Home Blog Page 80

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo La Kulmay Waxgaradka Beelaha Dega SSC-Khaatumo

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan Cali Yuusuf Cali (Xoosh), ayaa kulamo wadatashi ah la qaatay qaar ka mid ah hoggaanka dhaqanka iyo waxgaradka beelaha Soomaaliyeed ee dega SSC-Khaatumo.

Kulamadan talo-wadaagga ah ee Wasiir Xoosh uu la yeeshay beelaha deegaanka ayaa diiradda lagu saaray arrimaha dhameystirka maamulka SSC-Khaatumo, xoojinta nabadda iyo xasilloonida, wadajirka bulshada iyo midnimada beelaha.

NISA oo 13 Khawaarij ah ku dishay howlgal qorsheysan oo ka dhacay Shabeellaha Dhexe

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa howlgallo qorsheysan ka fuliyay deegaannada Qoordheere, Xawaala-Kulan, Reydableey iyo magaalada Ceelbaraf ee gobolka Shabeellaha Dhexe, kuwaas oo lagu dilay 13 xubnood oo isugu jiray maleeshiyaad iyo horjoogayaal ka tirsanaa Khawaarijta.

Howlgalka ka dhacay deegaanka Qoordheere oo hoostaga degmada Raagaceelle, ayaa lagu beegsaday koox Khawaarij ah oo afartii maalmood ee u dambeysay isku abaabulayay halkaas. Intii uu socday howlgalka waxaa lagu dilay afar xubnood oo Khawaarij ah, waxaana la burburiyay teendhooyin iyo keyd hub ah oo ay geedaha hoostooda ku qarsadeen.

Dhanka kale, inta u dhaxeysa deegaannada Xawaala-Kulan iyo Reydableey, waxaa laga hortagay koox argagixiso ah oo qorsheynaysay falal amni-darro. Howlgalkaas waxaa lagu dilay shan xubnood oo isugu jiray maleeshiyaad iyo horjoogayaal.

Howlgalka saddexaad oo ka dhacay buurta Ceelbaraf, oo galbeed kaga beegan magaalada Ceelbaraf, ayaa lagu bartilmaameedsaday koox kale oo Khawaarij ah. Ilaa afar maleeshiyaad ah ayaa halkaas lagu dilay, iyadoo la burburiyay saldhig ay halkaas ka sameysteen.

UNHCR oo walaac ka muujisay sharciga magangalyo-doonka Giriigga

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga (UNHCR) ayaa Khamiistii si weyn uga walaacday wax ka beddel sharciyeed loo gudbiyay baarlamaanka Giriigga, kaas oo hakad gelinaya codsiyada magangalyo-doonka.

“Sharciga cusub ee wax ka beddelka ayaa joojinaya gudbinta codsiyada magangalyo-doonka muddo saddex bilood ah, gaar ahaan kuwa ka imanaya Waqooyiga Afrika iyo dalal kale, iyadoo dadkaas dib loo celinayo iyada oo aan la diiwaangelin,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay UNHCR.

Hay’addu waxay ka digtay in tallaabadani keeni karto in dad lagu celiyo meelaha ay khatar ugu jiraan nolol iyo badbaado darro. Sidoo kale, waxay dowladaha xasuusisay in aysan ka leexan karin mabda’a sharciyada caalamiga ah ee ilaalinaya xuquuqda magangalyo-doonka.

UNHCR waxay qiratay in qulqulka qaxootiga ee dhawaan gaaray deegaanka Gavdos iyo jasiiradda Crete uu sababay cadaadis, balse ay muhiim tahay in la xakameeyo xuduudaha si waafaqsan sharciga caalamiga ah iyo kan Yurub.

Ugu dambeyntii, hay’addu waxay ku baaqday in Midowga Yurub yeesho isku-duubni iyo qorshe mideysan oo taageeraya waddamada safka hore sida Giriigga oo ay si joogto ah u saameeyaan qulqulka dadka magangalyo-doonka ah.

Madaxweyne Ku-xigeenka Galmudug oo la kulmay Safiirka Turkiga ee Soomaaliya

Madaxweyne ku-xigeenka Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Cali Daahir Ciid, ayaa la kulmay Safiirka dowladda Turkiga u qaabilsan Soomaaliya, Mudane Alper Aktaş, oo fadhigiisu yahay magaalada Muqdisho.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga dhanka horumarka iyo dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha Galmudug, gaar ahaan dekedda Hobyo, wadooyinka, iyo garoomada diyaaradaha.

Sidoo kale, labada masuul ayaa isla gartay in shirkadaha gaarka loo leeyahay ee dalka Turkiga ay maalgashi ka sameeyaan Galmudug, maadaama deegaannada maamulkaas laga dareemayo amni lagu kalsoonaan karo.

Duqa Caasimadda oo kulan la qaatay Madaxda Rugta Ganacsiga

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar kulan kula qaatay masuuliyiinta Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed oo uu kala hadlay kaalinta ay gaacsatadu ka qaadan karaan dadaallada dib-u-dhiska iyo horumarinta Caasimadda.

Kulanka oo uu goobjoog ka ahaa Guddoomiye Kuxigeenka Howlaha Guud ee Gobolka Banaadir Md. Xasan Maxamed Jimcaale ayaa lagu falanqeeyay fursadaha iskaashiga iyo wada-shaqaynta ee Maamulka Gobalka Banaadir iyo Ganacsatada si looga guulgaaro qorshayaasha maamulka ee ku saabsan arrimaha dib-u-dhiska kaabayaasha nolosha oo ay ugu horreeyaan waddooyinka, horumarinta ganacsiyada yar yar iyo shaqo-abuurka dhallinyarada.

Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed Mudane Maxamuud Cabdi Cali Gabayre ayaa bogaadiyay dadaalka uu Maamulka Gobalka Banaadir ugu jiro sidii xal loogu heli lahaa caqabadaha burburka waddooyinka, bullaacadaha iyo adeegyada guud, wuxuuna afka Ganacsatada Soomaaliyeed ku ballanqaaday in ay si buuxda u taageeri doonaan ka-miro-dhalinta qorshayaasha horumarineed ee laga wado Caasimadda.

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey Guddiga Tacliinta Sare ee Qaranka

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa, ayaa ansixiyey xubnaha Guddiga Tacliinta Sare ee Qaranka, oo lagu soo xulay si hufnaan iyo caddaalad ah.

Guddiga ay soo gudbisay Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, ayaa ka kooban 15 xubnood oo ah aqoonyahanno leh karti, khibrad iyo waayo-aragnimo la xiriirta arrimaha waxbarashada iyo maamulka, kuwaas oo ka shaqeyn doona horumarinta hey’adaha tacliinta sare ee dalka. Waxayna kala yihiin:

1. Dr. Cabdinuur Maxamuud – Guddoomiyaha Guddiga

2. Dr. Maxamed Cali Faarax – Guddoomiye Ku-xigeen

3. Dr. Ayaan Sh. Cabdullaahi Maxamed – Xubin

4. Dr. Axmed Aadam Maxamed – Xubin

5. Dr. Roble Ibraahim Liban – Xubin

6. Dr. Cabdulqaadir Cabdulle Cibaar – Xubin

7. Dr. Cabdishakuur Sh. Xasan (Fiqi) – Xubin

8. Dr. Cabdullaahi Maxamuud Shariif – Xubin

9. Dr. Cabdiwahab Cali Mumin – Xubin

10. Dr. Cismaan Maxamed Cabdiraxmaan – Xubin

11. Dr. Faysal Cabdiraxmaan Cabdullaahi – Xubin

12. Dr. Maxamed Macallin Cabdullaahi Kutub – Xubin

13. Dr. Maxamed Ibraahim Nuur – Xubin

14. Dr. Maxamuud Yuusuf Garre – Xubin

Dr. Nadiifa Sheekh Cumar – Xubin

Shirka Golaha waxaa kale oo looga hadlay dib-u-eegista qaab-dhismeedka hay’adaha dowladda iyo waafajinta xeerka kala xadeynta. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa guddoomiyay kulanka, waxaana lagu soo bandhigay warbixinno la xiriira amniga iyo howlgallada socda.

Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka ayaa sidoo kale lagu bogaadiyey dadaalka ay ku tayeysay adeegga Xajka, taas oo suuragelisay in Soomaaliya ay ka mid noqoto dalalka si wanaagsan u maareeyay Xajka sanadkan.

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS iyo Maxkamadda Xisaabta ee Turkiga oo saxiixday heshiis is-afgarad ah

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo dhiggiisa Maxkamadda Xisaabta ee Jamhuuriyadda Turkiga (TCA), ayaa magaalada Ankara ku kala saxiixday heshiis is-afgarad (MoU) oo ku saabsan arrimaha kala ah:

  1. Is-dhaafsiga xirfadaha iyo culuumta la xiriirta manhajka iyo habraacyada fulinta hantidhowris madaxbannaan, iyo korjoogteynta hannaanka maareynta maaliyadda guud ee qaranka, iyadoo hay’ad walba ay raacayso sharciyada iyo xeerarka u degsan dalkeeda.
  2. Wadaagga waayo-aragnimada la xiriirta baarisyada waxqabadka, u hoggaansanaanta sharciga, nidaamyada macluumaadka tiknoolajiyadda, heshiisyada dheef-wadaagga iyo falanqeynta xogaha.
  3. Wada-fulinta cilmi-baarisyo ku saabsan horumarinta xirfadaha hantidhowrka iyo tayeynta hantidhowrayaasha.
  4. Suuragelinta waxbarashada heerarka Master’s iyo PhD ee la xiriira sharciyada, dembiyada maaliyadeed, caddaaladda dembiyada, IT-ga, xisaabaadka, dhaqaalaha, tirakoobka, baarista waxsoosaarka khayraadka iyo warbixinta miisaaniyadda.
  5. Taageeridda horumarinta unugyada baarista waxsoosaarka khayraadka, dabagalka warbixinnada iyo talo-soojeedinta hantidhowrka, isku xirka hay’adaha hantidhowrista iyo xoojinta fahamka waxtarka mabda’a hantidhowrista.

Hantidhowrayaasha Guud ee Soomaaliya iyo Turkiga, Mudane Axmed Guutaale iyo dhiggiisa Mudane Metin Yener, ayaa madasha saxiixa heshiiska ka muujiyay sida ay uga go’an tahay wadashaqeyn waxtar leh iyo dhaqangelinta heshiiskan.

Dowladaha Soomaaliya iyo Sacuudi Carabiya oo yeeshay kulan lagu xoojinayo iskaashiga dhijitaalka ah

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan Maxamed Aadan Macallin (Soomaali), ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Wasiirka Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyada Boqortooyada Sacuudi Carabiya, Mudane Injineer Cabdullaahi Aamir Al-Swaha.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada dal ee dhinacyada horumarinta adeegyada dowladda dhijitaalka ah, dhismaha kaabeyaasha isgaarsiinta, iyo maalgelinta tiknoolajiyadda casriga ah ee kor u qaadaysa adeegyada dadweynaha.

Wafdiga Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa qeyb ka ahaa Maareeyaha Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka, Mudane Mustafa Yasin Sheikh, oo kulanka uga qeyb qaatay dhinaca farsamada iyo qorsheynta istaraatiijiga ah ee la xiriirta shabakadaha isgaarsiinta iyo nidaamyada dhijitaalka ah.

Kulanka ayaa kusoo dhammaaday is-afgarad buuxa, iyadoo Wasiirka Isgaarsiinta Sacuudi Carabiya uu si gaar ah ugu amaanay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Wasaaradda Isgaarsiinta dadaalka xooggan ee ay ugu jiraan horumarinta isgaarsiinta iyo adeegyada dhijitaalka ah.

Ugu dambeyn, labada dhinac waxay hoosta ka xariiqeen muhiimadda ay leedahay in la sii xoojiyo xiriirka taariikhiga ah ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Boqortooyada Sacuudi Carabiya, iyagoo isku raacay in la dardar-geliyo wada-shaqeynta ku aaddan casriyeynta dowladnimada iyo ka faa’iideysiga tiknoolajiyadda casriga ah.

Wafdi ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya oo gaaray Laascaanood

Laascaanood Wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Yuusuf Cali (Xoosh), ayaa maanta gaaray magaalada Laascaanood ee xarunta maamulka SSC-Khaatumo.

Wafdiga ayaa ka kooban wasiirro heer federaal, Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Aqalka Sare Mudane Timacadde, iyo xildhibaano ka tirsan Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka.

Ujeedada safarka wafdiga ayaa ah ka qeybgalka Shirweynaha dhameystirka maamul-dhiska SSC-Khaatumo oo si rasmi ah uga furmay magaalada Laascaanood, iyadoo kulankan uu yahay mid muhiim u ah xoojinta hannaanka dowlad dhiska deegaanka.

Wafdiga ayaa lagu wadaa in ay kulammo la yeeshaan qaybaha kala duwan ee bulshada, si loo dardargeliyo dadaallada nabadda, horumarka iyo maamulka loo dhanyahay ee SSC-Khaatumo.

Wasiirka Dhallinyarada XFS oo ka qeyb galay daah-furka Istaraatiijiyadda Dhallinyarada Carabta

Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdulqaadir Cali, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Cammaan ee dalka Urdun, halkaas oo uu uga qeyb-galayo daah-furka Istaraatiijiyadda Carbeed ee Dhallinyarada, Nabadda iyo Amniga (Arab Strategy for Youth, Peace and Security).

Munaasabadda furitaanka oo si heer sare ah loo agaasimay ayaa waxaa kasoo qeybgalay wasiirrada Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ee waddamada Carabta, iyadoo magaalada Cammaan loo aqoonsaday caasimadda Dhallinyarada Carabta ee sanadka 2025.

Wasiirka ayaa kulamo gaar gaar ah la yeelan doona dhiggiisa Carbeed iyo wakiillo ka socdo hay’adaha caalamiga ah, si uu uga warbixiyo qorshaha Soomaaliya ee la xiriira Dhallinyarada, Nabadda iyo Amniga, kaas oo maraya heer gebogebo ah.