Home Blog Page 82

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka oo daahfuray tababar loo qabanayo howlwadeennada doorashooyinka

0

Guddoomiye Cabdikariin Axmed Xasan ayaa si rasmi ah u daahfuray tababar ballaaran oo loo qabanayo in ka badan 4,000 oo howlwadeen, kuwaas oo door muhiim ah ka qaadan doona hirgelinta iyo hufnaanta howlaha codbixinta ee la filayo inay dhacdo 25. Bishaan.

Tababarkan ayaa diiradda saaraya hab-raaca codbixinta, mas’uuliyadda shaqaalaha goobaha codbixinta, ilaalinta hufnaanta doorashada, iyo sida loola macaamilayo codbixiyeyaasha, si loo hubiyo in geeddi-socodka doorashada uu u dhaco si xor ah, daah-furan, oo waafaqsan shuruucda dalka.

Guddoomiyaha ayaa xusay in tababarkan uu yahay mid muhiim u ah xoojinta kalsoonida shacabka, maadaama howlwadeennada la tababarayo ay laf-dhabar u yihiin hirgelinta doorasho caddaalad ah oo la isku halleyn karo. Waxa uu sidoo kale adkeeyay in dhammaan ka-qaybgalayaasha tababarka laga filayo daacadnimo, dhexdhexaadnimo, iyo u hoggaansamid buuxda oo ku aaddan habraacyada doorashada.

Ugu dambeyn, Guddoomiye Cabdikariin Axmed Xasan ayaa tilmaamay in dadaalladan ay qeyb ka yihiin isku diyaarin ballaaran oo lagu xaqiijinayo in doorashada ay u dhacdo si nabad ah, hufan, isla markaana ay shacabka si xor ah ugu cabbiri karaan rabitaankooda siyaasadeed.

Wasaaradda duulista hawada oo ku dhawaaqay mashaariic lagu horumarinayo garoonka Aaden Cadde

0

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan Mohamed Farah Nuux, oo ay weheliyaan saraakiil sare oo ka tirsan wasaaradda iyo maareeyayaasha garoonka Aadan Cadde, ayaa shir howleed muhiim ah la yeeshay wakiillada shirkadaha kala duwan ee ka shaqeeya garoonka..

Kulankaan ayaa diiradda lagu saarayey qorsheyaasha ballaarinta garoonka, dayactirka iyo dhismaha jidadka hareeraha iyo gudaha garoonka, iyo sidoo kale qurxinta bilicda guud ee goobta si loo gaarsiiyo heer caalami ah.

Qodobada muhiimka ah ee laga hadlay:

Horumarinta Kaabayaasha Dhaqaalaha: Waxaa la isla gartay in la dardargeliyo mashaariicda dhismaha jidadka cusub iyo dayactirka kuwa jira, iyadoo qorshuhu yahay in garoonku yeesho kaabayaal la jaan qaadi kara heerarka caalamiga ah.

Wasiirka ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay iskaashiga dhow ee u dhexeeya dhammaan shirkadaha, maamulka garoonka, iyo hay’adaha amniga si loo xaqiijiyo in shaqooyinka horumarinta ay u socdaan si habsami leh.

Waxaa la isku afgartay in si joogto ah loo sameeyo kormeer iyo qiimeyn lagu ogaanayo heerka ay horumarka mashaariicdu marayaan.

Kulankan ayaa qayb ka ah dadaallada ballaaran ee ay Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Faderalka ku doonayso in garoonka caalamiga ah ee Aadan Cabdulle uu noqdo xarun muhiim u ah duulista hawada ee gobolka, taasoo kor u qaadaysa isku xirka caalamiga ah iyo kobcinta dhaqaalaha dalka.

Hay’adda Tirakoobka oo daah furtay warbixintii ugu horreysay ee Soomaaliya ee Tilmaamayaasha Deegaanka

0

Hay’adda Qaranka ee Tirakoobka Soomaaliyeed (SNBS), iyada oo kaashanaysa wasaaradaha ay wada-shaqeeyaan iyo bah-wadaagta horumarinta, ayaa si rasmi ah u daahfurtay warbixintii ugu horreysay ee Soomaaliya ee Tilmaamayaasha Deegaanka ee SDG-yada iyo Warbixinta Tilmaamayaasha Tamarta ee SDG-7.

Labadan warbixin waxay xoojinayaan saldhigga xogta iyo caddaynta qaran, iyagoo isu keenaya xog rasmi ah oo muujinaysa heerka horumarka iyo caqabadaha ka jira tilmaamayaasha muhiimka ah ee deegaanka iyo tamarta. Tani waxay gacan ka geysanaysaa qorshayn wax-ku-ool ah, adeeg-bixin hufan, iyo go’aanno maalgashi oo ku salaysan xog sax ah.

Daahfurkani wuxuu muujinayaa horum laga sameeyay adeegsiga xogta maamulka ee wasaaradaha (administrative data) ee warbixinta qaranka, wuxuuna door weyn ka qaadanayaa diyaar-garowga Soomaaliya ee Voluntary National Review (VNR) 2026.

SNBS waxay uga mahadcelinaysaa dhammaan wasaaradaha iyo bah-wadaagta ka qayb qaatay bixinta xogta, taageerada farsamo, iyo wada-shaqeynta suurtagelisay warbixinnadan.

Wasiir Xasan Macallin “Maxkamaduhu waxay xaq u leeyihiin inay ka garnaqaan doorashada”

0

Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Macallin, oo la hadlayay warbaahinta qaranka, ayaa sheegay in maxkamaduhu ay xaq u leeyihiin inay ka garnaqaan tabashooyinka la xiriira xuquuqda dastuuriga ah ee muwaadin laga duudsiyo inta lagu guda jiro doorashooyinka.

Wasiir Xasan Macallin ayaa xusay in doorashadu ay kamid tahay xuquuqaha aasaasiga ah ee muwaadinka, isla markaana qof walba uu leeyahay xuduud sharciyeed aan la dhaafi karin, iyadoo xuquuqdiisana ay waajib tahay in la ilaaliyo. Wuxuu tilmaamay in haddii muwaadin laga hor istaago ama uu waayo xaqii uu u lahaa inuu codeeyo, uu xaq u leeyahay inuu arrintaas u gudbiyo maxkamadaha si garnaqsi loo sameeyo.

“Muwaadinku wuu soo gudbin karaa tabasho, maxkamaduhuna waxay xaq u leeyihiin inay ka garnaqaan arrimaha doorashada, haddii muwaadinku uu waayo xuquuqdii uu u lahaa inuu codeeyo,” ayuu yiri Wasiir Xasan Macallin.

Sidoo kale, Wasiirka ayaa xusay in nidaamka caddaaladdu uu yahay halka lagu xallinayo khilaafaadka sharciyeed ee la xiriira doorashooyinka, si loo ilaaliyo xuquuqda muwaadiniinta loona xaqiijiyo hufnaanta geeddi-socodka doorashada.

Dhanka kale, 25-ka bishan ayaa lagu wadaa in shacabka caasimadda Muqdisho ay u dareeraan doorashada golaha deegaanka ee Gobolka Banaadir, sida ay horey u shaaciyeen Guddiga Doorashooyinka Qaranka.

Wasiirka Amniga Gudaha oo Shacabka ugu Baaqay Qaadashada Kaarka Codbixinta

0

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, General Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay qaataan kaarka codbixinta kana qeyb qaataan doorashada qof iyo cod ee taariikhiga ah.

Wasiirku wuxuu sheegay in 57 sano kadib ay suurtagashay in muwaadinku si toos ah u doorto cidda mataleysa, taas oo uu ku tilmaamay guul weyn oo u soo hoyatay dimuqraadiyadda dalka. Waxa uu xusay in Wasaaradda Amniga Gudaha ay ka go’an tahay sugidda amniga si doorashadu ugu dhacdo si nabad ah, xor ah, oo hufan.

General Fartaag ayaa shacabka ku boorriyey inay ka faa’iideystaan xaqooda dastuuriga ah, kuna codeeyaan qofka ay u arkaan mid u adeegaya danaha shacabka iyo mustaqbalka dalka.

Wasiirka Maaliyadda oo soo dhaweeyay Wasiirka Iskaashiga Horumarinta Caalamiga ah Dowladda Sweden

0

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige ayaa maanta magaalada Muqdisho ku soo dhaweeyay Wasiirka Iskaashiga Horumarinta Caalamiga ah iyo Ganacsiga Dibadda ee Dowladda Sweden Mr. Benjamin Dousa iyo wafdi uu hoggaaminayo.

Intii uu socday kulanka soo dhaweynta ah oo ka dhacay qeybta qaabilaadda Garoonka (VIP) ayaa labada Wasiir waxa ay is dhaafsadeen aragtiyo ku saabsan horumarinta dhaqaalaha, xoojinta iskaashiga labada dal iyo fursadaha maalgashi ee Soomaaliya, iyagoo adkeeyay muhiimadda ay leedahay wada-shaqayn miro dhal ah.

Socdaalka Wasiirka Iskaashiga Horumarinta Caalamiga ah iyo Ganacsiga Dibadda Dowladda Sweden oo qaadan doona laba cisho ayaa la filayaa in uu kulamo muhiim ah la qaato masuuliyiinta Dowladda iyo ganacsatada Soomaaliyeed, si looga wada hadlo maalgalinta mashaariic horumarineed oo dalka iyo dadka faa’iido u leh.

Maareeyaha Dekedda Muqdisho oo kulan la qaatay Madaxa Fulinta Shirkadda Abu Dhabi Ports Group

0

Maareeyaha Guud ee Dekedda Muqdisho, Danjire Maxamed Cali Nuur (Ameerico), iyo wafdi uu hoggaaminayay ayaa magaalada Abu Dhabi kulan miro-dhal ah kula yeeshay Madaxa Fulinta ee shirkadda Abu Dhabi Ports Group u qaabilsan Qaaradda Afrika, Mudane Mohamed Eidha Almemhali.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray hal-abuurka casriga ah ee dekedaha, xoojinta wax-soo-saarka, iyo horumarinta istaraatiijiyadda mustaqbalka fog ee waddooyinka ganacsiga.

Danjire Maxamed Cali Nuur (Ameerico) ayaa sheegay in kulankan uu astaan u yahay tallaabo muhiim ah oo horay loo qaaday dhanka hirgelinta iyo dhismaha deked casri ah oo cusub oo Muqdisho laga hirgeliyo, taas oo si weyn uga qeyb qaadan doonta kobaca dhaqaalaha dalka, horumarinta ganacsiga gobolka, iyo xaqiijinta horumar waara.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo maanta qaatay Kaarka Codbixinta Doorashada

0

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa maanta ka qaatay kaarka codbixinta doorashada Dowladaha Hoose Degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir.

Munaasabadda waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiyaha Guddiga Madax-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha, Xildhibaan Cismaan Xaadoole, Guddoomiye Ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir, Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh), Guddoomiyaha Degmada Kaaraan, iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan hay’adaha dowladda.

Duqa Magaalada Muqdisho ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay doorashadu u leedahay xoojinta hannaanka dimuqraadiyadeed iyo xaqiijinta ka-qaybgalka shacabka, isaga oo muwaadiniinta ugu baaqay inay si buuxda uga qaybqaataan geeddi-socodka doorashada, ayna si xor ah u dhiibtaan codkooda.

Sidoo kale, waxa uu ammaanay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, hoggaamintiisa ku aaddan hirgelinta doorashooyin ku dhisan ka-qaybgal ballaaran, kuwaas oo ka duwan nidaamyadii hore ee xaddidayay codka shacabka.

Dhankiisa kale, Dr. Muungaab ayaa sheegay in xaaladda amni ee caasimadda ay tahay mid deggan, isla markaana hay’adaha ammaanku ay si buuxda u gudanayaan waajibaadkooda. Waxa uu xusay in horumar la taaban karo laga sameeyay sugidda amniga guud, isaga oo tilmaamay in ay jiraan dano gaar ah oo doonaya in magaaladu dib ugu laabato marxaladihii cakirnaa ee hore, sida dilal, qaraxyo iyo qalalaase amni.

Ugu dambayn, Duqa Magaalada Muqdisho ayaa bulshada caasimadda ugu baaqay inay kaalin mug leh ka qaataan ilaalinta nabadda iyo xasilloonida, isla markaana ay iska kaashadaan horumarinta nidaamka doorashooyinka iyo dowlad-wanaagga.

Madaxweynaha JFS oo ka tacsiyeeyey geerida Madaxweynihii hore ee Puntland

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, bulshada Puntland iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed, kaddib geerida naxdinta leh ee ku timid Madaxweynihii hore ee Puntland, Marxuum Jaamac Cali Jaamac.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Marxuumku uu ka mid ahaa haldoorka Soomaaliyeed ee door muuqda ka soo qaatay horumarinta dowladnimada iyo adkeynta midnimada qaranka, isagoo xusay in uu si weyn uga soo shaqeeyey dhinacyada amniga, siyaasadda iyo dib-u-heshiisiinta, taas oo muujinaysa kaalinta uu ku lahaa dhismaha iyo xoojinta qarannimada Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa Alle uga baryey Marxuum Jaamac Cali Jaamac inuu ku gallado Jannatul Firdowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyskiisa, ehelkiisa, iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed.

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖asaaraha XFS 𝐨𝐨 𝐱𝐚𝐫𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐤𝐚 𝐣𝐚𝐫𝐚𝐲 𝐌𝐚𝐬𝐫𝐚𝐱𝐚 𝐏𝐫𝐨𝐟. 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐢𝐢𝐟 𝐒𝐚𝐚𝐥𝐚𝐱 𝐞𝐞 𝐉𝐚𝐚𝐦𝐚𝐜𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐔𝐦𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa Caawa ka qeyb galay munaasabad xarigga looga jarayey Masraxa Prof. Shariif Saalax Maxamed Cali, ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in furitaanka masraxa cusub uu yahay tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo horumarinta waxbarashada, dhaqanka, fanka iyo cilmi-baarista, isla markaana uu dhiirrigelinayo hal-abuurka iyo doorka ay jaamacaduhu ku leeyihiin kobcinta aqoonta iyo wacyigelinta Bulshada.

“Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed waa hoggaamiye, Waxaa ay hoggaamisaa Tacliinta sare ee dalka, Waxaana rajeynayaa in ay noqoto hoggaamiye wanaagsan, si ay booskaas u buuxisana waxaan ku dadaali doonaa in aan hormarinno”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa

Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa Bulshada Soomaaliyeed la wadaagay in Sanadka soo aaddan ee 2026 ay dalka ka bilaaban doonto qodista iyo soo saarista Shidaalka taas oo wax weyn ka badali doonta nolosha dadka Soomaaliyeed.

Munaasabadda Xarigjarka Masraxa oo loogu magac daray Guddoomiyihii hore ee Jaamacadda Ummadda sidoo kalena ka mid ahaa guddigii qorista Farta Soomaaliga Prof. Shariif Saalax Maxamed Cali waxaa ka qeyb galay xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada, maamulka Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, aqoonyahanno, arday, iyo marti sharaf kale.