Home Blog Page 886

Dowladda Mareykanka oo soo dhaweysay heshiiska Dowladda dhexe iyo Ahlu sunna.

Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya, Amb. Donald Y. Yamamoto, wuxuu soo dhaweynayaa heshiiskii ay wada gaareen Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo hoggaanka Ahlu Sunna Waljama’a (ASWJ). Dowladda Mareykanka waxaa ka go’an inay taageerto dadaalladan isla markaana ay hubiso hirgelintooda si Soomaaliya loo gaarsiiyo nabad iyo xasillooni.

Mareykanka wuxuu bogaadinayaa gorgortamayaasha howsha adag qabtay si loo gaaro heshiis loo wada dhan yahay kaas oo sugaya xasilloonida iyo barwaaqada dowlad-goboleedka Galmudug oo saf muhiim ah ooga jirto dadaalkeenna isku jirka ah ee lagula dagaallamayo al-Shabaab.

Waxaan aqoonsan nahay dadaallada dib-u-heshiisiinta ee ka jiro dalka oo dhan iyo sidoo kale tanaasulka adag ee ay sameeyeen labada dhinac ee ku saabsan qaabka doorashada iyo qaybsiga wakiilnimada baarlamaanka, waxaanna dhiirigelineynaa hirgelinta heshiiska.

Galmudug waa gobol muhiim u ah horumarka mustaqbalka Soomaaliya, Safaaradda Mareykanka waxaa ka go’an fududeynta gargaarka bini’aadminimo, kaalmada amniga, iyo horumarka dhaqaale ee dadka reer Galmudug.

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo gaaray magaalada Gaalkacyo

0

Wafdi Saraakiil ah oo uu hoggaaminayo Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS S/guuto C/xamiid Maxamed (dirir), ayaa Maanta gaaray magaalada Gaalkacyo  oo ah  xarunta Gobolka Mudug.

Wafdigaan oo ay soo dhaweeyeen maamulka degmada Gaalkcyo iyo saarkiil ka tirsan hogaamiyaasha ciidamada , qaybaha ururada bulshada , iyo culima udiinka,waxaa  socdaalkoodu uu laxiriiraa  dhexdhexdhaxaadinta beelaha walaalaha ah ay dirirtu  ku dhexmartay deegaano ka tirsan gobolka Mudug.

Ugu danbayntii , Kulan u dhaxeeyay Taliyha iyo dhaqanka ,Cuqaasha, Isimada iyo dhalinyarada  ayaa lagu looga hadlay qaabkii look qaadi lahaa  kooxaha  ku dagaalamaya haalkaasi.

James Swan iyo Madaxweyne Waare oo wada hadallo ku leh Jowhar

0

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle, Maxamed Cabdi Waare iyo Ergeyga gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya , James Swan, ayaa waxa uu kulan wada tashi ah haatan ugu socdaa Magaalada Jowhar.

James Swan, oo ay wehlinayaan Ergeyga Midowga Yurub ee Soomaaliya, Nicolas Berlanga, wakiilka gaarka ah ee Guddoomiyaha Midowga Afrika , Francisco CJ Madeira, iyo La-Taliyaha Sare ee Urur-Goboleedka IGAD , Jamaal Axmed Ibraahim, ayaa sidoo kale lagu wdaa in ay kulamo la qaataan Odaasha dhaqanka iyo Ururrada Bulshada si ay Gacan ugu geystaan geeddi socodka doorashooyinka la filayo in ay Dalka ka dhacaan 2020-ka iyo qaabkii loo wajihi lahaa.

Madaxda ka socota Wakiilladda Beesha Caalamka ee Soomaaliya ayaa Shalayto Magaalada Baydhabo kula kulmay Madaxweynaha Koofur Galbeed, C/Casiis Xasan Maxamed (Lafta gareen), Odayaasha iyo wax garadka, iyagoo sheegay in ay mari doonaan dhammaan maamullada Dalka ka jira, si ay isula fahmaan qabashada doorasho Qof iyo cod ah oo ka dhacda Soomaaliya.

Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo war ka soo saaray weerarkii Argagixisa-nimo ee Hotelka SYL.

0

Ciidamada Amniga Dowladda Soomaaliya ayaa markii ay  soo Gabagabeeyay howlgalkii ay ka wadeen Hotel SYL ayaa Taliska booliska waxaa ka soo sareen  war qoraal ah wereerkii naf Halignimada ah oo ay kusoo qaadeen Al Shabaab goob ay dad rayad ah isaga cawaynayeen ciidamada Amniga ayaa toogtay dhammaan 5-tii qof ee weerarka fulisay, Iyagoo doonayay  in ay gumaadaan Mas’uuliyiinta iyo dadka shacabka ah ee ku sugnaa gudaha hotelka.

Warsaxaafadeed Wasaaradda Warfaafinta ee Weerarkii Hotel SYL Muqdisho

0

Ciidamada Amniga Dowladda Soomaaliya ayaa soo Gabagabeeyay howlgalkii ay ka wadeen Hotel SYL oo weerar naf Halignimo ah ku soo qaadeen maleeshiyaad katirsan Xagjirka Al Shabaab.

Ciidamada ayaa toogtay dhammaan 5-tii qof ee weerarka fulisay, wuxuuna ujeedkoodu ahaa in ay gumaadaan Mas’uuliyiinta iyo dadka shacabka ah ee ku sugnaa gudaha hotelka.

Intii uu howlgalku socday waxa ay ciidamadu ku guuleysteen in ay gudaha Hotel-ka SYL kasoo badbaadiyeen ku dhawaad boqol qof oo isugu jiray Mas’uuliyiin dowladda ka tirsan iyo dad shacab ah oo hotelka u joogay nasiino iyo howlo kale oo u gaar ah. halka dhaawac fudud uu soo gaaray 8 qof oo shacab ah.

Ururka 60-aad ee ciidamada Ilaalada Madaxtooyada Soomaaliya iyo ciidamada Booliska ayaa howlgalka ka qeybqaatay, waxayna Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeedba ku bogaadinayaan sida wanaagsan ee naxariista leh ee ay ugu gurmadeen Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ay u dhaarteen difaacistooda.

Ugu Dambeyntii Dowladda Fedaraalka Soomaaliyeed waxa ay Murugada iyo tiiraanyada la qeybsaneysaa dhammaan Ehelada iyo Asxaabta ay ka bexeen Shuhadadii ku nafwaayay weerarka Argagixisadu ay ku qaadeen Shacabka Soomaaliyeed.

AFHAYEENKA WASAARADA WARFAAFINTA

ISMAACIIL MUKHTAAR CUMAR

Gudoomiyaha Aqalka sare BFS oo Madaxda dalka Qadar kala hadlay arrimo quseeya labada dal

0

Guddoomiyaha golaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa kulan  magaalada Dooxa ee Dalka Qatar kula qaatay guddoomiyaha golaha shuurada Dowladda Qatar Mudane Axmed Bin Cabdallah Al Maxmuud.

Kulanka labada guddoomiye waxay si qoto dheer uga wada hadleen arrimo muhiim u ah labada Baarlamaan, Kaalinta dowladda Qatar ay ka qaadato dib u dhiska Dowladnimo ee dalka Soomaaliyeed, Qadiyadda reer Falastiin iyo sidii Labada Baarlamaan ay u garab istaagi lahaayeen Shacabka dhibaatayaan ee Reer Falastiin

Labada Guddoomiye waxay isku af garteen in labada Baarlamaan ay yeeshaan xiriir adag iyo wada shaqayn dhow, isla markaasna ay is waydaarsadaan khibradaha sharci dajineed ee labada dhinac.

Ciidanka Amaanka oo soo badbaadiyey dadkii ku sugnaa Hotel SYL

0

Ciidamada Amaanka Dowladda Soomaaliya ayaa dadkii ugu badnaa ka badbaadiyay dhagartii ay kooxda Al-shabaab ladamacsanaayeen iyaga oo weerar ku qaaday  Hotel-ka SYL ee Magaalada Muqdisho.

Kooxda Argagixisadda Al-shabaab ayaa weerar ku qaaday hotel SYL halkaasi oo ku sugnaayeen dad shacab ah hase yeshee ciidamada Amaanka ayaa soo badbnaadiyay dadka ka badan 100 qof waxaana dhammaan la toogtay raggii weerarka soo qaaday sid uu inoo xaqiijiyay Afhayeenka Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya Ismaaciil Mukhtaar Oronjo.

Ciidanka Amaanka ayaa ku guuleystay in gabi ahaanba ka hortagaan dhagartii Argagaxisadu damacsaneyd kuwaas oo ka koobnaa illaa 5 Maleeshiyo.

Gudoomiye ku xigeenka dhanka Amniga ee maamulka gobolka Banaadir Mudane Maxamed Cabdullaahi Tuulax ayaa ka codsaday shacabka Soomaaliyeed in ciidanka Amaanka lashaqeeyaan si markasta u fududaato in laga hortago dhagarta Argagaxisadu damacsan tahay

Ergayga Xoghayaha Guud ee Q/Midoobay U Qaabilsan Soomaaliya Oo Gaaray Baydhabo

0

Ergayga Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan ayaa maanta tagay magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay, halkaas oo uu kulan yeeshay Madaxda kala duwan ee dowlad gobolleedka Koofur-galbeed.

Wafdiga uu hogaaminayo Ergayga Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Baydhabo ku soo dhoweeyay Madaxda Koonfur Galbeed iyo dadweyne aad u fara badan.

Intaas kaddib wafdiga iyo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta gareenI iyo qaar ka mid ah maamulkiisa ayaa kulan gaar ah la qaatay James Swan Ergayga Xoghayaha Guud ee Q/Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, kaasi oo looga hadlay arrimaha doorashooyinka Baarlamaanka Koonfur Galbeed iyo xoojinta amniga