Home Blog Page 80

Munaasabada xuska ciidanka Booliiska oo goordhow ka bilaaban doonta Muqdisho

0

Waxa maanta oo ah 20-ka bisha disember si weyn looga xusayaa dalka xuska maalinta ciidanka Booliiska Soomaaliyeed oo sannad walba la xuso 20-bishan.

Xuska maalinta ciidanka Booliiska ayaa ah astaan ka mid ah maalmaha qaranka ee loo dabbaaldego xusuusta dhaxalgalka ah ee umadda,gaar ahaan aasaaska ciidamada Booliiska oo ka mid ah qeybaha ciidamada ee xilka iska saaray difaaca dadka iyo dalka,isla markaana door wax ku oolka ah ka soo qaatay dhalinta miraha xoriyadda ee aan harsaneyno.

Sanadkii 1943-diii ayey aheyd markii la unkay dhismaha ciidan Booliis ah oo xilligaasi loo arkaayey in ay yihiin kuwa ugu faca weyn ,isla markaana lagama maarmaan u ahaa yagleelidda dhismaha dowlad Soomaaliyeed oo wax la wadaagta dunida.

Qaybaha kala duwan ee ciidanka Booliiska ayaa maalmihii u dambeeyey ku jiray u diyaar garowga xuska iyagoo soo bandhigayey cutubyo loo diyaariyey in ay si weyn uga qayb qaataan maalintan oo ku weyn qaranka Soomaaliyeed.

Xuska Maalinta Ciidanka Boliiska ee 20-ka Disembar

0

20-ka disember waa astaan ka mid ah maalmaha qaran ee loo dabbaaldego xusuusta dhaxalgalka ah ee umadda,gaar ahaan aasaaska ciidamada Boliiska oo ka mid ah qeybaha ciidamada ee xilka iska saaray difaaca dadka iyo dalka,isla markaana door wax ku oolka ah ka soo qaatay dhalinta miraha xoriyadda ee aan harsaneyno.

Sanadkii 1943-diii ayeey aheyd markii la unkay dhismaha ciidan Boliis ah oo xilligaasi loo arkaayey in ay yihiin kuwa ugu faca weyn ,isla markaana lagama maarmaan u ahaa yagleelidda dhismaha dowlad Soomaaliyeed oo wax la wadaagta dunida inteeda kale.

Marka loo eego waxqabadkooda iyo Waajibaadka qaran ee ay ku howlgalaan ciidanka waa mid cad oo ku qoran dastuurka dalka,waxayna qabtaan shaqooyin adag oo dan u ah dadka,dalka iyo caalamka kuwaas oo ay kamid yihiin:- 1-la dagaallanka dambiyada ka dhaca gudaha iyo dibadda .2-la-dagaallanka argagixisada .3-difaaca dalka.4-Sugidda amniga gudaha dalka iyo 5- Ilaalinta sharciga dalka iyo kan caalamka.

Ciidamada Boliiska waa hey’adda ugu sareysa ee fulinta sharciga madaniga ah,sidaa aawadeed,waxay xubin firfircoon iyo xiriir shaqo oo dhab ah la wadaagaan ururka caalamiga ah ee boliiska adduunka (Interpool).

Waxaa marag ma doonto ah in ciidamada Boliiska ay yihiin kuwo geesiyaal ah oo lagu faano,isla markaaana guulo ka soo hooyey dagaaladii dhacay sanadihii 1964-tii iyo 1977-dii,ee lagu raadinaayey dhulalkii ku maqnaa gacanta gumeysigii shisheeye.

Waloow bur-burkii ka dhacay dalka 1991-dii uu saameyn ku yeeshay ciidamada ,haddana laga soo bilaabo sanadihii 2000 waxaa lagu guuleystay in dib loo uruuriyo ciidamada, isla markaana la howlgaliyo qeybihii iyo talisyadii uu ka koobnaa ,iyadoo lagu kordhiyay dhallinyaro cusub oo dhiirigeliyay soo celinta amniga iyo kala dambeynta.

Haddaba,xuska sanadkaan oo ku beegan sanadguurada82-aad waxa uu ka tarjumayaa aasaaska ciidamada boliiska oo ah hooyada ugu faca weyn ee ciidamada dalka,iyadoo xilligaan shacbiga Soomaaliyeed ay ka muuqdaan sida ay ugu qanacsan yihiin qaabka ay u socdaan howlaha ciidamada iyo dadaalada kale ee ay kaga qeybgalayaan horumarka dalka.

Boolisku waa awoodda labaad ee ay ku faanaan bulshada,waxayna dadaal ugu jiraan soo celinta amniga,sidaa daraadeed waxa ay u baahan yihiin in loo howlgalo sidii loo tayeyn lahaa, isla markaana loogu heli lahaa agab ama qalab ciidan oo ay ku hawl galaan iyo in la siiyo tababarro sare loogu qaadayo xirfaddoda shaqo si mustaqbalka dhow ay u hantaan ammaanka guud ee dalka.

Sidoo kale,ciidamada boliiska waa wehelka shacabka, siddaa daraadeed waxaa habboon in umadda Soomaaliyeed ay ciidamada kala shaqeeyaan soo celinta xasiloonida dalka iyo raadinta nidaam guud oo horseeda kala dambeyn.

Ugu dambeyntii saraakiisha,saraakiil xigeenada,alifleyda ,dableyda iyo guud ahaan xaasaska ciidamada Boliiska meel kasta oo ay joogaan waxaan u rajeyneynaa in sanadkaan kiisa kale ay ku gaaraan horumar iyo barwaaqo.

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN LA QAATAY RA’IISUL WASAARAHA ITOOBIYA.

0

Addis Ababa, Diseembar 19, 2025; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, oo safar shaqo oo hal maalin ah ku tagay magaalada Addis Ababa ee Jamhuuriyadda Federaalka Itoobiya, ayaa maanta kulan la yeeshay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Mudane Abiy Ahmed.

Kulanka Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya, iyo sidoo kale kor u qaadista iskaashiga dhinacyada amniga, siyaasadda iyo arrimaha gobolka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Mudane Abiy Ahmed, ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay sii wadidda wada-shaqeynta ku dhisan is-ixtiraam, daris-wanaag iyo danta guud ee labada dal, si loo xaqiijiyo xasilloonida iyo nabadda Geeska Afrika.

Wasiirka Kalluumaysiga Soomaaliya oo Ankara kula kulmay dhiggiisa Turkiga.

0

Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Xasan Aadan, ayaa magaalada Ankara ee dalka Turkiga kulan miro-dhal ah kula yeeshay Wasiirka Beeraha iyo Kaymaha Turkiga, Mudane İbrahim Yumaklı.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal, gaar ahaan labada wasaaradood, iyo dardargelinta fulinta heshiisyadii horay loo gaaray, iyadoo si gaar ah loo xusay Heshiiska Iskaashiga iyo Horumarinta Waxsoosaarka Badda oo muhiim u ah kobcinta dhaqaalaha kheyraadka badda ee Soomaaliya.

Wasiir Axmed Xasan Aadan ayaa uga mahadceliyay dowladda iyo shacabka Turkiga taageerada joogtada ah iyo xiriirka walaaltinimo ee labada dal ka dhaxeeya.

Wasiirka Beeraha iyo Kaymaha Turkiga, Mudane İbrahim Yumaklı, ayaa dhankiisa caddeeyay in dowladdiisu ka go’an tahay inay sii xoojiso taageerada ay siiso Soomaaliya iyo in la dhaqan geliyo dhammaan heshiisyada la saxiixay.

Wasiirka Amniga Gudaha Federaalka oo tababar u soo xiray gabdho ka tirsan Ciidanka Boliiska.

0

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa maanta tababar usoo xiray gabdho ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, kuwaas oo dhammeystay tababar socday muddo 90 maalmood ah, lana xiriiray xirfado amni oo khaas ah.

Wasiirka ayaa kula dardaarmay gabdhaha tababarka dhammeystay, oo ka tirsan galaaska lixaad ee Ciidanka Gaarka ah ee Galleyr, inay si daacad ah ugu adeegaan dalkooda iyo bulshadooda, isla markaana ay Qaranka uga faa’iideeyaan aqoonta iyo xirfadaha ay tababarka ku soo qaateen.

Sidoo kale, Wasiirku waxa uu bogaadiyay doorka muhiimka ah ee haweenku ka qaadanayaan sugidda amniga iyo dhismaha hay’adaha amniga dalka.

Kulanka Goblaha Wasiirrada oo looga hadlay doorashada Golaha Deegaanka ee gobolka Banaadir.

0

Muqdisho, Khamiis, 18 Diseembar 2025:-Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankooda toddobaadlaha ah, ayaa looga hadlay doorashooyinka dalka, gaar ahaan kuwa golaha deegaanka ee bishan ka qabsoomi doona caasimadda, iyada oo goluhu meel-mariyey shuruuc iyo xeerar muhiim u ah dalka.

Golaha Wasiirrada, ayaa Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, ka dhageystay warbixin la xiriirta doorashada golaha deegaanka ee bishan ka dhacaysa Muqdisho, iyada oo wasaaradda ay soo bandhigtay diyaarinta iyo xaqiijinta amniga goobaha codeynta iyo tirada muwaadiniinta qaatay kaararkooda ee u diyaarsan in ay codkooda dhiibtaan.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa wasiirrada ku ammaanay in iyaga iyo bulshada ay si wanaagsan isku soo barteen, muhiimna tahay in shacabka iyo dowladda is dhex-galaan, waxa uuna boggaadiyay dedaalkii ay u galeen in ay qeyb ka noqdaan ololaha doorashada.

Shirka Golaha Wasiirrada oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa lagu ansixiyey wax ka beddelka sharciga Bangiga Dhexe ee Soomaaliya, si loo xoojiyo nidaamka maaliyadeed iyo hufnaanta hey’adaha dhaqaalaha. Sidoo kale, Golaha ayaa meel-mariyey Hindise-Sharciyeedka Difaaca Qaranka, kaas oo lagu tayeynayo awoodda iyo waajibaadka hey’adaha amniga dalka.

Golaha Wasiirrada ayaa dood adag ka yeeshay, isla markaana ansixiyey Hindise-Sharciyeedka Sharciga Xuquuqda Carruurta iyo Hindise-sharciyeedka Sharciga Arrimaha Qoyska, kuwaas oo dhammaantood ujeedkoodu yahay horumarinta qoyska, ilaalinta xuquuqda carruurta iyo dhismaha nidaam sharci oo dhammeystiran. Labadan sharci ayaa ka soo gudbay dhammaan hab-raacyadii xeer-dajinta, la tashiyo lagala yeeshay culumada, iyada oo mas’uuliyiin ka socday xafiiska Garyaqaanka Guud iyo Wasaaradda Dastuurka ay faahfaahin dheer golaha ka siiyeen shaqada laga soo qabtay xeerarkan.

Labadan xeer ayaa la ansixiyay iyada oo wasaaradda ay quseyso la faray in ay wax kasoo badesho arrimo la xiriira ereybixinno kooban.

Sidoo kale, Golaha Wasiirradu waxa ay ansixiyeen siyaasadda iyo xeerka Sanduuqa Qaranka ee Horumarinta Waxbarashada (NEDF), taas oo lagu horumarinayo tayada waxbarashada dalka, si loo xaqiijiyo maalgelinno lagu taageerayo ardayda Soomaaliyeed.

Ciidanka Danab iyo MU oo howlgal ka fuliyay Shabeellaha Hoose.

0

Ururka 161-aad ee Ciidanka Kumaandooska Danab oo kaashanaya cutubka gawaarida gaashaaman ee MU ayaa howlgallo qorsheysan oo amni xaqiijin ah ka sameeyay deegaannada Basro, Baqdaad, Jambaluul iyo tuulooyin kale oo ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose, halkaas oo ay muddooyinkii dambe ku dhuumaaleysanayeen maleeshiyaadka Khawaarijta.

Howlgalka oo ka bilowday deegaanka Basro, ayaa Ciidanka Danab ku burburiyeen godadkii ay Khawaarijtu ku dhuumaaleysanayeen, iyadoo dhagar-qabayaashii halkaas ku sugnaa ay carareen, ka dib markii ay la kulmeen awood ciidan oo culus.

Sidoo kale, Ciidamadu waxay burburiyeen goobihii ay Khawaarijtu kaga dhuumaaleysanayeen deegaannada Jambaluul iyo Baqdaad, waxaana ay dib u soo celiyeen amnigii iyo xasilloonidii guud ee deegaanka. Ciidanka ayaa weli ku raad-jooga firxadka nabadiidka ee ka baxsaday goobahaas.

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya oo soo bandhigtay Waxqabadka Sannadka 2025.

0

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u soo bandhigtay Warbixinta Waxqabadka Sannadka 2025, iyadoo hal-ku-dheg looga dhigay “Secure Borders, Safe Somalia” sugidda amniga xuduudaha iyo ilaalinta shacabka Soomaaliyeed.

Warbixinta ayaa iftiimisay horumarro la taaban karo oo ay hay’addu ka gaartay dhowrista amniga xuduudaha, casriyeynta adeegyada socdaalka, iyo hirgelinta isbeddel dhijitaal ah oo lagu tayeynayo adeegyada. Sidoo kale, warbixintu waxay soo bandhigtay dib-u-habeyn sharciyeed iyo qaab-dhismeedyo hay’adeed oo la jaanqaadaya qorshaha istiraatiijiyadeed ee 2025–2029.

Intii lagu guda jiray sannadka 2025, HSJ waxay guulo waaweyn ka gaartay hirgelinta Nidaamka Oggolaanshaha Safarka Elektarooniga ah (e-TAS), casriyeynta baasaboorrada si ay ula jaanqaadaan heerarka ICAO, la-dagaallanka tahriibinta iyo dambiyada la xiriira socdaalka, iyo horumarinta nidaamyada xog-ururinta iyo ilaalinta xogta.

Warbixinta ayaa sidoo kale tilmaantay doorka muhiimka ah ee Akadeemiyada HSJ ee tababarka shaqaalaha, dhismaha xarumo cusub oo xuduudaha ah, iyo iskaashi qaran iyo caalami ah oo lagu xaqiijinayo amniga socdaalka.

Hay’addu waxay mar kale caddeysay sida ay uga go’an tahay in ay horumariso adeegyada socdaalka, kor u qaaddo amniga qaranka, una adeegsato xogta iyo tiknoolajiyadda casriga ah si loo helo hufnaan iyo isla-xisaabtan.

Wasiirka Gaashaandhigga Rwanda oo Muqdisho lagu soo dhaweeyay.

0

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan Cumar Cali Cabdi, ayaa maanta garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho si rasmi ah ugu soo dhaweeyay Wasiirka Gaashaandhigga Dowladda Rwanda, Mudane Marizamunda Juvenal.

Soo dhaweynta ayaa qeyb ka ah xiriirka iskaashi ee ka dhexeeya labada dal, waxaana Wasiirka Rwanda uu Muqdisho u yimid ka qeybgalka Kalfadhiga 35-aad ee Wasiirrada Gaashaandhigga dalalka ku bahoobay Ciidamada Heeganka ee Afrika Bari (EASF), kaasoo sanadkan martigelinayso Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Kulankaasi ayaa diiradda lagu saari doonaa arrimaha amniga gobolka, iskaashiga difaaca, iyo xoojinta awoodda ciidamada heeganka Afrika Bari, kuwaasoo door muhiim ah ka qaata nabad ilaalinta iyo ka falcelinta xaaladaha degdegga ah ee gobolka.

Soomaaliya oo xubin buuxda ka ah EASF ayaa door firfircoon ku leh kulankan, iyadoo muujineysa sida ay uga go’an tahay horumarinta iskaashiga amni ee gobolkan. Sidoo kale, martigelinta kulankan ayaa sare u qaadeysa doorka diblomaasiyadeed iyo amni ee ay Soomaaliya ka ciyaareyso gobolka Geeska Afrika.

Soomaaliya iyo Qaramada Midoobey oo kala saxiixday Hagaha Ilaalinta Carruurta ee 2025.

0

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay ayaa maanta kala saxiixday Hagaha Hirgelinta Qorshaha 2025 ee lagu xoojinayo ilaalinta carruurta ay saameeyeen colaadaha hubeysan.

Hagahan waxaa Dowladda Soomaaliya u saxiixay Wasiirka Gaashaandhigga, Mudane Axmed Macallin Fiqi; halka dhinaca Qaramada Midoobayna ay u saxiixeen Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya, Mudane James Swan, iyo Wakiilka UNICEF ee Soomaaliya, Marwo Sandra Latouff.

Saxiixan wuxuu muujinayaa dib-u-habeyn qaran oo joogto ah, wuxuuna xoojinayaa isla xisaabtanka hay’adaha amniga iyo ilaalinta badqabka carruurta.

Qorshahani wuxuu ka tarjumayaa horumaradii la gaaray sannadihii la soo dhaafay iyo go’aanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ah in si dhab ah looga hortago xadgudubyada culus ee ka dhanka ah carruurta, iyadoo lala kaashanayo saaxiibada caalamiga ah si loo ilaaliyo mustaqbalka carruurta Soomaaliyeed.

Munaasabadda saxiixa waxaa goobjoog ka ahaa xubnaha Guddiga Isku-dhafka Wasaaradaha ee Arrimaha Carruurta iyo Colaadaha Hubeysan (CAAC) oo ka socda Wasaaradaha Gaashaandhigga, Amniga Gudaha, Cadaaladda, Arrimaha Dastuurka, iyo Qoyska & Horumarinta Xuquuqda Aadanaha.