Home Blog Page 809

Sii hayaha Ra’iisul wasaaraha XFS oo Kulan fogaan arag ah uga qeyb-galay madasha adeegsiga Afsoomaaliga.

0

Dood cilmiyeed looga hadlayay Xaaladda Af Soomaaliga ee dhinac  Maamulka iyo ganacsiga, ayna soo qabanqaabisay Akadeemiye Goboleedka AfSoomaaliga (AGA) ayaa lagu qabtay barta Zoomka ee Aaladda fogaan aragga!

Dooddaas ayaa waxaa ka soo qeybgalay Sii hayaha Ra’isul wasaaraha dalka, Wasiirka Arimaha Dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee xukuumadda federaalka Soomaaliya , xeeldheerayaal ku taqaqusay afka iyo aqoonyahanno badan.

Sii hayaha Ra’iuslwasaaraha dalka Mudane Mahdi Guuleeed (Khadar) oo ka hadlayay Furitaankii doodaasi ayaa ka hadlay muhiimada uu afku leeyahay, waxaana uu cadeeyay dawladda inuu muhiimad gaar ah siineyso hormarinta iyo xooginta afka Soomaaliga, isaga oo u mahadceliayay Akadeemiyad goboleedka afka Soomaaliyeed ee AGA ee soo qaban qaabiyay Barnaamijkaan lagu xoojinayo afka Hooyo.

“Dowladda Soomaaliyeed waxa ay ka shaqeyneysaa horumarinta afka Hooyo si kor loogu qaado kobaca afka isla markaana jiilka cusub ay u bartaan ayuu ku daray hadalkiisa Mudane Mahdi Maxamed Guuleed

Wasiirka Arimaha Dibadda iyo iskaashiga caalamiga ee dowladda Soomaaliya Amb Axmed ciise Cawad ayaa sheegay inuu Soo dhawaynayo dadaalka ay Aga ugu jirto hiilka afka Soomaaliga, isaga oo balanqaaday inuu la shaqeynayo bahda ku hawlan daryeelkiisa.

“Waxaan ku faraxsanahay in Akadeemiyeed goboleedka afka Soomaaliga ee AGA inay xarumo ku leedahay magaalooyinka dalka iyo dibaddiisa iyo sidoo kale qaar ka mid ah gobolada Soomaalida ay degto sida Kenya iyo Itoobiya waana macquul inay xarumahaasi ay door ka qaataan dib u kobcinta afka Soomaaliga.

Duqa Miqdisho oo dhagax dhigay xaruun lagula tacaalayo fatahaadaha ka dhasha roobabka.[Sawirro]

0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa caasimadda Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar filish) ayaa maanta dhagax dhigay goob loogu talogalay in laga dhigo Biya-qabad laguna maareyn doono biyaha roobka, taasi oo laga hirgalin doonaa wadada horumarta dugsiga tababarka General kaahiye iyo inta u dhaxeysa garoonka diyaaradaha Aadan Cabdulle Cusmaan,

Dhagax dhiga guddoomiyaha gobolka waxaa ku wehlinayay guddoomiye ku xigeenka Howlaha Guud Cumar Cali Cabdi ,Guddoomiye ku xigeenka Arrimaha Bulshada Marwo Basmo Caamir Jakeeti iyo guddoomiyaha Rugta ganacsiga Soomaaliyeed Cabdikariin Maxamuud Gabeyre.

Mashruucaan biyo mareenka ayaa waxaa loo dhisayaa si casri ah,iydoo loo sameynayo tobooyin biyaha geynayay Badda maadaama ay muddooyinka halkaasi ay noqotay goob biyo fariisin ah xilliyada roobka, isla markaana ay tahay marin muhiim u ah bulshada degmada Xamar jajab iyo sidoo kale garoonka Aadan Cade ee Magaalada Muqdisho.

Guddoomiye ku xigeenka howlaha guud ee maamulka gobolka Banaadir Cumar Cali Cabdi ayaa sheegay in halkaan laga sameynayo maraag iyo ama biyo qabad taasi oo loo dhisayo mid biyaha u gudbineyso badda waxaana sidoo kale ganac ka geysanayo rugta Ganacsiga Soomaaliyeed.

“Dhawaan waxaan daah-furi doonaan barnaamijka isku tashi ee guud ahaan caasimada laga dhaqan galinayo sida dib-u-dhiska wadooyinka ,Waxbarashada iyo caafimaadka waana barnaamijka kaabaya waxyaabaha aas aasiga u ah bulshada Caasimada ayuu hadalkiisa ku daray guddoomiye (Cumar Filish).

Marwada Madaxweynaha Dalka oo dhagax-dhigtay Cisbitaalka Hooyada iyo Dhalaanka Hobyo+Sawirro.

0

Marwada Madaxweynaha Dalka Saynab Cabdi Macalin iyo Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid  ayaa maanta dhagax-dhigay  Isbitaalka Hooyada iyo dhalaanka ee Degmada Hobyo ee gobolka Mudug.

Dhagax-dhigga waxaa ku wehlinayay guddoomiyaha golaha wakiilada Galmudug Dr. Maxamed Nuur Gacal ,Guddoomiyaha gobolka mudug Cabdiraxmaan Cali Diiriye Isxal  iyu masuuliyiin ka socday hay’adda Qatar jaarati ee Soomaaliya.

Marwada Madaxweynaha Dalka Saynab Cabdi Macalin ayaa sheegtay inay aad ugu faraxsanatahay in xafiiskii ugu horeeyay ee noocaan ay ka hirgaliso degmada Hobyo waxaana sidoo kale ay sheegtay in xaruntaa loo dhisay dhammaan deegaanada hoosyimaado.

“Waxaan idin kula dar daarmayaa inaad ilaashataan xarunta muhiimka u ah Haweenka Soomaaliyeed sidoo kale Sharaf ayay ii tahay inaan wax uqabto dadkeyga iyo dalkeyga hase ahaate waxaa igu dhaliyay in xaruntaa dhiso fariin iiga timid haweenka deegaanka ayay ku dartay hadalkeeda marwo Seynab Cabdi Macalin Marwada madaxweynaha dalka.

Sidoo kale Marwada madaxweynaha Dalka Seynab Cabdi Macalin waxaa ay sheegtay in mashruucaan dhismaha xarunta  hooyada iyo dhalaanka qarashka ku baxaya ay ka kaashaneyso Hay’adda Qatar Jaarati sidoo kale dhulkane uu bixiyay muwaadin Soomaaliyeed Abshir Diine Cawaale

Ugu dambeyn marwada madaxweynaha dalka waxa ay u mahadceliyay dhammaan bulshada iyo masuuliyiinka kala duwan ee soo dhaweynta diiran usameeyay.

Sii hayaha Wasiirka Shaqada XFS oo shir Guddoomiyay kulanka habraaca shaqo qorista shaqaalaha Dowladda+Sawirro.

0

Sii hayaha wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Sadiiq Warfaa ayaa maanta guddoomiyay kullan la xiriiray dardargalinta hab-raaca shaqo qorista shaqaalaha dowladda waxaan goob joog ka ahaa kullanka  guddoomiyaha Guddiga qaranka shaqaalaha rayidka Xasan Abshiroow ,xubno ka tirsan guddiga iyo saraakiil ka tirsan wasaaradda.

Kulanka ayaa ka dhacay xarunta wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada xukuumadda federaalka Soomaaliya iyadoo diiraradda inta badan lagu saarayay arrimaha shaqaalaha rayidka iyo nidaaminta hab-raac shaqo qorista ee shaqaalaha dowladda.

Dhinaca kale, sii hayaha wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada ee xukuumadda federaalka Soomaaliya  Mudane Xildhibaan Sadik Warfa ayaa waxa uu  ku qaabbilay xafiiskiisa Mudane Ali Ibraahim Anoy oo dhowaan loo magacaabay inuu xubin ka noqdo Guddiga qaranka ee shaqaalaha rayidka dowladda, isagoo buuxiyay xubin horey uga bannaaneyd guddiga.

QM oo sheegtay in ay kumannaan Soomaali ah ku xanniban yihiin Dalka Yemen.

0

Hay’adda Qaramada midoobay u qaabbilsan socdaalka ee IOM ayaa sheegtay in kumannaan musaafuriin sharci darro ah ay ku xayiran yihiin Dalka Yemen, halkaas oo ay ka jiraan colaado daba dheeraaday.

Waaxda IOM u qaabbilsan baxnaaninta barakacayaasha ee DTM ayaa diiwaan gelisay 3,669 musaafuriin ah, kuwaas oo badankood ka tagay Soomaaliya intii u dhaxaysay April illaa June 2020, sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay hay’adda socdaalka Adduunka.

Warbixinta ayaa sidoo kale lagu sheegay in Dad gaaraya 4000 oo musaafuriin sharci darro ah una badan Soomaali  ay hay’adda IOM ka codsadeen Bishii June ee Sanadkan taakuleyn ku aaddan in loo celiyo Dalkoodi Hooyo.

Musaafuriinta sharci darrada ah oo badankooda ka tagay geeska Afrika ayaa waxay Dalka Yemen gaareen xilliyo kala duwan, si ay fursado shaqo iyo nolol ugu raadsadaan Waddamada Khaliijka Carabta.

Madaxweynaha Puntland oo ka tacsiyeeyay geerida Taliyihii ciidamada ilaalada Madaaxtooyada Puntland.

0

Madaxweynaha Dowlad goboleedka  Puntland Siciid Cabdullaahi Deni waxa uu tiiraanyada la qeyb-sanayaa geerida Alle ha u naxariistee Taliyihii ciidanka Madaxtooyada Puntland Marxuum G. Sare Cismaan Cumar Maxamed iyo Saddex Xarigle Axmed Yuusuf Cabdi la wadaagayaa dhammaan ciidamada qalabka sida ee Puntland, si gaar ah ciidanka Daraawiishta, gaar ahaan ciidanka Madaxtooyada, eheladii qaraabadii qoyskii iyo asxaabtii uu ka geeriyoodey Marxuumku.

Taliyihii ciidanka madaxtooyada Alle Naxariistii Janno haka waraabiyee ayaa ku geeriyoodey hawlgal ay ciidanka madaxtooyadu saaka ka fuliyeen gudaha magaalada Gaalkacayo oo ay kusoo qabteen mukhaadaraad iyo shufti nabadiid ah oo ka ganacsanayey.

Madaxweyne Deni ayaa tilmaamay Alle ha u naxariistee Marxuum G.Sare Cismaan Cumar Maxamed in uu ahaa shakhsi wanaagsan oo shaqo yaqaan ah, sarkaal daacad ah oo ku wanaagsan hogaaminta ciidanka, waxa uu Alle u weydiiyey inuu naxariistii Janno ka Waraabiyo, dembigiisa dhaafo, su’aasha qabriga u sakhiro, samir iyo iimaanna ka siiyo dhammaan shacabka reer Puntland, ciidamada Qalabka sida, kuwa Madaxtooyada, ehelkii, qaraabadii, asxaabtii iyo qoyskii uu ka baxay. Sidoo kale waxa uu Alle uga baryey Madaxweynuhu intii ku dhaawacantay inuu u booga dhayo.

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN

XFS oo Maamulka Gobolka Banaadir ku wareejisay Waxbarashada Caasimadda.

0

Munaasabad ballaaran oo maanta lagu qabtay hoolka sahal ee magaalada Muqdisho ayaa Maamulka Gobolka Banaadir Lagu wareejiyay waxbarashada Caasimadda.

Munaasabadaasi waxaa ka qeyb-galay sii hayaha Ra’isul wasaaraha dalka ahna sii hayaha Ra’isulwasaare ku xigeenka XFS Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Qadar) Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa caasimadda Cumar Maxamed Maxamuud (Cumar-Filish) sii hayaha wasiirka waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta sare ee XFS Mudane Cabdullaahi Goodax Barre iyo xubno kale oo ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Maamulka Gobolka Banaadir oo kaashanaya wasaaradda waxbarashada  ayaa 19-kii bishii aan soo dhaafnay qaaday imtixaanka dugsiyada sare  ee Gobolka Banaadir.

 

Duqa Muqdisho oo Bulshada Boondheere ka dhagaysanaya baahiyahooda. [Sawirro]

0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar filish) oo ay wehliyaan Gudoomiye ku-xigeennada Maamulka Gobolla Banaadir ayaa ka qeyb galay kulanka ka warqabka Bulshada iyo wacyi gelinta Dadweynaha oo lagu qabtay Degmada Boondheere ee Gobolka Banaadir.

Mudane Cumar Filish, ayaa Bulshada Degmada Boondheere kula dardaarmay in ay xoojiyaan la shaqeynta maamulka, wuxuuna ballan qaaday in maamulka Gobolka Banaadir uu wax ka qaban doono baahiyaha gaarka ah ee ay soo gudbiyeen.

Kulanka ayaa qeyb ka ahaa dedaallada uu maamulka Gobolka Banaadir ugu jiro in lagu abuuro jawi iska warqab ah, si xal loogu helo baahiyaha kala duwan ee ay qabaan Bulshada ku dhaqan Caasimadda Dalka.

Taliyihii Ciidamada Ilaalada Madaxtooyada Puntland oo ku geeriyooday howlgal ka dhacay Gaalkacyo.

0

Taliyihii Ciidamada ilaalada madaxtooyada Dowlad Goboleedka Puntland G/Sare; Cismaan Cumar Maxamed ayaa lagu dilay is-rasaasayn maanta ka dhacday Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo.

Dilka Taliyaha ayaa yimid kadib markii ay Ciidanka Madaxtooyada Puntland ee Magaalada Gaalkacyo ay how-gal ka sameeyeen goob lagu iibiyo maandooriyaasha, iyagoo iska caabbin kala kulmay malleeshiyo halkaasi ilaalo ka haysay.

Dagaalka ayaa sidoo kale sababay dhimashada Toddoba Qof oo isugu jira dhinacyadii ay dirirtu dhex martay iyo Dad Rayid ah oo goobta ka dhowaa, waxaana haatan deggen xaaladda halkii uu iska hor imaadku ka dhacay.

Booliiska Puntland oo gacanta ku dhigay koox ka ganacsanaysay Khamriga.

0

Ciidanka amniga dowlad Goboleedka Puntland ee PSF iyo kuwa Booliska ayaa xalay howlgal qorsheysan ka fuliyay xeradda Kabidda oo ku taalla bartamaha Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug dhinaca Puntland.

Howlgalkan ay sameeyen Ciidamada waxaa lagu soo qabtay Khamri badan iyo rag hubeysan oo ka gacansanaayay maandooriyaha, waxaana inta uu socday howlgalka ay Ciidanka iska caabin kala kulmeen raggii hubeysnaa.

Qoraal kasoo baxay Taliska Qeybta Booliska Gobolka Mudug ee Puntland ayaa waxaa lagu sheegay in howlgalkaas lagu qabtay 5 kamid ah raggii ka gacansanaayay maandooriyaha Khamriga, halka mid kalena ay Ciidanka dhaawac u geysteen,waxaana goobta howlgalka laga sameeyay ay saldhigga ugu weyn ee lagu iibi jiray Khamriga iyo Maandooriyaasha kale,sida qoraalka lagu sheegay

“Waxaa ciidamada Amniga Puntland , PSF, (PMP BIRMADKA ) iyo Booliska ay howlgal culus ay ka fuliyeen xeradda Kabidda magaalada Galkacyo halkaas oo gabi ahaan ay ciidamada amniga ka howlgalaya gobolka ay gacanta ku dhigeen rag ka ganacsada maandooriyaha khamriga. Waxaana howlgalka lagu dhaawacay mid kamid ah raggaasi waxaana gacanta lagu dhigey 5 kamid ah oo kuwa ka ganacsada maandooriyaha khamriga oo caadeeystayaal ahaa” ayaa lagu yiri qoraalka Taliska Booliska.