Home Blog Page 81

Soomaaliya iyo Qaramada Midoobey oo kala saxiixday Hagaha Ilaalinta Carruurta ee 2025.

0

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay ayaa maanta kala saxiixday Hagaha Hirgelinta Qorshaha 2025 ee lagu xoojinayo ilaalinta carruurta ay saameeyeen colaadaha hubeysan.

Hagahan waxaa Dowladda Soomaaliya u saxiixay Wasiirka Gaashaandhigga, Mudane Axmed Macallin Fiqi; halka dhinaca Qaramada Midoobayna ay u saxiixeen Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya, Mudane James Swan, iyo Wakiilka UNICEF ee Soomaaliya, Marwo Sandra Latouff.

Saxiixan wuxuu muujinayaa dib-u-habeyn qaran oo joogto ah, wuxuuna xoojinayaa isla xisaabtanka hay’adaha amniga iyo ilaalinta badqabka carruurta.

Qorshahani wuxuu ka tarjumayaa horumaradii la gaaray sannadihii la soo dhaafay iyo go’aanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ah in si dhab ah looga hortago xadgudubyada culus ee ka dhanka ah carruurta, iyadoo lala kaashanayo saaxiibada caalamiga ah si loo ilaaliyo mustaqbalka carruurta Soomaaliyeed.

Munaasabadda saxiixa waxaa goobjoog ka ahaa xubnaha Guddiga Isku-dhafka Wasaaradaha ee Arrimaha Carruurta iyo Colaadaha Hubeysan (CAAC) oo ka socda Wasaaradaha Gaashaandhigga, Amniga Gudaha, Cadaaladda, Arrimaha Dastuurka, iyo Qoyska & Horumarinta Xuquuqda Aadanaha.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Sucuudiga ee Soomaaliya.

0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa maanta xafiiskiisa kulan miro-dhal ah kula qaatay Safiirka Boqortooyada Sucuudi Carabiya u fadhiya Soomaaliya, Danjire Axmed Bin Maxamed Almowallad.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka taariikhiga ah iyo iskaashiga walaaltinimo ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Boqortooyada Sucuudi Carabiya, gaar ahaan dhinacyada taageerada hay’adaha dowliga ah, horumarinta Baarlamaanka, iyo iskaashiga arrimaha siyaasadda iyo horumarka.

Safiirka ayaa bogaadiyay dadaallada Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo Baarlamaanka Soomaaliya ee ku aaddan dhismaha hay’adaha sharci-dejinta, wuxuuna caddeeyay in Dowladda Sucuudigu sii xoojin doonto taageeradeeda ku aaddan horumarka, xasilloonida iyo dib-u-dhiska Soomaaliya.

Guddoomiyaha ayaa uga mahadceliyay Dowladda Sucuudiga kaalinta ay ka qaadato taageerada Soomaaliya, isagoo si gaar ah u xusay doorkooda ku aaddan gargaar bani’aadanimo, horumarinta adeegyada bulshada, iyo garab istaagga dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Kulanka ayaa kusoo dhammaaday is-afgarad iyo ballan-qaad ku aaddan sii wadidda wada-shaqeyn dhow oo labada dhinac ah, taas oo dan u ah labada dal iyo shacabkooda.

Dowlad Goboleedka KGS oo ku dhawaaqday xaalad bani’aadanimo oo degdeg ah. 

0

Wasaaradda Arrimaha Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka ee Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed ayaa ku dhawaaqday xaalad bani’aadanimo oo ka jirta deegaanada maamulkaasi.

Wasaaraddu waxay sameysay xog-uruurin ku saabsan xaaladda bani’aadanimo ee ka jirta deegaannada KGS, taas oo muujisay in 621,000 qof ay u baahan yihiin gargaar degdeg ah.

Sidoo kale, warbixinta ayaa xustay in 134,970 carruur ah oo da’doodu ka yar tahay 5 sano ay wajahayaan xaalad nafaqo-darro aad u daran.

Wasaaraddu waxay sidoo kale sheegtay in yaraanta roobabka ay si weyn u saameysay dalagyadii beeraha iyo ilihii biyaha, taasoo keentay in dadku u kala guuraan masaafooyin fogfog si ay u helaan biyo iyo nolol.

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka oo ka hadlay daabulidda qalabka codbixinta.

0

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka, Mudane Cabdikariin Axmed Xasan, ayaa sheegay in guddigu uu bilaabayo daabulidda qalabka rasmiga ah ee lagu codeyn doono, si loo geeyo xarumaha loogu talagalay codbixinta degmooyinka kala duwan ee Gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha ayaa tilmaamay in diyaarinta qalabka codbixinta ay tahay mid muhiim u ah sidii doorashadu ugu dhici lahayd si hufan, amni ah, loona xaqiijin lahaa in muwaadiniinta codkooda si xor ah u dhiibtaan maalinta doorashada ee la qorsheeyay 25-ka Diseembar.

“Qalabkii lagu codeyn lahaa ayaan rabnaa in aan si degdeg ah ugu daabulno xarumaha loogu talagalay codbixinta, si aan ugu diyaar garowno waqtiga doorashada oo aad noogu dhow,” ayuu yiri Guddoomiye Cabdikariin.

Guddiga Doorashooyinka ayaa xusay in dhammaan hay’adaha amniga lala kaashanayo arrimaha sugidda amniga iyo ilaalinta qalabka, iyadoo sidoo kale la diyaarinayo tababarro loogu talagalay shaqaalaha ka howlgelaya goobaha codbixinta.

Tallaabadan ayaa qeyb ka ah dadaallada Guddiga Doorashooyinka Qaranka uu ugu jiro qabsoomidda doorasho xor ah, cadaalad ah, oo waqtigeeda ku dhacda.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo dhagax-dhigay dayactirka Warta Boondheere. 

0

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa Arbacada maanta ah waxa uu si rasmi ah u dhagax-dhigay Mashruuca Dayactirka iyo Faara-bixinta Warta Degmada Boondheere, tallaabadan ayaa ka mid ah dadaallada ballaaran ee Dowladda Hoose ee Xamar ay ku horumarinayso kaabeyaasha muhiimka ah ee caasimadda.

Guddoomiye Dr. Muungaab oo munaasabadda dhagax-dhigga khudbad ka jeediyay, ayaa muujiyay muhiimadda istiraatiijiyadeed ee Mashruucan, maadaama ay Warta Boondheere tahay biyo-qabadka shan degmo oo ka tirsan Gobolka Banaadir. Waxa uu carrabka ku adkeeyay in mashruucan uu door weyn ka qaadan doono hagaajinta nidaamka biyo-mareennada, yareynta khataraha fatahaadaha xilliyada roobabka, iyo fududeynta isu-socodka gaadiidka iyo dadweynaha.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in mashruuca dayactirka iyo faara-bixinta Wartan ay si buuxda u maalgelisay Dowladda Hoose ee Muqdisho, islamarkaana ay tahay middii saddexaad ee noocan ah oo si rasmi ah shaqo looga billaabo, iyadoo horay wax looga qabtay biya-mareennada muhiimka ah ee magaalada, kuwaas oo qaarkood ay weli ka socdaan hawlo dhismo ah.

Dhanka kale, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) oo ka hadlay arrimaha doorashooyinka, ayaa ku booriyey shacabka Gobolka Banaadir inay si wacyi leh, mas’uuliyad muwaadinimo huwan, islamarkaana ay xaq dastuuri ah ku gudanayaan ugu soo baxaan doorashada golaha deegaanka ee la qorsheeyay in ay dhacdo 25-ka bishan Diseembar, si ay door muuqda uga qaataan mustaqbalka maamul iyo horumarineed ee magaaladooda.

Wariye Axmed Saciid Axmed oo ka badbaaday isku day dil

0

Wariye Axmed Saciid Axmed ayaa ka badbaaday isku day dil kadib markii koox hubeysan oo afka u duuban ay weerar ku qaadeen gurigiisa oo ku yaalla degmada Cabdicasiis ee gobolka Banaadir.

Weerarka oo loo adeegsaday bam gacmeedyo ayaa dhacay xilli uu wariye Axmed Saciid ku sugnaa hoygiisa, waxaana ka dhashay burbur hantiyeed oo soo gaaray qeybo ka mid ah guriga inkastoo wariyaha uu ka badbaaday.

Wariye Axmed Saciid ayaa sanadkii 2022 waxaa dhaawac culus ka soo gaaray qarax gaarigiisa loogu xeray, isagoo dhaawac halis ah ka soo gaaray qeybaha sare ee jirkiisa sida gacanta iyo feeraha.

Wariye Axmed Saciid Axmed ayaa lagu tilmaamaa mid ka mid ah wariyaasha firfircoon ee ka shaqeeya Muqdisho, isagoo si gaar ah diiradda u saara arrimaha siyaasadda iyo bulshada. Waxa uu caan ku yahay falanqeyn qoto dheer, xog ururin sax ah iyo dhexdhexaadnimo, taasoo u sahashay inuu kasbado kalsoonida iyo taageerayaal badan intii uu ka shaqeynayay warbaahinta.

Xaaladda wariyaasha Soomaaliyeed ayaa weli ah mid cakiran oo ay hareeyeen khataro amni iyo cadaadisyo kala duwan, wariyaasha ka howlgala caasimadda iyo gobollada dalka ayaa marar badan la kulma hanjabaado, weerarro toos ah iyo xadgudubyo ka dhan ah shaqadooda, taasoo muujineysa baahida loo qabo in la helo ilaalin dheeraad ah oo ay helaan Saxafiyiinta Soomaaliyeed.

 

Hay’adda NISA oo howlgallo qorsheysan ka fulisay deegaanka Tardo ee Gobolka Hiiraan.

0

Muqdisho, Diseembar 16, 2025: Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa maanta howlgallo qorsheysan ka fuliyay deegaanka Tardo ee Gobolka Hiiraan, halkaas oo lagu dilay illaa sagaal dhagarqabe oo ka tirsanaa Khawaarijta, sidoo kalena lagu burburiyay goob ay u diyaariyeen dhibaateynta shacabka.

Howlgalkan ayaa yimid kaddib markii la helay xog sirdoon oo sugan oo muujinaysay in maleeshiyaadka Khawaarijta ay halkaas ka sameysteen bar-koontarool sharci-darro ah, isla markaana ay qorsheynayeen in ay lacago baad ah kaga qaadaan gawaarida shacabka. Howlgalka oo si guul ah ku soo dhammaaday ayaa lagu fashiliyey damacii Khawaarijta.

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) waxaa ka go’an in meel kasta lagu beegsado cadowga Khawaarijta ah ee ku howlan dhagarta iyo dhibaateynta shacabka Soomaaliyeed.

Wasiirka Caafimaadka oo Furay Ololaha Tallaalka Cudurka Gowracatada

0

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Cali Xaaji Aadan iyo gudoomiye ku xigeenka arimaha bulshada maamulka Gobolka Banaadir, Cabdicasiis Cismaan Maxamed, ayaa maanta si rasmi ah u daahfuray wajiga koowaad ee Ololaha Tallaalka Cudurka Gowracatada (Diphtheria), kaas oo laga hirgelin doono guud ahaan Gobolka Banaadir.

Munaasabadda daahfurka oo lagu qabtay iskuulka Muqdisho ee degmada Shibis ayaa waxaa kasoo qeybgalay masuuliyiin ka tirsan dowladda, bah-wadaagta caafimaadka, iyo wakiillo ka socday hay’adaha caalamiga ah, waxaana madasha lagu muujiyay muhiimadda uu tallaalku u leeyahay badbaadinta nolosha carruurta iyo xakameynta cudurrada faafa.

Ololaha tallaalka oo socon doona 16–20 December 2025, ayaa u jeedadku yahay in adeeg bixinta la gaarsiiyo carruurta ku nool degmooyinka Gobolka Banaadir, si looga hortago faafitaanka cudurka gowracatada oo khatar ku ah caafimaadka bulshada, iyadoo wasaaradda caafimaadkana dhawaan ay shaacisay in sanadkan kaliya la diiwaan galiyay Kun kiis ayna u geeriyoodeyn Boqol caruura.

Agaasimaha Caafimaadka Gobolka Banaadir, Dr. Cabdirahman Axmed Maxamuud, ayaa tilmaamay ineey nasiib darrro tahay in iyadoo lagu jiro 2025 in gobolka Banaadir laga diiwaan galiyo kiisas badan oo cudurka gowracatada ah, caruurna ay u dhintaan.

Guddoomiye Kuxigeenka Arrimaha Bulshada iyo Wacyigelinta G.Banaadir Mudane Cabdicasiis Cismaan Maxamed, ayaa tilmaamay in talaalka la gaarsiinayo Iskuulada, dugisyada Quraanka iyo xaruumaha caafimaadka, wuxuuna waalidiinta ugu baaqay ineey caruurtooda talaallaan.

Wasiirka Caafimaadka iyo daryeelka bulshada XFS Dr Cali Xaaji Aadan, ayaa xusay ineey xoogga saari doonaan dabargoynta cudurka Gowracatada oo xilligan inta badan dunida laga ciribtiray.

 

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo kormeer shaqo ku tegay degaanno dhaca jiinka Webiga Shabeelle

0

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), Sareeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar (Gen. Khaalid), ayaa kormeer shaqo ku tegay deegaanno ku yaalla jiinka Webiga Shabeelle ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Taliyaha oo ay wehlinayeen saraakiil ka tirsan Xoogga Dalka Soomaaliyeed, ayaa ugu horreyn kulammo la qaatay Maamulka Degmada Balcad oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Degmada, Mudane Qaasim Cali Nuur (Qaasim Furdug), iyo sidoo kale saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka ee ku sugan deegaannada jiinka webiga ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Gen. Sahal Cabdullaahi Cumar ayaa bogaadiyey naf-hurnimada iyo geesinimada ay muujinayaan ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee si joogto ah u dhabar-jebinaya cadowga argagixisada ah, waxa uuna faray saraakiisha in ay laba-jibbaaraan waajibaadkooda ciidan si loo sii xoojiyo amniga.

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa wada howlgallo ballaaran oo lagu ciribtirayo Khawaarijta lidka ku ah nolosha iyo mustaqbalka ummadda Soomaaliyeed, iyagoo fuliyey howlgallo guuleystay oo sababay amni iyo xasillooni baahsan oo ay heleen shacabka Soomaaliyeed.

 

 

Wasiir Ku-xigeenka Ganacsiga oo ka qaybgalay Madasha Heshiiska Xorta ah ee Qaaradda Afrika

0

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamuud Axmed Cabdullahi (Abukaate), ayaa ka qaybgalay shirkii labaad ee Madasha Ganacsiga ee Heshiiska Xorta ah ee Qaaradda Afrika (AfCFTA) oo ka dhacay Marrakech, Morocco.

Shirkan ayaa diiradda lagu saaray sidii si wadajir ah iyo hufnaan loogu hirgelin lahaa AfCFTA, waxaana ka qaybgalay wasiirrada ganacsiga ee Afrika, madaxda hay’adaha ganacsiga, iyo hoggaamiyeyaasha ganacsi ee qaaradda.

Intii uu shirku socday, Mudane Maxamuud Axmed Cabdullahi (Abukaate) ayaa la kulmay madaxda sare ee AfCFTA, Ra’iisul Wasaaraha Morocco, Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Morocco, iyo wasiirrada ganacsiga ee dalalka Tanzania, Itoobiya, Koonfurta Suudaan, iyo Jabuuti.

Kulamadan ayaa looga hadlay xoojinta xiriirka laba-geesoodka ah, horumarinta iskaashiga ganacsi, iyo kobcinta doorka Soomaaliya ee isdhexgalka Afrika.

Ka qaybgalka Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha wuxuu muujinayaa sida Soomaaliya uga go’an tahay isku xirka ganacsiga gobolka, fulinta heshiiska AfCFTA si hufan, ka faa’iidaysiga fursadaha ganacsi ee gobolka, iyo kor u qaadista muuqaalka Soomaaliya ee madalaha ganacsiga ee qaaradda.