Home Blog Page 883

Soomaaliya oo qorsheyneysa in ay Qunsuliyado ka furato qaar ka mid ah Magaalooyinka Mareykanka

0

Dowladda Soomaaliya oo  qorsheyneysa in ay qunsulyaddo ka furato qaar ka mid ah magaalooyinka Mareykanka,

Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Washinton  Cali Shariif oo ka hadlay xaflad ka dhacday gobolka Minnesota ayaa tilmaamay in qorshahaas uu u gudbiyey madaxda sare ee dowladda Soomaaliya.

“Waxay kaloo safaaradda ay ku talajirtaa, talana aan ku siinay madaxdeena,  in magaalooyinka ay ku badanyihiin Soomaalida laga furo Qunsiliyado si adeegga ay uga baahanyihiin Washinton uga haleen halkooda.” Ayuu yiri Danjire Cali Shariif.

Soomaalida oo kamid ah dadyowga qaxooti ahaan ku galay  Mareykanka ayaa waxay safka hore kaga jiraan Jaaliyadaha ugu tiradda badan ee ku nool dalkaasi.

Dowladda Soomaaliya ayaa bishii September, ee sanadkan 2019, ku guuleysatay in ay iibiso dhismaha safaaradda ee  Washington.

Ra’iisul Wasaare Khayre oo Geneva kula kulmay Wasiirka Arrimaha dibedda Sweden

0

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, mudane; Xasan Cali Khayre,  ayaa Magaalada Geneva ee Dalka Swizerland kulan gaar ah kula qaatay Wasiirka arrimaha dibedda Dalka Sweden, ann christin linde.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre iyo Wasiirka arrimaha dibedda Sweden ayaa kulankooda uga wada hadlay barnaamijka deyn cafinta, xoojinta xariirka labada Dowladood iyo taageerada Sweden ee dib-u-kabashada iyo qorshayaasha dib-u-habeynta.

Labada mas’uul auaa hoosta ka wada xarriiqay  in ay jirto baahi weyn oo loo qabo in si dhaqsa ah guul looga gaaro hadafyada ku xeeran barta go’aan gaaridda ee barnaamijka deyn cafinta.

Ra’iisul Wasaaraha Dalka ayaa horay kulan gaar ah ula yeeshay Madaxweynaha Dalka Turkiga Recep Tayyip Erdoğan, iyagoo ka wada hadlay xoojinta xariirka, iskaashiga dhaqaalaha iyo ganacsiga,

Dowladda Sweden ayaa Soomaaliya ka taageertaa barnaamijyada dib-u-kabashada, dib-u-habeynta iyo dib-u-dhiska Dalka.

Kulanka ayaa qeyb ka ah shirar doceedyada uu Ra’iisul Wasaaruhu la qaadanayo qaaar kamid ah madaxda ka qayb galeysa madasha Qaxootiga ee lagu qabtay Magaalada Geneva ee Dalka Swizerland.

Guddiga Farsamada Maamul U Sameynta Galmudug Oo Wada Dhammeystirka Odayaasha Dhaqanka

0

Qaban-qaabadii ugu dambeysay ee xareynta Odayaasha dhaqanka ee soo xulaya Xildhibaannada Barlamaanka dowlad Gobolleedka Galmudug ayaa ka soconta magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug.

Guddiga farsamada maamul u sameynta Galmudug ayaa dadaal ugu jira sidii loo dhameystiri lahaa odoyaasha dhaqanka ee soo xulaya Xildhibaannada, iyagoo guddiga hoosta ka xariiqay in muddo saddex cisho ah ay u qabteen xalinta ciddii cabasho ka qabta soo xulista odayaasha dhaqanka.

Ilo wareed ku dhow dhow Odayaasha ayaa xaqiijinaya in ay meel gabo gabo ah mareyso xareynta odoyaasha soo xuli doono xildhibaannada ka mid noqonaya Baarlamaanka Dowlad Gobolleedka Galmudug.

Waxaa la dareemayaa xowliga ergada kusii qul qulaysa magaalada Dhuuso-mareeb iyadoo maalinnimadii shalay ay xildhibaanno ka tirsan Goleyaasha Shacabka iyo Aqalka ee dalka ay gaareen magaaladaasi.

Soomaaliya Oo Ka Qeyb Qaadanaysa Howlaha Ururka ARABSAT “SAWIRRO”

0

Wafdiga Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda ee uu hoggaaminayo Wasiirka, Mudane Eng C/di Cashuur Xasan oo booqasho ku jooga dalka Sacuudi Carabiya ayaa kulamo la qaatay Masuuliyiinta Ururka Dayax-gacmeedka Carbeed ee ARABSAT oo xaruntiisu kutaalo magaalada Riyaadh ee Dalka Sucuudiga.

Madaxweynaha ahna Agaasimaha Guud ee ARABSAT Mudane Eng. Khalid A. Balkheyour oo ku soo dhoweeyey wafdiga xarunta Ururka ayaa waxa uu sheegay in ay soo dhoweynayaan ka qeyb qaadashada firfircoon ee soomaaliya ee howlaha Ururka ARABSAT maadaama dalkeenu uu ka midyahay saamileydii asaastay Ururka, kulamadan labada dhinaca oo ku soo dhammaadey is-afgarad ayaa waxaa sidoo kale looga hadlay sidii dowladda Soomaaliya uga faa’iideysan lahayd adeegyada ARABSAT iyo sidii dalkeena loogu caawin lahaa kaalmo farsamo oo la xiriirka dhinaca horumarinta Isgaarsiinta.

“Waxaa naga go’an in aan si firfircoon uga qeybqaadano dhammaan howlaha Guddiyada, Hay’addaha iyo Urrurada Gobol, Qaaradeed iyo Caalami ee isgaarsiinta iyo Tiknolojiyadda, kuwaas oo aannan badankood ka dhex muuqan muddo, taasna waxa ay muhiim u tahay wadaagista khibradaha iyo mideynta dadaalada,” ayuu yiri wasiir Cashuur oo intaasi ku daray “iskaashiga iyo isku-xirnaanshaha adduunka gaar ahaan dhinaca tiknolojiyadda waxa uu marayaa maanta heer aysan suurto-gal ahayn in aan gooni u socono, daddaaladan dhamaantoodna waxa ay leeyihiin hal ujeedo oo ku saabsan fulinta qeybaha kala duwan ee Siyaasada iyo Istaraatiijiyadda Qaran ee Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyadda’’ ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay Wasiirku.

Sidoo kale wafdiga Wasiirka Boostada Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyadda ayaa waxa ay booqasho ku tageen xarunta safaaradda dalkeena ee Magaalada Riyaad halkaas oo ay kula kulmeen diblomaasiyiinta ka howlgesha safaaradda, Wasiirka ayaa waxa uu warbixin ka siiyey diblomaasiyiinta xaaladda dalka, howlaha Tubta horumarinta dhaqaalaha dalka gaar ahaan howlaha ay sida gaarka ah ugu xilsaarantahay Wasaaradda.

Wafdiga Wasaaradda oo uu ka mid yahay Maareeyaha Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka Mudane Cabdi Sheekh Axmed ayaa muddada ay joogaan dalka Sacuudigaa waxa ay ka qeybgali doonaan Shirka Wasiirrada Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyadda dalalka carbta, waxa ayna sidoo kale kulamo gaar ah la yeelan doonaan masuuliyiinta Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyadda dalka Sacuudiga.

 

Maamulka Gobolka Banaadir Oo Casha Sharaf U Sameeyay Haweenka Kujira Labada Golle “SAWIRRO”

0

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa casha sharaf u sameeyay haweenkii ka qeyb galayay shirkii 3-aad ee haweenka ku jira Barlamaanka labada aqal ee dowladda, Golaha Aqalka Sare iyo Golaha shacabka iyo Xildhibaannada maamul Gobolleedyada oo labadii cisho ee la soo dhaafay ka socday Magaalada Muqdisho.

Munaasabadda casho sharafta oo loo sameeyay haweenka ayaa waxaa goob joog ka ahaa Marwo Basma Caamir Axmed (Shakeeti) Guddoomiye ku-xigeenka Arrimaha Bulshada iyo Wacyi gelinta Maamulka Gobolka Banaadir, Gudoomiyaha Haweenka Gobolka Banaadir Jawaahir Maxamuud Jaamac (Jawaahir Baadqab).

Guddoomiye ku-xigeenka arrimaha Bulshada ee Gobolka Banaadir Basma Caamir Shakeeti ayaa soo dhaweyn kadib u mahadcelisay haweenka ku jira Baarlamaanka labada Aqal iyo haweenka kale ee ka tirsan Xildhibaanada Dowlad Goboleedyada inay muujiyaan doorka ay ku leeyihiin hannaanka doorashooyinka dalka.

Qaar ka mid ah Haweenka Xildhibaannada ee labada Aqal oo dhankooda ka mahadceliyay munaasabadda casho sharafta ah ayaa sheegay inay dhankooda diyaar u yihiin inay ka soo dhalaalaan kaalinta haweenka ee horumarka dalka.

 

 

Hay’adda Socdaalka Oo Tababar U Furtay Qaar Kamid ah Howl-wadeennadeeda ‘SAWIRRO’

0

Maxamed Aadan Jimcaale Koofi, Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa xarigga ka jaray tababar ay ka qeyb galayaan saraakiil iyo howl-wadeenno ka tirsan hay’adda.

Tababarkan oo ay bixinayaan macalimiin Soomaaliyeed ayaa waxaa soo qaban-qaabisay Waaxda Shaqada iyo Shaqaalaha ee Hay’adda Socdaalka iyadoo ay ka faa’ideysanayaan Agaasimayaasha waaxyaha iyo madaxda Xafiisyada Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda, waxaana tabbabarka bixin doona Khubaro Soomaaliyeed.

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa kula dardaarmay Saraakiisha in ay ka faa’iideystaan tababarka isla markaana dhaqangeliyaan hab-raaca ilaalinta xogta.

Tabbabarada la siinayo howlwadeenada iyo saraakiisha hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa qeyb ka ah fududeynta howlaha shaqo ee ay u xilsaaran tahay Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda si ay u dardargeliso adeegyada ay uga baahan yihiin muwaadiniinta Soomaaliyeed iyadoo tababarkani la filayo in sidoo kale uu kor u qaado horumarinta Hay’adda.

R/Wasaare Kheyre iyo Madaxweyne Erdoğan oo Ku Kulmay Geneva

0

R/Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Kheyre iyo Madaxweynaha dalka Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan, ayaa kulan ku yeeshay magaalada Geneva ee dalka Switzerland.

Kulanka oo ay goob joog ka ahaayeen Wasiirro ka kala tirsan labada dowladood ayaa looga hadlay xoojinta xariirka soo jireenka ah ee ka dhexeeya labada dowladood ee walaalaha ah.

Labada mas’uul ayaa sidoo kale kulankooda uga hadlay horumarinta iskaashiga dhaqaale iyo ganacsi ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga, si daaha looga rogo fursado dhaqaale xooggan oo ay ka faa’iideystaan dadka Soomaaliyed.

Kulanka ayaa yimid kadib markii uu R/Wasaare Xasan Cali iyo madaxweynaha Turkiga Rajab Dayyib ay magaalada Geneva uga qayb galayaan Shirka Madasha Qaxootiga Adduunka oo looga hadlayo Mas’uuliyadda dhibaatooyinka, arrimaha waxbarashada, shaqada, Nolosha, tamarta, kaabayaasha dhaqaalaha, xulalka iyo awoodda difaaca.

Hab casri ah oo loo sugayo Amniga Magaalada Muqdisho

0

Waddooyin muhiimka ah ee magaalada  Muqdisho ayaa laga hirgaliyay Kaamirooyinka Qarsoon kuwaaso loogu talagalay la,socodka dhaq dhaqaaqyada ammaanka waddooyinka.

Kaameriiyinkan ayaa looga goolleyahay  in ay qeyb ka noqdaan qorshaha suggidda ammaanka ee Caasimada.

Qorshaha Kaamirooyinkan ayaa  bil ka hor si tijaabo ah loogu billaabay waddooyinka qaar ayadoo hadda lagu baahinayo guud ahaan waddooyinka Muqdisho.

Tallaabadan ayaa qeyb ka ah qorshaha hey’adaha ammaanka ee dowladdu ay ku doonayaan in lagu ogaado xaalada dhaq dhaqaaqyada  ammaanka ee wadooyinka ka jirah .

Ciidamada XDS oo ka hortagay wareer ay kusoo qadeen Al-shabaab Deegaanno ka tirsan Jubbada hoose.

0

Ciidamada XDS oo ka hortagay weerar ay maleeshiyaadka Shabaab ku soo qaadeen deegaanno hoos taga Jubbad hoose, iyagoo dilay tiro ka tirsan maleeshiyaadkaasi.
Arrintan ayaa timid kaddib markii maleeshiyaad ka tirsan Shabaab ay isku dayeen in ay weerar gaadmo ah ku qaadaan fariisin ay ciidanmada XDS ku leeyihiin duleedka deegaanka Hosingow oo ka tirsan gobolka Jubbada hoose,
Warka ayaa intaasi ku daraya in ciidamada XDS oo ka warhelay una diyaargaroobay weerarka ku soo wajahan ayaa dilay maleeshiyaad iyo horjoogayaal ka tirsanaa argagixisada soo weerartay sida ay xaqiijinayaan qaar ka mid ah dadka deegaanka.
Sidoo kale ciidamada XDS ayaa la sheegay in hub iyo saanad meleteri oo aad u farabadan ay halkaasi kaga qabsadeen maleeshiyaadka soo weeraray ee ka tirsanaa argagixisada Shabaab.
Ma jiraan wax faah faahin intaasi ka badan oo ka soo baxaya weerarkaasi ay fashiliyeen ciidamada XDS kaasoo ka dhacay fariisin ay ciidamadu ka lahaayeen duleedka deegaanka Hoosingow ee gobolka Jubbada hoose.

Magaalada Jabuuti oo uu ka furmayo madasha aragti-wadaagga Soomaalida

0

Waxaa Maanta oo Isniin ah lagu wadaa in Magaalada Jabuuti lagu qabto madasha aragti wadaagga Soomaalida.

Kulankan oo uu soo qaban-qaabiyay Machadka daraasaadka siyaasadda ee Heritage, ayaa waxaa ka qeyb galaya in ka badan 150 ruux oo isugu jira Mas’uuliyiin ka socota Dowladaha, Soomaaliya,  Jabuuti, Dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya, Somaliland, Ururada Bulshada Rayidka iyo marti sharaf ka socota dhammaan degaannada Soomaalida.

Ajandaha Sanadkan ee lagu lafa gurayo Madasha aragti wadaagga ayaa ah kaalinta Soomaalida ee nabadda geeska Afrika.