Home Blog Page 932

Wasiirada Gaashaandhigga Turkiga iyo Britain oo booqanaya xadka u Dhexeeya Siiriya iyo Tukiga.

0

Wasiirka Difaaca Turkiga Khulusi Akar iyo dhigiisa Britain Bain Wallace ayaa kulan ay wada yeesheen waxay kusoo qaadeen colaadaha dalka Siiriya iyo dhibaatooyinka gaaray dadka dalkaasi ka baracakay oo xiligan raadinaya nolol ka duwan midii ay kasoo qexeen ee Siiriya.

Labada wasiir ayaa ku heshiiyay inay qiimayn ku sameeyaan colaadaha ka aloosan Siiriya, isla markaana xog laga helo qaabka uu yahay dhaq-dhaqaaqa ciidamada Turkiga ee ku sugan xadka labadaas dal.

Hay’adda caafimaadka adduunka oo sheegtay in Yurub ay noqtay xuddunta faafitaanka fayruska Corona.

0

Hay’adda caafimaadka adduuka ee WHO ayaa dedaal badan ku bixinaysa arrimaha a xiriira caauqa Corona oo si weyn u qabsaday dalalka caalamka, waxayna wali sii wadaa dedaalada lagu bixinayo xakamaynta cudurkaas.

Agaasimaha guud ee WHO Dr. Tedros Adhanum Gebresos ayaa si cad u tilmaamay in dalalka ku yaalla yurub ay noqdeen xuddunta kaliya ee xiligan sahahashay in caabuqa Corona uu sii faafi isla markaana uu galaafto oo nafta dhaafiyo boqolaal dad ah sidoo kalena uu haleelo kumanaan kale.

Tedros ayaa shacabka iyo madaxda dalalka yurub ku booriyey inay qaadaan tillaabooyin culus oo looga hor tagi karo Corona, isla markaana ay muhiim tahay in la yareeyo shirarka iyo isu imaatinka bulshada si loo badbaadiyo nolosha dadweynaha yurub iyo kuwa caalamka.

Hadalada Gebresos ayaa yimid kadib markii wadamo badan oo Yurub ah ay ku dhawaaqeen in ay kordheen tirada kiisaska cusub ee CoronaVirus ee ka dilaacay yurub iyo tirada dhimashada oo sii kordhaysa.

Dalka Spain ayaa noqday midka ugu badan ee uu saameyey caabuqa Crona, sidoo kale dalka Talyaaniga ayaa isagana waxaa kusii kordhaya faafitaanka cudurka taasoo keentay in boqolkiiba 50 ay gaartay tirada dadka u dhintay caabuqa Crona, waxaana dadka dhintay ay gaarayaan in ka badan 120 qof, halka titada dadka uu cudurku haleelay ay gaartay 4,200.

 

Taliska ciidanka Mareykanka Afrikom oo kordhiyay duqeymaha loo geysto Al-Shabaab

0

Taliyaha ciidanka Mareykanka ee AFRICOM, Stephen Townsend ayaa faah faahin ka bixiyey sababaha ay u kordhiyeen howlgallada iyo duqeymaha ka dhanka ah maleeshiyada Al-Shabaab ee weli ku sugan gudaha Soomaaliya.

Talisa ayaa sheegay in sababta ay sare ugu qaadeen howlgalladooda ay tahay, sidii loo wiiqi lahaa awooda Al-Shabaab, isagoo tilmaamay inay weli qatar ku tahay gobolka.

Taliyaha ciidanka Mareykanka ee AFRICOM wuxuu tilmaamay in duqeymaha Mareykanka uu ka fuliyo Soomaaliya oo la xoojiyey maalmihii ugu dambeeyey ay hoos u dhigayaan awooda Al-Shabaab.

“Sababta loo kordhiyay duqeynta Mareykanka waa in hoos loo dhigo awoodda Al-Shabaab, waana garabka ugu dhaq-dhaqaaqa badan ee Al-Qaacida, muddo 8-bilood kahor ayaan Afrika tagay, waxaana badneed khatarta Al-Shabaab, waxaana weeraradooda ay ka tallaabeen xuduudda” ayuu mar kale yiri tephen Townsend.

Mareykanka ayaa ka mid ah dalalka sida weyn dowladda federaalka uga taageero dagaalka Al-Shabaab, isagoo duqeymo ka fuliyo koonfurta iyo bartamaha Soomaaliy.

Wasaaradda cafimaadka dalka ayaa hakisay dhaqdhaqaaqyada mawaadin Soomaaliyeed oo ka yimid dalka Shiinah 

0

Wasaaradda Cafimaadka XFS ayaa sheegtay in ay karantiileen muwaadin Soomaaliyeed oo dhinac maray habraaca lagu hubiyo caafimaadka dadka ka yimaado wadamada caalamka ee soo gaaro dalka si looga taxadaro caafimaadka bulshadda .

Uqeyb-sanaha cafimaadka ee Wasaarada Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdirisaaq Yuusuf Axmed oo la hadlay warbaahinta qaranka  ayaa sheegay in muwaadinka ka yimid dalka shiinaha uusan marin habraaca hubinta caafimadka dadka kasoo dagaya garoonka, sidaasi darteedna Wasaaradu ay gaysay goob loogu talagalay dadka oo lagu hubin doono caafimaadka qofka dhinac mara habracaan muddo 14 cish ah madama wadamada caalamka uu ku faafayo caabuqa karoona feyrus oo dhibaato ku hayo duniada.

Muwaadinka soomaliyeed oo 9-kii bishaan kasoo baxay dalka shiinaha ayaa soo maray Imaaraadka iyo Itoobiya oo uu taransid kusoo noqday waxaana markii uu garoonka Aadan cadde uu soo garay uu diiday in uu maro habraaca hubinta caafimaadka ee wasaaradu u diyaarisay in lagu koontaroolo ka hortaga caabuqa dunida ku faafay ee karoona .

 

Guddoomiyaha Hiiraan oo safar shaqo ku tagay degmada Buula-barde

0

Guddomiyaha gobalka Hiiraan ee dowlad-goboleedka HirShabeelle Cali Maxamad Caraale oo maalmahii la soo dhaafay safar shaqo ku joogay Degmada Buula-barde ee gobalka Hiiran ayaa dib ugu soo laabtay magalada B/weeyne  ee xarunta Gobolka Hiiraan.

safarka gudoomiye Carraale uu ku tagay Degmada Buula- barde ayaa waxaa ujeedadiisu ahayd xallinta khilafkii maamulka Degmada Buula-barde iyo odayaasha dhaqanka degmada .

Guddomiyaha gobalka Hiiraan ee dowlad-goboleedka HirShabeelle  Md.Cali Maxamad Caraale intii uu Degmada Buula burde ku sugnaa waxa uu kulummo la qaatay odayaasha dhaqanka iyo sarakiisha ciidanka xooga dalka iyo kuwo Amisom ee nabad ilalinta u jooga Degmada Buula barde .
sido kale waxa uu u kuur galay xaladaha Amni iyo nololeed ee dagmada.

Dowladda Afghanistan oo sii daysay maxaabiis Taalibaan ah

0

Madaxwaynaha Afqhanistan Asharaf Qaani ayaa sheegay in ay oodda ka qaadeen 1500, maxaabiis Taalibaan ah,  isagoo rajo wanaagsan ka muujiyay in Taalibaanna ay dhankooda sii dayn doonaan maxaabiista ay hayaan.

Sii daynta maxaabiistan ayaa timid kaddib markii dhawaan dowladda Mareykanka ay heshiis la gashay kooxda Taalibaan ee ka dagaallanka dalkaasi, waxaana dowladda Mareykanku durba billoowday in kumanaan ciidamadeeda ah ay kala baxdo dalkaasi.

Heshiiska ay kala saxiixdeen Taalibaan iyo Mareykanka qayb kama ahayn dowladda Afghanistan,  iyadoo Taalibaan ay ku hanjabtay in ay sii wadi doonaan dagaallada ay kula jiraan ciidamada dowladda Afghanistan.

Muddo 18sano ah ayaa dagaallo ka socdeen Afghanistan, kuwaasi oo ka danbeeyay weerarkii argagixiso 11kii Sptember, wuxuuna maraykanku xilligaasi ku eedeeyay talibaan in ay Magangalyo siisay hoggaankii Alqaacida.

Biyo la’aan soo wajahday dadka ku nool deegaan dhaca waqooyiga Mudug+Sawirro

0

Wararka naga soo gaaraya deegaanka Jilible hayre ee gobolka Mudug ayaa sheegaya in biyo la’aan daran ay ka jirto deegaanka dadkuna aysan heysan biyo ku filan.

Guddoomiyaha Jilible heyre ee waqooyi bari ee gobolka Mudug Cali Axmed Jaamac oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in biyo la’aantu ay dadka soo wajahday kadib markii uu jabay ceelka deegaanka.

Qaar kamid ah dadka shacabka ah ee nool deegaanka ayaa walaac ka muujiyay xaalada soo wajahday, iyagoo cid kasta oo wax ka qaba karta ka codsaday in loo gurmado.

Guddoomiyaha deegaanka Jilible heyre ayaa maamulka Galmudug,Hay’adaha ka shaqeeya arrimaha gargaarka iyo dowladda dhexe ugu baaqay in si deg deg ah xaaladaas wax looga qabto maadaama xaalad bini aadanimo ay ka jirto deegaanka.

Khilaaf xooggan iyo is Qaarajin ka dhex bilaabatay hoggaanka Al-Shabaab

0

Hay’adda Nabad-sugidda iyo sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa sheegtay in Al-Shabaab ay qaarajisay Muuse Macallin (Mucaawiye) oo ahaa madaxii hore ee amniyaadka kooxda ee Muqdisho.

“Saqdii dhexe ee xalay ayaa Bu’aale lagu dilay Muuse Macalin, oo horay isaga casilay madaxii Amniyaadka Gobolka Banaadir ee Al-shabaab” ayaa lagu xusay qoraalka NISA.

Sidoo kale NISA ayaa sheegtay in Xabsiga loo taxaabay madaxa hawlgalinta Amniyaadka gobolka Banaadir ee Al- Shabaab, Cumar Maxamed, amarka dilkaas oo uu bixiyay horjoogaha Al-Shabaab Axmed Diiriye

NISA ayaa todobaadkii hore shaacisay in khilaaf xoogan uu soo dhex galay kooxda al-shabaab hogaankeeda sare,ka dib markii Axmed Diiriye uu Mahad Karataay iyo Bashiir Qoorgaab ka saaray golaha fulinta ,kana xayuubiyay dhamaan xilalkii ay ka hayeen kooxda.

Tallaabadan ayaa timid ka dib markii ay labada nin dalbadeen joojinta qaraxyada joogtada ah ee lagu beegsado shacabka Muqdisho sida lagu sheegay qoraalka NISA ay soo saartay todobaadkii hore, waxaana arinkaas dartii is casilay Muuse Macalin (Mucaawiye).

Bashiir Qoorgaab oo ahaa abaanduulihii ciidamada Al-shabaab kana mid ahaa ragga ka soo horjeestay amiirka kooxdaas,waxaa kadib lagu dilay duqayn ay ciidamada Mareykanka fuliyeen 22-kii Febraayo sida uu sheegay taliska ciidamada Maraykanka ee Afrika (AFRICOM).

Wasiirka caafimaadka dalka Ingiriiska oo laga helay xanuunka Coronavirus.

0

Wasiirka caafimaadka ee dalka Ingiriiska, Nadine Dorries ayaa sheegtay in laga helay xanuunka corona, cudurkaasi oo haataan laga daweynayo. Ms. Dorries, oo sidoo kale ah xildhibaankii ugu horeeyay ee laga helo xanuunkan ayaa sheegtay in ay qaaday tallaabooyinka laga mamaarmaanka ah ee lagula taliyay, gurigeedana ay isku karantiishay.

Arrintan ayaa imaaneyso iyadoo dhawaan lix qof ay dalka Ingiriiska ugu dhinteen xanuunka, halka 382 oo ku nool Britain na uu haleelay xanuunkaas.

Qofkii ugu dambeeyay ee u dhinta xanuunka corona ayaa ahaa oday 80 sano jir ah oo markiisi horeba dhul yaal ahaa.

Dhanka kale hey’adda caafimaadka ee Britain ayaa sheegtay in ay sare u qaadeyso heerka baaritanaada xanuunka corona, maadaama ay sare u kacayaan dadka uu ku dhacayo caabuqaas. Waxaa kale oo ay sheegeen in maalintiiba kun qof laga baari karo xanuunka.

Wasiirka waxaa kale oo ay sheegtay in hey’adda caafimaadka ee England ay haatan bilawday inay raadiyan dadkii ay la macaamiishay ama ay la kulantay iyo shaqaalihii ka shaqeynayay wasaaradda caafimaadka ee ay madaxda ka tahay.

Waxay intaa ku dartay inay ka walwalsan tahay hooyadeed oo 84 sano jir ah, haatanna qufaceyso, taas oo la maleynayo inay qaadsiisay xanuunka.

Ilaa iyo hadda lama oga inta qof ee ay qaadsiisay xanuunkaas iyo shirarka ay ka qeybgashay.

Wasaaradda caafimaadka ee ay hogaamiso waxaa ay xaqiijisay in khamiistii lasoo dhfaay laga helay astaamaha xanuunka, xilligaas oo ay booqatay aqalka looga arrimiyo dalka Ingiriiska ee Downing Street, waxaana halkaas ay kula kulantay ra’iisul wasaaraha Britain, Boris Johnson.

Ilaa iyo hadda lama oga in xanunkaas uu ku dhacay ra’iisul wasaaraha iyo inkale, in laga baaray.

 

Yaa loo xukumay ciyaar yahaankii Danaanada loo dilay?

Muqdisho (SNTV)- Dable xoogga dalka Maxamed Cismaan Maxamed Nuur ayaa loo heysta dilka Allaha Unaxariiste Cabdiraxmaan Cabdullaahi Cismaan  oo uu ku dilay garoon lagu ciyaaro kubadda cagta  kaas oo ku yaal degmada Kaxda sedaxdii January ee sanadkan.

Maalin kadib  ayay ku guuleysteen ciidamada Amniga ee joogo baraha qaybta galbeed in ay ku wareejiyaan Maxamed Cismaan Maxamed Nuur hey’adaha ku shaqada leh sida laanta dambi baarista Boliiska CID.

Hey’adda    dambi baarista boliiska CID  ayaa  ka gudatay waaajibka kaga aadan ee baaris, waxa ayna ku soo wareejisay Gungaarka eedeysanaha  Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida 12/01/2020, Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa isla  xilligaaasi weydiistay garsoorka in loo gudbiyo eedeysanaha xabsiga dhexe  garsuge ahaan si’ ay u sameeyaan baaris kale oo dheeraad ah.

Intaas kadib Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida ayaa isku howlay baarista sida ay wax uga dhaceen garoonka lagu ciyaaaro kubadda cagta ee ku yaal degmada Cirifka jirta ee Kaxda, waxa ayna bilowgii February codsadeen in la muddeeyo dhageysiga eedda ka dhanka ah eedeysane Maxamed Cismaan Maxamed Nuur.

Labadii bishan ayay Maxkamadda u fariisatay eedda ka dhanka ah eedeysane Maxamed Cismaan Maxamed Nuur, waxaana ugu horreyn la weydiiyay jiritaanka eedda loo heysto in uu ka jawaabo.

Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida ayaa ku dheeraaday sharaxaadda sida ay wax u dhaceen, Dhamme Ismaaciil Salaad Maxamed ku xigeenka Xeer Ilaaliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa u sheegay Garsoorayaasha in eedeysane Dable Xoogga Maxamed Cismaan Maxamed Nuur uusan ka mid aheyn dadka ku ciyaarayay garoon ku yaal degmada Kaxda dhinaca Xoosh balse uu garab siin ugu yimid wiil ay isku heyb yihiin, waxa uu meesha ka saaray Xeer Ilaaliyaha in wax wada xaajood ah dhex maray dhalinyaradii kubadda ciyaareysay iyo eedeysanaha balse si’aan ka fiirsasha laheyn uu ugu riday laba xabadood  Cabdiraxmaan Cabdullaahi Cismaan sidaasna uu ku geeriyooday.

Abuukaataha u dooday eedeysanaha ayaa Maxkamadda u sheegay in Dable xoogga dalka Maxamed Cismaan Maxamed Nuur uu u tagay garoonka si’ uu uga fal celiyo walaalkiis oo ciyaarta ku badda looga saaray awood sheegasho balse markii uu meesha tegay isku deygiisa kala eryidda dhalinyaradii ciyaareysay ay sababtay xabadihii uu riday dhimashada Marxuumka.

Garsoorayaasha  ayaa dhageysiga dhinacyada kadib go’aamiyay in lagu xukumo Maxamed Cismaan Maxamed Nuur dil toogasha ah oo ah qisaasta Marxuum Cabdiraxmaan Cabdullaahi Cismaan   sida uu u sheegay dhinacyada dacwadda Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida.

Xukunsanaha ayaa haysta  fursad  30-cisho ah oo   uu ku dalban karo Rafcaan .