Gurigiisana waxaa laga soo qabtay aaladahaaha Qaraxyada laga sameeyo.

Jul 15  Ciidanka Amniga ayaa soo qabtay shakhsi u shaqeeya shirkad ganacsi, kaasoo lagu tuhunsanyahay u sahlida isu gudbiska dhaqaalaha shabakad xaalado amni daro kawaday Magaalada Muqdisho.

Jul 11 Hawgal ay Hay’adaha Amnigu kafuliyeen banaanka Muqdisho, waxay gacanta kusoo soo dhigeen laba dhagarqabe oo katirsan AS iyo hubkooda, iyagoo maleegayey dilal lagu beegsanayo shacabka. Waxaana qayb ka ahaa labo kale, oo shaqaale ka ah shirkad ganacsi.

Jun 29 Mukhtar Mohamed Abdi (Mukhtaar Ganeey), oo ahaa sargaal sare oo muddo dheer ka tirsanaa argagixisada Alshabab, kadib markuu ka dalbaday NISA inay u sahasho sidii uu uga soo goosan lahaa.

May 27 Howlgal ciidmada amnigu ka fuliyeen Deg. Yaaqshiid ee gobolka Banaadir ayaa lagu soo qabtay dhagarqabe ka tirsan Al Shabaab. Ciidanka amniga ayaa laba jibbaaray howlgallada ka dhanka ah xubnaha argagixisada ah ee AS iyo ISIS.

May 25 Hawlgal 24ka bishaan ciidamada amnigu ka fuliyey degmada hawlwadaag ee magalada Muqadisho ayaa laguso qabtay dhagarqabe katirsan Daacish. Ciidanka amnigu wuxuu siiwadi doonaa hawlgalada ka dhanka ah xubnaha argagixisada Al shabaab iyo Daacish, kuwaas oo ku hawlan dhibateynta shacabka.

May 10 Howlgal ciidamada amnigu kafuliyey tuulada Farsooley ayaa lagu soo qabtay dhagarqabayaal AS ah. Howlgalkan ayaa gacan ka gaysanaya xoriyadda dadka tuulada Farsooley oo dhib badan ay ku hayeen. Ciidanka amnigu wuxuu sii wadi doonaa hawlgallada ka dhanka ah xubnaha Al-Shabab.

May 7  Sagaal (9) sarkaal oo Alshabab ah ayaa asbuucii lasoo dhaafay iska soo dhiibay gobalka Gedo. Waxaa ka mid ah labadaan sarkaal oo kala qaabilsanaa maktabka Dacawada( Propaganda-da) Xizbada iyo Maktabka (Fursaanul Xizba). Hadaba, Iska diida qasabka Al shabaab oo xornimo ku noolaada.

May 2 Ciidanka amniga oo howlgal qorshaysan ka fuliyey Degmada Jannaale ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa gacanta kusoo dhigay dhagarqabe AS ah oo shacabka ka qaadi jiray lacag baad ah. Ciidanka amnigu wuxuu sii wadi doonaa hawlgallada qorshaysan oo lagu bartilmaameedsanayo xubnaha Al shabaab.

Ciidamada xoogga oo fashiliyay qaraxyo “Sawirro”

0

Muqdisho (SNTV) Qeybta 27-aad ee ciidamada xoogga dalka ee ku sugan Degmada Buulo – Burte ee Gobolka Hiiraan ayaa fashiliyay qaraxyo ay Malleeshiyada Al Shabaab ku aaseen qeybo ka mid ah magaaladaasi.

Qaraxyadaasi oo ahaa miinooyin nooca dhulka lagu aaso ayay ciidamadu soo bandhigeen kadib howlgallo ay ka sameeyeen Degmadaasi.

Saraakiisha ciidamada ayaa sheegay in shacabku ay lasoo wadaageen xogta qaraxyadaasi, isla markaana ay uga mahadcelinayaan wada shaqeynta ay la leeyihiin ciidamada amniga.

Wafdi uu hoggaaminayo wasiirka waxabarashada oo gaaray Baladweyne

0

Muqdisho (SNTV) Wasiirka Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta sare Mudane Cabdullaahi Goodax Barre iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa gaaray Magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.

Wasiir Goodax ayaa safarkiisa waxaa ku wehliya Xildhibaanno ka tirsan BFS, Waxaana inta uu joogo Baladweyne uu kulamo la yeellan doonnaa qeybaha bulshada iyo bahda Waxbarashada.

Wasiirka waxaa uu dhagax dhigi doonnaa iskool Waxbarasho oo ay maamuli doonto Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta sare.

Dabayaaqadii bishii June ee sanadkan mar uu booqasho ku tagay Baladweyne ayuu Wasiir Goodax ballan qaaday in Wasaaradda Waxbarashada ay hirgalin doonto iskoolkan si kor loogu qaado tayada Waxbarashada iyo ardayda.

Wafdi uu Hogaaminayo Wasiirka Maaliyadda oo ku wajahan Adis ababa 

0
Muqdisho (SNTV) Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle iyo wafdigiisa ayaa Magaalada Adis Ababa ee dalka Itoobiya kula kulmaya kooxda wada hadalka deyn cafinta u qaabilsan hey’adda Lacagta Aduunka (IMF) waxaana laga wada xaajoonayaa Wajiga afaraad ee Barnaamijka  deynta cafinta Soomaaliy (SMP4),
Waxaa si gaar looga hadlayaa kulanka wixii Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya ay ka qabatay sadaxdii bil ee la soo dhaafay  shuruudaha ku xeran wada hadalka deynta cafinta wajiga afaraad .
Wadahadalka waxaa kale oo ka qeyb galaya wasiirka Qorsheynta iyo Guddoomiyaha Bangiga dhexe ee Soomaaliya.
Ka hor kulamada wada hadalka deyn cafinta Wasiir Beyle iyo wafdigiisu waxa ay kulama gooni gooni ah la qaadan doonaan madaxda hey’adaha dhaqaalaha caalamka iyo qaar ka mid ah wadamada deymaha kuleh Soomaaliya waxaana kulamadaasi looga hadlayaa sidii Soomaaliya looga cafin lahaa deymaha lagu leeyahay…
Wasiirka Maaliyada Mudane Beyle ayaa raja wanaagsan ka muujiyay wada hadalka ay la galayaan IMF iyo guud ahaan in Soomaaliya laga cafiyo deymaha lagu leeyahay marka uu soo gabagaboobo Wajiga afaraad ee wada xaajoodka deyn cafinta.

Kheyre oo Beydhabo Kula Kulmay Safiirrada & Wakiilada Beesha Caalamka U Fadhiya Soomaaliya

0

Baydhabo (SNTV) R/Wasaaraha Xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Kheyre, ayaa magaalada Baydhabo kulan kula yeeshay safiirradda dalalka saaxiibka la ah Soomaaliya iyo wakiillada hey’adaha caalamiga ah kaasi oo looga hadlay sidii wax looga qaban lahaa baahiyaha ka jira qaar kamid ah deegaannada maamul gobolleedka K/Galbeed.

R/Wasaare Kheyre oo qorshaha socdaalkiisa uu salka ku hayo horumarinta adeegyada bulshada iyo amniga, ayaa mas’uuliyiintii uu kulanka la qaatay waxa uu u sheegay in lagama maarmaan ay tahay in ay qayb ka qaataan qorshaha horumarinta Koonfur Galbeed.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) oo R/Wasaare Khayre ku wehliyay kulanka, ayaa soo bandhigay qorshayaasha horumarinta bulshada iyo sida ay lagama maarmanka u tahay taageerada barnaamijyada wax ku oolka ah ee laga filaayo caalamka.

Wakiillada iyo safiirrada kulanka ka qayb galay ayaa R /wasaare Kheyre ku ammaanay dadaalka uu ugu jiro dib-u-kabashada dalka, waxayna ballan qaadeen in Maamul Gobaleedka Koonfur Galbeed ay ku taageerayaan qorshayaasha horumarinta.

Shirkaan oo ay goob joog ka ahaayeen wasiirro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, waxaa sidoo kale looga hadlay diyaar garowga shirka iskaashiga Soomaaliya iyo Beesha Caalamka oo lagu wado in dhowaan lagu qabto magaalada Muqdisho.

Beesha Caalamka oo soo dhaweysay shirka dib u heshiinta Galmudug:

0

Kooxda la-hawlgalayaasha caalamiga ah ee Soomaaliya sida African Union Mission in Somalia (AMISOM), Denmark, Ethiopia, European Union (EU), Germany, Intergovernmental Authority on Development (IGAD), Italy, Sweden, United Kingdom, United Nations Assistance Mission in Somalia (UNSOM) iyo United States ayaa soo dhoweeyay shirka dib u heshiisiinta ee dhowaan ka furmay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad goboleedka Galmudug.

Beesha Caalamka ayaa waxa ay hoosta ka xariiqeen muhimadda geeddi-socodka dib-u-heshiisiin loo dhan yahay in ay tahay tallaabo muhiim u ah qabashada doorashooyinka dowlad-goboleedka Galmudug.

“Waxaan soo dhoweyneynaa ballanqaadka ay muujiyeen dhammaan dhinacyada ay khuseyso geeddi-socodka dib-u-heshiisiin loo dhan yahay oo aan bogaadinno dadaallada Ra’iisul Wasaaraha iyo sidoo kale dowlad-goboleedka Galmudug iyo hoggaamiyeyaasha bulshada si ay u isugu keenaan dhammaan bulshooyinka ” ayaa lagu yiri Warka kasoo baxay Beesha Caalamka.

Beesha Caalamka ayaa rajo ka muujisay wada hadallada Galmudug in ay noqdaan kuwa mirho dhal ah isla markaana Shirku uu asaas u noqdo dowlad mideysan, xasilloon oo ka dhalata Galmudug.

Xawaalad Soomaaliyeed oo ku guuleysatay Xawaaladda ugu wanaagsan Sanadkan.

0

Bandhig loogu dabaal dagayay Xawaaladda Soomaaliyeed ee Taaj oo ku guuleysatay Xawaaladda ugu fiican ee sanadkaan ee dhaqan galisa sharciyada caalamiga ah ee Afrika.Abaal marinta waxaa guddoonsiyay Hey’adda ACCPA oo ah mid ka mid ah 3 Hey’adood ee ugu weyn Dunidan ee ka shaqeeya hubinta hufnaanta Maaliyadda.

Maamulaha Xawaaladda Taaj Cali Maxamuud Guuleed ayaa sheegay in nidaaminta adeegyada ay bixiyaan dhammaantood la waafajiyey maamul wanaagga, shuruucda dalka iyo kuwa caalamiga ah, weliba si deg deg ah, iyadoo sidoo kale la fududeeyey hababka xawaaladeed ay u shaqeyso Taaj.

“Waxaan abaalmarintaan uga guuleysanay waddamo naga hormarsan waxaana ku gaarnay hubinta Bangiga dhexe ee habka xawaaladuhu u shaqeeyaan”

Guddoomiyaha ururka Xawaaladleyda Soomaaliyeed Cabdullaahi Maxamed Sheekh, ayaa yiri  “Meel hoose ayay ka soo bilaabeen waxayna marayaan heer ay ku guuleysteen xawaaladda ugu fiican qaaradda Afrika”

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliyeed Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa ammaanay doorka Xawaaladda Taaj, hoostana ka xariiqay in Soomaaliya ay sii yeelaneyso bandhiyo la tartami kara kuwa kale ee caalamka.

Wasiirka Maaliyadda XFS Soomaaliya Dr Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa u hambalyeeyey xawaaladda Taaj waxaa uu tilmaamay guusheedu ay astaan u tahay halka Soomaaliya ka taagan tahay Hufnaanta Maaliyadda.

 

Ra’iisul wasaare Khayrre oo gaaray Baydhabo

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa gaaray magaalada Baydhabo ee caasimadda Kumeel gaarka ah ee Koonfur-Galbeed.

Ammaanka Baydhabo ayaa si aad ah loo adkeeya, iyadoo soo dhaweynta ay qeyb weyn ka yihiin ururrada Bulshada magaalada Baydhabo, Ra’iisul wasaare Kheyre ayaa socdaalkiisa Baydhabo lagu sheegay in uu qeyb yahay amniga iyo dib u habeybta Ciidamada kala duwan Koofur Galbeed ee heer Federaal iyo heer dowlad gobolleed.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa booqan doono deegaanno ka mid ah Maamulka Koonfur-Galbeed si uu ugu kuurgalo xaaladaha deegaannadaasi oo ay ugu muhiimsan tahay Amniga iyo la dagaallanka aragagaxisada.

Askari dilay Seddax walaalo ah oo la Xukumay

0

Todobadii June  sanadkan ayaa lasoo xiray  dable xoogga  Xaashi Cali Maxamuud oo loo heysto dilka  Xasan Axmed Abuukar,  Xuseen Axmed Abuukar iyo Cabdullaahi Axmed Abuukar  oo ahaa walaalo, dilkaas oo  dhacay degmada Kaaraan  gaar ahaan Gumarey, kasoo hor jeedka xarunta xirta xaaji Daa’uud Taariikhdu markay aheyd  17-ka bishii lixaad 2018.

Xilligaas ayuu isaga baxsaday goobta uu dilka ka geystay Eedeysanaha, waxa ayna ciidamada amniga ku qaadatay soo qabashadiisa sanad iyo dhowr cisho.

15-ka bishii todobaad ee  sanadkan ayay ku soo wareegtay xafiiska xeer ilaalinta eedda eedeysanaha,  waxaana xilligaas  ay garsoorka weydiisteen in loo gudbiyo xabsiga dhexe garsuga ahaan.

Xafiiska Xeer ilaalinta ayaa isku howlay baarista kiiska uu eedeysanaha ka yahay Dable Xoogga Xaashi Cali Maxamuud, baaritaan dheer kadib waxa ay codsadeen in la muddeeyo dhageyiga dacwad qaadista.

26-ka bishii tagtay ayaa  la isugu yimid fadhigii  koowaad ee dhageysiga dacwadda, waxa ay xafiiska xeer ilaalinta Maxkamadda ka hor sheegeen in uu jiray muran dhuleed oo ay sababsadeen Marxuumiinta balse garsoorayaasha ayaa go’aan ku gaaray in lala yimaado cadeymo intaas kabadan.

Markale ayaa loo ballamay dhageysiga dacwadda eedeysane Dable xoogga Xaashi Cali Maxamuud labadii bishan, waxa ayna Xafiiska Xeer Ilaalinta la yimaadeen cadeyma dheeri ah oo ay kamid yihiin Muwaadiniin ka shaqeynayay geerashka ay mashaqada ka dhacday kuwaasi oo ku marag furay eedeysanaha sheegashadiisa ah in muran dhuleed kala dhaxeeyay marxuumiinta aysan waxba ka jirin, sawirka marxuumiinta, warqadda cadeynta dhimashada iyo baarihii kiiska.

Dhamme Muumin Xuseen Cabdullaahi ku xigeenka Xeer Ilaaliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa  ku dooday in eedeysanaha uu nolosha u aqoonsaday isaga oo miir qaba sedax walaalo ah oo midkoodna aan hubeysneen, waxa uu sidoo kale eedeysanaha u baxay dilka marxuumiinta uu uga safray Afisiyooni  degmada Waabari isaga oo ugu tagay cirifka looga baxo magaalada (degmada Kaaraan), wax yaabaha kale ee cajiibka ah oo ay markaatiyaasha ka marag fureen waxaa kamid ah in mid kamid ah Marxuumiinta oo dhaawac  ahaan u baxsaday fogaan uu dhameystiray Eedeysanaha, Eedeysanaha Maxkamadda hor taagan ayaa sidoo kale iibsaday hantidii dowladda ku aamintay isaga oo muddo gambad ka ahaa hey’adaha amniga ee ku raad joogay.

Qareenka Eedeysanaha ayaa codsaday in ay bixiyaan magta Marxuumka maadaama eedeysanaha ay  reer wadaag ahaayeen Marxuumiinta.

Ugu dambeyn Garsoorayaasha ayaa go’aan ku gaaray in dil lagu xukum Xaashi Cali Maxamuud oo ah qisaasta Marxuumiinta kala ah Xasan Axmed Abuukar,  Xuseen Axmed Abuukar iyo Cabdullaahi Axmed Abuukar  oo ahaa walaalo sida uu u sheegay dhinacyada dacwadda Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida.

Go’aanka Maxkamadda waxaa ka furan rafcaan ku’eg Sodon cisha xukunka kadib.

R/Wasaare Khayre Oo Xeraale Geeyay dad loo barakiciyay isku dhaca beello walaallo ah

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa gaaray magaalada Xeraale ee gobalka Galguduud,si uu u hubiyo dhaqan gelinta heshiiskii nabadeed ee reer Huurshe iyo reer Xeraale ay ku wada saxiixdeen magaalada Dhuusa-mareeb ee xarunta dowlad gobaleedka Galmudug.

Socdaalka Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa qeyb ka ahaa xildhibaanno labada gole ka tirsan iyo qeyb kamid ah bulshadii colaadaha dartood uga barakacay Xeraale ee ku noolaa deegaanka Huurshe, Bulshada Magaalada Xeraale ayaana si heer sare ah usoo dhaweeyay wafdiga uu ra’iisul Wasaaraha uu  hoggaaminayay ee qeybta ay ka yihiin eheladadoodii ay colaadda isku waayeen.

Bulshada ay dagaalladu kala geeyeen ee dib u midoobay maanta ayaa farxad iyo dabbaal degyo waaweyn ka dhigay Xeraale, waxa ayna si wadajir ah ugu ballan qaadeen Ra’iisul Wasaaraha in nabad ay ku wada noolaanayaan oo ay meel uga soo wada jeesanayaan ciddii rabshado iyo colaad dambe hurineysa.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo dhinacyada heshiiska saxiixay kula dardaarmay in ay ku fara adeygaan nabadda oo adkeeyaan dhaqan gelinta qodobada heshiiska, ayaa faray dhammaan hey’adaha dowladeed ee ku shaqada leh in adeegyada nolosha aasaasiga u ah ay geeyaan Huurshe iyo Xeraale si bulshadu uga soo kabsato dhibaatooyinkii ka soo gaaray colaadda.

Mudane Xasan Cali Khayre ayaa sidoo kale hey’adaha caalamiga ah ee ka howl gala dalka, faray in sida ugu dhaqsaha badan si buuxda ay uga qeyb qaataan dadaallada deegaannada Xeraale iyo Huurshe uga soo kabsanayaan saameyntii xumeed ee ay ku reebeen dagaalladii dhiigga badani ku daatay.