Home Blog Page 81

Dowladaha Soomaaliya iyo Sacuudi Carabiya oo yeeshay kulan lagu xoojinayo iskaashiga dhijitaalka ah

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan Maxamed Aadan Macallin (Soomaali), ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Wasiirka Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyada Boqortooyada Sacuudi Carabiya, Mudane Injineer Cabdullaahi Aamir Al-Swaha.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada dal ee dhinacyada horumarinta adeegyada dowladda dhijitaalka ah, dhismaha kaabeyaasha isgaarsiinta, iyo maalgelinta tiknoolajiyadda casriga ah ee kor u qaadaysa adeegyada dadweynaha.

Wafdiga Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa qeyb ka ahaa Maareeyaha Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka, Mudane Mustafa Yasin Sheikh, oo kulanka uga qeyb qaatay dhinaca farsamada iyo qorsheynta istaraatiijiga ah ee la xiriirta shabakadaha isgaarsiinta iyo nidaamyada dhijitaalka ah.

Kulanka ayaa kusoo dhammaaday is-afgarad buuxa, iyadoo Wasiirka Isgaarsiinta Sacuudi Carabiya uu si gaar ah ugu amaanay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Wasaaradda Isgaarsiinta dadaalka xooggan ee ay ugu jiraan horumarinta isgaarsiinta iyo adeegyada dhijitaalka ah.

Ugu dambeyn, labada dhinac waxay hoosta ka xariiqeen muhiimadda ay leedahay in la sii xoojiyo xiriirka taariikhiga ah ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Boqortooyada Sacuudi Carabiya, iyagoo isku raacay in la dardar-geliyo wada-shaqeynta ku aaddan casriyeynta dowladnimada iyo ka faa’iideysiga tiknoolajiyadda casriga ah.

Wafdi ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya oo gaaray Laascaanood

Laascaanood Wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Yuusuf Cali (Xoosh), ayaa maanta gaaray magaalada Laascaanood ee xarunta maamulka SSC-Khaatumo.

Wafdiga ayaa ka kooban wasiirro heer federaal, Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Aqalka Sare Mudane Timacadde, iyo xildhibaano ka tirsan Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka.

Ujeedada safarka wafdiga ayaa ah ka qeybgalka Shirweynaha dhameystirka maamul-dhiska SSC-Khaatumo oo si rasmi ah uga furmay magaalada Laascaanood, iyadoo kulankan uu yahay mid muhiim u ah xoojinta hannaanka dowlad dhiska deegaanka.

Wafdiga ayaa lagu wadaa in ay kulammo la yeeshaan qaybaha kala duwan ee bulshada, si loo dardargeliyo dadaallada nabadda, horumarka iyo maamulka loo dhanyahay ee SSC-Khaatumo.

Wasiirka Dhallinyarada XFS oo ka qeyb galay daah-furka Istaraatiijiyadda Dhallinyarada Carabta

Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdulqaadir Cali, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Cammaan ee dalka Urdun, halkaas oo uu uga qeyb-galayo daah-furka Istaraatiijiyadda Carbeed ee Dhallinyarada, Nabadda iyo Amniga (Arab Strategy for Youth, Peace and Security).

Munaasabadda furitaanka oo si heer sare ah loo agaasimay ayaa waxaa kasoo qeybgalay wasiirrada Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ee waddamada Carabta, iyadoo magaalada Cammaan loo aqoonsaday caasimadda Dhallinyarada Carabta ee sanadka 2025.

Wasiirka ayaa kulamo gaar gaar ah la yeelan doona dhiggiisa Carbeed iyo wakiillo ka socdo hay’adaha caalamiga ah, si uu uga warbixiyo qorshaha Soomaaliya ee la xiriira Dhallinyarada, Nabadda iyo Amniga, kaas oo maraya heer gebogebo ah.

Guddoomiyaha SoDMA oo kulan la yeeshay Safiirka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa kulan miro-dhal ah la yeeshay Safiirka Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha u fadhiya Soomaaliya.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada dal, gaar ahaan dhinacyada:

– Kordhinta awoodda u diyaar garowga iyo ka jawaabista xaaladaha degdegga ah

– Taageeridda dib-u-dhiska kaabayaasha muhiimka ah

– Horumarinta nolol waarta oo loo abuuro bulshooyinka nugul

Iskaashigan ayaa ujeedkiisu yahay in la xoojiyo dadaallada SoDMA ee ku aaddan la tacaalidda xaaladaha degdegga ah, taasoo ah tallaabo muhiim u ah badbaadada iyo adkeysiga bulshada Soomaaliyeed.

Wasiirka Shaqada XFS oo kulan la qaatay dhiggiiga dalka Itoobiya

Xildhibaan Yuusuf Maxamed Aadan, ayaa kulan la qaatay Wasiirka Shaqada iyo Xirfadaha dalka Itoobiya, Marwo Muferihat Kamil Axmed.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada dal, gaar ahaan arrimaha shaqo-abuurka, horumarinta xirfadaha, iyo tayeynta suuqa shaqada ee Geeska Afrika.

Sidoo kale, Wasiir Yuusuf ayaa kulan gaar ah la yeeshay Madaxa African Electronic Trade Group (AeTrade), Mudane Mulualem Syoum, iyadoo kulankaasi lagu falanqeeyay sidii loo xoojin lahaa wada-shaqeynta labada dhinac, gaar ahaan barnaamijyada shaqo-abuurka iyo xirfad-siinta dhallinyarada Soomaaliyeed si loo horumariyo mustaqbalkooda.

Ugu dambeyn, waxaa lagu heshiiyay in la dhiso guddi farsamo oo ka kooban labada dhinac, kaas oo ka shaqeyn doona hirgelinta iskaashiga labada dal.

Kulan ku aadan xoojinta adeegyada gurmadka oo Muqdisho ka dhacay

0

Guddiga Qaran ee gurmadka ayaa maanta shir ku yeeshay magaalada Muqdisho, iyagoo ka arrinsaday xoojinta adeegyada gurmadka degdegga ah iyo u diyaar-garowga xaaladaha musiibo ee ka dhici kara dalka.

Shirkan oo ka dhacay xarunta Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), waxaa shir guddoominayay Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka, ahna Guddoomiyaha Guddiga Gurmadka Qaran, Dr. Cali Xaaji Aadan. Waxaa sidoo kale ka qeyb galay Wasiirka Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Faarax Sheekh Cabdulqaadir; Guddoomiyaha SoDMA, Maxamuud Macallin Cabdulle; iyo wakiillo ka socday ururrada bulshada rayidka ah.

Intii uu socday kulanka, guddigu waxay xoogga saareen kor u qaadista tayada adeegyada caafimaadka ee xarumaha gurmadka degdegga ah, iyadoo la dardargelinayo qalabeyntooda si ay si hufan uga jawaabaan xaaladaha degdegga ah. Waxa kale oo la adkeeyay baahida loo qabo diyaar-garow wax-ku-ool ah oo looga hortagi karo musiibooyinka soo noqnoqda ee dalka saameeya.

Sidoo kale, guddigu waxay ka doodeen baahida loo qabo in la sameeyo dadaallo dhaqaale ururin ah oo ku saleysan iskaashi u dhexeeya dowladda, ganacsatada, iyo shacabka, si loo xoojiyo awoodda hay’adaha gurmadka ee la tacaalaya xaaladaha degdegga ah.

Guddoomiyaha Guddiga, Dr. Cali Xaaji Aadan, ayaa sheegay in shirka uu qayb ka yahay dadaallada lagu xoojinayo awoodda gurmadka dalka, isla markaana looga golleeyahay in laga fogaado jawaab celin daahsan marka ay dhacaan musiibooyin.

Kulankan ayaa imaanaya iyadoo qeybo kamid ah dalka ay wajahaan xaalado adag oo bini’aadantinimo, kuwaas oo u baahan iskaashi iyo u diyaar-garow mideysan.

 

 

Wasiirka amniga oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay

0

Wasiirka wasaaradda amniga gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi sare oo ka socday Qaramada Midoobay, kuwaas oo ay hoggaaminayeen Ms. Nasrin Khan, Madaxa Kooxda Xeerka iyo Hay’adaha Amniga, iyo Ms. Leila Bouchebouba, Madaxa Qaybta Dib-u-habaynta Laamaha Amniga.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wada-shaqeynta u dhaxaysa Wasaaradda Amniga Gudaha iyo hay’adaha caalamiga ah ee ka shaqeeya horumarinta nidaamka sharciga iyo dib-u-habaynta hay’adaha amniga, si loo xaqiijiyo amni waara iyo xasillooni ka hanaqaada guud ahaan dalka.

Wasiirka amniga Gudaha ayaa uga mahadceliyay martida doorkooda muhiimka ah ee ay ka qaataan taageerada dib-u-habaynta laamaha amniga iyo horumarinta hay’adaha garsoorka, isaga oo xusay in ay muhiim tahay in la xoojiyo iskaashiga joogtada ah ee labada dhinac.

Ciidanka Danab oo howlgallo ka fuliyay Shabeellada hoose

0

Ciidamada Kumaandooska Danab ee CXD ayaa xalay fuliyay hawlgal qorsheysan oo ka dhacay deegaanka Baqdaad ee gobolka Shabeellada hoose, kaas oo lagu beegsaday malleeshiyaadka Khawaarijta Al-Shabaab.

Hawlgalka ayaa lagu burburiyay afar doonyood oo kooxda Khawaarijtu u adeegsan jirtay in ay isaga gudbaan deegaannada wabiga ku teedsan ee Shabeelooyinka, si ay u gudbiyaan saanad, una fuliyaan falal amni darro iyo weerarro qarsoodi ah.

Sidoo kale, hawlgalka waxaa lagu burburiyay goobo muhiim ah oo argagixisadu ku lahayd deegaankaas, kuwaas oo looga soo abaabuli jiray weerarro ka dhan ah shacabka iyo ciidamada deegaanka, iyadoo sidoo kale la beegsaday meelo istaraatiiji ah oo Khawaarijtu u adeegsanayeen gabbaad iyo kaydinta hubka.

Duqa muqdisho oo la kulmay laamaha ammaanka ee gobolka Banaadir

0

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada muqdisho mudane Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa xarunta aqalka dowladda hoose ee Xamar ku guddoomiyay kulan looga hadlaayay dardargelinta amniga caasimada.

Kulanka oo uu goobjoog ka ahaa guddoomiye kuxigeenka amniga iyo siyaasada gobolka Banaadir mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) ayaa warbixinno looga dhaggeystay saraakiisha qeybta guud ee Booliska gobolka Banaadir, nabadsugidda iyo Police Military.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada muqdisho Mudane Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa bogaadiyay dadaallada hey’addaha amniga ay ku xaqiijinayaan amniga caasimadda, asigoo kula dardaarmay in la dardargeliyo amniga iyo wada shaqeynta.

Guddoomiyaha SoDMA iyo Safiirka Imaaraadka oo ka wada hadlay xoojinta gargaarka bini’aadantinimo

0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta kulan la qaatay Safiirka Dowladda Isu-tagga Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya, Mudane Axmed Juma Al-Rumaithi.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga gargaarka bini’aadantinimo, gaar ahaan sidii gargaar degdeg ah loo gaarsiin lahaa dadka ay abaartu saameysay ee ku sugan gobollada Waqooyi ee dalka. Labada mas’uul waxay isla garteen baahida degdegga ah ee loo qabo in wax laga qabto xaaladaha abaarta, iyagoo muhimad gaar ah siiyey in laga hortago saameynta ay abaartu ku leedahay nolasha bulshada, iyadoo la qorsheynayo in ceelal biyoodyo laga hirgeliyo deegaannada sida joogtada ah abaartu ugu soo noqnoqoto.

Sidoo kale, Guddoomiye Maxamuud Macallin ayaa safiirka la wadaagay qorshe safar rasmi ah oo uu dhowaan ku tagi doono Imaaraadka Carabta, halkaas oo uu kulan kula yeelan doono hay’adaha gargaarka iyo gurmadka degdegga ah ee dalkaasi. Ujeeddada safarkaasi waa xoojinta xiriirka labada dhinac iyo u ololeynta in la kordhiyo kaalmada tooska ah ee la gaarsiiyo dadka Soomaaliyeed ee nugul.

Guddoomiyuhu wuxuu uga mahadceliyey Dowladda Imaaraadka Carabta taageerada joogtada ah ee ay siiso shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna xusay in xiriirka labada dal uu yahay mid ku dhisan walaaltinimo iyo is-garabsi.

Dhankiisa, Safiir Axmed Juma Al-Rumaithi ayaa ballan qaaday in Dowladda Imaaraadku ay si buuxda uga shaqeyn doonto qodobadii laga wada hadlay, isla markaana ay dhawaan Soomaaliya soo gaarsiin doonaan shixnad gargaar ah oo loogu talagalay dadka ay saameeyeen xaaladaha bini’aadantinimo.